SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PUNTLAND



Golaha Wakiilada DG Puntland oo kalfadhigoodii maanta (July 20, 06) ku Doortay Gudoomiye Cusub.

(Garoowe: July 20, 2006):- Golaha wakiilada DG puntland ayaa Khamiis July 20, 2006 doortay gudoomiye cusub, Axmed Cali Xaashi, kagadaal markii  uu ka guulaystay Maxamed cabdi Naaleeye oo ahaa murashixii 2aad oo  kula baratamayey gudoomiyanamada. Kadib markii ay u soo wada gudbeen kaalinta labaad halkaa soo looga cod dheeraaday Maxamed cabdi naaleeye,

jagada wakiilada DG puntland ayaa waxaa u tartamayey 3da murashax ee kala ah:

  1. Axmed Cali Xashi
  2. Maxamed Cabdi Naaleeye iyo waliba
  3. Maxamed Cali Guuleed.

Doorashada guddoomiyaha baarlamanka Puntland ayaa ka dambeysey kadib markii 26-kii bishii June, laga xayuubiyay gudoomiyihii hore ee golaha wakiilada DGPL cismaan dalmar xaaji yuusuf kadib markii lagu eedeeyay  musuqmaasuq iyo in uu ku dhex mil may xukuumada  islamarkaana  uu  u fududeyey hawlo barlamaanku wada jir u qaban lahaa oo uu kaligiis qabtay.

Xubnihii Golaha Wakiilada ee maanta fadhiyay goobta Coddaynta waxay dhammaayeen 61 Xildhibaan , waxayna wareegii hore ee cod-bixinta u kala heleen Murashaixiintu sidan:-

  1. Axmed Cali Xaashi ......... 27 Cod
  2. Axmed Cabdi Naaleeye.... 23 Cod
  3. Maxamed Cali Guuleed.....11 Cod

Waxaana wareega 2-aad ee cod-bixinta waxaa iskugu soo haray Murashixiinta kala ah Axmed Cali Xaashi iyo Maxamed Cabdi Naaleeye , waxayna codadka u kala heleen sidasn:-

  1. Axmed Cali Xaashi 32 Cod
  2. Maxamed Cabdi Naalyeey 29 Cod

    halkaas oo ku gulaystay Axmed cali xaashi guudoomiyaha cusub ee golaha wakiilada DG puntland.

Natiijada doorashada guddoomiyaha baarlamanka Puntland ayaa waxaa si rasmi ah ugu dhawaaqay Salaad Xareed oo ah guddoomiye kuxigeenka kuwaad ee golaha wakiillada isla markaasna ahaa kusimaha guddoomiyaha baarlamanka Puntland.
 
Doorashada guudoomiya cusub ayaa waxaa goob joog ahaa madaxwayana DGP Maxamud Muuse Xirsi, madaxwayne ku xigeenka puntland Xasan Daahir iyo xubna kale oo katirsan golihiisa wakiilada.

Madaxwayana cadde muuse ayaa waxaa uu hanbalyo iyo bogaadin u jeediyey guduumiyaha cusub waxana islamarkaasna madaxwaynuhu sheegay inuu lashaqayn doona guduumiyaha cusub,

Axmed Cali Xaashi Guddoomiyaha Cusub , ayaa isna xusay in uu la shaqaynayo madaxda maamulka , wuxuuna cadde Muuse ka codsaday in uu la shaqeeyo oo ay si wadajir ah uga shaqeeyaan danaha Ummadda reer Puntland.

Xisbiga mucaaradka  ah ee kaligiisa ka jiro puntlad oo lagu magacaabo Ramaas political party (RPP) ayaa ku tilmaamay doorashadan mid qiimo wayn ugu fadhida degaaanda Puntland balse hadii la qaloocsho sidii kuwii hore oo kale ay  khadar ku sugan tahay xukuumada puntland oo rajadii loo hayay ay iminka marayso gabaabsi kadib markii wax qabadkii laga sugayay laga waayay xukuumada cade muuse.

Xisbigu waxa uu isaga oo baryanaahba adeegsanayay warbaahinta kala duwan sheegay in puntland ay tahay hal waraabe cunay sidoo kalena waxa uu ugu baaqay xukuumada cade muuse in ay is casisho maadaama laga wayay balan qaadayadii  ay u balan qaaday shacab waynaha puntland.

Ramaas ayaa hada dar dar galisay hawlahiisa ismuujinimo waxana uu wadaa barnaamijyo wax qabad oo uu kula dartamayo xukuumada cade muuse, RPP xisbiga mucaaradka ah waa kan kaliya ee hada ka jira puntland in kasta oo xukuumada cade muuse aysan ogolayn axsaab siyaasadeed, hada ramaas waa ay meel martay  hadaladeeduna waxay si toos ah ugu dhacaan xukuumada cade muuse.

Shacaba reer puntland ayaa ogaaday muhiimada ay leedahay axsaabta mucaaradaka kadib markii ay ramaas u iftiimisay musuqmaasuqa iyo waxa ka jira gudaha puntland  dad badan ayaa aad u jeclaystay afkaaraha cad cad ee ramaas.

Ramaas ayaa marar bada eedaysay golaha wakiilada puntland  oo ay ku tilmaantay in baarlamaanku yahay bil ku dhamaatay 31 bisha 1 ayaan keeni mushahaar sidoo kalena aan kordhin mushahaar sidaas waxaa mararbadan fagaarayaasha ka yiri(Ramaas political party) RPP.

Balse maanta RPP waxay u dirtay gudoomiyaha cusub fariin ka turjimaysa shacabka puntland taasi  oo lagu soo koobay hadal qoraal ah oo aad u yaraa oo ahaa(wadada aad martid ayay marayaan shacabka reer puntland gudoomiye).

Abdirisak koronto
Garowe puntland

Faafin: SomaliTalk.com | July 20, 2006

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD