Aqoonyahanka yaan la
Gumaadin!
Mohamed Haji (Ingiriis)
Brussels, Belgium
Nov 23, 2004
Soomaalida waxaa
beryahaan ka dhex socday dilal iyo dacaayado lala
beegsanayey aqoonyahanka dalka oo ah hantida keliya
ee u hartay dalka xaalufay. Kuwii dilay Gen. Maxamed
Cabdi iyo Cabbaas Cabdi Cali iyo kuwa aflagaadeynaya
Prof. Axmed iyo Cabdi Ismaaciil Samater waxba kuma
kala duwana, waana dameer iyo labadiisa dhegood.
Prof. Axmed iyo
Prof. Cabdi, waxa ay ka mid yihiin aqoonyahannada
ugu waaweyn Soomaalida, haddeysan ahayn labada ugu
horreysa. Waa laba nin oo wada dhashay oo Soomaalida
u ah maanta 'role model.' Dariiqa ay jeexeen ee ay
mareen ayaa shardi nagu ah inaan marno si aan u
tiigsanno himiladii ay Soomaalida u horseedeen oo ah
aqoon dhaxalgal ah oo lagu soo hirto.
Ma mudna in la
ammaano keliya ee waxa ay mudan yihiin hadday
dhintaan in qabrigooda loogu geeyo ubax. Waxay kaloo
mudan yihiin in loo duceeyo. Cabdi iyo Axmed waxay
hoggaamiyeyaal u yihiin Soomaalida u qalab qaadatay
wax u barashada dadkooda iyo dalkooda. Soomaalida oo
aan dadkeeda aqoonta wax laga barin waa calaacal
timo ka soo baxaan inay waddankooda dhisaan oo ku
dhisaan jidka saxa ah.
Ilaahay subxaanahu
watacaalaa wuxuu Qur'aankiisa Kariimka ah ku yiri "Qoom
Ilaahay ma dooriyo illaa ay iyagu is dooriyaan."
Ummadda Soomaaliyeed waxay go'aansatay inay is
dooriso, Ilaahayna waa doorin doonaa sababtoo ah
waxay soo hormarisay kii ugu sharta badnaa, uguna
jaahilsanaa.
Soomaalidu maanta
waxay ku jirtaa tiihii reer Banii Israa'iil, ma kala
garan karaan sax iyo qalad, ma kala garan karaan
xaqa iyo baadilka, ma kala garan karaan walaalka iyo
cadowga, mana kala garaan samawadaha iyo dhiig
daadiyaha, hadday kala garan karaan miisaan lama
wada saareen sheekh mufti ah iyo tuug qaa'inul
waddan ah.
Waxaan maqli jiray
'Geelow sii soco oo soo soco, markaad ciinka cunto
ayaa laguu yaabaa.' Faylasoof Faransiis ah ayaa
wuxuu yiri 'marka aad rabto inaad bulsho baa bi'iso,
waxaa la baa bi'iyaa aqoonyahankooda.' Waxaa fool
xumo ah in la xagxagto aqoonyahanka u soo ban baxay
badbaadinta dadka dhinaca nolosha, waxbarashada iyo
siyaasadda. Taageerada indha la'aanta ah ee dadka
qaarkood ay siiyaan qabqableyaasha dagaalka yeysan
ku darin inay aqoonyahanka ku cambaareeyaan.
Haddaba, qoraagii
weynaa, Ernest Hemingway ayaa waxa uu sida caadiga
ah wax ka qori jiray waaya aragnimada lagala kulmo
dagaallada. Buuggiisa Farewell to Arms oo uu qoray
1929-kii ayuu kaga hadlay cawaaqib xumada ay
leedahay in aqoonyahanka lagu laayo colaado ahli ah.
Labada aqoonyahan,
Axmed iyo Cabdi, waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu
kheyrka waafajiyo, waxaana ku boorinayaa inaysan ka
seexan har iyo habeen wanaajinta iyo u digista
dadkooda jahliga iyo faqrigu isugu darsamay ee
sutiga iyo hoggaanka u dhiibtay warlordsyadii cabbay
dhiiggooda 14ka sano, waxaana kula dardaarmayaa
inaysan dheg u dhigin hadallada warxumatashiilka
fara ku tiriska ah, waxaa ka badan inta samaha jecel.
Ummadda
Soomaaliyeed "Nin ganay og, nin galladeyna og."
Mohamed Haji (Ingiriis)
Brussels, Belgium
ingiriis@yahoo.com