Qaran-dhis
Ilaah baa
mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Maqaalkii,
geel markaad leedahay baa geel-jire la samaystaa waxaan ku sheegay kajankii/kaftankii
la sheegi jiray ee ahaa wiil imtixaan ku jira oo gabar ka qishayey baa xitaa
magaceedii ka qishay. Marka ugu yaraan markii la qishayo waa in qofkaad ka
qisheyso magaciisa la iska jiraa. Wax kasta waa inaad u qaadataa sida adiga
kugu fiican oo kugu habboon. Hal arrin ah baan u arkaa in siday tahay loo
qaato, annagoon shaki iyo tuhun gelin – waa Islaamka.
Waxaan
mar kale ku celinayaa qaran-dhis iyo dowlad-dhis shuqul iskuma leh; waxayna
isu jiraan inta cirka iyo dhulku isu jiro; welibana isku waddo looma maro.
Dowladdu waa saqaf/tarniig oo kale oo waxay mar kasta u baahantahay qaran
dhisan. Haddaan si kale u dhaho, wasiirrada laga dooran doonno
xildhibaannada iyo tiro le’eg oo qaybaha kale ee bulshada ah waxba isma
doorshaan markuusan jirin qaran dhisan oo u diyaar ah dowladda. Qofka
caadiga eh ee Soomaaliyeed ee jooga Soomaaliya, ka soo qaad inuu yahay
bulukeetigii/dhagaxii qaranka dumay; dagaal-oogayaasha wasiirrada
noqondoonana waxaa loo wadaa inay noqdaan laamiyeerigii qaranka dumay.
Maaddaama uusan laamiyeeri keligiis meel cidla’ ah dedi karin, isaga iyo
dhagaxaas wax isma dhaamaan oo makala sarreeyaan. Sidaan horay usoo iri oo
ahayd in haanta gunta laga soo unko; ayaa markii guri la dhisayana waxaa
laga soo bilaabaa aasaaska iyo in hoos aad looga soo adkeeyo. Laamiyeeriga
ka hor, dhagaxa iyo bulikeetigaa ayaa u baahan in marka hore si fiican la
isu saaro. Haddii taas la waayo oo qaran iyo dowladi jirin, dhagaxaas waxaa
loo isticmaali karaa fargan, dadka “indhaha iyo ilkaha” looga jebiyo ama
dhagxaan wax lagu dakhro sidoo kalana tarniigaas, waxaa qaadi kara dabaysha
(Zenawi & cadow kale) oo u isticmaali kara inay dadka unuunka kaga gooyaan
haddii meel bannaan la iska waro oo wasiirro aan xafiis ay ka soo jeestaan
iyo dad ay xukumaan haysan la iska magacaabo.
Maxaa
Geeddi la gudboon?
Qof
baa laga yaabaa inuu is dhaho “madaxweynayaashii” horaba (laga soo bilaabo
1991 –2004) wax bay isku duwdeen! Maxay isku duwdeen? Haddii madaxweyne, soo
beryey dowladdo; soow dagaal-oogayaali, cadow iyagoo kaashanaya wax iskuma
duwdan? Qof kastoo lacag heysatana wax waa isku duwan karaa laakiin sidaas
qaran ma la isugu duwdaa? Marka lacag-isku-duwasho iyo qabiil-isku-duwasho
kama hadleyno.
Maaddaama
aan dowladda, dadkii/saqafkii qaranka ku sheegnay maaddaama aan qaran jirin,
sidee saqafkaas laga yeelaa? Horta haddaad heysato tarniig aad rabto inaad
guri saarato waa inaadan uga tagin bannaanka maalin dabayl dhacayso isagoon
xirxirnayn ama aan meel ku jirin. Haddii kale dadkuu huf ka dhigayaa. Sidoo
kale waxaa la samaynkaraa in isaga iyo alwaaxda la isku xirxiro oo meel weyn
la iska dhigo isagoo diyaarsan oo sugaysa in guri le’eg hal mar lagu dado.
Waxay sidaasi ka dhacdaa waddama isticmaala dimuqraadiyadda; oo waxaa jira
xisbiyo mucaarad ah oo isu diyaariya inay guuleysaan; haddey guuleystaan,
hal mar baa saqafkii hore (xukuumadda dhacda) laga qaadaa oo tan cusub oo
dhisan (tarniig diyaar ah) dhusha laga saaraa, waa marka qaran dhisan yahay.
Gadaal ka arag markaan tusaale usoo qaadanayo xisbiyada Britian qaarkood.
Mar marka qaarkood targiis diyaarsan laftiisa uffo qaadi karta oo inta
hinjisa, duul meel fadhiya dusha uga rida. Waa marka xisbigaas isagoo xukun
doon ah uu cadow u adeego.
“Maxasuuste taariikhda waa laga mirqaataaye”. Sidaan horay u soo iri;
magacaabid-wasiirro, keligeed wax weyn ma soo kordhiso. Xataa muhuum maahan
in markaan ra’iisul wasaaruhu uu wasiir arrimo dibadeed samaysto; hadduu
ra’iisul wasaaruhu rabo inuu cid soo baryo waxaa fiican inuu isaga laftiisu
soo baryo ee uusan cid kale u dirsan inta qaran dhismayo. Waxay ku
fiicantahay inuu nimanka hubaysan, si khaas ah u soo dhoweysto oo uu ka
dhigto la-taliyayaal iyo inay hadhow wasiirro noqon doonaan markii qaran
dhismo. Dani uguma jirto inuu haddeer uu shaaca ka qaado waxa mid walba
helayo ileyn kulligood wasaarad maaliyadeed iyo wax la mid ah bey rabaane.
Ka warran
xildhibaanno u dagaalaya jago? Maxay u dagaalayaan? Waxay rabaan meel ay
tuubbo gashadaan! Hal il baa durduraysay, iyadiina waxaan mooday in laga
heshiiyey labadii sano ee shirka loo fadhiyey laakiin weli waa sunsumaysaa –
waa dhiigga shacabka. Marka ma waxaan idiin dooraneyney inaad dhiigga
shacabka tuubo gashataan? Si aad tuubbo u gashataanna waa inaad kuwo badan
god gelisaan. Hadday leeyihin, maya, markaan ma rabno inaan dhiigga shacabka
Soomaaliyeed tuubbo gashanno ee waxaan rabnaa in deeqaha Soomaaliya la
siinayo aan tuubbo gashanno. Yaa deeqaha bixinaya? Waxaad mooddaa, haddaan
Soomaali nahayba, inaan caqli noo kordhin! Waxaad mooddaa in la joogo
Toddobaatameeyaddii iyo Carabahoo lacagtii ka badatay! Carabuhu hadday lacag
ku siinayaan, iyadoo isku xiran bey farta kaa saarayaan laakiin waddamada
reer Galbeedku saas maaha. Bal dib u xasuuso kaalmaddii Talyaanigu sheegi
jiray inuu Soomaaliya siin jiray? Imisa naga soo gaartay? Hadda Carabuhu
iyagaa toodii u yaabban.
Sidee
Qaran loo dhisaa?
Ma
“Marx”, “Weber” iyo wax dad nala mid ahi sameeyeen baan iska raacnaa; weliba
iyagoo naga diin iyo dhaqan duwan? Maya, WALLAAHI. Maxaa Weber iyo Marx noo
soo arkey ileyn waa binu Aadan anagoo kala ahe. Markaan aan Ilaah maqalno.
Ilaahna wuxuu yiri waxaa tusaale idiin ku filan nabi Muxmamed (SCW). Nabi
Muxamed (SCW) markuu reer Makkaad ka quustay ayuu Hijradii sanado yar ka hor,
wafdi ka socday Madiina, labo jeer qaabilay. Wuxuu la galay balanqaadyo.
Dabadeed wuxuu u diray safiir, dadka reer Madiina diinta bara. Hadda haddaan
Soomaali nahay oon samo-saadsi samayno, wataas ay dagaal-oogayaashi kulmeen.
Waxaa harsan in xubnaha baarlamaanka loo kala diro nin walba magaaladuu ka
yimid oo ay dadka diyaariyaan sidii Qaranka loo dhisi lahaa.
Nabi
Muxamed (SCW) markuu Madiina tegay muxuu sameeyey? Ma wasiirruu magacaabay?
Ma dadkii soo qaxay buu xarumo, dhallaanka iyo hooyooyinka lagu quudiyo u
sameeyey? Ma rug caafimaad buu dhisay? Mayee wuxuu ka bilaabay masaajid iyo
rug arrimahaas lagu baadigoobo. Tusaalaha nabi Muxamed (SCW) qofkii aan
raacin waa qof gaarifaraskii ka hormariyey faraska. Marka wasaarad iyo
dib-u-dhis waddan ayaa ka horraysa jagooyin la magacaabo. Maaddaama la rabo
in qaran dhan la dhiso, wax gooni ah oo baarlamaan ka yar 300 uu samaynkaraa
iska yar. Marka qaran la dhisayo, malaayiin qof baa loo baahanyahay. Marka
ka warran qofkii inta malaayiin qof iska hilmaama, u qaata in tobonaan qofi
wax hagaajin karto?
Waa
sax in “madaxweynaha” ay xildhibaanno doorteen; isna uu “ra’iisul wasaare”
doortay. Haddii wax la doortay wax lagu helayo; waxaa la arki lahaa qarankii
Soomaaliyeed oo shaqaynaya markii Prof. Geeddi la magacaabay ee hore!
Maaddaama maalmo dhowr ah ay dowlad u dhisnayd Geeddi, ma aragteen qaran
maalmo dhismay?! Haddaan si kale u dhaho, 22-kii iyo 23-kii Oktoobar 1969
waxaa shaqeynayey amarka Kacaankii 21-ka Oktoobar. Bal car wataase, labo
bilood iyo bar ka badan baa la joogaa markii kornayl C/hi madaxweyne loo
doortee, haka shaqeeyo amarkiisu Soomaaliya. Haddaan arrinta siday tahay loo
wejihin, arrintu waxay ahaaneysaa sidii “dowladihii” ka horreeyey, laga soo
bilaabo 1991 – 2004.
Ilaahoow iimmaanka hanaga qaadin! Nabi Muxamed (SCW) deeq kama sugin Ruum
iyo Furus oo markaas ka dhignaa reer Galbeedka iyo Shiinaha oo kale;
dadkiisii soo ceyrshayna, naxariis kama sugin ee wuxuu gartay in saxaabadii
soo hijrooday iyo kuwa Madiina ay yihiin dad; aysana jirin wax ka qiimo iyo
wax-soo-saar badan dadka. Nabigu wuxuu furay quluubtii dadka markaasuu
iimmaan ka buuxshay una sheegay inay adduunkoodana la soo baxaan. Waa la
ogaa sidii uu u walaaleeyey dhexdooda. Sidoo kale wuxuu heshiish la galay
dadkii aan Ansaar ahayn ee Madiina iyo hareeraheeda degenaa sida Yuhuuddii.
Dowladdii Kacaanka ahayd dan baa naga soo gashay! Waxaan u baahannahay
mabda’ii ahaa iskaa-wax-u-qabso. Ogoow Kacaanku uma horrayn cid
iskaa-wax-u-qabso sameeysa. Masaajika nabiga (SCW) waxaa lagu dhisay
iskaa-wax-u-qabso. Dadka haddaad ku khasabtid in ay iskaa-wax-u-qabso wax ku
dhisaan waxaa dhacaysa inay dhagxaanta iyo dhismaha si khaldan isu saaraan
dabadeedna mudo yar ka dib ay wax walba dumaan sidii dowladdii hore oo kale.
Laakiin waxaa la rabaa in dadka la wacyigeliyo oo iyagoo raali ah ay
taburacaad geystaan. Kacaankii 21 Oktoobar wuxuu tan Mbagathi uga duwanyahay,
kacaankaas, Maxamed Siyaas iyo taageerayaashiisii buu ka yimid; inkastooy
Midowgii Soofiyeeti la xirteen laakiin inay dowladdii rayidka ahayd ridaan
wuxuu ka yimid xukun-jacaylkooda ee Adisababa laguma soo dhisin. Marka sina
looguma baahna mabda’a aan caadiyeysanay ee ah wax-hanaloo-qabto. Laakiin
bal wasiirro tuubbo-gashi raba iyo iskaa-wax-u-qabso maxaa iskaga dan ah.
Horumarka lagu gaaro
isku-xukunka diinta Ilaahay
Bal
suurayso suu nabi Muxamed (SCW) uga soo baxay Makkah? Hijradii iyo dagaalkii
Badar imisaa u dhaxeysay? Nabi Muxamed (SCW) oo dhuumasho uga soo baxay
Makkah oo god-gelidii iyo dhibtii la ogayd ka soo raacday waa la ogaa markii
uu baadi-goob ugu dhaqaaqay inuu soo qafaasho awrtii iyo hantidii Qureysheed
isagoo uga danlahaa inuu soo ceshado xaqoodii iyo hantidoodii laga soo
barokiciyey! Ma durbadiiba! Bal intaad mabaadiida iyo diimaha dadka kale
fiirisaan bal soo hela is-bedel ka dhaqso badan kaas Nabi Muxamed (SCW)
sameeyey. Haddeer oo la joogo haddaan helno hogaamiye fiican; oo aan Ilaah
maqalno waxaa dhici karta inaan la xisaabtanno Zenawi muddo yar gudaheed
haddii Ilaah idmo laakiin sida xaalkeennu yahay “heyhaata”.
Muxuu
u baahanyahay hogaamiye Soomaaliyeed?
Qofkii raba inuu Soomaaliya hogaamiyo wuxuu u baahanyahay maskax iyo feker
fiican. Caqli maahan inuu sida Mela Zenawi ama Maraykanka u fekero ee waa
inuu u fekeraa waxa danta Soomaalida ugu jirto. Fiicnaan lahaydaa haddii
Prof. Geeddi akhrin lahaa sheekadan buugta Afsoomaaliga ee iskuulada lagu
qori jiray:
Waxay sheegaan in nin waxgarad ahaa oo dhowr aqoolood cidla joogay uu ku
soo dul dhacay islaan ladan oo aqal buuxa dhex joogta. Ninkii runtuu u
sheegay islaantii iyo inuusan dhowr maalmood afka wax saarin. Islaantii,
sidii marti-soor looga sugayey bey deyro iyo is-hafrid la soo boodday;
waxayna tiri:
-
·
Waatay
goome noqotaa
-
·
Oo
guga la waayaa
-
·
Giddi
maanta oo idil
-
·
waxba
maan gasiimanoo
-
·
Gowsaha wax maan gelin
Ninkii talaa ku caddaatay. Naftiisii buu u baqay iyo inay gaajo naftu uga
dhacdo. Feker gaaban ka dib wuxuu isha ku dhuftay dhagax yar oo islaanta
agyaal. Wuxuu yiri waxaan rabaa inaan dhagaxaas, soor ka sameeyee bal dab ii
shid. Islaantii oo yaabban baa dab oogtey oo dheri/digsi u saartay. Ninkii
inta dhagaxii dhaqay buu digsigii ku riday oo walaaqay! Wuxuu islaantii ku
yiri bal xoogaa cusbaa i sii. Markii cusbadii loo keenay buu inta digsigii
ku riday walaaqiddii sii watay. Markay biyihii kareen buu ninkii yiri haddii
xoogaa jariir ah la helilahaa meeshaa waxaa ka soo bixi lahaa raashin
bannaanka laga maray! Islaantii waxay tiri deyrtii dhoweyd waxaan guriga ku
ogaa masaf jariir ku jirto ee ii sug aan raadshee; cabbaar ka dib waxay
keentay masaf buuxda oo jariir ah. Ninkii intuu rabay buu ku darsaday.
Markii cabbaar la joogay oo jariirtii bislaan rabto buu ninkii yiri haddii
xoogaa budo ah oo jariirta lagu adkeeyo la heli lahaa, waxa halkaas ka soo
bixi lahaa cunto qiimo badan. Islaantii sidii oo kale bay sheegtay in ay
waqti hore ay meel ku ogayd masaf budo ku jirto balse waqti ay ku
baadigoobto la siiyo. Qaddar yar ka dib bay keentay masaf budo ceegaagto.
Ninkii sidii oo kale buu ka isticmaalay intuu rabay. Markii soortii
bislaatay buu dabka ka qaaday oo yiri haddii xoogaa subug ah oo lagu daro la
helilahaa waxaan shaki ku jirin in faraha la isgoosan doono, soorta
macaankeeda darteed! Sidoo kale baa habartii, is-hafrid ka dib keentay
tabbad cod-cod/subag ka buuxo. Ninkii intuu u baahnaa buu ka isticmaalay.
Ninkii wuxuu hadalka sii raaciyey haddii xoogaa garoor ah oo lagu sii dari
lahaa la heli lahaa waxay soortu noqon lahayd tii ugu macaanayd ee weligeed
la cuno. Sidii oo kale baa islaantii waxay keentay dhiil uu garoor ka buuxo.
Ninkii inta dhagaxii ka saaray digsigii oo xeero soo qaatay buu intuu rabay
ka gurtay dabadeedna digsigii iyo intii kale islaantii hoos dhigay.
Islaantii oo cantuugeysa soortii baa inta da’ ka yar intay jirtay sheegtay
tiri: intaas baan jiraa oo weligay ma arag cunto ka macaan middan dhagaxa
laga kariyey!
Inkastooy dhici karto in sheeko xariirtaas loogu talogalay dacaayadeynta
dumarka laakiin dantaan ka leeyahay waa in dadka wixiisa la tuso. Marka soow
ma habboona in la hela hogaamiye na tusa kheyraadka waddankeenna oo waxeenna
wax naga cunsiiya? Haddii Soomaalida waddama reer Galbeedka joogaa midkii ku
deeqo 100 doolar waxa la helayaa lacag wax lagu sii bilaabi karo inta lacag
intaas ka yar ay ka baryi lahaayeen waddamo waxay baxshaanba tahay: hoo oo
ku go’.
Dadka dibadaha jooga khaasatan kuwa waddamada reer Galbeedka jooga waxaan
kula talin lahaa inay indhaha furaan ee aysan u fekerin sidii wiilal wada
mooryaan iyo jirri noqday markay waxbarasho waayeen. Kee caqli badan
xildhibaan raba inuu helo wasiir si uu tuubbo wax u gashado ama “aqoonyahan”
shadaado sare wata oo raba inuu qabiilkiisu helo wasiirro xukuma wasaarado
fiican si uu tuubo u gashado?
Haddaan tusaale usoo qaato waddankaan Ingiriiska oo aan joogo, iska daa
xisbiga talada hayee xitaa xisbiga labaad ee waddankaan wuxuu u dhisnyahay
sidii dowladdii oo kale oo wuxuu leeyahay waxa loo yaqaan “shadow cabinet”
oo haddii ay beri ka maalin doorasha ku guuleystaan inay talada qabtaan
iyagoo diyaar ah. Ururka labaad maahee xitaa kan seddexaad waa diyaar.
Xisbigaas labaad wuxuu leeyahay qof qof iyo dad isu tagay oo aan ahayn kuwa
xildhibaannada ah, oo ay isu keentay dano urur. Xitaa wuxuu leeyahay urur la
yiraahdo “Young conservatives” oo da’doodu u dhaxayso 15 ilaa 30 jir. Waxaa
dhici karta inay yihiin xooggaga mutadawiciineed ee ugu badan ee ay
leeyihiin dhallinyaro-siyaasadeedka. Waxay iska aruuriyaan lacago lagu
taageero xisbigooda; waxay soo qabanqaabiyaan shirar, waxay iska doortaan
ciddii xukumi lahayd dhallinyaradaas; waxay diyaariyaan ciddii hadhow u
tartami lahayd xubnaha baarlamaanka. Waxaas oo dadaal ah oo ay sameeyeen
waxaad arkaysaa in madaxda iyo hantida waddankaanba ay gacanta u gasho dad
kooban oo iyagu ilaashada. Maxaa yeelay waa sharci dad samaystay marka
sharci dad samaystayna dibindaabyo iyo xaq-darro lagama waayo.
Marka bal fiiri inta aqoonyahan Soomaaliyeed ee qurbo jooga. Maxay ku
towranyihiin? Fiicnaanlahaydaa xitaa haddii ay danta qabiilkooda si fiican
oo waxtar ah uga shaqaynlahaayeen. Waxay fiirinayaan Nairobi iyagoo sugaya
inta wasiir ee tuubbo wax gashan karta ee ay helidoonaan! Maxaa noo diiday
in aan yeelno waxa dhallinyaradda Ingiriiska ah ee qaarkood jiro 15 iyo wax
la mid ah ay sameeyaan. Maxaa noo diiday in dhallinyarada iyo aqoonyahanku
wada xiriiro? Maxaa noo diiday in la aruuriyo lacag wax loogu qabto waddanka
si qaran loo dhiso?
Ilaahay wuxuu Suural Al-Anfaal ku sheegay in gaaladu qaarkoodba ay yihiin
awliyada qaarka kale (xagga iskhaashiga siyaasadeed, dhaqaale, caafimaad,
waxbarasho, tiknoolajiyad iyo ka hortagga Islaamka) marka Ilaah wuxuu
leeyahay haddaydaan sidoo kale isku xirmin waxaa dhulka ahaanaya fitno iyo
fasaad weyn. Ilaahay waa run sheegay. Bal fiiri waddama Carabta iyo Islaamka?
Bal Soomaaliya fiiri. Maxay tahay fidnaha ka daran, koox inta dadkoodii
madaxa iyo lugaha qabteen, u haya in cadow gowraco! Soow arrintaas
Soomaaliya, waddamada Carabta iyo kuwa Islaamka oo dhan lagama sameeyo? Soow
hadda Zenawi uma habboona inuu dagaal-oogayaaha uqaado heestii Sangub
alifey;
-
·
Wanka
macasha ii qabo
-
·
Adna
gowrac ii mari
-
·
Dhiiggana aan muudsado
Imisa qof oo Soomaaliyeed baa iyagoo xirxiran, Zenawi loo geeyaa? Marka
labada kornayl (C/hi Yuusuf iyo Daahir Riyaale) midna madaxa hanagu dhego
midna minjaha dabadeedna “xukuumahadaha labada kornayl” hana bireeyeen.
Qofkii muslim ah, inta ASHAHAADADA qabsado buu Insha Allaah muslinnimo ku
dhiman doonaa laakiin waxaa hoog heystaa dadka falsafad iyo mabda’ aan
Islaam ahayn aamminsan ee hadda dhibka iyo gowraca nala qaba.
Marka danta maqaalku waa inaan wasiir-magacaabid iyo wax la mid ah keliya
aysan Soomaaliya xal u ahayn. Soomaaliya qarankii oo dhan baa dhulka ku
dhacay. Marka qof kasta oo Soomaaliya baa la rabaa inuu ka geysto wixii
tabartiis ah. Marka waxaaba dhici karta in xildhibaannada Soomaaliyeed
intooda badan noqdaan kuwa noogu tayo hooseeya markii laga hadlayo aqoonta
iyo caqliga oo ayba howsha (qaran-dhiska) inteeda badan dusha uga dhacayso
dadkeenna kale. Ilaahay baa i lahe, anigu marna Zenawi kheyr ka sugi mahayo.
C/Waaxid C/hi
Khaliif
Lonodn, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Dec
26, 2004
Reer
Minnesota oo Taageeray Reer Cali Samatar Si ay isaga Difaacaan Dacwad Madani ah
oo ku Furan Maxamed Cali Samatar..
Shir xalay lagu qabtay Minneapolis ayaa laga soo jeediyey in...
Guji..
Dec 26
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|