WADDANKAYGA SHARCI
KAMA JIRO!
Cabdinuur Aadan
Faarax (Borås,
Sweden)
abdinoor63@yahoo.se
Nin soomali ah oo
waddankan Sweden
qaxootinnimo ku
yimid ayaa maalin
maalmaha ka mid ah
la kulmay haweenay
ka socota Hay’adda
qaabilsan socdaalka
dadka qalaad. Ninku
wuxuu haweenayda ka
rajaynayey in ay ka
caawiso arrimo la
xiriira qiimeyn lagu
sameeyo shahaado
Jaamacdeed oo uu
watay. Haweenayda oo
aad u xiisaynaysa
arrimaha soomaaliya
ayaa waxay weydiisay
ninkii:
-
- ”Magaci
Madaxweynihiinnu?”
-
- Suuye, ”maba
lihin
Madaxweyne!”
-
- Sayte, ”oo
haddaa ma
boqortooyaad
tihiin?”
-
- Suuye,
”boqortooyo iyo
boqor toona ma
lihin”
Haweenaydii oo
yaabban, aanse ku
qanacsanayn
jawaabaha ninkani ka
bixiyey wixii ay
su’aashay ayaa
shahaadadii yare
rogrogtay si ay isha
u mariso. Haddaba
waxaa meeshii ka soo
baxday in ay waqti
dheer u baahan tahay
waxka qabashada
qiimeynta iyo la
xiriirka Jaamacddii
Ummadda ee Xamar si
loo caddeeyo
jiritaanka Shahaada.
Dabadeedna waxay ku
tiri, ”Waxaan isku
dayi doonaa in aan
kaa caawiyo arrinta
shahaadada, balse si
loogu diro hay’addii
kuu tasdiiqi lahayd
oo fadhigeedu yahay
Stockholm waa in
aannu marka hore la
xiriirno Jaamacaddii
Muqdisho eed ka soo
qalinjebisay.”
-
- Suuye, ”oo
maba ogid miyaa
in wax Jaamacad
ahba aannaan
lahayn?”
-
- Sayte, ” Oo
maxaa ku dhacay
jaamacadihiinnii?”
-
- Suuye, ”Guryo
reero ku
noolyihiin bay
noqdeen hadda?”
-
- Sayte, “Oo
xaggee
dokumintigii la
geeyey?”
-
- Suuye, “Waa la
bililiqeystay?”
-
- Sayte, “Markii
dokumintiga la
dhacayey, xaggee
jiray Booliskii
waddanku?”
-
- Suuye,
“Boolisba ma
qabno?”
-
- Sayte,
“Haddii aydaan
Jaamacad lahayn
xaggee
ardaydiinna
dugsiyada sare
ka baxaa,
waxbararasho u
aadi doonaan?”
-
- Suuye, “In aan
dugsiyo sare
leennahaa ka
horreysa taas”
-
- Sayte, ”Taas
macnaheedu ma
waxaa weeye, in
aad dugsi hoose
uun leedihiin?”
-
- Suuye, ”Adaaba
sheegaya dugsi
hoose, oo
dugisyaba kama
jiraan
waddankii”
-
- Sayte, ”Maxay
dawladdiinnu
arrimahaan wax
uga qaban kari
la’dahay?”
-
- Suuye, ” Ma
kuu dhab,
dawladba ma
lihin”
-
- Sayte, ”Oo
haddaan dawladi
jirin, yaa
shacriga
ilaalinaya?”
-
- Suuye, ”Wax
sharci ahi
waddankayga kama
jiraan”
Haweenaydii oo mar
labaad la
dhakafaarsan, waxa
ninku ku andacoonaya
ayaa waxay is
tustay, in malaha is
faham la’aani jirto,
taas oo laga yaabo
in ay la xiriirto
xagga luuqadda
Swedishka.
Haddaba waxay
go’aansatay in ay
qof turjumaan ah u
ballansato arrintaan.
Saa ninkii baa wuxuu
ku wargeliyey, in
isaga qudhiisu uu ku
shaqeeyo
Turjumaannimo, oo
aan loo baahnayn mid
kale oo isagii wax
ka sii turjuma.
Naagtii oo garan
la’a meesha waxa ka
socda ayaa u
sheegtay saaxiibkii
in ballan ay u
qabato, si bal
isagoo deggen oo
caadi ah uu waqti
kale u yimaado.
Ninkii oo islahadaya
ayaa markuu albaabka
ka sii baxayey lahaa
isagoo kor u
qaylinaya, “Alloow
ha na ceebayn! Waa
meel halaag meeshaan
ka imid. Waa dad aan
dawlad lahayn,
jaamacado, Dugsiyo
waxbarasho, Boolis,
millateri midna
laguma oga,
madaxweyne,
parlammaan iyo
wasiiro iyaga haba
sheegin, wax
safiirra ah oo
dunida u joogana
lama arko. Haddaba
aniga qudhayda
ayaanba qiyaasi
karin waxa
waddankaygii dhammaa
ee dhisnaa ku
dhacay, ee maxaan
hadda miskiintaan
iyo qof ajnabi ah oo
waddan kale ka
yimid kala yaabayaa?”
Qisadaani haddaba
waxay ku tusaysaa
sida ummad jirtay
qarniyo oo dawlad
ahaan jirtay muddo
dheer ay u dhalan
rogmi karto. Marka
dadka ay isaga
darsamaan xumaanta
iyo wanaagga oo ay
nimcada Ilaahay
siiyo iimaansan
waayaan, waxay ku
dambeeyaan baaba’
iyo halaag aysan
marnaba dib uga soo
waaqsan karin. Tanoo
kale waxay dhacdaa
kolka taladu ay
dariiqeeda saxda ka
haboowdo oo ay u
gacandasho cid aan
ehel u ahayn. Bal
eega maanta waxa
Ciraaq haysta,
shalayna Falastiin
ku dhacay. Haddii
ay ummadda
soomaaliyeed tashan
waayaan waa loo
tashan doonaa
dabadeedna loo talin
doonaa.
Haddeer waxaa inoo taliyey
waddammada IGAD
taladoodiina waxay
ka badin wayday in
ay qaab qabiilo wax
inoo ku qaybiyaan si
aan qaran u noqonno.
Qof bukaa boqoli u
talisay. Haddii
dawladnimadeennii
dawadeedu isugu soo
biyo shubatay in
aynu qabiil wax ku
qaybsanno, waxay
ahayd malaha in lagu
qanco taas, balse
marka aynu
cagaheenna isku
taagno waxaa marag
ma doonto ah, haddii
aan Ilaahay
caqligeenna wanaajin,
in qabyaalad lala
dhex tegi doono
xafiisyada dawladda
iyo xarumaha adeegga
bulshada. Haddii
taasi dhacdana
ogaada marka labaad
waxaa inoo tashan
doona kuwa ka tuman
waa weyn dhawrka
waddan een raas
wadaagga nahay.
Dabadeedna waxaa
xigi doonta Alle
kama dhigee! in
lagu cataabo
oraahdii ahayd:
“Markaan tabar
hayeyna talo ma hayn,
haddoon tabar
gabayna talo waxba
iiguma taal.”
Xigasho: Waxaa meel
shir ah ka jeediyey
dhacdadaan qoraa
Soomaaliyeed oo la
yiraahdo C/laahi Sh.
Xuseen (Hantiwadaag)
oo ku nool magaalada
Gothenburg ee dalka
Sweden.
Cabdinuur Aadan
Faarax (Borås,
Sweden)
abdinoor63@yahoo.se
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan