Waa
maxay farqiga u dhaxeeya magaalooyinka Nairobi iyo Mombasa iyo
Soomaalida kukala Nool
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca) Kenya, Nairobi
E-Mail:
axmeddheere65@hotmail.com
Magaalada
Mombasa waa magaalo madaxda labaad ee Wadanka Kenya waa Magaalo leh
Dakeda ugu wayn Bariga iyo Bartamaha Afrika,
Magaalada Mombasa oo ah magaalo facwayn
ayna daganyihiin dad xadaarad&ilbaxnomo badan waxa ay magaalada
caasimada ah ee Nairobi ujirtaa ku dhawaad 480 Kmt,
Magaalada oo aan ku gaaray booqasho
shaqo muda labo cisho ahna aan joogay waxa aan kala kulmay wax yaabo
badan oo ay kukala gadisanyihiin magaalada Nairobi,
Ugu horayntii waxaan booqday Dakeda
caalamiga ee Magaalada Mombasa oo runtii aheed meel ku mashquulsan
shqooyin kalla gadisan dekeda waxaa ka soo daga maalin walba maraakiib
kalla duwan oo ka soo shiraacda dekedaha caalamka oo dhan iyadoo ay
xiligan aheed xili ay aad ushaqo badneed waxaan halkaa kula kulmay dad
badan oo Soomaaliyeed oo ii sheegay in ay iyagu keenaan alaabo kala
gadisan ayniguna aan arkay iyadoo hada lagu jiro isku diyaarintii
maalmaha Kirismiska oo ah bisha Fooda nagu soo haysa 25keeda,
Ka so koow dadka Soomaaliyeed ee iyagu
wax ka soo dajiya dekeda Mombasa waxaa kaloo jira ganacsato kakala socda
meelo badan oo iyaguna wax ka la soo daga dekeda Mombasa sideedaba
dekeda waxaa wax u maraan wadama Burundi Tansaniya Ugaandha Suudaan iyo
goobo kale,
Dhinaca
magaalada hadii aan faalo kooban ka bixiyo waa magaalo aad u qurxoon oo
runtii aadan ka dalayn in aad joogto wallow ay aad magaaladu u
kulushahay
Nabada magaalada Mombasa waa heer sare
marna kama cabsi qabtid in lagaa dafo Moobilkaaga sida Nairobi haweenka
waxa ay ku xardhanyihiin dahabkooda iyaga oo an ka cabsi qabin in
dhagtooda iyo dahabkoodaba la gooyo ,
Ganacsiga waa magaalo aad uganacsi
badan iyadoo ay soo galaan ganacsato meelo badan ka yimid inta badana
waxaad arkaysaa baabuur wada shixnado kalla duwan oo iskaga gooshaya
goobo badan oo ka mida gudaha wadanka Kenya iyo wadamada Dariska ah sida
Ugaandha iyo goobo kale soomaalidu waxa ay ku leeyhiin goobo ganacsi oo
kalla duwan oo lagu iibiyo wax badan oo kalla gadisan ,
Kala duwanaansha Soomaalida ku nool
Mombasa iyo Caasimada Nairobi waxaa jira faraq wayn oo dhinaca Siyasada
ah dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca Diinta intaba leh
Tusaalle
ahaan dadka Soomaaliyeed ee jooga Nairobi inta badan waxa ay ku
waydiinayaan Siyaasada Soomaalida waxaadna arkaysaa iyagoo inta badan ku
mashquulsan Wabseedyada iyo Idaacadaha halka reer Mombasa ku
mashquulsanyihiin ganacsiga iyo dabarida naftooda ,
Guud ahaan marka aad eegto dareenka iyo
muuqaalka dadka reer Mombasa ayaa umuuqda mid farxadeed iskana dagan
iyagoo markiiba kuu muujinaya niyad samidooda Xaafadaha Magaalada
Mombasa ma ah mid ay soomaalidu udaganyihiin hab qabiil ,
Magaalada Mombasa waxaa ku yaala
Masaajido badan iyo Madarasado Badan oo lagu Barto Diinta Islaamka iyo
Luuqada Carabiga waxaana runtii xusid mudan in inta badan dumarka
Magaalada Mombasa ay xiranyihiin Niqaab ama indhasharer oo kuligood way
xijaabanyihiin,
Raga magaalada Mombasa waxaa ka muuqda
shacaairu diin iyadoo garku inta badan udaysanyahay waxa ayna ku
labisanyihiin khamiisyo iyo Macawiso oo waxaad moodaa in aad Joogto
magaalo ka mida Wadanka Dahabiga ah ee Soomaaliya,
Wali waxaa aad ku arkeeysaa Magaaladaa
Iftiinkii ciida oo waxaa wadooyinka Magaalada ku xiran nalal habeenkii
Nuuraya oo kala midab ah mid walibana bixinayo Qurux gaara ,
Waxaa xusid mudan in magaalada Mombasa
ay dadku iskugu soo baxaan gobaha Cabitaanka iyagoo sidii magaalooyinka
Soomaaliya ku dheelaya goobahaa Dumlad iyo Turub ama laadhu Xitaa
runtiina waa wax aan ku soo Xasuustay Magaalada Muqdisho inta la
fadhiisto Biibito hadana la ciyaaro Turub iyo wixii la mida,
axmeddheere65@hotmail.com
Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya,Nairobi