Yaa ku Abaal sheegan kara bulshadan
baa’baday?!
Qore: Adbulaahi Mohamed Adam (Abdulaai yare)
exmurux@hotmail.com
“”
Dhalaan rafaadsan , dhalinyaro niyad jabsan, ,
gabar gabi kasii dhacaysa , wiil la wareeriyay oo weeraxsan, garmadow gawaan
raac ah, mawro murugaysan , Iyo waayeel walwalsan ayay ahayd astaanta
bulshadan somaliyeed mudo afar iyo toban sano ah. bulshadu waxay ku
tabisay qaybahaas silica ka wada siman “”””…………
“Nin socoto ah oo ku lugeenayo barin baaxad
soore ah ayaa la kulmay sagaaro oon iyo gaajo meel la yuurarta , markaasuu
yiri “SAAGOOROY WAA SIDAAD TAHAY IYO AYADOON CIDNA KU MAQNAYN! “…
Qofkasta oo damiir leh waxa uu dareemi karaa
in bulshada soomaliyed ay aad uga baa’bayda dhinac walba, Waa bulsho u
baahan in laga baxnaaniyo noocyada kala duwan ee balayada, burburka,
barakaca , iyo baahida …
In bulsho musiibo ku dhacdo , kuma ahan
dunidan dhacdo ku cusub , waayo bulshooyinka caalamka Waxay nolosha kala
kulmayeen bur-bur ka baahsan ama bar-bardhac ku ah bur-burka inagu habsaday
oo kale , Balse bulsho ahaan barta madow ee uu burburka inagu reebay waa
in aysan jirin dadaal dhab ah uu lagu samata bixinayo bulshada , way jireen
dhawaaqyo badan oo iska soo daba noq-noqonayay oo halku dhigooda ahaa “ ha
la bad baadiyo bulshada “ Dib u heeshiisiin dag-dag ah waa in la qabtaa” “
Caawimaad dag-dag ah waa in lala soo garaa bulshada taabalaysan “ iyo
dhawaaqyo kale oo aan halkan lagu soo koobi Karin ,hadana dhawaaqyadas ma
aysan noqon kuwo lagu diirsado , waayo waxay ka soo fufayeen qalbiyo aysan
daacad ka ahayn baaqyada ay u bahinayaan…
In ajnabi uu daacad ka noqon waayo baaqyada
bad – baada doonka ah kama aysan nixin bulshada, balse waxay aad ula
tacajabeen in muwadiniin somaali ah oo ku bahoobay magacyo urur , sheegtayna
In yihiin kuwo damiirka uu dhaqaajiyay in ay noqdaan habaaar qabayaal
hanaqa gooya bulshada soomaliyeed!..
Inta badan bulshada caalamka ku dhaqan waxaa
hafrada siyaasiyiintooda, waxay ka qadiyaan go’aan qadashada dhabta ah ee
aaya ka talintooda, waxay u jeexaan marin siyaasadeed ku dhisan damacooda,
Waxay si bareer ah ugu takri falaan hantida umada iyo haybadooda, hadana
bulshooyinka caalamka waxaa wax uun looga fuliyaa danahooda guud si aysan u
kicin, siyaasiyiinta caalamka oo ku caanbaxay damiirla’aanta waxay xisaabta
ku darsadaan in bulshadu ay kici doonto hadii xaladaha arxandarada ah ay ku
sii wadaan , markaasay isku dayaan in dadka ay maaweeliyaan,u ilaaliyaana
wax uun ka mid ah xuuquuqda aasaasiga ah ee nolosha , sida nabadgalyada ,
caafimaadka , waxbarashada, Iyo kaladanbeenta , laakin nasiib daro
siyaasiyiinta soomalida way ka qadiyeen bulshadooda maawelintaas , waxay u
dhaqmeen sidii doqonkii ogaaday in aan lala xisaabtameen , waxay kala
qayqabiyeen bulshada, waxay isu rogeen qabqablayaal dagaal , qabqable
walba waxaa uu ootay edag yar oo ay ugu xareesan yihiin dad uu ku soo
arursaday baaqa qabiilka!, waxaa sidoo kale wax lala yaabo ahayd in
qab-qable walba xata uusan u arxan falin intii ku soo xarootay xeendaabkiisa!!
Taasi waxaa markaqaati kuugu noqon kara cabashada ay kuu muujinayaan
dadka ku hoosnool maamulada qab-qablayasha , Intii ay noqon lahaayeen
siyaasiiin ku sifooba u sama falida bulshadooda waxay ka doorbideen in ay
noqdaan kuwo ku qoran diiwanka abaal lawaaysha ! intii lagu guda jiray
bur-burka soomalida lama hayo siyaasi qura oo ka run sheegay balanqaadyadii
uu sameeyay , maskaxda bulshada waxaa ku xariiqan balan ka baxyadii ay
galeen ,tusaale ahaan bulshadu waxay marqaati ka ahaayeen sidii loogu wacad
furay heeshiiski ugu danbeeyay xabad joojinta ee lagu saxiixay Eldoret
,Raadadki dagaaladii badnaa ee bulshada lagu bara kicyay heeshiiskas ka dib
waxa uu ka muuqdaa gobolada qaar! waxyaabaha ay ugaartaan siyaasiyiinta
caalamka waxaa ka mid ah sumcad ay ka helaan bulshadooda, balse siyaasi
ku sheega soomalida ma diiriyaan in lagu sifeeyo dhiigcabayaal ku naaxay
baabi’inta bulshadooda !!
Mudo afar iyo toban sano ah ayay hortaagnayeen
dadalada naflacaariga ah ee lagu doonayay in lagu dhiig joojiyo bulshada
dhiiga iyo dheecankaba u ka qubanayo !!! Qabqable walba waxaa ka sii
faracmay unugyo badan oo isku rogay qab-qable ka sii qalbi qalafsan
qab-qabqablihii ka horeeyay !!
Midkastoo ku fakara in uu ka qayb qaato bur-burka
lixaadka ah ee bulshada waxa uu isku suntay calaamada ma jixin-jixinimada ee
ka wada muuqata siyaasiyiinta soomalida , wuxuu aruursaday koox dhalinyaro
ah uu u qorsheeyay in u ka dhigto xaabo uu ku shito dabka uu ku holcinayo
bulshada! , Geed-gaaban iyo mid dheerba waxay u fuuleen sidii ay
urursanlahaayen hubkii ay ku gubi lahaayen dhalaanka soomaliyeed, bulshada
waxay la tahaysa dhawacii ka soo garay hubkas sida arxandarada ah ee ay ugu
gumaadeen, Runtii waa hubaal in siyaasi ku sheega soomalida in uusan marnaba
ka fakarin waxa ka shisheeya damaca maalintaas uu ka dangiigsan karay
xaalaadaha bur-burka...(… Ala Arxan daranaa oo damiir xumaa , kuligood waa
dib ka naax ku nahaqaday bahalnimada,!!!!! ) sidaa waxa ku hadaqayay oday
meel dhaxaad ah oo aan baabuur isla raacnay , Waa bulsho in la ibtileeyo
ay xukmaned ileen siyaasiga sumeesan ayaa noqday xidiga jiheeya jaangooyada
umada!!!( Goor barqo ah in madfac uu ku soo dhaco islaan 80 jir ah iyo
garab 9 jir ah oo ayeeyo ay u tahay halkaasina ku wayaan lugahoodii waa
dhacdo aan ka soo xardhan xusuuta bulshada! Waana kaas abaalka ay ku
ilaawi doonin bulshada qab-qablaysha soomalida).
*
* *
Waxyaabaha in laga soo kabsadaa ay aad u
adkaandoonto bur-burka bulsada ibtileeyay dabaded waxaa ka mid ah sidii
lagu so celinlaha dareenka iyo damiirka wanaagsan ee aadamigu dugsado si uu
dantiisa u gaaro , qof ka soomaaliga ah waxa ka dhintay dareenka caadiga ah,
waxaa uu isku badalay shaqsi ku raran damiir xumo, daymo gaabnimo,
waayeelka ayaa noqday horseedka xumaanta, waalidkiiina wuxu isku badalay
murayad ay ka dheehdaan dhalaanka dhamaan intii xumo jirtay !!
Bulshooyinka caalamka marka ay heerkaan oo
kale ay ka gaaran xumaha waxaa loogu cawil celinjiray , dad isutaaga
hanuuninta umada, waxaa dhaxda – xiran jiray shaqsiyaad uu diray damiirkooda
damqaday si ay bulshada u bad-baadiyaan! balse bulshada soomaliyed taas way
ka qaday ,lama hayo shaqsi ku taami kara in bulshadiisa uu si daacadnimo ah
u baraarujiyay, Inkatsoo baraarujin aan dhameestirneen ay u hinqadeen
shaqsiyaad lagu tilmaami karo kuwii ugu niyada wanaagsana bulshada, hadana
laguma tilmaami karo abaal dhaxal gal ah oo ku kaydasan kaydka bulshada!! in
la is hafro ma fiicnee bulshada dhaxdeeda waa laga maqlayay qeelo dhaan ka
soo yeeraysay waxgarad ku baaqaya bad-badada bulshada , haba u badnaadan
abwaanada, laakin xagay ku danbeeyen? Midwalba waxaa u barkinta dheerstay ka
hor intuu uusan guran mirihii baraarujintiisa , Ujeedada wax u sheega
bulshadada hadii ay noqoto mid aad ku doonaysid aqbalaad dag-dag ah waxaad
ka dhaxashaa uunwaa qalbi jab iyo quus aan xiligeeda la gaarin, waana taas
sababta curyaamisay intii waxgaranaysay dhaq-dhaqaaqoodii baraarujineed!!
Waxgarad badan baa hungo kala kulmay markii ay u hinqadeen hanuuninta
bulshada , laakin xisaabta kuma aysan darsanin in bulshada ay
baraarujinayaan ay tahay bulsho u bahan waqti badan.
Culimada diinta islaamka waa kaydka ugu wayn
ee bulshadu u baxsato marka ay cudurka maskax bur-burka ah uu haleelo
xubnaha bulshada, Inkasto marwalba culimada ay yihiin kuwa ugu Muhiimsan ee
dad ku baraarujinkara dantoodata aduun iyo mid aaqiraba , hadana musiibada
maskaxeed iyo mida nololeedba marka ay jiraan waa ilayska kaliya ee isku
dumi kara bulshada , ku baaqi kara dareen guud oo dadka ku haga dantooda
umadnimo, Caalimka diinta islaamka ku xeeldheer waa midka u tagaan
ilaalina karaamada aadmiga , Wuxuu ogyahay cawaaqib xumada laga dhaxli karo
marka uu dulmigu iyo danbiyada kale ay baahaan . Caalimka dhabta ah waa
midka ka gilgisha godobta la iska galayo, ka gubaabiya dadkiisa garaad
xumada, Balse bulshada soomaliyeed waxay hungo iyo hataaran ka joogaan
in ay nasiibsadaan culimo damqata! Culimadii bulshdan intii badnayd ma aysan
Noqon kuwa loo riyaaqo, (marka laga reebo culimo yar oo runtii aan lagula
dul-dhici Karin canbaaraynta ay culimada inta badan la caraabeen), Culimada
soomaliyeed waxay sii xoojiyeen faraqii u dhaxeeyay bulshada, waxay ku
guulaysan kari waayeen in ay mideeyaan codkooda , dadka ay u sheegan wax si
guud looga samata bixi karo silica, waxay ka doorbideen in mid walba uu uu
ooto xayndaab uu ku soo xareeyo in asaga daacad u ah , Waxay aad u
afuufeen fikrado kala firdhiyay fikirkii guud ee islaamka!, dadka waxay
dusha kaga keenen aragtiyo ku dhisan kooxaysi, Lama hayo wadaado si wadar
ah u arxanfalay! wadaada soomalida waxqabadkooda wuxu ku soo koobmay
wareeg yar oo ay ku xareesanyihiin wadaado ay isku si wax u wada arkaan!!
Soomalida oo lagu tiriyo dad Isku madhab ka ah marka loo fiiriyo madaahiibta
kal ee umadaha islaamka ay kala taabacsan yihiin , hadana waxay ku hoos
noolyihiin calankii Qilaafka , Way jiraan Culimo labada galin meeriya
kutubta diinta laga raacdo, masa aynu arkin culimo si guud dadka ugu
meeriya casharo cadaynaya cawaaqib xumada cuquubooyinka ay bulshada la
Caalwaysay ! imisa jeer baad maqashay wadaad masjid ka sii caraabay oo
macawiistii ay burcad uga furatay wadadii u dhaxaysay masjidkii iyo xaafada
?! mase maqashay wadaad ka gilgishay godobtaas loo gaystay?,
Qudbooyinka jimcaha masaajida laga meeriyo marka aad goobjoog ka noqotid
waxaad ku farxaysaa sida loo soo buuxdhaafiyay baaxada masjidka ,
waxaadse naxaysaa marka aad aragtid in mawduuca qudbada aysan ku beegnayn
boogta bulshada! Meeqo jeer baad goob-joog ka noqotay bur-burki ka dib
qudbooyin, wacdi ama muxaadaro si xamasad leh uu ku aqrinayo wadaadka
qadiibka ah , mase naxday marka uu wadaadku ku dheeraday mas’alo farci ah oo
iska fudud sida (faataxada ka hor in kor loogu dhawaaqo bisinka iyo inkale
marka la tukanayo!) asagoon dhibanayaasha masjidka buux dhaafiyay uusan ku
baarujinin dhibaatooyinka ay ku hoosnoolyihiin sida , dilka , dhaca ,
kufisiga , qabiilka isku maqiiqa, xanta , xasadka iyo xintanka!! waa run in
muuqaalka buuxdhaafiyaasha masaajidka usaan u ekeen bulshadii iskula kaccday
dhibaatooyinkaas, waayo dadku waxa ka muuqda muuqalka lagu garto dad
muslimiin ah oo is nabad galiyay , “ qamiisyo cadcad oo aad u qorxoon.,
cimaamado kala nooc-nooca ah, barafuun la isku soo buufiyay , kutub quraan
ah oo la aqrinayo, suno la tukano , iyo isku dhoola cadayn salaanta islaamka
uu ka muuqdo waa jawiga guud ee maalmaha jimcaha “ Hadana muuqalkas ma
ahan mid ku ilowsiin kara in dadkan ay yihiin dhibanayaashii la rabay in ka
dhiidhiyaan dhibta ku xeeran, sido kale Culimada ma ahan in ay ku qancaan
muuqaalkas oo kaliya ,waa in ay dhaxda u xirtaan dhibta nololeed ee ka
jirta bulshada dhaxdeeda sidii ay dadka ugu wacyi galin lahaayen ayagoo
adeegsanaya wacdi iyo iyo wax usheg badan oo ka tarjumaya nolol maalmeeka ,
Bulsho walba waxa soo mara marxaldo ay ku
tabiso musiibooyin baaha , Bulshadana way ka bixi doontaa bur-burka dhan
walba ka soo abaaray waayo ilaahay uma qorin cidna in ay dhibaatada ku
waarto , qolo walbana maalin uu bay u bidhaantaa ilayskii bad, badada,
Culimada, aqoonyahanka , abwaanada ,
xirfadlayda, iyo dhamaan cidlwaba oo garasho iska dareemaysa waa in iska
diinwaagaliyaan diinwaaka lagu daabaco abaalka bulshada, Waa cayb in ilaa
hada in bulsho sida u baahsan una dhiban aysan cidna abaal dhab ah ugu qorin
kaydkeeda waayaha!..
* * *
Qalin laguma qeexi karo xirfadlaydii sida
arxandarada ah ula dhaqmay bulshadan tabaalaysan, Waa cuqubo kale oo
halkeda sii holcaysa in kooxo badan oo wax ku bartay canshuurtii bulshada ay
manta noqdeen mindiyo ku dirir dadban ! Soo ma aragtid dhaqtarkii la
rabay in uu diirnaxo bulshada oo ku ugaaranayo cilmiga uu canshuurtodi ku
kasbaday! Ma istaahilaan in qoraal sidan u afgabaan lagu soo qaato
damiirxumada dhaqtar ku sheega soomalida ,Waa dhab in dhaqtarada soomalida
aan looga ciilbixi Karin maqaal la daabaco marka la fiiriyo dhibta ay umada
dhaxlsiiyeen , Waan hubaa in aqriste kasta uu magan galay mar uun dhaqtarada
ceebta la dhiiqaysan ee soomalida., hadaba dareekaankaga ayaan ku soo
koobaya dhaliisha uu qalinkayga qeexayo!
Macalimiinti umada wax bari jirtay way
lumiyeen kaalintoodii, Intoodi badneen waxa ku dhacay maskax guur! ma tahli
karaan in bulshada ay u gudbiyaan casharo ka maran caadifada qabiilka, waan
xasuustaa macalimiin badan oo wax ii dhigtay bur-burkii ka dib marka ay
firaaqo yar ka helaan xiisada in ay nooga sheekeen jireen qabiilka, qaar
badan baa ardayda kula kaftami jiray heebtooda qabiil ! halkaas waxaad ka
garan kartaa in bahda waxbarashada aysan abaal baraarujineed aysan uga
haynin macalimiinta soomalida !
Ganacsata soomaliyeed waxay ku si foobeen
dhiigmiiradnimo aan dhigeed la arag, waxay bulshada u soo waarideen
badeecoyin tayo ahaan aad uliidata , waxay dadka dusha ka saareen macaash
aan xadlahayn, waxay aad u holciyeen dagaladii sokeeye ayago noqday isha ay
dhaqalaaha ka helaan qab-qablayaasha dagaalka , sidoo kale ganacsatada ku
kasbatay hantida badan bur-burki ka dib waxay u badnaayen geeljirayaal
garaadkooda uusan gaarsiisnayn in waayaha iyowaqtiga ay wax ka bartaan
bulshadana ay u dhimriyaan ,
Qoraalka oo gaaban awgiis kuma dheeraan karno
in aan qexno saamiga dhabta ah ee ganacsatada soomilyeed ku leeyihiin
bur-burkii bulshada
Qoyska oo xumaada waa halka ugu qatarsan ee ay
ka soo fufi karto bulsho qaabdaran , Bulshada dhaxdeeda waa ku dhif iyo
nadir waalid si wanaagsan ubadkiisa u barbaariyay ! Iska dhaaf in ay bar-baariyaane
intoodi badnayd dayac iyo dhumasho ayay caruurtood waydaariyeen isla
waqtigii ay dhasheen ,Nolosha laga argagaxo ee qoysaska soomalida waxay ku
haboontahay in qormo gooni ah loo sameeyo .
Afo saygeeda abaal dhab ah u haysa way ka
nabaad guurtay gayiga soomaliya, dhalaan ku hana qaday hanaan wanaagsan waa
ku dhif soomaliya , gabar guurkeeda mahdisay ma badna, dhalinyaro heshay
guubaabo iyo garab istaag waa inyar , waayeel helay xanaano iyo xushamad
lama xusin ..
Aqristaha qaaaliga ah qalinka oo aan wax ku
qorno kuma gaari karno gunta hoose ee ay gaarsiisantahay sida ay u abaal
dhaceen dhamaan itii dadnimada looga fadhiyay , Waxaana ku soo koobaya
qormadaydan tixdan uu mariyay Sayid Maxamed cabdule xasan mar uu
daraawiishta ugu beer qaboojinayay in la heli doono dad af iyo adin ku
taageera.
Dad qaraab nin kuu xigay hadii uu kugu
dugaagoobo
Maruun baa daafarkii fakaday dabin ku rooraaye
Bal dayow nabsigu waa wixii daaha yuururaye
Hadii daawadii furay nimaad daris xigaalmooday
Maruun baa mid duunkaga jecel dawka soo bixiye
Baldayoy daruun baad heshaa daacad kuu noqone
Tol dulloobay oday dooralaa loogu dawgalaye
Maruun baa duqaydii xulnayd danabba dhaafane
Baldayoy rag cadho duuban baa dib u guhaadoone
Sayid Maxamed Cabdule Xasan
Qore: Adbulaahi Mohamed Adam (Abdulaai yare)
exmurux@hotmail.com
Gaalkacyo , Puntland , Somalia
Faafin: SomaliTalk.com
| Nov 25, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
UK: Qaxootiga
Soomaalida oo kamid noqday Magangalyo doonka ugu badan
iyo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Kulan la leh
Beelaha Hawiye
Guji... Nov 24
Cudurka Shubanka
oo fara ba,an ku haya Caruurta Gobolka Qoraxay
Wararka xorriyad doonka Ogaadeenya...
Guji..
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|