SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KHAYRAADKA SOOMAALIYA


Puntland State of Somalia
Ramaas Political Party
RPP/92/06          Garowe                     Date: 29/10/06
 
 
Ku: Shacabwaynaha Puntland
Ku: Saxaafada Somalia
ujeedo: Madaxwaynaha DGPL oo ay kaga soo ururtay heshiisbaan soo galay iyo garoonka Bosaso.
 
Ramaas Ciiro
Daahir ciiro
Mudanayaal iyo marwooyin waxaan idin ku salaamaynaa salaanta islaamka ASLC, salaan kadib walaalayaal waxaanu idin la socodsiinaynaa sida aad la socotaan in dalkeenii uu si kasta u baaba'san yahay masuuliyiintii dalka xilkiisa hayayna kii ugu waynaa uu ka bixi la'yahay in uu diyaarad sii saarnaado soona saarnaado.
 
Sida aad la socotaan waxaan  ka baa'banay qodobada soo socda
 
1) Nabadgalyadii oo saraakiishii ugu saraysay sida caraysa oo ah taliyaha ciidanka daraawiishta iyo yuusuf axmed khayr oo ah taliyaha ciidanka booliska puntland waa danaystayaal oo in ay dhisaan ciidankii dhankasta waa diidannyihiin waxayna ku ilaashadaan xilka ay umada u hayaan adeegyada loogu tala galay in wax looga qabto hawlaha loo igmaday ayaa ninkasta waxa uu u adeegsadaa danihiisa gaarka ah taas ayaa waxay keentay in cid kasta u soo hanqaltaagto puntland ilaa somali sir makalalehee oo wax makala qarsoonee.

2) Waxaan ka baaba'nay oo maamulku ku fashilanyahay tacliintii oo waxay jahayn la'yihiin maamulku ardaydii ka baxday secondryaasha  xag shaqo iyo xag waxbarasho toona iskaba daa waxay u qabtaane waxay ku hayaan gabood fal ay ku baabi'inayaan tacliintii ay baranayeen oo waxay diidan yihiin buundooyinkii ay shaqaysteen.

3) Waxaynu aad uga baaba'sanahay caafimaadkii oo waad la socotaan sida ay yihiin isbitaaladeena oo aan dhaqaatiirlahayn oo aan qalab adeeg caafimaad lahayn waxaad ogtihiin in uu gubtay shaybaarkii magaalo madaxda isbitaalkii ku yaalay qiimaha la soo siiyana waa wada ogtihiin waa qiimo aad u jaban  ilaa iyo maanta wax shaybaar ah oo la keeenay magaalo madaxda majiro arintaasna waa ku fashilanyihiin masuuliyiinta wasaaradu iyo masuuliyiinta ka saraysaba.

4) walaalayaal waxaad la socotaan in dhaqaalaheenii ka soo xeroonayay canshuurta laga qaado shacabka uu galo gacantooda dadgaara ayna la yihiin shaqaalihii iyo ciidankiiba mushahaarkoodii waxaana u sabab ah waxaa qurunsaday wasaarada maaliyada koox isku xiran oo ilaa iyo maanta ilaa xiligii SSDF joogay dhismihii puntlandna oo soogaaray maantana aan wax laga qabtay jirin wasiirkii cusub oo ku soo kordhaana uu saamigiisa ka qaato iyada oo aan laga baqayn cid la xisaabtanta iyo cid badasha toona oo uu maamulku sheerin ka wada yahay hantidaa umada ee la boobayo.

5) walaalayaal waxaad ogtihiin wasaarada Dawlada hosoe iyo hormarinta reer miyigu in ay miisaaniyada dalka ku leedahay 4% lacagtaas oo loo adeegsado dano siyaasadeed ama naas nuujin uu u fadhiyo wasaaradaas wasiirka cali cabdi awaare iyadoo shacabku wada ogyahay hantida ka soo xeroota 4% taas ayaan misna wax loogu qabtaa aysan jirin shacabka oo ay ku baxdaa naas nuujintaas.

6) walaalayaal waxaad ogtihiin in ay baabasanyihiin wadooyinkii gaadiidku marayay waxaana jirta haayad loo sameeyay in ay shaqadeedu tahay tayactirka wadooyinka Dekedana looga qaado Lacag Haayadaas gaar ugu xoroota looguna tala galay dib u dhiska wadooyinka  Haayadaas oo ah NESHA oo aysan jirin waxa ka qabato wadooyinka Lacagtiina aysan ku baaqan shacabka ee laga qaado taas ruuxeeda waxaa loo adeegsadaa Naas Nuujin ee kuma baxdo dano shacab.

7) Walaalayaal waxaa jira wax lagu magacaabo Hanti dhawr Miisaaniyada wuxuu ku leeyahay Lacag loogu talagalay in uu ku ilaaliyo Hantida iska daa wuxuu ilaaliyee waxay ka dhamaan la yihiin laaluush oo tii loogu talagalay ayaa loogu daraa wasaarad kasta ama Haayad kastana adeegeeda ayay wax ka doontaan si aan loo la xisaabtamin.

8) walaalayaal waxaa jira Haayado aan Dawli ahayn oo u qaabilsan in ay taageeraan Haayadaha Dawliga ah iyo NGO yada Localka ah kana taageeraan horumarka dalka, iska daa waxay taageeraane ama ay la qabtaane  ee waxaa lakala tuurtaa Lacagtii loogu talagalay horumarinta Dalka.

 
Ayada uu sidaa dalku u baabasanyahay ayaa ninkii loo doortay xilka siyaasadeed ee ah hogaaminta dalka ayaa waxay kaga ururtay in uu yiraahdo heshiisbaan soo galay iyo waxaan dhisayaa Garoonka Boosaaso ayada oo kii caasimadana oo ay dadkii daganaa ay gacanta ku hayaan uusan marna iswaydiinayn in uu isku dayo in uu curyaamiyo mooyee ee aysan jirin wax  uu kaga qaybqaadanayo iska daa kuwo kale ee uu wax ka qabtee.
 
Mudanayaal iyo murwooyin Xisbiga Ramaas  Marwalba Wuxuu diyaar idiin la Yahay In uu Iftiimiyo Waxyaabaha uu Kadhaqaaqi Layahay Maamulku Wuxuuna Soo Dhawaynayaa Figradihiina Guud iyo Kuwa Shaqsiyaadba.

Gudoomiyaha xisbiga Ramaas
Daahir ciiro
Email: Daahirciiro@hotmail.com    | Mobile: 747090

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD