SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN
 
Daabaco Boggan | Print

 Cabdulqaadir Shariif Oo ku guuleystay abaalmarinta geesiga sannadka 2004 ee Sweden. 

Xaflad ballaaran ayaa lagu qabtay tiyaatarka weyn ee magaalada Gothenburg(Stads Teater ee waddanka Sweden. Xafladdaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen wargeyska maalinlaha ah ee Göteborgs Posten, tiyaatarka magaalada iyo hayadda bixisa abaalmarintaas oo lagu magacaabo Minnesfonden oo ah sanduuq gaar ah oo la aasaasay wixii ka dambeeyay oktober 1998 markaasoo ahayd markii 63 dhalinyaro ah ay ku dhinteen dab kii ugu xumaa ee soo mara taariikhda casriga ee Sweden.

Xafladdaas waxaa ka soo qayb galay madax sare oo ka socotay dowladda, maamulka gobolka iyo marti sharaf kaleba.waxaana halkaas lagu guddoonsiiyay sagaal qof  abaalmarinta lagu magacaabo Vardagshjälte Stipendiet ( abaalmarinta geesiga sannadka).

Sagaalkaas qof  siddeed ka mid ahi waxay ahaayeen Swedish halka qofka sagaalaadna uu ahaa Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa oo ah sharciyaqaan soomaali ah oo deggan magaalada Gothenburg ee dalka Sweden xubinna ka ah guddiga hoggaminta ee ururka u dooda xuquuqda caruurta ee dalkan Sweden oo magaciisa marka la soo gaabiyo loo yaqaano BRIS ( Barnens Rätt I Samhället) oo micnihiisu yahay xuquuqda ayy caruurtu ku leeyihiin mujtamaca. 

Qofka la siinayo abaalmarintan ayaa waxaa lagu qiimeeyaa inuu yahay qofka u istaaga inuu caawiyo qof dhibaateysan isagoo aysan ujeeddadiisu ahayn inuu magac,maamuus ama hanti  kuraadsado howsha uu qabanayo, isla markaana aan u eegin dadka uu caawinayo midabkooda afkooda jinsiyaddooda ama diintoodaba dadkaasoo noqon kara kuwa la yaqaano oo caan ah ama dad iska caadi ah.

Cabdulqaadir Shariif ayaa xafiis ku yaala xaafadda Hjällbo ka qabta howl  talo siin ku saabsan dhinaca sharciyada isaga oo dadka ajnabiga ah ka caawiyo inuu tuso meesha ama hayadda ay  kala xiriiri lahaayeen xallinta baaidooda marka arrin ay la soo gudboonaato.            

Waxyaabahaas oo ay ka mid yihiin arrimo xagga xafiiska socialka ku saabsan iyo sharciyada socialka( Socialtjänstlagen), xagga sharciyada deganaanshaha dalka iyo magangelyada (asyl frågor) iyo dalabka dhalashada dalkan ( Medborgarskap)

Cabdulqaadir waa sharciyaqaan  sharciyada ku soo bartay Somalia wuxuuna ka qalin jebiyay kulliyaddii sharciyada ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, muddadii uu Sweden degganaana wax ka bartay shuruucda Sweden.Howlaha uu bulshada u qabtona waa bilaash

Cabdulqaadir Shariif iyo asxaabtiisa kale ee ay isla shaqeeyaan ayaa waxay beryahan ku howlan yihiin sidii ay hayadda socdaalka ee dalka Sweden iyo xukuumadaba uga dhaadhicin lahaayeen in waqtiga aysan ku qasbin qaxootiga soomaaliyeed ee sharciyada loo diiday inay qasabugu laabtaan dalka isla markaan la siiyo sharci deganaansho buuxda ama loo oggolaado in loo sii dheereeyo sharciyada ka dhacay.  

Sidoo kale abaalmarintaas ka dib waxaa Cabdulqaadir Shariif abaalmarin kale oo mahadcelin iyo hambalyo ah guddoonsiiyay Madaxa shirkadda guryaha Hjällbo wuxuuna ku yiri anigoo ku hadlaya magaca dhamaan shaqaalaha shirkadda waxaad naga guddoontaa hambalyadan waxaana kaaga mahad celinaya sida hagar laaanta ah ee aad ugu kacday caawinta dadka deggan xaafaddeena iyo xaafadaha kale ee magaalada waxaana maanta reer Hjällbo aan ugu faani karnaa xaafadaha kale inaan anaga nasiib u yeelanay inuu xafiiskiinu ka furnaado xaafaddeena oo aad halkan ka howl gashaan.                                   

Cid walba oo doonaysa inay la xiriirto cabdulqaadir Shariif waxay kala xiriiri karaan xafiiskiisa Hjällbo oo ku yaal Bergsgårdsgärdet 72 ka soo horjeedka Rimi ama emailka shekuna2000@yahoo.se

Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyay:
Abukar Xaaji <abukarxaaji@hotmail.com>

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2004


Culimada Soomaaliyeed oo Baaq Samo ka talin ah u Jeediyay madaxda S/land iyo P/land
Culimada ugu waaweyn ee bulshada Soomaaliyeed ee ku kala nool gudaha iyo dibaddaba dalka ayaa... Guji...


Habnololeedka Guud Ee Nabiga (scw) Nabinnimada Kahor [Silsiladda Taariikhda Islaamka]

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
DIBLUMAASI SOOMAALIYEED: AYNU TAAGEERO LA GARAB IS TAAGNO DOWLADDA CUSUB
Maxammedyerow Abuukar qunsul ka noqday dalka UAE ayaa.. Guji
Warbixin :xafladdii soo dhawaynta dowlada cusub ee somalia oo ay qabteen jaaliyadda somalida ee dalka Malaysia.  Guji..
Free Awdal Forum oo Dhambaal u Diray Madaxweynaha
"Hadaan nahay reer Awdal waan ogsoonahay in koox yari afduubtay waqooyi iyagoo ku majaro habaabiyay"... Guji...
Somali Concern Group (SCG) waxey soo dhoweyneysaa dhameystirka shirka Somalida oo muddo  labo sano ah ka socday waddanka Kenya iyo doorashadii bisha 10 keedii lagu doortay madaxweynaha.. Guji...
AFRIKA OO AQOONSATAY NATIIJADII KASOO BAXDAY SHIRKII SOOMALAIDA
Iyo Madaxweynaha DFKMG oo ka qaybgalay kulankii u horeeyeye ee caalami ah... Guji...
Guddoomiyaha ururka DDP: Taageero madaxweynaha:  Wixii talo ah ee aad u baahatidna diyaar ayaan kuula nahay. Waana kuu ducaynaynaa.. Guji...
MUSTAQBALKA SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED Faalladii Yusuf Shabac.. Guji...
101_0172Xaflad Lagu Soo dhawaynayo Dowladda cusub ee Somalia oo Ka Dhacday Pakistan
Waxaa kasoo qayb galay shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Islamabad iyo Guji

Soomaalida Toronto ee Taageertay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya
Xaflad dabaal Deg iyo Hambalyo ah oo ay dhigeen Soomalida Melbourne
»Waxaana xafladaas ka soo qayb galay Jaaliyadda Som..
»Xaflad lagu soo dhoweynayo Dawlada oo lagu qabtay MPLS
»Soomaaliyeed Sweden oo soo dhaweeyay dawladda cusub.
 Dhammaan ka akhri halkan... Guji..

bosasoSidii Boosaaso Looga Soo Dhoweeyey Doorashadii Madaxweynaha DFKMG
Iyo madaxweyne Kuxigeenkii oo PL oo lagu wareejiyey Xilka MDGPL...
Guji...

Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD