SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL


YAY U TAHAY MAALINTA JACAYLKA 
 
Waxaan Somalitalk.com ka akhriyey qoraal ciwaankiisu ahaa: Wax ka baro maalinta Jaceylka Adduunka!(Valentine’s day). Markii hore waxaan moodey in qoraalku arrintan ka hadlayo isagoo ka duulaya aragti ku salaysan muslimnimo, isagoo sheegi doona waxa la gudboon qofka Soomaaliyeed ee Muslimka ah maalmaha caynkan oo kale ah ee ay ciidayaan ama dabbaaldegayaan dadka diimaha kale haysta, ama aan diinba haysan. Runtii qoraaga soo diyaariyey maqaalkan mowduuca ma aanu siinin xaqiisi, ugamana hadlin isagoo ka duulaya halkii laga rabey nin muslim ah. Waxaad mooddaa in uu u qoray kaliya inuu wax qoro.
 
Maalintan ay ugu yeedheen "Valentine's day" kuna naanayseen "Maalinta Jacaylka Adduunka" maxaa inaga galay?
Xaggee ayay ka soo jeeddaa?
Yaa bilaabay maxaase looga dan lahaa?
Waa kuma Valentine muxuuse ahaa?
Maxaa maalintan dhaca oo la sameeyaa?
Yayse, horta, u tahay maalinta jacaylka?
 
Runtii waa su'aalo ay tahay in la is weydiiyo inta aan maalintan maalmaha laga duwin, ama aanay noloshaada saamayn ku yeelan.
Maalintan, haddaad joogtid meelaha laga tixgeliyo, waxaad arkaysaa dhallinyarada, wiilal iyo gabdhaba, oo labbisan dhar guduudan. Iibsanaya ubaxyo guduudan. Isku hadiyaynaya kaarar iyo hadiyado wada guduudan. Ka qayb qaadanaya xaflado wada guguudan. Marka intaadan wada guduudan, is weydii maxaa horta maalintan loo guduudanyahay? Mise maalinba dharkii la xidhaad gashanaysaa? Xaashaa lillaahiye maya!
 
Waxaa maalintan lagu wardinayaa Valentine, Valentine, Valentine.
 
Horta Valentinoow yaad tahay? Maxaadse aniga ii tahay?
Wuxuu ahaa nin ka ka tirsanaa Romaaniyiintii hore ee mushrikiinta ahaa, intaan la soo dirin Nabi Ciise (cs). Wuxuu ahaa nin dumarka ku falan, jacaylkuna madax maray. Noloshiisi wuxuu ku dhamaystay qaraabasho iyo raadinta dumar uu xaaraam kula seexdo, ilaa aakhirkii sababtaas darteed loo diley.
Markii Valentine la diley ayay dadkii Mushrikiinta ahaa ee uu ka dhashay waxay u aqoonsadeen "ilaaha jacaylka". Waxayna ku caabudeen oo ku qaddariyeen in maalintii uu dhintay loo aqoonsado Maalinta Jacaylka.
 
Haddaba Valentine waa mid ka mid ahaa ilaahyadii tirada badnaa ee ay caabudi jireen Romaaniyiintii hore.
Markii ay qaateen diinta Kiristaanka waxay diinta cusub la soo galeen caadooyinkoodii iyo dhaqammadoodii hore.
 
Ha ahaato qisadu sidaas aan ku saleeyey, ama ha ahaato sida kale ee loo wariyo ee uu walaalka qoraalka qorayi cuskaday, mar walba waxaa hubaal ah in ay ka soo jeeddo gaalnimo iyo gaalo. Haddii ay sida hore tahay Valentine waa sanam ama "ilaah baadil ah" oo la caabudo, haddii sida kale la marana Valentine waa baadari kiristaan ah. Kee baa adiga kula fiican? Mise waa isma dhaantiyo dhasheedii?
 
Run ahaantii maalinta 14-ka Febraayo ayaa ah maalinta uu dhaco gogol-dhaafka ugu badan adduunka. Waa maalinta zinada, faaxishada iyo foolxumoo idil la sameeyo. Waa maalinta uu shaydaanku ugu qooq badanyahay, inta shaydaanka raacsanna waa sidaas.
 
Waxaa wax laga tiiraanyoodo ah in dad muslimiin ahi u dabbaaldegaan "Valentine's Day", iyagoo si aan ka fiirsi lahayn u raacaya dhaqammo ummado kale!
Waxaa wax laga murugoodo ah in aad shaaricyada magaalooyinka muslimka ku aragtid dhallinteennii oo maalintan wada guduudan! 
Maxay tahay gabadh soomaaliyeed oo suuqa la qalaadaysa "nin baan jeclahay". Sawtii gabdhuhu xishoon jireen! aaway hableheennii xorta ahaa?!
 
Waxaa xusuusin mudan in aynu nahay dad diin leh. Diinteennu waxay inaga reebaysaa in aynu daba galno ummadaha kale dhaqankooda. "Ciddii cid isku shabbahda iyaday ka mid tahay" ayuu yidhi Rasuulkeennu (sallallaahu caleyhi wasallam). Yacnii qofkii qolo isku ekaysiiya, sameeya caadooyinkooda iyaga lagu yaqaan iyo dhaqammadooda, qofkaasi iyaga oo kale ayuu noqonayaa!.
Ciidaha iyo faystooyinka waynu kala leennahaye yaan la noqon gaalo raac.
 
Haddaan u soo laabto walaalka soo diyaariyey qoraalkan aan kor ku xusay, waxaan odhan lahaa labo eray:
1--Waxaa wax loo qoraa in akhristayaasha u sheegtid wax aanay ogayn, ama xusuusisid wax ay illaaween, ama aadba furtid dood ku saabsan mowduuc muhiim ah. Waxaa kaloo qoraallada lagaga qayb qaataa dood markaasi aloosan, adigoo wax uun soo siyaadinaya, caddaynayana aragtidaada ku saabsan mowduucaas laga dooday.
Laakiin wax iska qor aan hadaf lahayn waa wakhti lumis adiga iyo akhristayaashaba maalaayacni ku ah.
 
 Waxaan, haddaba, walaal ku waydiinayaa: Waa maxay dulucda qoraalkaagu? Waase maxay faa'iidada aad/aanu/aynu ka helayno qoraalkaagan? 
 
Cabdisamad Xoday

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD