‘Buufisku Madhbaa Misa waa Dhalanteed’?
Xiligii Dagaalka sokeeye uu wadanka ka
qarxay waxaa soo baxay kala guur, Ku yimid bulshada kaas oo sababay in
shacbaku uu noqdo mid haajira.
Waxaa soo baxay kalimado bulshadu ay
Afahaan isku af garto kuwaas Oo aan micno ku lahayn Afka-Somaliga waxaa
ugu weyn weedha, laiskuwaafaqay oo ah (Buufis).
Weedhaan waxa ay sifiican u soo shaac
baxaday wixii kadanbeeyay dagaaladii sokeeye waxaana magaceeda sifiican
laisugu waafaqay, Wixii kadanbeeyay 1994 Markaas oo ay somaalidu u
badnaayeen kuwa, Muhaajiriin ah Weedhaan waxa ay nooga timid dalalka
dariskanala ah , Kuwaas oo ah kuwa xarun u ah Buufiska.
Weedhaan waxa ay xinbaarsantahay
micnooyin kala duwan naxwaha ,Somaaligana kuma lahan eray bixin ama (Termonleji)sidaaso
daraadeed ,Aan bal u fiirino isgadgadiska badan oo ay leedahay weedhaan
anagoo, U fiirineyno qaabka loo adeeksado ama sida ay soomalidu u micno,
Badantahay bal ugu horeentii aan fiirino micnaha koowaad.
-Buufis somalidu waxa ay u taqaanaa
shey buufsan sida Dharka,Gawaarida ,kuwaas oo ah kuwo wax ku buufsan ama
color hakuubuufsanaade am rinji.
Markaas ayey tiraahdaa sheygaas waa
buufsanyahy ama waa kalareesanyahy’&dhamaan wixii lahalmaala oo hoos
imaanaya buufiska.
-Waatan labaadee waxaa jira micno kale
oo hoosyimaada weedhaan lakiin, kaas oo sikalle loo dhalan rogay lakiin
ku jaango’an isla weedhaan.
-Markaad takto meelaha ay isku
qurxiyaan hablaha oo ah (Beauty solonka) weedha ugu horeeso oo aad
maqleeso waa Buufis taas oo macnokale ,loogu adeeksado halkaas.Waxaa
jira nooc kamid ah nuucyada laisku xardho oo looyaqaano Bufis Tusaale
ahaan (Heblaayo waxaa u saran cilaan buufis ah)oo ka tarjumeesa micnaha
tiradabadan oo ay soomalidu u taqaan weedhaan la iskuana waafaqsanyahay
micno ahaan.
Waxaa jira micnooyin intaan kasiibadan
oo jira lakiin aan lagu soo koobi Karin hal maqaal oo qura’ Aan u soo
laabano ualjeeda aan kaleenahay weedhaan Buufiska ah
Waxaa jira micno kawada sareeya dhamaan
kuwii aan hada soo sheeknay kaas oo ah micnaha kaliye ee loogu adeeksiga
badanyahay
Waxaa soo baxady in dadka sida fiican
ugu dhuunduleela dibada ama haajirida in loo haajiro wadan shisheeye ay
helaan weedh u khaas ah taas ,
Oo ah in loogu yeero Buufis Tusaale
ahaan (Hebal ama Heblaayo buufis ayaa ku dhacay)waa jumalad si fiican
laisugu waafaqsanyahy’
WaaYaabee Buufisku Macudur
Baa’?
Dhakhaatiirta ku takhakhustay cudurada
maskaxada (Psychological Propelm)Waxa ay isku waafaqsanyihiin in fikirka
badan uu qofku ku soo dadajiyo cimiri gaabi’ama uu ku dhaco wax ay ugu
yeeraan (Deprission).
Kaas oo ah in uu qofku iskudhaxyaaco
ama ay ku dhcado hurdo laa’aan, Jookto ah sidaasi daraadeed waxa ay
sheegaan in buufiska uu saldhik u yahay fikir.Fikirkuna uu yahay cudur
khatartiisa leh
Waxaa wax lalayaabo ah in qofka uu soo
dadajisto cudur saameen ku lah maskaxda dhlaintan xiligaan aad ayey ugu
sahlantahay in ay qaadaan
Cudur qaadistiisu ay sahlantahay lakiin
khatartiisa wato waxaa la sheegaa
79%biiba in ay yihiin kuwa xinbaarsan
Viruska-lagumagacaabo (Buufis).
Maxaa Keena Viruskaan
Buufiska Ah?
Shaki kuma jiro in sababtiisa koowaad
ay tahay burburka ka jira dalka & Shaqo la’aanta heysa dhalinyarada taas
oo ay u keentay in ay u hayaamaan ,
Meelkasta oo ay ka helayaan nolol
dhaanta tii ay uga sootageen dalkooda’ Sidaasi oy tahy ayaa qofba si
ayuu u qaada Viruskaan waa tankoowaadee
-In qofka ay lasoo daristo dhibaatooyin
kaladuwan haba ugu weynaato mid dhaqaale kadibana uu raadiyo mid u
dhaanta tan uuka cararayo haduu rabo Khatar ha u galee .waa tan labaadee
-In qofka uu ku dhaco buufis ah
kudayasho kaas oo ah waxa uu waayaa dhamaan asxaabtiisa kaladuwan
kadibana waxaa kudhaca buufis ah
ku daysho ama (Hebal wuu baxay ana waa
Baxaa )waa tan 3aadee
-In uu qofku ku dhaco buufis ah (Fursad
gaad)oo micnahiisa ah inuu qofku ku noolyahy wadan ay ka jirto jaanis
lagu bixikaro kadibana
uu ku fikiro in uu baxo waxaa lagayabaa
in uusan markii hore uusan heysan fikrad ah in uu baxo lakiin markuu
arkay in meesha uu joogo in laga hulaalayo uu kadhasho bixitaan kaas waa
(Jaanis gaad)
Maleeyahay Kahor Tak?
Ka hor tagiisa koowaad waa xasuusta (RABBI),in
uu qofku xasuusaando had &jeer alle si uu iimaankiisa u saxmo hadii
uusan iimaankaada dhab aheyn wey adktahy in aad alle-kukalsoonaato
qofkasatana waa in uu maanka
Ku hayaa wax uusan alle- kuu qorin
helitaankeeda waa kaa hoog Dadka qaar ayaa waxaa moodaa wali in ay
kataktay kalsoonidii Alle
Oo waxaad arkeesaa qofkudhahaya waa
biyokama dhibcaan in aan baxao.
Sabab too ah hebalba wuu baxay taasina
waxaa la dhihikaraa waa (Iimaan-naaqus) oo maba heesatid kalsoonida Alle-
oksoonoow in raxmada alle- aan
Laga quusan.Alle-waxa uu qur’aankisa ku
cadeeyay in raxmada alle-aan laga quusan (Laataqnaduu min-raxmatilaah)
Isku wada soo duuduuboow waxaa
ladhihikaraa cudurkaan waa mid jira waliba khatartiis leh.
Xasuusnoow qaacidada dhaheesa (Haka
dayrin waligaa nolosha aad la daris tahay Ha udoodin Abidkaa tukukaloo
ku dayasho Leh’
Farxaan-ceynte
Nairboi-Kenya
cayntakayare@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2004
»DACWADA
CALI SAMATAR::: DULMI HA SAMAYNINA | Xusen
»Fadeexaddii
2004 & Qarniga (Samsam Yarey)Cabdi
»"Digniin
ku Jeeda Samsam Axmed Ducaalle" |
C/rashid
»Riyadii
Xalay baan Rumeeysto, waan Riyaaqay | Eelay
»Arrinta
Samsam iyo Halka ay Somalitalk iska taagtay | Ibrahim
»Bilad-geesida
dagaalkii sokeeye, beeshee lasiiyaa?!! | Siyaad
»HABKA
NOLOSHA DHULKA [Mohamed A.]
»Nelson
Mandel: Madaxdii Adduunka:
Qarniyada 20aad & 21aad