DHAMBAAL KA YIMID BEESHA RAXANWEYN:::Anoo ku hadlaya magacayada:
- Garaad Cumar Diin - Garaadka umadda Raxanweyn Luuq Aw Madow - Gedo
- Ugaas Adan Maamow – Ugaaska beesha Gasaargude Luuq Aw Madow – Gedo
- Dammaan Qoyska Reer Hussein Malla - Gudaha iyo Dibedda Dalka
Waxaan halkan hambalyo ugu soo gudbineynaa:
- Dhammaan Ummadda Soomaliyeed meel kastoo ay joogtaba
- Golaha baarlammanka federaalka ee ku meelgaarka ah iyo hogaankiisa, gaar ahaan Mudane Shariif Xasan
- Madaxweynaha la doortay dhawwaan Mudane Abdullahi Yususf
Anagoo ugu hambalyeyneyna curashada hoggaanka cusub ee umadda Soomaliyeed oo ay horseedka ka yihhin dhawwanna lagu dhisey Nairobi bishii Octoobar 10keeda 2004.
Waxaan leenahay noqda - Allah Idinkii - kuwii samata bixiya umadda soomaliyeed oo ka saara jahawarrerka ay ku jirtey tan iyo muddadii xoriyadda la qaatey iyo halaagii ku habsady muddadii afar iyo tobanka sano aheyd ee la soo dhaafay.
Waxaa lagama maarmaan ah in aad u talaabsataan - si aad u guuleysataan Allah idinkii - si ay ku dheehan tahay foogignaan, ka fiirsasho, wada tashi, xigmad, cilmi, daacadnimo iyo cabsi Ilaah haddii kale wax waliba si sahal ah ayey gacantiina uga bixi doonaan, xoogna sidiisaba xal waara ma keeno, maantadan la joogana jab hor leh iyo guuldarro aad soo hooysaan umadda soomaaliyeed ma xamili karto mana ka bixi karto sidaa awigeed Ilaaha Weyn baan ka magal galnay jabkiina.
Waxaan ku gunaanadeeda dhambaalkeena in aan idin xusuusinno afarta qodob ee lagu gaaro guusha sida Ilaahay (SWT) uu ku xusay Suuradda Alcasri ee Quraanka Kariimka:
- 1) Iimaan Kaamil ah
- 2) Camal Suuban oo waafaqsan shuruucda Islaamka
- 3) Xaqa iyo runta oo lagu dardaarmo
- 4) Sabar joogta ah oo lagu balamo
Waxaan Ilaah weyn ka baryeenaa kheyrkiina in uu nasoo aadiyo shartiinana, haddii ay jirtaba, uu naga qabto – Aamiin.
Wa Bi-Allahi Towfiiq
Abdisalan H. Malla
awmadow@yahoo.com