Fiqado
Makka Ayaa Lagu Diley!
Yaa
Diley, Maxaase Loo Diley?
Fiqado, wuxuu ka mid
ahaa Baadariyada ugu waaweyn uguna caansan dalka Ethiopia. Wuxuu ku
caanbaxay gaalaysiinta dadka reer Ethiopia, wuxuuna noqday mid ka mid ah
dadka ugu firfircoon hawshaas gaalaysiinta isla markaana wuxuu ahaa
culimada ugu waaweyn ee diinta Kristaanka dalka Ethiopia. Isagoo ka
faa’iidaysanaya caanimadaas iyo mansabkaas uu ka gaaray diinta iyo
kaniisadaha dalkiisa, ayuu wuxuu helay lacag iyo jaah aad u sarreeya,
wuxuuna noqday mid ka mid ah baadariyada ugu khatarsan Geeska Afrika oo
dhan.
Fiqado, isagoo ku
sugan xaaladdaas aynu soo sheegnay, ayuu habeenkii danbe wuxuu ku
riyooday isagoo akhrinaya suuradda “Qul huwAllaahu Axad, Allaahus Samad
….”
Yaab iyo amakaag
ayay arrintaasi ku noqotay, meel uu wax u qaadana wuu garan waayey,
maxaa yeelay wuxuu ogaa in suuraddani ay Quraanka ka midtahay.
Fiqado oo ahaa nin
aad iyo aad u caqli badan, Ilaahna uu ku mannaystay garasho iyo
feejignaan badani, wuxuu dareemay in aanay arrintani ahayn riyo caadi
ah. Wuxuu isku dayey inuu tafsiir u helo hase yeeshee maskaxdiisa iyo
aqoontiisa wuu ka waayey wax sharraxaad ah.
Markii Fiqado wax
natiijo ah waayey ayuu wuxuu go’aansaday bal inuu arrintan wax ka
weydiiyo culimo muslimiin ah, wuxuuna soo aadey xafiiska Rabidad
Islaamka ee Ethiopia, bal inay u qiil bixiyaan arrintan layaabka leh ee
haraysay maskaxdiisa.
Masuulkii xafiiska
ayaa u sheegay in Ilaahay la doonay hanuun, iyo inuu ka saaro mugdiga
gaalnimada, nuurka islaamkana soo geliyo
Dhawr jeer markii uu
soo booqday xafiiska Rabidada, culimadii joogtayna ay u sharxeen
Islaamka iyo mabaadi’diisa quruxda badan; waxa uu Fiqado ku qancay in
waxa ay sheegayaan ay run tahay, Ilaahayna la doonay hanuun iyo inuu ka
saaro baadinimadii uu dadka ugu baaqayey, iyo mugdigii uu dhex
dabaalanayey.
Wuu islaamay
baadarigii weynaa ee Geeska Afrika, wuxuuna magaciisii u beddeley
Maxamed Saciid.
Dhinaca kaniisaddii
uu shiikha ka ahaa arrintii waxay noqotay wax aan la qaadankarin!
Waxayna u arkeen in arrintani ay keeni doonto burbur xoog leh oo soo
food saara kaniisadda, waxayna yiraahdeen: waa in uu kusoo laabto
diintiisa! Hadii uu diidana waa in laga takhalluso!
Dhinaca
muslimiintana arrintani waxay noqotay guul weyn oo aan la rumaysankarin!
Waxayna Ilaahay ku mahadiyeen sida uu diintiisa ugu xoojiyey Fiqado oo
runtii keeni kara in magaalooyin dhan ay usoo wareegaan islaamnimada!
Maxaa yeelay ninkani ma ahayn nin caadi ah.
Haddii uu awal ahaa
mid u hor seedayey gaalnimo, waakan oo maanta wuxuu u horkacayaa
islaamnimo. Runtiina sidii ay fileen baa dhacday tuulooyin idil ayaa soo
islaamay.
Kaniisadu iyaduna
go’aan bay meel dhigatay. Hadal kama noolee, Fiqado waa in laga
takhalluso.
Markuu dareemay waxa
ay damacsanyihiin asxaabtiisii hore ee gaalnimada ay ku walaaloobeen,
ayuu xafiiska Rabidadu wuxuu u hawlgalay sidii Fiqado looga badbaadin
lahaa shirqoolkaas. Waxayna ka shaqeeyeen sidii fiiso Sucuudiga ah loogu
heli lahaa, taasoo u suuragalinaysa inuu kor u qaado aqoontiisa islaamka,
kana badbaado dilka lala maagganyahay.
Markii uu Sucuudiga
tagey wuxuu isla markiiba helay deeq waxbarsho oo u suuragelisay inuu
galo Machadka Luuqadda Carabiga ee hoos yimaada Jaamicadda Ummul Quraa,
waxaana si dhaqso ah loogu habeeyey guri ku filan isaga iyo reerkiisa oo
iyaguna lasoo islaamay, mushahar u qalmana waa loo qorsheeyey.
Runtii Fiqado wuxuu
ahaa nin aad u dhug badan, fahmadiisuna anay caadi ahayn, taasina waxay
u suuragalisey -fadliga rabbi ka bacdi- inuu si dhaqso ah u barto
luuqaddii carabiga iyo mabaadi’da diinta islaamka labadaba. Wuxuu noqday
nin aad u wanaagsan ay ka muuqato Alla ka cabsi, taqwo, khushuuc iyo
boohin dheeri ah, wuxuuna habeen iyo maalin ku cibaadaysan jirey
masjidka Xaramka.
Maalintii danbe ayaa
waxaa u timid gabadh uu dhalay baadarigii masuulka ka ahaa kaniisaddii
uu isagu kasoo islaamay, oo runtii ahayd gabadh inan ah oo qurux iyo
sha’ni aad u badani ka muuqdo. Waxay u sheegtay in uu aabeheed cayriyey
kadib markii uu ogaaday in ay diinta islaamka qabsan doonto.
“Reerkayagii oo dhan
baa I dayriyey. Waxayna doonayaan inay I dilaan. Meel aan aado ma aqaani.
Sidaas ayaan waxaan u go’aansaday inaan adiga kusoo aado, si aad iiga
badbaadisid gaalnimada ay iigu yeerayaan, iyo dilka ay ila maagganyihiin”
ayay ku tidhi Sh: Fiqado “waxaan doonayaa inaan kula joogo. Haddaad I
guursatidna way fiicnaan lahayd. Diinta islaamka ayaan doonaya ainaan
kaa barto” ayayna ugu dartay.
Sheekh Fiqadana (bariba
laf kama filane), warkan naxdinta leh ee gabadhu sheegtay wuu u
nuglaaday. Wuxuuna is yidhi: “Allaylehe niman sameeya waa yihiin” isagoo
iskula hadlay “waa inaan inanta badbaadiyaa” wuxuuna go’aansaday inuu
guursado.
Markii uu
guursadayna wuxuu dajiyey magalada Jiddah, maxaa yeelay reerkiisii hore
ayaa Makka la deggenaa.
Sheekhu ma ogayn in
naagtu ay tahay mid ay soo direen nimankii kaniisadda oo aad uga
xumaaday nicmada Ilaahay ku galladaysatay, oo ay u quuri la’yihiin.
Shaw inkaar qabto
AIDS bay qabtaa!
Markii ay hubsatay
in ay u gudbisay cudurkan halista ah, ayay aayar dalkeedii dib ugu
laabatay, iyadoo Fiqado iyo reerkiisiiba u qoonsatay noloshoodii.
Isla markiiba wuxuu
cudurkii u gudbiyey xaaskiisii hore, isagoon ogayn, taasoo isla markiiba
uu soo ritey xanuunku, dhawr bilood ka bacdina dhimatay Allah ha u
naxariistee.
Isna muddo yar ka
bacdi ayuu soo dhuudhuubtay, xanuunkiina uu soo ritey, halkaasoo ay tii
Alle ugu timid.
Sheekh Fiqado waxaa
lagu aasay Magaalada Makkah. Ilaahay Jannadiisa ha ka waraabiyo.
Maasha Ilaah yidhi –macne-:{
Yuhuud iyo Nasaaro toona raalli kaa noqon mayaan ilaa aad diintooda
raacdid} Baqarah, 120
Waxaa sheekadan soo
tabiyey
www.islamway.com
Cabdisamad Xoday
Hoday30@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 25, 2004
»DACWADA
CALI SAMATAR::: DULMI HA SAMAYNINA | Xusen
»Fadeexaddii
2004 & Qarniga (Samsam Yarey)
Cabdi
»"Digniin
ku Jeeda Samsam Axmed Ducaalle" |
C/rashid
»Riyadii
Xalay baan Rumeeysto, waan Riyaaqay | Eelay
»Arrinta
Samsam iyo Halka ay Somalitalk iska taagtay | Ibrahim
»Bilad-geesida
dagaalkii sokeeye, beeshee lasiiyaa?!! | Siyaad
»HABKA
NOLOSHA DHULKA [Mohamed A.]
»Nelson
Mandel: Madaxdii Adduunka:
Qarniyada 20aad & 21aad