SOMALILAND
IYO
PUNTLAND
WAXAA LA
GAADHAY
WAKHTIGII
MIIS LA
ISKUGU
IMAN
LAHAA
Waa
Hubaal
in
dagaal
cid ku
dhimato
mooyaane
cid ku
dhalata
aan la
arag,
daliil
marag ma
doonta
ah waxaa
inoogu
filan 40
sannadood
ee inna
dhaafay
oo
dalkii
la isku
odhan
Jiray
Soomaaliya
ay ku
naf
waayeen
dad aan
anigu ku
qiyaasay
1 milyan
oo qof
oo
soomaali
ah oo
iskugu
jira
aqoonyahan,
muatacalimiin,
siyaasiyiin,
indheer
garad,
iyo qayb
kasta oo
bulshada
ka
tirsan
oo
runtii
Maanta
dadka
Afka
Soomaaliga
ku hadla
ee ku
dhaqan
geeska
Africa
ay lugtu
u
go’antahay.
15
Sannadood
ee ugu
danbeeyey
40-ka
sanno ee
aan kor
ku soo
tibaaxay
gobolada
Somaliland
iyo
Puntland
waxay
ahaayeen
qaar
naacawda
nabadda
iyo
macaankeeda
dhex
dabaalanaya,
waxay
noqdeen
qaar
dadkoodu
is dhex
galaan,
hawraarta
Nabadda
iyo
shaqadh
la’aanta
heefta
rasaastu
qalbiyada
labada
dhinac
burcad
iskugu
beertay,
waxay
ahaayeen
labadii
Umadood
ee
keligii
taliyahii
Siyaad
Barre
ugu
gacanta
adka
markii
ay
heeryadii
saarayd
iska dul
qaadeena
noqday
labada
umadood
ee ugu
xasilan
geeska
Africa
waxay
noqdeen
labada
qoomiyadood
ee dega
geeska
Afrika
ee
ganacsiga
ugu
badan is
dhaafsada
taasi oo
aan qabo
inaanay
wixii
intaa ka
horeeyey
taariikhda
aanay
dhicin,
Ganacsadaha
degen
Hargeysa
ama
Burco
wuxuu
alaabtiisa
kala soo
degi
jiray
Dekedda
Boosaaso
oo aynu
ognahay
in ay
xagga
qiimaha
cashuurta
ka
jabantahay
dekedda
Magaalada
Berbera
sidoo
kale
Ganacsatada
ay u
raranyahiin
xamuulka
aadka u
badan ee
aanay
dekedda
Boosaaso
dabooli
Karin
wuxuu si
isku
hallayn
ah ugala
soo degi
jiray
dekedda
caalamiga
ah ee
Magaalada
Berbera
isaga oo
ay
wejigiisu
farxad
iyo
tamashaad
ku
ladhantahay
marnabana
aan ka
baqayn
inuu la
kulmo
wax
dhibaato
ah ayuu
jidka
dheer ee
isku
xidha
Berbera
ilaa
Garoowe
ama
Berbera
ilaa
Boosaaso
alaabtiisa
ula soo
mari
jiray,
Akhristow
waxaan
qaba in
xididnimada
labada
dhinac
ay intaa
ka
dheertahay
waxaan
aaminsanahay
in la is
dhallay
oo
abtiyaal
iyo
ilmadeer
iyo
eddooyin
iyo
Habaryaro
la isku
yahay,
muddo
200 oo
sannadood
ka
badanna
ay
labada
mujtamac
dheefeyeen
wadar
dhaqameed
aad u
xidid
dheer oo
aan
Soomaalida
inteeda
kale
wadaagin.
15
sannadood
ee inna
dhaafay
waxaan
qaba in
labada
umadood
ay
wadaageen
waxaanay
Soomaali
inteeda
kale
wadaagin,
waxay
wadaageen
Nabad
kuwada
noolaansho,
waxay
wadaageen
dhaqan
iyo
dheef,
waxay
wadaageen
ganacsi,
waxay
wadaageen
xididnimo
iyo
darisnimo
aan
qiimaheeda
meel la
saaro
aan la
garanayn.
Sidaan
rumaysanahay
9
sannadood
oo
hogaanka
Somaliland
uu hayey
Madaxweynahii
weyna ee
Somaliland
alla
naxariistii
Janno ha
siiye
Maxamed
Xaaji
Ibraahim
Cigaal
dadka
mandaqadda
labada
dhinac u
dhexeysa
dega
marnaba
kuma
fikirin
in
arrinku
noqdo
Xabbad
ku hadal,
balse
President
Egal
wuxuu
mar
walba ka
eegayey
arrimaha
siyaasadeed
ee
mandaqadda
labada
dhinac
ku
maygaaran
xagga
diblomaasiyadda
oo ah
qodob
dhalin
kara is
faham
iyo wax
isla
eegid,
wallow
aan
odhan
karo
cadaadis
siyaasadeed
oo
onkomaayey
ayaa
xagga
gudaha
President
Egal
wakhtigaasi
kaga
imanaayey,
balse
sida la
wada
ogyahay
wixii ka
danbeeyey
2002
siyaasaddii
Somaliland
way is
bedeshay
waxaana
yimid
Hogaan
Cusub
dabcanna
marka
hogaan
cusub
hawl la
wareego
wuxuu la
yimaadda
ajandayaal
siyaasadeed
oo cusub
iyo waji
siyaasadeed
oo cusub
Madaxweynaha
Somaliland
Mudane
Riyaale
isagu
sidaan
qabo
khalad
kuma
laha
furdaaminta
dhibaatada
ka
taagan
Sool,
balse
dhibaatada
koobaad
waxay ka
timid
dadka
sheeganaya
Masuuliyiinta
ee ka
soo
jeeda
Gobolka
Sool ee
labada
dhinacba
jooga ee
wax ka
cunaya,
dabcan
sidaynu
ognahay
Somaliland
iyo
Puntland
isku mid
maaha
Puntland
waa
Maamul
goboleed
ka
tirsan
Soomaaliya
balse
Somaliland
waa
Jamhuuriyadd
Xorriyadeeda
dib ula
soo
noqotay
markaa
waxaa
haboonan
lahayd
in
Masuuliyiinta
labada
dhinac
ka kala
tirsan
sida
ragga
lagu
magacaabo
Maxamed
Aadan
Qaybe,
Maxamed
Xaashi,
Xaabsade
iyo
ragggaasi
ay isku
tagaan
oo
masayrkooda
oo aan
cidi
qasbayn
ay
gaadhaan
shacabkoodana
u
taliyaan,
dhulkan
Sool-na
loo
diyaariyo
Afti
inay
Somaliland
ka mid
noqonayaan
iyo inay
Puntland
ku
biirayaan
balse
anigu
waxaan
diidanahay
in
raggaasi
aan
magacyadooda
sheegay
iyo
weliba
inta
kale ee
ku jirta
labada
dhinac
maamuladoodu
ay ka
dhigaan
arrinka
sida ay
Soomaalidu
ku
MaahMaahdo
“Awr
kala
guurtay
uurar
kala
guurey
baa ka
xun”
Masuul
kasta oo
labada
dhinac
ka
tirsani
wuxuu u
haliilaya
ka kale
waar
nimanyahow
dadkan
la isku
dilaya
waa
dadkiina
idinka
ayaa ah
hogaamiyayaashooda
ee
intaad
meel
iskugu
tagtaan
dhinac
wax meel
u rida,
ee yaan
arrinta
laga
dhigin
sida
Kashmir
ee
Hunduska
iyo
Muslimiintu
isku
dilayso.
Qodobka
kale ee
aan
doonaayo
in aanan
kala
hadlo
ragga
xukuma
labada
dhinac
waxa
weeyaan
horta
labadiina
dhinacba
waxaad
jabiseen
quraarad
in badan
la
xafidaayey
oo laba
boqol
jirsatay
oo
dhaqan
iyo
dheef
badan la
isku
waydaarsaday,
waxaad
umadaha
labada
dhinac
ka
dhigteen
laba
umadood
oo isku
col ah
oo aan
isku
qalbi
fayoobayn,
taasina
waxaan
qaba
inay
tahay
danahiina
Siyaasadeed
balse
Shacabka
labada
dhinac
ee
Somaliland
iyo
Puntland
waxaan
leeyahay
ka
foojignaada
Caadifadda
qabiileed,
ka
tanaasulo
danaha
Siyaasiyiinta,
fadlan
ka
taxadara
dann
Shakhsiyeedka
iyo
beerlaxawsiga
una soo
jeesta
sidii
Gobolka
Sool
gaar
ahaan
xaruntiisa
Laas
Canood
dadka ku
dhaqan
loo
gaadhsiin
lahaa
xal
waara,
waxaan
leeyahay
Siyaasiyiinta
Labada
dhinac “Biyahaan
fiiqsi
loo
liqin,
iyo
hadalkaan
fiirsi
loo
odhan
feedhahay
wax
yeelaan.
Aan ku
soo
gunaanado
Saaxiibkayow
heedhe
Safar
baan ka
imi
dheere
Marka
hore
salaan
diirrran
Marka
xiga
samow
heedhe
Ha ka
nixin
si-dalagtayda
Sacab
fara-madhnaantayda
Suugaanta
yaabkeeda
Salka
iyo
fadhaa
keena
Marka
xiga
sugnaanteeda
Socodkiyo
falkaa
sheega
Xeerkeedu
waa
saase.
Saaxiibkayow
heedhe
Anba
saaka
qaybteeda
Sirsirraan
ka
joogaaye
Xadhiggiyo
bal eeg
suunka
Iyo
sabarka
gaadiidey
Iyo
salabka
ii
qaaran
Iyo
suudha
guudkayga
Hilaygiyo
waxaan
saabka
U
gilgiley
Samaw
haanta
Subag
inay ku
dhiiqdaaye
Saasay
ku
badisaaye
Sannad
weliba
xeeshiiye
Kol
hadday
silloonaato
Samaheedu
waa
dhiige
Sumuc
talada
loo
dhiibye
Sida
sida
sidaas
weeye
Si la
yeeli
jirey
weeye
Marka
xiga
Samaw
heedhe
Talo
sibiq
dhaqaaqeeda
Soof-daran
habawgeeda
Sal-fudaydka
hooggiisa
Bal
sallaankan
fuul
laalan
Iyo
sagabtan
heensaysan
Dhulka
saas u
jeedaali
Sidan
iyo
sidaas
fiiri
Sidan
iyo
gadaal
dheeho
Nin ku
siray ha
faallaynin
Sababana
ha
weydiinnin
Ha u
seeta
dheeraynin
Hana
sidin
culayskiisa
Siriq
iyo ku
qabo
baydo
Hana
falin
siduu
yeelay.
Nin ku
yidhi
anaa
saasa
Ha ku
odhan
sidaas
weeye
Sida uu
ku yidhi
heedhe
Haddii
ay
siniin
weydo
Ama
sarin
sanaan
weydo
Waxa
furan
sidaas
maaha
Qof
saluugey
maankiisa
Ama
suufay
muuqiisa
Ka sal
kacay
xaqiiqdiisa
Qabku
saami
ladha
maaha
Nin
sitaba
bar baa
saran
Ninka
sii
sitaa
jooga
Raggannimada
sooceeda
Adigoo
sagaal
buuxshey
Hal ku
seegay
baa
yaalla.
Qoraalkii
Mohamed
Abdi
Hassan (diridhaba)
Karachi,
Pakistan.
diridhaba2001@hotmail.com