SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND


  • Golaha Baarlamanka DGPL oo Si Kedis ah u Ansixiyey Heshiis aan Dowladdu Faahfaahin...
  • Idaacadaha hoos yimaada Wasiirada Puntland oo sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu u hanjabay Idaacada Garoowe

Golaha Baarlamaanka Puntland Ayaa Xisaabtan Maaliyadeed Ugu Yeeray Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada Puntland.


Golaha Baarlamanka DGPL oo Si Kedis ah u Ansixiyey Heshiis aan Dowladdu Faahfaahin...

Halkan ka dhegeyso Sidii ay u dhacday doodii Baarlamaanka iyo ansixintii Heshiiska Shidaalka PL
(Radio Australia sbs): Waxaa waraysigaas qaaday Ciise Maxamuud Dholawaa, waxana uu la yeeshay Nuux Muuse oo ah weriye jooga Garoowe)

  • C/Laahi Yuusuf ma tegi doonaa Puntand ayadoo aan baarlamaanka DFKMG ah ansixin Xeerkii shidaalka ee lagu soo agaasimey Malindi, Kenya....
May 25, 2006 ayay ahayd markii uu agaasimihii guud ee Range Resources, Mr. Jim Marinis is casiley, agaasimahaas oo ahaa kii October 2005 shaaca ka qaaday in Agaasimayaasha Shirkada "Consort" ay ka mid yihiin wasiiro ka tirsan dowlad goboleedka Puntland.  Xilligaas waxaa agaasimayaasha "Range" lagu daray Liibaan Boqor.

May 29, 2006 ayey ahayd markii Madaxweyne Cadde Muuse uu shirkadda Range Resources ku tilmaamay "JIRRI", markaas ayaa shirkadaasi websiteyadii warkaas Soomaalida u faafiyey u soo jeedisey hanjabaad. (Hadalkii Cadde Muuse ka dhegeyso halkan.... ).


Maxaa Run Ka ah Hadalkii "Wakiilka" Terry u Fadhiya Magaalada Garoowe.. AKHRi.


Digaaga iyo Macdanta Puntland:::

"Dhulka ay u baahdeen waa ilaa 3 km oo Boosaaso looga baahan yahay. Dhulkaas IIB ma aha, anagaa siineynaa, waayo wax ka weyn baanu ka rabnaa. Waxay ka dhisanayaan guryo, Camp ayay ka dhiganayaan, beer ay cunto kala soo baxaan ayey ka samaysanayaan, digaag ayey samaynayaan oo magaaladu ka faa'iidaysato oo ay iyagu ku nooladaan, iyagaa waxooda wata, wixii hilib digaag ah, hililka kale waa helayaan oo arigaas ayey cunaayaan, laakiin digaag iney keenaan oo magaalada wax ka siiyaan ayaa ku jirta. Sidaas darteed ayey dhulka u rabaan." Dr. Gaagaab | Dhegeyso Hadalkii Wasiirka.


"Heshiis Saddex Geesoole ah oo Lagu Gatay Xaafuun Muddo 99 sanadood ah"
HAFZA oo ah shirkada sheegtay in ay ijaaratay Xaafuun muddo 99 sanadood ah ayaa shaaca ka qaaday waraaqo ay ku saxiixanyihiin Madaxweynaha DFKMG, madaxweynihii hore ee DGPL iyo wasiirkii Hawlaha Guud ee PL.. Guji..



Boosaaso: Carruurta Qashinka ka guranaya Wax ay cunaan... Guji...


Waxaa xusid mudan in bishii December ee 2005 ay ahayd markii ay soo shaac bexeen wararka la xiriirey in DFKMG ay heshiis-badeed la gashay TOPCAT, laakiin heshiiskaas hadal haytiisii laga waayey DFKMG ka dib markii saxaafaddu si xeel dheer uga faalootay arrimaha la xiriirey heshiiskaas. Taas oo ay ka sii horeysey in Febraayo 2005 uu soo shaac baxay heshiiskii saddex geesoodka ah (Puntland/DFKMG/HAFZA) ee Xaafuun muddo 99 sannadood ah lagu siinayey HAFZA, heshiiskaas oo asagana hadal hayntiisii la waayey. Waxa sidoo kale hadal hayntiisa DFKMG laga waayey heshiiskii bishii May ee 2005 magaalada Nairobi ku dhex maray Ra'iisul wasaaraha DFKMG iyo ninka lagu magacaabo mr. Meier oo reer Norway ah oo uu la socdey C/raxmaan Liibaan oo ah Soomaali deggan Norway. C/raxmaan waxaa markiiba loo magacaabay Qunsulka Soomaalida u fadhiya Norway, ninkii reer Norwayna waxaa laga dhigay lataliyaha gaarka ah ee Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya kala taliyaha arrimaha soo saarida Shiidaalka.


Waraysi uu Radio Dalmar la Yeeshay madaxweyne Cadde Muuse: ka Dhegeyso Halkan ama Halkan
Sawirka: Radio Dalmar.

Sidoo kale: Halkan ka dhegeyso Hadalkii uu Cadde Muuse ka jeediyey kulankii Jaaliyada Holland...


Dr. Ilka-Dahab

Georgi Parvanov
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Libya iyo ururka ay ku bahoobeen 23-ka dowladood ee la isku yiraahdo Saaxil Wasaxaraa, Dr Maxamed Xuseen Maxamed (Ilka-Dahab), ayaa mar uu booqasho ku tegey dalka Bulgaria (bishii 8aad ee 2002) oo uu la kulmay madaxweynaha Bugaariya, Georgi Parvanov, waxa ay ka wada hadleen in shirkaddii Geomin ee ka shaqayn jirtey mashruucii Majeyahan iyo Dhalan ee baarista macdanta dib loo soo celiyo, lagana dhiso halkaas wershed samaysa crystals-ka(qaruuradaha),iyo in dekadaha, garoomada diyaaradaha, iyo isgaarsiinba ay wax ka qabato; gaar ahaan garoomada iyo dekedaha waaweyn ee dalka sida kuwa Muqdishu, Kismaayo Berbera, Boosaaso..Iwm. Dr. Ilkadahab waxaa lagala xiriiri karaa: ILKADAHAB@HOTMAIL.COM

Jay Park

Thomas Valentine
Jay Park iyo Thomas Valentine waa qareeno reer Canada ah oo ay DFKMG u shaqaalaysiisay in ay kala taliyaan sharci u samaynta khayraadka Soomaaliya. {Eeg halkan...]

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland oo talaadadii July 11, 2006 hor tegey Golaha Wakiilada PL ayaa waxa uu baarlamaanka u sheegay in ay si degdeg ah u ansixiyaan heshiis ku saabsan macdan baaris/shidaal qodis uu madaxweynuhu hore ula galay shirkad asalkeedii lagu soo asaasay magaalada MALE ee  Jasiiradaha MALDIVES.

Arbacadii July 12, 2006 ayaa waxaa uu madaxweyne Cadde Muuse uu baarlamaanka Puntland soo hor dhigay qoraal ka kooban sagaal qodob, kaas oo lagu macneeyey in uu yahay heshiiska ay Puntland la gashay shirkada Consort ltd /Range Resources markey taariikhdu ahayd 30 August 2005 (Xaqiiqadusa ay tahay in heshiiskaas lala galay 'Consort ltd' oo ay dowlada iyo Terry kusoo dhiseen Jasiiradda Maldives - waxan aay ahayd October 5, 2005 markii ay Range Resources sheegtay in "Shirkada Consort" ay Saami ahaan 50.1% Khayraadka Puntland ka Iibisey "Shirkada Range Resources")

Baarlamaanku waxa ay madaxweynaha wediisteen in uu siiyo waqti ay heshiiskan kaga baaraan degaan, laakiin arrintaas waxaa ka hor yimid madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo sheegay in ay tahay in heshiiskaan la ansixiyo isla maanta, sidii madaxweynuhu rabey ayeyna arrintii u dhacday, waxaana sidaas lagu ansixiyey heshiiskaas.

Heshiiska soo saarista iyo baarista macdanta/shidaalka Puntland oo ka kooban sagaalka qodob waxaa baarlamaanka Puntland ka hor akhriyey madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqurac.

Heshiiska baarlamaanka la soo hor dhigay ayaa u qornaa sidan:::

Waxaa Heshiiska bilow ah oo baarintaanka iyo soo saaritaanka macdanta iyo shidaalka uu dhex maray Dowlad Goboleedka Puntland iyo Shirkadda Consort/Range Resources , 30 bishii siddeedaad (Agoosto) ee sannadkii 2005, kuna dhex maray magaalada Dubai ee dalka imaaraadka Carabta:

1. In shirkadda Consort /Range Resources ay baarin macdaneed iyo shidaal ka fuliso dalka Puntland muddo Afar sano ah

2. in shirkadda Consort/Range Resources ay baaridda kaddib u gudubto soo saarista khaaraadka ka soo baxa baarista afarta sano, waxaana heshiiska baarista la gelayaa muddo afar bilood ku siman oo ka bilaabata maanta (July 12, 2006)

3. Dhulka waxaa loo qaybinayaa waaxyo (Blocks) iyadoo shirkadda Consort/Range Resources ay caddayn doonto waaxyaha (blocks) ay danayneyso si aan block-yada kale aysan ugu xayirmin

4. Heshiiska rasmiga ah ee wax qaybsiga waxaa la gelayaa markii la gaaro wax soo saarka

5. in shirkadda Consort/Range Resources ay gacan ka siiso DGPL meel marinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta arrimaha bulshada

6. Waxaa labada dhinac isla ogolaadeen in ay soo kasbaan shirkado kale oo wax ka fuliya hawlahaasi

7. In haddii uu khilaaf dhex maro DGPL iyo shirkadda Consort/Range Resources lagu xalliyo dhex dhexaadin  sida uu qabo xeerka caalamiga ah ee Rugta Ganacsiga Caalamiga ah, goobta dhex dhexaadintuna waxa ay noqoneysaa magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta

8. Haddii ay soo baxaan cillado heshiisku uu la socon waayo oo dhinac dalbado uu heshiiska ka baxo waxa uu waqad qoraal ah lix bilood ka hor u soo gudbinayaa dhinaca kale inta aysan dhammaan mudada heshiisku.

9. Inta laga samaynayo sharciga macdanata iyo shidaalka oo heshiiska lagu wada yahay waxaa lagu dhaqmayaa kii dowladdii hore ee Soomaaliyeed

Qodobadaas waxa ay madaxda sare ee DGPL (Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu) ku macneeyeen heshiiska ay Puntland la gashay shirkadda consort/Range, laakiin laguma lifaaqin qoraalkii rasmiga ahaa ee muujinayey heshiiskii rasmiga ahaa ee lagu kala saxiixday Dubai iyo qoraalkii lagu soo dhisay shirkadda Consort oo ay xubno ka yihiin wasiirada dowladda Cadde.

Waxaa jira warar hoos ahaan looga helay ilo ku dhow dhow madaxtooyada DGPL, kuwaas oo sheegaya in markii uu dhacay iska hor imaadkii Majahan ee dadka degaanku ay kaga soo hor jeedeen in halkaas laga baaro macdan aan iyaga lala tashan,in warkii markii uu gaarey suuqa ganacsiga ee Australia (ASX) ay aad hoos ugu dheceen saamiyadii shidkadda Range Resources, isla markaas ayaa shirkadda Range waxa ay joojisey lacagtii ay siin jireen madaxda sare ee DGPL, waxana ay ku xujeeyeen Puntland in ay keento in heshiiskaas uu ansxiyo Baarlamaanku iyo in uu aqbalo madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf si sayladaha Australia loo tuso saxiixaan oo markaas saamiyada kor loogu soo saqo (habkaas oo adduunka looga yaqaan Market Manipulation), markaasna lacagtii dib loogu bilaabo Puntland, lacagtaas oo qaybteedii hore oo lagu qiyaasay 3 million oo doolar aysan ku dhicin khasnada dowladda .

Dhowaan ayaa la filayaa in madaxweynaha DFKMG uu arrintaas u tago Puntland, waxaanse la hubin in madaxweyne Cabdullahi Yuusuf uu tegi doono Puntland ayadoo aan weli baarlamaanka DFKMG la hor geyn xeerkii khayraadka Soomaaliya ee magaalada Malidi lagu soo agaasimey ee ra'iisul wasaaraha lagu wareejiyey June 12, 2006.

Sidoo kale lama oga in madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf marka uu tago Puntland uu wax ka dhehi doono Qoraalkii ay Isniin June 12, 2006 soo saartay "Northbridge Services Group" (NSG) oo ahaa in dowladda Federaalka Kumeelgaarka ee Soomaaliya (DFKMG) ay NSG u ansixisay lahaanshaha gebi ahaanba xuquuqda bixinta heshiisyada shidaalka Soomaaliya. (AKHIR: "NSG" Waa Shirkad Caynkee ah).

Isla markii (July 12, 2006) baarlamaanka Puntland uu ansixiyey qodoba sagaalka ah ee kor ku xusan waxa ay shirkadda Range Resources qoraal u dirtay suuqa ganacsiga ee Australia, qoraalkaas waxa ay isla markiiba ku cadeeyeen in dhulka ay baarayaan shirkadaasi uu yahay 100,000 square km, iyo qodobo kale. Waxa kale oo ay halkaas kusoo bandhigeen sawiro ay lahayd shirkada Conoco lagana qaaday Dooxada Nugaal. Qoraalkaas Ka eeg halkan ama Halkan ka eeg... (pdf)

Idaacadaha hoos yimaada Wasiirada Puntland oo sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu u hanjabay Idaacada Garoowe

Warar ay maanta (July 13, 2006) faafiyeen idaacadaha hoos yimaada wasiirada DGPL ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka DGPL, Xasan Daahir Afqurac uu digniin kulul u jeediyey Radiye Garoowe.

Waxa warku intaas raaciyey in Madaxweyne ku xigeenku sheegay in idaacadaasi ay faafisay warar lagu sheegay aflagaado iyo been abuur laga sameeyey madaxda sare ee DGPL. Taas oo la yiri waxaa ka mid ah in radiye Garoowe uu sheegay in intii uu Cadde Muuse dalka dibada kaga maqnaa uu dhunday lacag iyo in wasiirka maaliyada iyo madaxweyne ku xigeenku ay wada shaqayn kari waayeen, wararkaas oo lagu macneeyey kuwo aan sal lahayn.

Sida ay weriyeen idaacadaha hoos yimaada Wasiirada Dowlada, Xasan Daahir Afqurac waxa uu Radiye Garoowe ku tilmaamay mid ay warar been abuur ah ka fafiyaan inamo yaryar oo qeyru mas'uul ah. Waxana ay intaas ku dareen in idaacadaas la xiri doono haddii aysan joojin wararka ay k afaafineyso madaxda sare ee DGPL.

Qaabka ay u dhisan tahay warbahinta Puntland ayaa ah laba hab: Warbaahin ay leeyihiin wasiirada Dowalada, kuwaas oo loo ekeysiiyo kuwo madax bannaan, laakiin lagu maal geliyo hantida qaranka, kuwaas oo u taagan in aysan haba yaraatee ka madax bannaanayn dowlada, mana faafin karaan wixii xaqiiqo ahaan ay u ogyihiin iyo xaalada dhabta ah e Puntland, waxna kama qoraan arrimaha bulshada iyo sida ay dowladdu ugu tagri fasho awoodeeda. Kuwa kale ayaa ah kuwo ka madax bannaan dowlada in kasta oo ay gababsi ku yihiin inta ay xakunto Puntland, kuwaas oo aan ka hawl geli karin Puntland, loona geysto hanjabaad, caga jugleyn, nintooxsi, iyo xabsiga oo mararka qaarkood toos loogu taxaabo. Reer Puntland waxa ay warbaahinta u yaqaanaan "Sheeg waxa ay dowladu rabto, ama Puntland iskaga tag".

Waxaa tusaale akhristaha ugu filan in dalka Thailand lagu xiray dhallinya Soomaaliyeed, oo ay ilaa hadda si xaq darro ah ugu xiran yihiin, taas oo aysan xaqiiqada xarigaas ka dambaysa ka hadlin idaacadaha iyo warbaahinta ay maamulaan wasiirada dowladdu, taas oo aysan su'aal ka weydiin karin madaxweynaha, madaxweyne ku xigeenka, taliyha booliska iwm sababta ay uga qayb qaadan waayeen in la soo daayo dhallinyaradaas oo xaqiiqo ahaan ka tirsanaa daraawiishda ilaalinayey badda Soomaaliyeed. Madaxweynuhu waxa uu maalin kasta safar ku tagaa Dubai si uu ula soo hadlo shirkado uu sheego inay dan u yihiin dalka, laakiin safar marna uguma dhaqaaqo Thailand si uu ula soo hadlo boqorka dalkaas si dhallinyaradaas loo soo daayo - waa halkaas meesha ay dowladu fahmi la'aday in shacabku ugu niyad jabeen dowladda.

Cid tageeraysa "in been abuur la faafiyo ma jirto", haddiiba ay jirto, laakiin miyaan shacabka iyo warbaahinta Puntland xor u ahayn inay madaxdooda weydiiyaan sababata muwaadiniintaas ku xiran dhul shisheeye, lagana qafaashay xeebta Soomaaliya iayagoo shaqadii ay dowladdu u dirtay gudanaya ay ugu doodi waayeen.

Dhanka kale, Dhowaan ayey ahayd markii Shirkadda Range Resources ay u hanjabtey warbaahinta wararka ka qora arrimaha Puntland.

AKHRI::: Golaha Baarlamaanka Puntland Ayaa Xisaabtan Maaliyadeed Ugu Yeeray Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka iyo Wasiirka Maaliyada Puntland.


Sawirkan hoose waa magaalada MALE' ee Jasiirada Maldives oo ah meesha ay ka diiwaan gashan tahay shirkada Consort ltd ee ay Puntland heshiiska kula gashay in ay dalka ka baarto macdan iyo shidaal.

Sawirka oo weyn ka eeg halkan (sawirka: wikimeadia)


Wararkii Puntland ee July 12, 2006

  • Dekeda iyo Garoonka Boosaaso oo shirkado aan la macgaabin laga kirayn doono muddo rubuc Qarni ah...
  • C/Laahi Yuusuf oo Puntland u Tegayo Arrimo La Xiriira Macdan Qodista Puntland
  • Cadde Muuse oo Sheegay in Itoobiya ay Waxa ay Doonaan kala soo degi karaan Dekedda Boosaaso
  • Garowe: cade muuse oo sheegay in lacag kabadan 70Billyan lalabaxay loona baahan yahay baaritaan in lagu sameeyo.

C/Laahi Yuusuf oo Puntland u Tegaya Arrimo La Xiriira Macdan Qodista Puntland

(Garoowe: July 12, 2006) :Warar SomaliTalk.com ay ka heshay ilo war gal ah ayaa sheegay in Dowladda Federaalka kumeelgaarka ay heshiisyo qarsoodi ah magaalada Malindi ee dalka Kenya ay kula soo gashay shirkado gaar ah, heshiiskaas oo lagu sheegay "Qaybsi saami wax soo saar shidaaleed amaba 'Production Sharing Agreement'", kaas oo ay DFKMG la gashay Shirkad laga leyahay dalka Indonesia iyo Joint Venture oo ay la gashay shirkad laga leeyahay dalka Kuwait.

Dowladu arrintaas ma shaacin, baarlamaanka DFKMG ahna si furan looma hor geyn. Waxaana jira warar hoose oo sheegaya in madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yuusuf safarkiisa uu dhowaan ku tegayo Puntland in ay la xiriirto sidii heshiiskaas qarsoodiga ku bilowday looga hir gelin lahaa Puntland. Waxaana arrintaas usii gogol xaarey madaxweynaha DGPL oo intii uu Dubai joogey shirkadii hore ee Range ee uu heshiiska ula galay u sheegay in qodobo ka mid ah heshiiskii hore ay Puntland ka laabatay, qodobka ugu muhiimsana uu ahaa in shirkado kale ay iman karaan dalka.

Cadde Muuse oo Sheegay in Itoobiya ay Waxa ay Doonaan kala soo degi karaan Dekedda Boosaaso

(Garoowe:  July 12, 2006):- Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Gen. Cadde Muuse oo Talaadadii July 11, 2006 la hadlayey golaha Wakiilada (Baarlamaanka) Puntland ayaa sheegay in Dekedaa Boosaaso ay furdo u noqoneyso dalka Itoobiya ay ka soo degsan karan wax allaale iyo wixii ay doonaan. Arrintaas isagoo ka hadlayana waxa uu yiri "In aynu Itoobiya dhaqaaleheenna ku xirano baan rajeyneynaa, dowladda Itoobiyana waa kala hadalay in ay furdo u noqoto, meelaha qaarkoodna, ay wax la arko iyagu ka soo degsadaan dhulka, sida Jabuuti, Hargeysana waa siisay, dal bey siisay." (Halkan ka dhegeyso hadalkaas Madaxweynaha).

Madaxweynaah DGPL intii uusan safarkiisii ugu dambeyey dib uga soo laaban Dubai (July 4), waxa uu safar qarsoodi ah ku tegey magaalada Addis Ababa, waxana wararku tilmaameen in Cadde Muuse uu Addis-Ababa tegey xili uu ka soo duulay UAE oo habeenimo ah, safarkaas oo aan faahfaahin laga bixin. Waxaase hadda muuqata sababtii safarkaas oo ahayd wadahadal ku saabsan in Itoobiiya wixii ay doonaan ka soo degsan karaan magaalada dekedda ah ee Boosaaso, si toos ahna la isugu xiro Dekedaha Puntland iyo dalka gumeysta Qowmiyado Soomaaliyeed iyadoo aan shacabaka iyo baarlamaanka Puntland arrintaas lagala tashan.

Cadde Muuse waxa uu sheegay in dekeda iyo garoonka Boosaaso laga kirayn doono shirkado muddo 25 sanadood ah, in kasta oo uusan magacaabin shirkadahaas, laakiin waxa uu isla markaas sheegay hadalka ah in dekedda Boosaaso ay Itoobiya ka soo degsan karaan waxa ay doonaan, taas oo dadka siyaasadda odorosa ay ku fasireen in shirkad Itoobiya hoos timaada lagu wareejin doono dekedda iyo Garoonka Boosaaso, taas oo ay gacanta ku hayn doonaan muddo rubuc qarni ah, maadaama waxa ay Itoobiya ka soo degsan karto dekedaha Puntland aan la cayimin. (Tan oo reer Puntland soo xusuusineysa kirayntii xaafuun ee mudada qarniga).

Arrinta dekeda iyo Garoonka diyaaradaha hadalkii uu ka yiri madaxweyne Cadde Muuse halkan ka dhegeyso.

Qaarka warbaahinta Puntland ee aan hoos imaan wasiirada DGPL ayaa sheegay in madaxweyne Cadde Muuse uu golaha Baarlamaanka u sheegay in madaxweyne ku xigeenkiisa, Xassan Daahir Afqurac, uu u sheegay in ay Puntland ka maqan tahay lacag cadadkeedu dhan yahay 70-billion, waa sida warbaahintu sheegtay'e, taas oo uu sheegay in ay tahay in golaha baarlamaanku uu baritaan ku sameeyo. Warar kale ayaa sheegay in uu madaxweynuhu sheegay in warkaas uu la socodsiiyey wasiirkiisa Maaliyadda, Dr. Gaagaab. Waxaana isla warbaahinta Puntland ee aan wasiiradu maamulin ay sheegeen in madaxweynuhu uu eedayntaas u soo jeediyey madaxweyne ku xigeenka isagoo shaki ka qaba in xisaabata saxda ah ee miisaaniyada Puntland laga lunsaday ay ogaan doonaan golaha baarlamaanka. Waxana wararku intaas raaciyeen in madaxweyne Cadde Muuse sheegay in isagu uusan shilin lacagtaas ka xadin uuna yiri hala weydiiyo wasiirka, baarlamaankuna ha baareen ciday ku cadaatona sharciga hala hor geyo.

Marar badan ayaa saxaafada ka madaxbanaan wasiirada Puntland iyo xisbiga mucaaradka ee Ramaas ay sheegeen in uu Puntland ka jiro musuq maasuq baahey. Musuqu-maasuqaasna lagu qariyo in shacabka loo sheego in mashaariic dalka la keenayo, balse aan dowladdu ka hadlin arrimaha ijtimaaciga/bulshada iyo sidii lacagta miisaaniyada ah ee $35 million ee soo gasha ay ugu maal gelin lahaayeen arrimaha bulshada meeshii ku haboon.

Marar badan ayaa madaxweyne Cadde Muuse uu eedeeyey dowladiisa, marna ma dhicin wax ka qabasho arrimaha uu eedaynta u soo jeediyey. (»Akhri: Marunbaa mise waa Rati ku kacsi Khudbadii Madaxwayne Cade (Jun 2005))


Garowe: cade muuse oo sheegay in lacag kabadan 70Billyan lalabaxay loona baahan yahay baaritaan in lagu sameeyo.
Waa sida ay warka u dhigeen warbaahinta aan hoos iman wasiirada dowlada Puntland

(Garoowe:  July 12, 2006): Madaxwaynaha DGPL cade muuse ayaa golaha baarlamaanka ka hor cadeeyay in ay maqantahay lacag aad u badan kana badan 70Bilyan loona baahan yahay in baarlamaanku uu arintaas lunsashada lacagtaas ah ku sameeyo baaritaan dag dag ah cidii ay ku cadaatana la horgayndoono sharciga.

Anigu hal-shlin ma xadin maaliyadiina waatan oo Wasiirkii baa fadhiya ee warsada lacagtaasi meeshay martay , waa lacag badan waxaana loo baahan yahay idinka Golaha Wakiilada ah in aad baartaan Cidii ay ku caddaatana aad sharciga horgaysaan ayuu M/wne Cadde Muuse.

Hadalkan lunsashadqa lacagtan uu cade muuse ka dhawaajiyaya ayaa ahayd mid aan golaha ka doodin hadalna aan laga daba dhihin waxayn ahayd xili uu gabagabo marayay kalfadhigii golaha oo waaba lakala dareeray cidina hadal kama soocelin hadalkii cade muuse.

Waa markii 2aad ee cade muuse uu ka dhawaajiyo in lacago lalabaxay ilaa iyo hadana aan cid loohayn, Madaxweyne cade muuse ayaa xili hore sheegay in khasnada dawlada laqala baxay lacag $5bilyan taasi uu eeda lunsashadaas dusha uga tuuray madaxwayne ku xigeenka puntland xasan daahir afqurac taasi oo khilaaf xoogan ay soo kala dhexgaleen labada mas'uul hase ahaatee laxaliyaya khilaafkii balse aan lacagtii cidna farta loogu fiiqin.

Cade muuse ayaa hadal qarsoon siiyay golaha wakiilada puntland kaasi oo ahaa in ay ansixiyaan sharciga baarista macdanta plnd ka hor inta uusan imaan madaxwayne c/laahi yuusuf puntland.

madaxwaynaha puntland cade muuse ayaa maanta hadal qarsoon siiyaya golaha wakiilada DGPL kaasi oo ahaa in ay ansixiyaaan sharciga baarista macdanta puntland ka hore inta uusan imaan madaxwaynaha somalia c/laahi yuusuf axmed kaasi oo lagu wado in uu booqasho gaaban ku yimaado puntland

Sidoo kale , Cadde Muuse wuxuu sheegay in uu soo gudbinayo Xeerka heshiisyada badda maalinimada bari ah ee lala galay shirkada ilaalinta Xeebaha Puntland.

Madaxweynaha DGPL ayaa sheegay in Puntland ay casuntay C/laahi Yuusuf uuna si dhakhso ah u imaan doono Puntland , waxayna ka wada hadli doonaan arimo muhiima oo ay ka mid tahay Macdanta iyo shidaal-baarista Puntland , taa soo dhawaan khilaaf ka dhax abuurtay M/wayne Cadde Muuse iyo Raysalwasaare Geedi.

Cade muuse ayaa ka soolaabtay safar dibeda ah oo hal bil qaatay kaasi oo uu ku tagay wadamo dhawr ah, hase ahaatee safarkaas madaxwaynaha kiisii ugu badnaa waxa uu ku qaaatay dubai halkaas oo wada hadalo la soo galay shirkado shisheeye ayna ka mid ahayd tan hada ka baaraysa macdanta puntland, cade muuse ayaa in tii uuu ku sugnaa dubai waxa uu wax ka badelay heshiiskii hore waxana uu sheegay in puntland ay wax ka baari karaan shirkado kale oo waawayn halkii markii hore rangers kaliya ay baari lahayd taasna ay isla ogolaadeeen.

Waa sida ay warka u dhigeen warbaahinta aan hoos iman wasiirada dowlada Puntland

C/risak koronto
garowe puntland
Email: koronto_65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 12, 2006


Wararkii:: July 4, 2006

  • Madaxwaynaha Puntland oo ku soo laabtay Boosaaso bil kaddib
  • Ciidanka amniga magaalada Bosaso ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta ku soo dhigay 79 'danbiilayaal' ah.

Madaxwaynaha Puntland oo ku Soo Laabtay Boosaaso bil kaddib

Madaxwayanaha DGPL ayaa  galabta (July 4, 2006) ka soo dagay garoonka diyaarahada ee magaalda Bosaso kadib markii uu ku maqnaa safaro dibeda ah  oo inta badan la xiriira caafimaadkiisa.

Madaxwaynaha puntland oo mudo bil ah ka maqnaa dalka ayaa hada dib ugu soo laabtay isaga oo ka soo kici timay emaaraadka carabta, safarka madaxwaynaha ayaan cidina ku wehelin sida looga bartay madaxda Puntland.

Madaxwayana ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyay madax aad u badan oo isugu jira wasiiro iyo kuxigeeno sidoo kalena waxaa ka qaybqaatay soo dhawaynta madaxwaynaha shacab aad u badan.

Cadde Muuse, madaxwaynaha DGPL, ayaa ka dhoofay dalka bishii hore (June 4, 2006) isaga uu u duulay dalka Jarmalka, waxana uu safarkaasi la xiriiray caafimaadkiisa, sidoo kale madaxwaynuhu waxa uu maray wadamo kale duwan oo ay ka mid ahaayeen Holland, Belgium, emaaraadka carabta iyo waliba dalka Ethiopia oo safar aan la qorshayn si wayna looga hadlin ku tagay dalkaasi Ethiopia ilaa iyo hadana lama garanayo  waxa ka soo baxay safaradaas uu madaxwaynuhu soo maray.

Dalka Ethiopia ayaa ka mid ah dalalka gacansaarka laleh Puntland, waxana uu madaxwaynuha DGPL uu Addis-Ababa tegey xili uu ka soo duulay dalka emaaraadka carabta oo habeenimo ah, ilaa iyo hadana macadda sababaha dhabta ah ee uu madaxwaynuhu u tegey dalkaasi Ethiopia loomana ogolaan saxaafada in ay wax ka ogaato safarka Ethiopia ee Cadde Muuse uu ku tagay.

Cadde Muuse mar uu maanta ka hadlayay Boosaaso waxa  uu shegay in garoonka diyaaradaha ee Bosaso loo dhisi doono runway-ga ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso oo loo dhisi doono si casri ah, dhismahaasna uu bilaaban doono labaatan casho kadib.


Madaxewynaha oo Kormeeraya Dhismaha Airoport Boosaaso June 10, 2005

Madaxweynaha oo Safarkiisa uu_ku weheliyo Nin Austaralian ah_oo sheegay in  uu maalgashi ku sameeyo Puntland. Akhri

PUNTLAND vs TERRY::  01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 | 42 | 43 | 44 | 45 | 47 | 48 | 49 | 50 | 51 | 52 | 53 | 54 | 55 | 56 | 57 | 58 | 59 | 60 | 61 | 62 | 63 | 64 |


Dhismaha garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa waxa uu hadda marayaa meel aad u xasaasi ah waxana uu dhismahaasi socdaaa in ka badan sanad iyo bar, waxana markii la bilaaabayay Cadde Muuse uu sheegay in uu socon  doono mudo 6bilood ah taasina sida muuqata sadex laab ayuu dhaafay, waxaana xiligii la bilaabayay la qorsheeyaya in ay ku bixi doonto lacag dhan 600,000,000$ waxana uu hada marayaa in ka badan hal billyan, waxana aad moodaa in uu yahay mashruuc u furan madaxda dawlada oo kaga gabanaysa wax u qabadka dadka. Garoonka diyaaradaha Bosaso ayaa ah il furan oo aan dhamaad lahayn, waa sida dad badan ay is waydiinayaan waxa dhismihiisa loo soo afjari la'yahay.

Madaxda Puntland sida caadiyan ah intabadan waa ay dhoofta iyaga oo kali ah waxayna soo laabtaan iyaga oo kali ah, waase la arki doonaa Cadde waxa uu safar bil ka dib soo kordhiyo.

Marar badan ayaa loogu baaqay in uu Cade Muuse is casilo kadib markii uu fulin waayay balanqaad yadiisii uu ku galay doorashadii uu xukunka kula wareegay.

Bayaano badan ayaa waxaaa soo saaray xisbiga mucaaradka ah ee Ramaas Political Party kaasi oo uu ku dalbanayo in  dawaladu iscasisho maadaama ay ka soo bixi wayday ballan qaadyadeedii, sidoo kalena dadbadan ayaa u arka xukunka Cadde in uu yahay mid uu caafimaadkiisa ku illaashanayo waayo tan iyo markii uu xukunka Cadde Muuse la wareegay wali wax muuqda oo la taaban karo lama qaban waxaana la orankaraa waaba ay ka sii dartay Puntland, waxaana hadda ka jira Puntland musuq maasuq aad u baahsan oo xataa gaaray heer uu shacabku ogaaday iyo waliba wax qabad la'aan aad u wayn taas ayaana keentay in loogu baaqo in uu iscasilo madaxwaynaha Puntland Cadde Muuse.

»»Akhri: Marunbaa mise waa Rati ku kacsi Khudbadii Madaxwayne Cade (Jun 2005)

»» "Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland ee Xilkii Laga Qaaday oo lagu Maslaxay 100,000,000 sh.so ($80,000) iyo Gaarigii...."

»»Cadde Muuse intii uu dalka ka maqnaa waxaa Xilkii Laga Qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka Puntland

»»Madaxweynaha Puntland intii uu joogey Dubai waxa uu Markii Ugu Horeysey Sheegay In Shirkado Kale Imaan Karaan Puntland - Hadalkaas oo Khilaafsan Heshiiskii ay Puntland La Gashay Shirkadda "Consort ltd".

»»Halkan ka dhegeyso Hadalkii uu Cadde Muuse ka jeediyey kulankii Jaaliyada Holland...

Ammaanka Boosaaso::::

Ciidanka amniga magaalada Bosaso ayaa hawlgal ay sameeyeen gacanta ku soo dhigay 79 'danbiilayaal' ah.

Hawlgal ballaaran oo ay wada jir u qaadeen ciidammada Booliiska iyo Asluubta ee magaalada Boosaaso habeenkii xalay ayaa lagu
soo qabqabtay 79 dhallinyaro ah oo lagu soo eedeeyey in ay gacanta kula jireen falal burcadnimo ah.

Dhallinyaradan ayaa inta badan lagu soo qabqabtay iyaga oo dadweynaha ka ugaarsanaya agagaarka shirkadda isgaarsiinta ee Golis, waxana saaka bilowday baaritaan lagu kala saarayo dadkaas si loo sii daayo kuwa aan iyagu dembiga lahayn.

34 kamid ah dhallinyaradaas ayaa ciidamada ammaanku ay u gudbiyeen xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso kuwaas oo wadey falal burcadnimo iyo isticmaal maandooriye ah iyadoo intii kalena la sii daayey.

Ugaarsiga dhallinayarada loo yaqaan ciyaal Faay Caliga ayaa ay ciidamada kala duwan ee amniga Boosaaso ay haatan dib u soo cusboonaysiiyeen kadib markii ay dhallinyaradaasi ay soo laba kacleeyeen, kuwaas oo inta badan dadka ku baarta dariiqyada magaalada Bosaso.

Dhalinyaradaan hada la soo xir xiray qaar kood ayaa ah kuwo marar badan la xir xiray loona xir xiray falkan iminka lagu soo qabtay ilaa iyo hadana macada waxa laga yeeli doono maadaama ay u barteen xukun dabacsan oo lacag lagu furto ama la siidaayo markay maalmo ku jiraan xabsiga bosaso. 

C/risak koronto
Garowe Puntland
koronto_65@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | July 4, 2006

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD