SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - PAKISTAN
 
Daabaco Boggan | Print

Pakistan: Soomaali lagala baxay Guryohoodii

ISHA: Wargal Jooga Pakistan | Dec 8, 2004

Pakistan waa mid kamid ah dowladaha muslimka ah, hadana  qoxootiga Soomaalida waddan keeda kusoo dhawaysay,  kadib markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaliya.

Pakistan ku ma aysan ekeyn oo kaliya soo dhaweenta qootiga, ee Soomaalida waxa ay u ixtiraami jireen sida dad muwaadiniin ah oo kale, waxayna siin jireen wax barasho qaali ah  oo lacag la’ aan ah sida Medicine, Engineering, Pharmacy, micro- biology iyo kuwo kaloo cilmiga sayniska kamid ah.

Kadib weerarkii 11-Sebtember, waddanka Pakistan wuxuu bilaabay in uu kontarool ku sameeyo dhaqdhaqaaqayada qoxootiga Soomaaliyeed  ee kusugan  waddankeeda, waxay kaloo bilooday in ay tirakoobyo isdaba joog ah ay ku sameyso qoxootigaas soomaaliyeed sida ay u nool yihiin, meela dhaqaaluhu kasoo galo iyo waxa ay kaqabtaan Pakistan, waxayna sameesay sirdoon farabadan oo arimahaas u kuurgala, lana socda dhaqdhaqaaqyadooda.

Arintaani waxay keentay in tuugo farabadan oo  police iyo kuwo kalaba isugu jira oo Paakistaniyiin ahi ay fursad u helaan boobka iyo dhaca  iyo xirxiridda dadka soomlaaliyed ee aan waxba galabsan. Waxaa badaanaa la arkaa dad  qaba dharka dirayska ee policeka kuna hubaysan bostoolado iyo qoryaha yaryarkaayoo kale, oo  haddana baarta Soomaalida  kana dhaca wax alaaliyo waxa jeebabkooda ay kahelaan sida lacagaha, mobeeladda iyo wixii kaloo muhiim ah. mararka qaar guryahayba oogu soo galaan, kuna baartaan, qofkey u malynayaan in uu wax kaqarinaayana xabsiga ayey taxabaan ayagoo eedeemo been ah dusha kasaara.  

Waxaa asbuucii tagay horaantiisa guryahoodii lagala baxay laba nin oo somali ah oo lakala yiraahdo Sheikh Maxamed iyo Cabdinoor, oo sheikh maxamedku uu ahaa macalin dhiga jaamicadda layiraahdo Abubakar Islamic University, halka C/noorna uu ahaa arday dhigta  jaamicadda Karachi University, ilaa iyo iminkana lama oga meel alaaliyo meel lageeyey iyo sababta looqabsadayba toona. Sidoo kale asna asbuucaan waxaa gurigiisii inta lajabiyey lagala baxay nin layiraahdo Maxamed Xassan oo isagu ka qalin jabiyey Jaamicadda Karachi University sanaka 2001-da.  Inkastoo jirdil iyo dhibaatooyin loo gaystay, haddana laba bari kahor ayaa lasoo daayey.

Umadda soomaliyeed ee ku dhaqan waddankaan ayaa  cabashooyin farabadan oo ay kaga cabnayaa dhibaatooyinkaas loo gaystay u gudbiyeen marar badan Dowladda Pakistan, laakiin ilaa iyo iminka wax jawaab ah lagama helin dhanka  Dowladda.

Arimahaan murugada leh ee soo wajahay dadka soomaaliyeed, ayaa cabsi iyo walaac ku abuuray dadwaynaha soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalooyimka kala duwan ee wadanka Pakistaan.

ISHA: Wargal Jooga Pakistan oo weydiistey in aan la magcaabin | Dec 8, 2004

Qoraalka Xiga... Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 8, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/RISAAQ
Aniga Oo Ah Xildhibaan G/Wakiilada Somaliland Waa Sidee Arinta Sool, Bariga Sanaag iyo Buuhoodle: Qoraal dheer oo uu soo saaray C/risaaq Warsame Xayir ayaa tibaaxay in Guji
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD