SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOOSAASO
Daabaco Boggan | Print

QORAALADA LAGA QORAY SAMSAM::: 01 | 02 | 03 | 04 | 05 | 06 | 07 | 08 | 09 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 | 19 | 20 | 21 | 22 | 23 | 24 | 25 | 26 | 27 | 28 | 29 | 30 | 31 | 32 | 33 | 34 | 35 | 36 | 37 | 38 | 39 | 40 | 41 |
  • Hay,ada { Socda } oo wada Tababaradii ay ku xoojinaysay Howlaha Hay,daha Bulshada Rayadkaa Puntland 
  • Ardayda Dugsiyada Hoose/Dhexe Boosaaso ee Gabdhaha ah  oo looga faa,iideeyey safaro Gaagaaban. 
  • Doorashooyinka Puntland iyo Musharaxiinta. 

Hay,ada { Socda } Somali Organazation for Community Developmenty Activites oo wada Tababaradii ay ku xoojinaysay Howlaha Hay,daha Bulshada Rayadkaa Puntland 


Kafa,iidaytayaashi Taba barka oo Wada taagan

Waxaa lagu soo gabagabeeyey Xarubta Socda-OTP ee Magaalada Boosaaso Sibinaar kor loogu qaadayay Aqoonta Hay,adaha Bulshada Rayidka ee Puntland tirade Dadka Aqoontaa ka faa,iidaysatay ayaa ahaa 32 qof oo u shaqaysa Hay,daha Bulshada Rayadka ah ee Puntland ka howlgala sibinaarkaa ayaa waxa uu socday mudo Sadex Casho ah oo ay Fulinaysay howlaha Sibinaarka Hay,ada Socda, Sibinaarka ayaa waxaa lagu Qaadanayay Aqoonta aha ( Advococy, Lobby & Police Formulation ) Dhaqaalaha ku baxay ayaa waxaa Bixiyaya Hay,ada Caalamiga ah ee Novib. 

Gabagabadii Sibinaarkaa ayaa waxaa kasoo qaybgalay

Ibraahim Gure Aden oo ah Xubina ka mida BOD Socda.

Cabdulahi Hayder oo ka socday Hay,da Maalgalisay ee Caalamigaa Novib. 

Waxaa Fududeeye ka ahaa oo Aqoonta halkaa ka soo jeedinayay Prof: Cabdiwali Cabdiraxmaan Geyre. 

Waxaa wakiil ka ahaa Hay,ada Socda oo howlaha wax ka waday Sadik Axmed Bixi oo ah Socda Program Officer waxuuna ii sheegay in Tababaro kale ay sii wadi doonaan kuwaas oo kor loogu qaadayo Tayada Ururada Bulshada Rayadkaa 


Sadik Axmed Bixi oo ah Socda Program Officer

Waxaa halkaa lagu Gudoonsiiyay Shahaadooyin Cadynaya in ay Aqoontaa ay Qaateen Dadkii ka faa,iidaystay Sibinaarkaa. 

Socada ayaa Hore ugu qaban jirtay Aqoon iswaydaarsiyo kala duwan Hay,adaha Bulshada Rayidka ah ee ka holgala Gobolda Puntland ayagoo ugu talagalay inay ku xoojiyaan Aqoontooda si ay Bulshada ugu Adeegaan dhib la,aan. 

Hay,ada ayaa Warbixinadeeda ka heli kartaa Bogga Internet-ka ee { socda.org } 

Ardayda Dugsiyada Hoose/Dhexe Boosaaso ee Gabdhaha ah  oo looga faa,iideeyey safaro Gaagaaban. 


Gabdhaha oo jooga goob buuraaha Boosaaso


Gudoomihaya Hay,ada Tadaamun Cabdulaahi Sheekh

Hay,ada lagu magacaabo Tadaamun Social Society oo ka holgasha Gobolada Puntland kuna howlan wax Qabadka iyo Kor uqaadida Arimaha Bulshada ayaa bilowday sidii ay kor ugu qaadi lahayd Aqoonta Waxbarasho ee Gabdhaha tasoo ay ugu qaadeen Safaro Gabdhaha Ardaydaa ee Dugsiyada Hoose/Dhexe goobaha layiraahdo 1- Biyo kulule 2- Xalane 3-  Daryeel.


Gabdhihii oo jooga Ceelka karin

Dugsiyadaa Gabdhaha dhigata ayaa Safaradaan oo ay ku tagaayeen goobaha Quruxda badan ee Biyo Kulule iyo Ceel Karin ayaa waxaa ku Weheliyay Waalidiintooda iyo Maclimiintooda waxaa Dhanka Hay,ada wakiil uga ahaa Cabdala Yuusuf oo ah Madaxa Kor uqaadida Waxbarash ee Hay,ada. 


Gabdhihii Iskuulada oo Jooga Ceelka Biya Kulule

Safarkaa oo ahaa mid ay Waalidiinta Dhashay ay aad u soo dhaweeyeen ayaa hadana waxaan warbixin ku saabsan ka helay Gudoomiyaha Hay,ada Tadaamun Social society Cabdulahi Sheekh waxana uu ii sheegay in ay tan noqoto mid joogto ah oo ay kor ugu soo qaadayaan Aqoonta Gabdhaha oo ay marka ay gaaraan Fasalada sare ay isaga haraan ayagoo u arka in Aqoontoodu Gabantahay, mida kale ayuu ku tilmaamay in ay tahay mid lagu barayo Dhulkooda Wanaagiisa iyo Quruxdiisa anagoo hore ugu faa,iidaynay Arday Wiilal ah oo loo qaaday Safaradaa kadibna ay hada ka samaysteen Beero Dhulkaa ayagoo Waxbarashadii Sare ee Jaamacada Wadanka ka Dhigta.


Waalidiintii ka Qayb qaatay Safarka Gaabnaa ee Gabdhaha Ardayda ah

Hay,da Tadaamun ayaa in badan wax ka qabatay Kor uqaadida iyo Niyad galinta Ardayda Waxbarashada Goboladaan Puntland mudo aad u dheer ayadoo gacanta ku haysa Iskoolo aad u badan oo ka howlgala Goboladaan kuwaas oo isugu jira Waxbarashada Dadban iyo iyo kuwa kale ee Iskoolada Hoose ilaa Sare. 

Doorashooyinka Puntland iyo Musharaxiinta. 

Waxaa Baryahaan Dambe aad usii xoogeysanahayay u xusul duubka Doorashooyinka Maamul Goboleedka Puntland kasoo aad arkayso darbiyada magaalooyinka in ay ku dhaganyihiin Musharaxiinta Sawiradooda iyo Halqabsiyadooda oo ay Ku jirto Cadaalad, Maamul hufan iyo Xigmado badan oo ah mid ay Dadka Puntland kunool iyo Soomaaliya Guud ahaan u Baahi qabaan hadii ay heli lahaayeen, Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa ah kuwo ku halqabsada xigmado Dadka soo jiita marka uu xukunka qabtana ka been sheega. 

Gobolda Puntland ayaa xiligii ay Soomaaliya Burburtay ay ka jirtay Nabadgalyo ay aad u hufeen Shacabka Ilaahayna ugu Gargaaray lakiin Siyaasiyiinta Goboldaan ayaa ahaa kuwo iyagu carqaladeeya Nabadgalyadaa isagoo eegaya siyaasiga ay isku haystaan Maamulka iyo Siyaasada taasna ay in badan la,oran karo waxa ay keentay isqabqabsi soo laablaabta. 

Waxaad arkaysaa Tikniko aad u fara badan oo ay wataan Siyaasiyiinta Ciidamada Saarana ay yihiin kuwo Naxariis daran oo Shacabku ay aad u Argagaxaan marka ay soo ag marayaan, Qoryaha ay ku hubaysan yihiin ayaa ah Kuwa Lidka Diayaaradaha iyo kuwo kale oo badan oo Darandooriga u dhaca. 

Waxaa ilaa hada isa soo sharaxay Musharaxiin gaaraysa Tiro ahaan 5 Shan Musharax oo kala ah Gobolka Bari Gen: Cade Muuse iyo Ing: Abshir Muuse Gobolka Nugaal Dr: Cabdiraxmaan Faroole, iyo Xuuxuule  

Waxaa 10-12-2004 markay Taariikhdu ahayd bilowday soo gudbinta Xubnahii Baarlamaanka Cusbaa ee DGPL kuwaas oo ay ku egtahay soo Gudbintooda 30-12-2004 sida uu qoraal ku sheegay Madaxweynaha DGPL Maxamed Cabdi xaashi kadibna Baarlamaankaa Cusub uu kalfadhigiisa Kowaad uu Bilaabayo 01- 01-2005 si ay u soo doortaan Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen Taariikhdu marka ay tahay 06-01-2005. 

Wali waxaa la isla Dhex marayaa sida la,isku soo sharixi doono in ay Noqon doonto Habkii lagu Aasaasay Puntland ee Hore Xiligii 1998 ee Qabaa,ilada ku abtirsad Puntland ay soo doorten Hab qabiil Gudoomiyaha Baarlamaanka Beesha Warsan Gali, Madaxweyne Majeerteenka ah iyo Madaxweyne Kuxigeen Beesha Dhulbahante taas ayaan wali la cadayn in kastoo Musharaxiinta Beesha Majeerteen qaarkood leeyihiin waxa wax lagu soo dooranaya sidii 1998 ee habka Qabaa,il madaama aan sidii lagu heshiiyay ee Doorashooyin Guud aan loo gudbin oo ay soo dooranayaan Baarlamaanka Madaxweyne iyo Madaxweyne Kuxigeen taas ayaa laga arki doonaa marka lasoo Magacaabo Baarlamaanka Cusub oo soo doorta Gudoomiye Cusub inkastoo hada ay socoto Guuxa isa soo taraya ee Arintaa. 

Fiiro Gaara: warbixinada kusaabsan Doorashooyinka DGPL oo Tafatiran waxaad kala soconaysaan Bogga somalitalk hadii aad doonayso in aad wax ka ogaato Arimaha Doorashooyinka Gobolda Puntland ee Su,aala ah oo aad waydiinayso Musharaxiinta Puntland Noogu soo Dir somalitalkpl@yahoo.com

c/fatax jaamac
somalitalkpl@yahoo.com

MAXAA GAACA BIYO JAW LEH.... GUJI

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

BANDHIGII CARWADA MUQDISHO



HTML CD