Guushii xuriyada iyo
fashilkii qaranimada
C/waaxid C/lahi
Shaafici
London U.K
bukuraale@hotmail.com
Nov 21, 2004
Dadka soomaalida
dabeecad ahaan waa
dad neceb dulmiga,
adoonsiga, iyo
duleeysiga
waligoodna ma eeysan
arag gumeeysi xoog
ku qabsada dhulkooda
kuna xukuma ka hor
isticmaarkii reer
galbeedka,
gumeeysigaas iyo
qaybintii shacabka
soomaaliyeed ayaa
galiyay markii ugu
horreeysay
taariikhda,
soomaalida dareen
guud oo wadaniyad,
iyaga oo yeeshay hal
ujeeddo, hal cadaw
iyo hal yadadiil.
waxeey halgan dheer
usoo galeen sidii
eey u hanan
lahaayeen
gobannimadooda,
iyaga oo u huray naf
iyo maalba, ugu
danbeyntiina waxeey
ku guuleeysteen
ineey helaan xaqa
eey u leeyihiin
ineey aayahooda ka
tashadaan.
Waxaase is weeydiin
mudan maxeey
soomaalidu mirihii
halgankii
xuriyadda-ee ahaa in
la helo doowlad
qaran oo ka
shaqeeysa danaha
dadka iyo
dalkaba-ugu guul
dareeysteen? Yaase
mas’uul ka ahaa
marinhabaawgii ku
yimid geeddi
socodkii iyo
fashilkii doowlad
qaran oo casri ah?
Sababta eey
soomaalida u soo
galeen halgaankii
dheeraa ee xurriyad
doonka ayaa waxuu
ahaa ineey helaan
doowlad ku saleeysan
caddalad, sinnaan,
dhoowrista xuquuqda,
karaamada qofka
soomaaliga ah, iyo
ilaalinta
xurriyaadaka
assasiga ah. hase
yeeshee shacabkii
soomaalida weey ku
hungoobeen hashii
maandeeq oo eey
muddada dheer baadi
goobayeen iyaga oo
ka waayay caanihii
ey ka filayeen,
ilmahiidiina ka
dhigtay wax eey
herti ku disho iyo
wax eey cagta miriso.
Taasi waxeey
soomaalida ku
abuurtay niyad jab
xoog leh, waxeeyna
ku noqotay filan waa
in doowladnimmadii
loo soo halgamay ee
wabiyada dhiiga ah
loo qubay, isu
badashay gumeeysi
cusub, waxaana ku
habsaday dadkii dulli
aanan ku dhicin sida
aan filayo
taareekhooda, waayo
ummadaan
doowladnimmada lagu
dulleeystay ka hor
meeysan arag wax
doowlad la yiraahdo,
waxeeyna ahaayeen
badaw xoola dhaqato
ah uu ku dhisan qaab
qabiil iyo oday
dhaqameed, qabiil
kastana sharaftiisa
weey u dhoowrsaneeyd
oo ma jiran qabiil
ama qof kan kale
gumeeysto.
Waxaa dhacay in
doowladdii la
qabiileeyay oo la
isku gumaaday,
dhaqankii iyo
xeerarkii qabiilka
lala hoos galay
qaranimadii, laguna
tuntay xuquuqdii iyo
karaamadii ilaaheey
siiyay qofka
soomaaliga ah. Taa
waxeey keentay in
soomaalida daymo
shaki ku jiro ku
eegaan doowlad iyo
waxii astaan u ahba,
iyaga oo u arkay
ineey tahay
cadawgooda koowaad,
ka dib markeey
arkeen sida guracan
oo eey u dhaqmayaaan
raggii xukunka
haayay.
Dadka qaar ayaa
xitaa waxeey shaki
galiyeen guushii
gobannimada iyo
maalmihii qiimaha u
lahaa shacabka
soomaaliyeed sida
1-da Luuliyo. Sanadkan
bishii Luluiyo ayaa
waxaan ka qeeyb
galay dood cilmayeed
cunwaankeedu ahaa
1da Luuliyo ma
maalin farxadbaa
mise waa maalin
murugo? !!! aniga oo
aad u layaaban
ciwaanka shirka la
siiyeey, ayaa waxaa
hadana amakaag igu
sii noqday dadka
qaar oo ku doodayay
in maalintaa eey
aheeyd maalin murugo
!oo sabab u aheeyd
dhibkii soo garay
umada oo dhan !.
Madoonayo
qoraalkeeygan inaan
u kala garqaado
raggii doodayay ama
aan ka dhiibto
fikardeeyda ee waxa
kaliya ee aan u soo
qaatay waxeey tahay
inaan ifiyo oo
kaliya xaalka iyo
jiha wareerka umadda
heerka uu gaaray.
Waxaa is dhex galay
oo la kala saari
waayay maamulkii,
qarankii, shakhsigii
iyo hantidii qaranka,
waxeeyna doowladdii
gacanta ku dhigtay
dhamaan adeegyadii
bulshada, dhaqaalaha,
siyaasda ,militariga,
amnigii,
waxbarashadii,
caafimaadkii
ganacsigii iyo xitaa
masraxii IWM, iyada
oo shacabkii haba
yaraatee aan looga
tagin wax kaalin ah
oo uga aadan ka
qeeybqadashada
dhismihii qaranka.
Arrintaan ayaa ka
tarjameeysa sababta
eey soomaalida har
cad u
bililiqeeysteen
dhamaan xafiisyadii
iyo xarumihii
doowladda , ka dib
markii xukuumaddii
hore laga saaray
muqdisho, waxaan
aaminsanahay haddii
shacabka dareemi
lahaa 30kii sano oo
eey doowladdu
jirtay macnaha iyo
macaanka eey
doowladnimada
leedahay, ma
dhecdeen ineey
shacabka hantidooda
gacantooda ku
burburiyaan, laakiin
waxeey dareemeen
lana dareensiiyay in
hantidaan dad gaar
ah loogu adeegayo.
Dhaqamada noocaan ah
ma aha mid u gooni
ah soomaalida, balse
waxaa la wadaago
dhamaam ummadaha ku
hoos nool maamul
militari oo kali
talis ah, bal eeg
waxa ka dhacay
Ciraaq kadib markii
uu dhacay maamulkii
Sadaam, waxaad
arkeeysay dadkii
reer ciraaq oo boob
ugu dhaqaaqay
dhamaan xarumihii
doowladda, waxeeynu
wada ognahay in
Ciraaq eey aad nooga
facweeyntahay eeyna
tahay hooyada
ilbaxnimada laga soo
bilaabo tii
Ashuuriyiinta &
Baabiliyada ilaa
xadaaraddii
Islaamka.
Ciraaq kumanaan
sano ma eeysan soo
marin xaalad maamul
la’aan ah, hadana
waxeey awoodi
waayeen shacabkii
reer Ciraaq ineey
kala saaraan
maamulkii iyo
hantidii qaran ee
umada ka dhaxeeysay
dhibkii nidaamkii
militari ka soo
gaaray aawgeed.
Tijaabadii
doowladnimada sidaa
ayaa loogu guul
dareeystay, qofka
soomaaliga ah marka
uu maqlo magaca
doowlad ayaa waxaa
maskaxdiisa ku soo
dhaco dil, dhac,
cubbirin, jirdil,
cabsi iyo naxdin
joogta ah, waxeeyna
ka qaateen
dooowladnimada iyo
waxii astaan u ahba
sawirkaa foosha xun
oo eey ka bixiyeen
hogaankii maamulka
qabtay, duleeysiga
isdaba jooga ahaa
waa waxa halkaan ina
dhigay ee qofka
soomaaliga ah
naftiisa u
weeydiinayo
maalintii qarnimada
u soo hoyatay “iney
tahay maalin murugo
iyo inkale.
Waxaan xasuustaa
markii ugu horeeysay
oo aan soo galay
waddankaan
ingiriiska , aniga
oo maanka ku hayo
cabsidii iyo
xadgudubyadii eey
booliska iyo guud
ahaan ciidamada
qaran u geeysan
jireen shacabka,
ayaa markii aan meel
fog ka arko askari
ama boolis ingiriis
ah ayaan aad u naxi
jiray, ilaa markii
danbe aan ogaaday
booliskani inuusan
lamid aheeyn kii aan
carabaha iyo
soomaaliya ku soo
arkay, hoowshiisana
tahay u adeegidda
nabadgalyada
dadkiisa. Arintan
ayaa ah cudur
nafsaani ah oo ay
wadaagaan dhamaan
bulshooyinka ku hoos
nool nidaamyada ku
dhisan caburinta,
cabsigalinta iyo
argagixinta.
Hadaba sawirkaa
foosha xun oo eey
soomaalidu ka
qaateen
doowladnimada, iyo
tijaabadii
qaraareeyd ee ay
soo mareen ayaa
waxeey keentay in
soomaalidii dib ugu
hiloobaan
noloshoodii hore,
iyaga oo u arkay
ineey ka dhib
yartahay xanuunkii
soo gaaray 30kii
sano, waxeeyna u
laabteen nolashii
iyo nadaamkii ku
dhisnaay qabiilka
iyo hoggaan
dhaqameedka, maadama
doowladii eey ku
guul dareeysatay
ineey abuurto nidaam
ka casri ah, qofka
soomaaliga ahna kaga
maarmo maskaxda
guracan ee
qabyaaladda..
Hadaba waxaa
isweeydiin mudan
sideen uga bixi
karnaa xaaladdan
jiha wareerka ah ?
Sideese lagu hali
karaa kalsooni
dhaxmarto shacabka
iyo doowladdiisa?
Guulaha aaynu ku
faanno ee
tartiikhdeena ugu
waaweeyn waxaa
gaaray oo soo hooyay
shacabka kaligii,
laga soo billaabo
halgankii xuriyada
ilaa iyo maanta oo
maamulkii burbaray,
shacabka waxeey ku
jiraan halgan aan
kala go, laheeyn oo
eey ku
horumarinayaan
dalkoodii kuna
badbaadinayo
jiritankooda.
Mar aan soomaaliya
booqasho ku tagay
2002-kii ayaa
waxaan la kulmay
waxyaabo badan oo
aad ii farax galiyay,
waxaa abuurmay
muddaddii dagaalkii
sokeeye socday
bulsho rayid ah oo
xoog badan, oo u
qaabeeysan si casri
ah , waxeeyna u
istageen ineey
dadkooda iyo
dalkoodaba u
adeegaan, waxeeyna
shacabka fursad u
siiyaan ineey helaan
adeegyo badan oo aan
badanaa la heli
Karin dowlad la’aan
sida waxbarasho,
caafimaad,
isgaarsiin iyo
dhamaan adegyada
kale ee bulshada,
iyaga oo ka
hawlgalayo duruuf
aad u adag oo eeynu
wada ognahay.
Guulahaa joogtada ah
ee uu mar walba soo
hooyo shacabkaas
geesiga ah ayaa
waxaa miraheeda afka
u dhigta dad
daneeystayaal ah oo
eey wadaniyadu iyo
daacidnimadu ku
yartahay, tusaale
eeg halkgankii
xurriyada iyo
gumaadki kadanbeeyay,
dadaalkii 14kii sano
ee dagaalada sokeeye
iyo abaal gudkii
dagaal oogayaasha ee
shirka neeyroobi.
Musiibada iyo ayaan
darrada dadka
soomalida weeynaa
! Madaxweeynaha cusub
ee lagu soo doortay
keenya wareeysi uu
siiyay dhowaan
ideecadda BBC-da
laanteeda afka
soomaaliga, ayaa
waxuu sheegay ineey
dagaal oogayaashu
yahiin 10 qof oo qur
ah tobankaana uu doowladdiisa
ka siin doona
jagooyinka ugu
sareeyo, aqristaha
ayaan u daayay
muuqaalka eey yeelan
karto doowladdaas
dagaal oogayaashu
hayaan jagooyinka
ugu sareeya !.
Gunaanidkii iyo
Gabagabdi hadii la
doonayo in la
wanaajiyo sawirka
xanuunka badan ee uu
qafka soomaaliga ah
ka haaysto
tijaabadii
doowladnimada waxaa
lagama maarmaam ah
marka hore in
gacantiisa lagu
caliyo xukunkii laga
boobay, lagana
qeeybgaliyo dhinac
walba dhismaha
qaranka, qofka
soomaaliga ahna uu
noqdo raasimaalka
ugu muhiimsan oo ey
doowladda ilaaliso,
iyada oo qofka iyo
xuquuqdiisaba laga
dhigayo sheey
muqaddas ah,
islamarkaana ku
dadaaleeysa sidii
kor loogu qaadi lahaa
dhinac walba oo
noloshiisa ah loona
daryeeli lahaa.
Xalka kama
danbeeysta ah waxuu
gacanta ugu jiraa
shacabka ,oo haddii
eeynan aheeyn
dulqaadkii badnaa
ee uu sameeyay
eeysan ku dhaceen
ihaanooyinkii isdaba
jooga ah ee ka soo
gaaray xurriyadii uu
soo hooyay , waxeey
tahay riyadeeyda aan
rajeynayo ineey mar
un dhaboobi doonto,
in uu shacabka
soomaaliyeed hurdada
ka kici doono, una
istaagi doono
xuquuqdiisa,
karaamadiisa iyo
xurriyaadkiisa guud,
doonistiisana eey
guuleeysan doonto,
dhidibadana u aasi
doono nidaam ku
dhisan wada tashi,
caddalad, is qadarin,
iyo doowlad
qaanuunka uu yahay
waxa ugu sarreeya,
shacabkuna uu yahay
awoodda ugu sareeysa
ee xaqa u leh inuu
ka arimiyo
danihiisa.
C/waaxid C/lahi
Shaafici
London U.K
bukuraale@hotmail.com
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan