XAQIIQADII OGAANNAYE,
XALKA MA U ISTAAGNAA?????
Cumar C/nuur Nuux – Nabaddoon.
Nov 24, 2004
Waxaa mahad leh
Ilaahay, naxariis iyo nabadgelyana Nabi Maxamed
korkiisa ha ahaato.
DULMAR:
Qofkasta oo Soomaali
ah, meeshuu rabo dunida ha uga noolaadee wuxuu ka
dheregsanyahay halka xaaladda dadka iyo dalka
Soomaaliyeed marayso. Waa xaqiiqo murugo leh oo aan
gacmaheenna ku kasbannay. Waxaa inaka maqan oo aan
baahi weyn u qabnaa waa caddaalad, sharaf, nolol iyo
nabadgelyo. Afartaa shay oo aan la'aantood bulsho
ama ummadi jiri karin, ayaa Soomaalidu weligeedba
baadigoob ugu jirtay, welina ugu jirtaa. Illamaa
waqtigii qaar ka mid ah Soomaalida ay xornimada
qaateen ee gumeysigii caddaa ka guurey dalkooda
waxaa meelkadhac weyn iyo xadgudub loo geystay
caddaaladdii, sharaftii, noloshii iyo ugu danbeyntii
oo nabaddii faraha ka baxday.
SOOMAALI
WAA TUMA? MAXAASE KA DHEXEEYA?
Inkastoo aanan
takhasus u lahayn cilmi baaris dheerna aanan ku
sameyn isir-raaca iyo abla-ablaynta Aadanaha, ayaan
haddana waxaan rumeysanahay in Soomaalidu guud ahaan
ay isku isir tahay oo hal cunsur ka soo jeeddo.
Waxay kaloo wadaagaan dhaqanka – waa xoolo dhaqato,
beeralley ama kalluumeysato, gabdhaha waa la baxaan,
caruurta waa gutaan, xoolaha waa gowracdaan intaysan
qalan ka hor, martida waa sooraan, qabiilooyinna waa
isu diriraan. Waxaa kaloo guud ahaan ka dhexeeya oo
ay ka siman yihiin luuqadda, diinta iyo deegaanka oo
hal buqco ama gees ayey dunida uga noolyihiin. Waxaa
taariikhdu qoreysaa in ay weligood isku cadow
ahaayeen isuna gurmanjiriin markii dibadda looga soo
xadgudbo – balse ay dagaallami jireen markii roobku
da'o ee xooluhu u dhalaan ama beertu soo go'do iyo
markii dawlad la dhisayo ee wasiirada la qaybsanayo
ee kuraasta iyo maamulka loogu qamaamo sidii baadka
ama cawskii xoolaha oo kale.
MAXAA
QALDAMAY MAXAASE LAGU SUGANYAHAY HADDA??
Ka hor xornimaddii
Soomaalida qaarkood qaateen 1960kii, kolkii
jiilaalku bilowdo qabiiloowinku waa kala guuri
jireen oo qoloba meel bay u dhacar iyo cows doonan
jirtay. Haddii dagaal socday oo intii roobka iyo
barwaaqada lagu jiray dirir iyo colaad oogantay waa
la joojin jiray inta roobka dambe laga gaarayo si
xoolaha jiilaalka looga soo saaro. Kolkii
dawladnimada la qaatay cawskii (kuraastii iyo
maamulkii) hal meel ayaa la isugu keenay
qabiilooyinkii oo dhanna geesaha ayey kasoo
fariisteen, kadibna sidii caadada u ahayd hadba tii
xoog roon ayaa ceelka cabbaysay cawskana guraneysay.
Lama qorin ama waqti looma helin lagu diyaariyo
dastuur iyo nidaam lagu maamulo hannaanka
dawladnimo, kaas oo saldhig looga dhigo caddaalad,
xaqdhawr iyo nabad kuwada noolaansho. Kadib markii
dawladdii burburtay ee jiilaal xun dhacayna waa la
kala guuray oo qoloba meel bay u hayaan raacday,
colaaddiise ma joogsan ee labadii meel wada degtayba
dirirtii iyo habarwacashadii ayey halkoodii kasii
wadeen.
MA LA KALA
MAARMAA MAXAASE NALA GUDBOON??
Ninkii sooyaalka soo
jireenka ah ee Soomaalida akhriyey, silica ay hadda
ku noolyihiinna u kuurgalay, samanka iyo sansaanka
adduunku ku socdana u fiirsada wuxuu ogaanayaa in
Soomaalidu aysan kala maarmin. Waxaa xaqiiq ah oo
qof walbaa u jeedaa in Soomaali meel ay joogtaba ay
soomaali tahay, isku duruuf tahay, isku doonna
saarantahay. Waxaan muddo hadda laga joogo shan
bilood soo maray magaalada Hargeysa anigoo ka imid
dhinaca Boosaaso, waxaan la socday Diyaaradda Daalo
ee ayada aan cidi isku haysan meeshay rabtana cowska
ka gurata – ciiloow way!! Yaa dalkoo dhan sida Daalo,
Barakaad, Dahabshiil, Gallad iyo Amal miskaxdooda ku
maamula. Kolkii aan magaalada Hargeysa kasoo
dhoofaynay ayaan sidaas u jalleecay madaxdii iyo
dadweynihii diyaaradda fuulayey, mise qof walba
wuxuu gacanta ku haystaa ama jeebka sare ugu jira
baasaboorkii xiddigta shangeeska ah iyo calanka
buluugga ah lahaa. Dadkaas diyaaradda raacayey waxaa
ku jiray sida aan sheekada ka dhexmaqlayey madax
sare oo heer wasiir ah oo ka tirsan maamulka
Somaliland. Tusaale kale oo muujinaya in Soomaalidu
isku dantahay waxaa weeye xannibaaddii lagu soo
rogay dhoofinta xoolaha nool ee Soomaalida iyo tii
ugu danbeysay ee lagu soo rogay baasaboorka
Soomaalida (Dubai, Kenya iyo Ethiopia). Dhammaan
arrimahaasi si isle'eg ayey u saameeyeen Soomaalida
meelkasta oo ay dalka kajoogaan ama dibadda uga
suganyihiin. Qaxootiga warkiis ha sheegin isagu ma
kala laha reer hebel iyo reer Land ee waa Soomaali,
inta badanna hadba reerkii suuq leh baa la isku
dhiibaa ( Isaaq, Daarood, Barawaanni iyo markii ugu
danbeysay oo Jareer weyne la isku dhiibayey).
Dhacdadii ugu
danbeysay waxay ahayd middii ka dhacday shirkii
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku laaheen
magaalada Nairobi dhowr cisho ka hor, kadib markii
xoghayntii shirku ku wargelisay in C/laahi Yuusuf ku
hadlo luuqad aan ahayn Afka Soomaaliga waayo "
Afsoomaaligu uguma jirin luuqadaha ay tarjumi kareen
". Haddii si kale loo dhigo waxaa halkaas laga
fahmayaa in Afka Soomaaliga lagu ku jirin liiska
luuqadaha ee Qaramada Midoobay. Waxaa taas ku
xigidoonaana waa in laga saaro calanka Soomaalida
calamada Qaramada Midoobay, kadibna khariiddada
Soomaalida laga saaro tan qaaradaha adduunka!!.
Waxaa habboon oo dan inoogu jirtaa haddii aan nahay
Soomaali in aan inta xurgufta iyo xasadka dhexdeenna
ah meel iska dhigno u istaagno sidii aan u
badbaadsan lahayn jiritaankeenna. Marka aan
hadafkaas gaarno aan u soo noqonno xisaabtanka
dhexdeenna ah.
Dhammaan
tusaalooyinkaasi waxay muujinayaan in Soomaali
Soomaali tahay, mustaqbalkeedu mid yahay, noloshoodu
isku xirantahay, xalka iyo wax qabadkuna ku imaan
karo in la fahmo duruufahaas, danta guud iyo tan
gaar ahaaneedna laga wada hadlo.
Ugu danbeyntii waxaan
Soomaalida xusuusinayaa maahmaahda oranaysa " Rag
waxaa u liita: Matashade, Matoshe iyo Matashiishe",
waxaad mooddaa in aan saddexdaas arrimoodba ku
sifownay haddii aan nahay Soomaalida maanta.
Walaalayaal xalku kuma jiro colaad, xafiiltan iyo is
xag-xagasho aan dhammaad lahayn. Kulligeen waan isku
raacsannahay in caddaalad darro dhacday oo la isku
xadgudbay, la is laayey, la isu gafey. Waxaan kaloo
isku raacsannahay in aan la kala maarmin oo dani
isku keen xirayso, haddaba miyeysan habboonayn in
inta la ishorfariisto lawada xaajoodo, la
xisaabtamo, la is xaalmariyo, kadibna si xalaal ah
loo wada noolaado. In lawada noolaan karo waxaa
tusaale inoogu filan Daalo,Damal, JubbaAir,
Dahabshiil, Mustaqbal, Amal, Gallad, Barakaat oo aan
rajeynayno in ay kaalinteedii dib ugu soo noqoto
idanka Alle, iyo guud ahaan sida shacabka
Soomaaliyeed isugu xiranyahay xag ganacsi, xag guur
iyo xag kastaba. Waxaan ku soo xirayaa qayb ka mid
ah gabaygii Gobannimo:
-
Dana gaara niman
maagan baa geedigaan wada’e
-
Haddii shacabku uu
kala go’ rabo oon lakala geynin
-
Ama guun colaadihi
jirtoo laysu gali waayey
-
Garbahaaray
illamaa Berbara kalama goosheene
-
-
Gabdhaheenna oo
uguba baa gaal hollinayaaye
-
Gayaankood ma aha
oo cidlay goosan ka heleene
-
Geesiyaal hadday
leeyihiin lama guhaadsheene
-
Axmed gurey
raggiisii ayaan joogin gobalkaane
-
-
Gaban iyo barbaar
iyo waayeel guudka ka cireystay
-
Geela kii la
joogiyo midkii guunyo adhi heystay
-
Magaalada midkii
galay midkii falayey goofkiisa
-
Gacan qabad ayey
sugahayaan gelinka maantaahe
-
-
Afartooda gees
qaaradaha kii ku galay tuugmo
-
Hurdo gama’
masiiyoo intaas waa gocanayaane
-
Gadaal buu intaas
eegayaa goor iyo ayaane
-
Guryo noqosho buu
dhawrayaa geeri ka horowe
-
-
Ninkii godob
tirsanayiyo ninkii gacan-togaaleeyey
-
Ninkii guray
hantida qaran ninkii calanka googooyey
-
Ninkii goostay
gobalkiisa iyo kii ged kale maagan
-
Ninna guul masoo
hoyn oo intuba waa gablan u jooge
-
-
Intay goori
goortahay haddaan cidi kasoo gaarin
-
Indheer-garad
nadiifiyo haddaan geesi u istaagin
-
Garmaqaatayaashiyo
laqaban gacan ku dhiigleyda
-
Geyigeenna waa loo
baqaa gebi ahaantiise
-
-
Gobanimadii
raadshoo dadyahow gacal walaalooba
-
Goballada mideeyoo
dadyahow daaya kala goynta
-
Gacansiiya kuwa
maqan intay gaarayaan hadafka
-
Guushana Ilaah baa
hayee midnimo talo ku soo gooya.
Cumar Cabdinuur –
Nabaddoon
omarabdinur@hotmail.com
QANYARE SIDUU RABO HA LOO
YEELO!!