Ciil Kama Kore
Maxamed Hirad
San Diego California
Xagar2000@aol.com
cayn kalaa wuxuu
yahay cidaha
reer woqooyigu
gaalo cidhib
tirkeediyo
iska caabbin mooyee
goormaa la caabuday
oo
qabuurahoodii la
cafiyey
cududdii
daraawiishee
cadowgii kufaartii
carradeena soo galay
caalamkoo
markhaatiya
cishriin sano la
dirireen
goormaa la caasiyey
ciilkii sheekh
Bashiir iyo
codkii Faarax Oomaar
gaalo waxay
casilayeen
goormaa la caasiyey
calankeenii curadka
ahaa goormaa
la caasiyey
suldaankii cisiga
weynaa
cabdillaahi geenii
ma ina cali waraabaa
ka caweeya beertii
Tima cadde cokiisii
ma Faqash bow
cimaamadan
waa maxay
celceliskani
carsaanyada sideedii
caku dunidan
carartaye
calagyadu u taliyaan
Beelaha gobolada
waqooyi waxa safka
hore ay kaga jireen
dhaqdhaqaaqii
xorriyad doonka
Soomaaliyeed. Waxa
taa dalliil u ah
halgankii dheeraa ee
daraawiishta, kii
axsaabta siyaasiga
ahi hormoodka ka
haayeen ee
billaabmay
horraantii
sannadihii 40 aad
kii ee qarnigii la
soo dhaafay iyo
kuwii Sh. Bashiir
iyo Faarax Oomaar.
Doonitsa xorriyadda
shacabka
Soomaaliyeed
kaalintaas waafiga
ah ee ay kaga jireen
beelaha Waqooyi ee
Soomaaliya waa mid
ay ka marag kacayso
taariikhdu. Sidoo
kale waxa ay kaalin
mug leh ka qaateen
xorriyadda Jabuuti
iyo kuwii lagu
taageeray Soomaali
Galbeed.
Dadkaas taariikhda
Soomaalida baalka
dahabka kaga jiray
kaalintee ayay
maanta oo Soomaali
burburtay kaga
jiraan? Waa su’aal
muhiim ah oo malaha
dad badani
isweydiinayaan. Waxa
haddaba aan
maqaalkan kooban
isku dayi doonnaa
bal in aan yara
iftiimiyo kuwa
horkacaya qolyaha ku
taammaya in ay kala
gooyaan
Jamhuuriyaddii
Soomaaliyeed.
Tan iyo intii uu
dhaqdhaqaaqii SNM
gacanta ku dhigay
gobolada galbeedka
ee Waqooyiga
Soomaaliya waxa ku
guuleystay in ay
hoggaanka qabaa’ilka
Isaaqa qabtaan qolyo
xag jira oo uu
qalbigooda buuxiyay
nac iyo xumaan ay u
qaadeen Soomaali
inteeda kale. Waxa
ay dadkii
wanaagsanaa ee u
dhashay Hargeysa iyo
inta la haybta ah ay
ku jujuubeen in la
naco asalka ay ka
soo jeedaan ee
Soomaalinimada ah.
Waxa ay ka dhigeen
wax la isku caayo
erayada ay ka mid
yihiin Soomaaliweyn,
Federal iyo Xamar
baa nalagu celinayaa.
Waxa ay dadweynaha
ku beerlaxowsadaan
waa dadkii inna
laayey iyo adduunku
Koonfur sanka ayuu
ka qabsaday ee
innagu yaynaan ku
dhex milmin.
Ragga maanta
hogaamiya siyaasadda
mashruucaas lagu
asturay magaca
Somaliland waa kuwa
cuqdadi qalbigooda
dhaamisay ee ku
hadaaqa erayada ay
ka mid yihiin wiilka
Xamar ku dhashay
waxa iga xiga kan
xabashiga ah. Waa
kuwa dadweyne
Soomaaliyeed u
dhiibay cadowgoodii
oo dhaafsaday iyaga
oo malahooda leh
waxa ay hore u
dhigaysaa hamigooga
ah ka go’idda
Soomaaliya. Waa kuwa
uu ku tilmaamay
syaasiga Cusmaan
Jaamac (Cusmaan
Kalluun) oo laftiisu
ka soo jeedda
degaanka Burco Ciil
kama korayaal aan ka
badin waa nala
laayey.
Bal akhristow
barbardhig kuwaas
awooweyaashoodii
ahaa Faarax Oomaar,
Sh Bashiir, Maxamed
Xaaji Ismaaciil (Barkhad
Cas) iyo raggii kale
ee badnaa ee u soo
halgamay xorriyadda
Soomaaliyeed. Bal
xusuuso halka uu ka
taagnaa Alle ha u
naxariistee Faarax
Oomaar markii uu
lahaa dalkaygu iyo
dadkaygu ka yar wax
la kala gooyo. Bal
xusuuso Sh. Bashiir
maalintii la dilay
ee maydkiisa
bannaanka la dhigay
halka uu ka taagnaa
Soomaalinimada. Ciil
kama korayaasha
maanta hor kacaya
mashruuca loo
bixiyay Somaliland
sida Ismaaciil
Faqash, Cawil iyo
Ina Cali Waraabe
waxa ay qabaan in
aanay Soomaali waxba
la wadaagin. In laga
tarxiilo Hargeysa
iyo magaalooyinka
kale Soomaalida aan
haybtoodu ka soo
jeedin degaankaas.
Waa kuwa ku kallifay
wadaadadii Islaamka
ahaa ee reer
Hargeysa in ay
sannad walba u
duceeyaan askarta
Ingiriiska ee ku
xabaalan Hargeysa,
islamarkaana ina ay
siyaartaan
qubuurahooda. Bal is
barbardhig Barkhad
Cas maalinta uu ku
geeraarayay Aan
Ooyee Albaabka ii
Xidha isaga oo
diiddanaa in uu soo
dhaweeyo mid ka mid
ah qoyska reer
boqorka Ingiriiska
oo booqasho ku timi
Hargeysa iyo Adna
Aadan Dhakhtar oo ku
hadaaqaysa Boqoraddu
waa hooyadayo
annaguna waxaanu
nahay agoontii uu ka
tegay ingiriisku.
Waa mucjiso!
Waxa iyana mucjiso
labaad noqotay meeye
hal abuuradii iyo
abwaanadii caanka
ahaa ee reer
Waqooyi Galbeed sida
Cabdi Qays iyo
Gaariye? Maxay tolow
uga aamuseen
arrinkan dhaqanka
Soomaali ku cusub ee
ay tolkood la
yimaadeen? Mise
iyagaaba la qaba!
Abwaanadii hore sida
Tima Cadde, Xaaji
Aadan Af Qalooc iyo
Barkhad Cas hadday
maanta nool yihiin
kollay lama soo
mariyeen fikirkaas
asal nacaybka ku
abtirsada ee kuwa
maangaabka ahi
horkacayaan.
Waa yaabka yaabkii !
Waa calaamo hor leh
oo uu Ilaahay
Soomaalida ku soo
kordhiyay. Waa kuwaa
maanta qolyaha u
tafaxaydan kala
goynta Soomaaliyi
diyaarka u ah in ay
xabbad ula yimaadaan
kuwa diiddan in la
kala gooyo
Soomaaliya sida reer
Laas Caanood oo
kale. Bal maxay reer
Laas Caanood ku
raacaan fikirkaas
asal diidka ah ee ay
qabqablayaasha ka
yihiin Ciil kama
korayaasha u
tafaxaytay in ay
Soomaali god ku
hubsadaan? Gabadh
Soomaaliyeed oo
su’aashaas ka
jawaabtay ayaa
tilmaantay in aanay
suuro gal ahayn in
ay marna talo la
wadaagto qolyaha
aaminsan arrimahan
soo socda:
-
Waxay tidhi
dooni maayo in
aan raaco ninka
Soomaalina ka
cararay
shisheeyahana
qaraabaystay
-
Dooni maayo in
aan raaco ninka
shacab
Soomaaliyeed ka
tarxiilay
Hargeysa iyo
Burco sidaan ku
maqli jiray
Carabaha
-
Dooni maayo in
aan raaco kuwa
siyaarana
qubuuraha
gaaladii
awooweyaashayo
guumeystay,
Ilaahayna u
baryaya in uu
jannadii ka
waraabiyo
-
Dooni maayo in
aan raaco kuwa
maalin walba ku
xidhxidhaya
Hargeysa dad
laga raacay
haybtooda oo
keliya, qaarna
loo dhiibay
Axmaaro
-
Dooni maayo in
aan raaco ninka
ku dhiiran had
iyo jeer
ceebaynta
Soomaali iyo
ammaanta cadowga
iyo kuwa
asalkooda
karaahiyaystay.
Shantaa hal ee
gabadhaasi sheegtay
iyo qaar kale oo
badan oo
dhammaantood gar ah
bay u horseedeen
shacbigii sharafta
lahaa ee galbeedka
waqooyiga Soomaaliya
nimankaas
majaaniinta ah ee
shaydaanku u gacan
haadiyay. Hayb sooc
iyo nacayb aan
Soomaalida kale la
wadaagin bay ku
abuureen
shacbigoodii.
Duulaanka ay maanta
ku soo qaadeen Laas
Caanoodna way ku
jabayaan sababtoo ah
gardarrada Ilaahay
hore ayuu u nacay.
Haddaba
akhristayaasha
sharafta leh waxaan
usoo jeedinayaa in
ay Ilaahay u baryaan
in walaalohoodaas
habowga la geliyay
Rabbiga awoodda lehi
ka dul qaado
shayaadiintan
hogaanka u qabatay.
Aamiin
Gabagogabadii
maqaalka waxaan ku
soo gunaanadayaa
maansadan gaaban
Hal baa geela cunis
iyo cabaad lagu
necbaadaa
Ama qaar cadhoobaa
la
cagaajiyaayoo
cid la' loo eryaayoo
ciyaaladu uleeyaan
dadka ceebihiisana
qaar baa
cadhoodoo
mudanaha cid ugu
xiga cidhibtiyo
boqnaha jara
misnah abid cataw
iyo ciil qab
weligii daynayn
caynkaa waxaa u eg
isaaqii colaad iyo
cadownimada beeraye
casar weerar qaadaye
madaafiic
cartamaysiyo
caarad dhuubta
qaataye
ciidan dowladeed iyo
caruur iyo
cirrooliyo
cashiiriyo mid
caabuda cawl
giirta kaga dhigay
miyaa haatan caaqibo
nagu soo cawaansaday
cayn kalaa wuxuu
yahay cidaha
reer woqooyigu
gaalo cidhib
tirkeediyo
iska cabin mooyee
goormaa la caabuday
oo
qabuurahoodii la
cafiye
cududdii
daraawiishee
cadowgii kufaartii
carradeena soo galay
caalamkoo
markhaatiya
cishriin sano la
dirireen
goormaa la caasiyey
ciilkii sheekh
Bashiir iyo
codkii Faarax Oomaar
gaalo waxay
casilayeen
goormaa la caasiyey
calankeenii curadka
ahaa goormaa
la caasiyey
suldaanii cisiga
weynaa
cabdillaahi geenii
ma Ina Cali Waraabaa
ka caweeya beertii
Tima Cadde cokiisii
ma Faqash bow
cimaamadan
waa maxay
celceliskani carsaanyada
sideedii
caku dunidan
carartaye
calagyadu u taliyaan
Maxamed Hirad
San Diego California
Xagar2000@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan