Weriyaha
Amiin Yuusuf
Khasaaro oo
safar shaqo
uga soo
laabtay
Magaalada
Jowhar ayaa
fursad u
helay in uu la kulmo gabar
Soomaaliyeed
oo la il
daran
Cudurka AIDS-ka,
Gabadhaas oo
magaceeda ku
sheegtay
Shamso C/llaahi
Cali oo
27-jir ah,
muddo
sanooyin ahna ku
nooleed
Dalka
Itoobiyo,
gaar ahaan
Magaalada
jig-jiga,
balse Iminka
la keenay
Magaalada
Jowhar, kuna
jirta
Isbitaalka
Inter-SOS ee
Magaaladaas.
Amiin waxa
uu
qormadiisa
nooga soo
diray,
Magaaladda
Jowhar .
waxa uuna ku
bilaabayaa
Sidan:-
"waxaa
gabadhaas ka
muuqatay
Astaamaha
Cudurka AIDS-ka,
jirkeedu wuu
dhamaaday,
ma haleeli
karto in ay
fariisato,
hadalku waa
dhibayay,
iyadoo
sariirta
dusheeda
saran ayaan
la yeshay
wareysigan,
waxaana
markii ugu
horeysay aan
weydiiyay:-
Amiin:
Sideed ku
ogaatay
inaad
cudurkan
qabto yaana
kuu sheegay?
Shamso:
Anigoo uur
leh ayaan
tagay
isbitaal ku
yaal
magaalada
Jigjiga,
dhaqtarad
caddaan ah
oo aan la
xiriiray
ayaa markii
ugu
horreysay ii
sheegtay
inaan
cudurkaasi
qabo.
Amiin:
Goorma ayuu
cudurku
sidan kuu
soo riday?
Shamso:
Sannooyinkii
ugu
horreeyay
waxaan ahaa
qof caadi
ah, inkastoo
la ii
sheegay
inaan
cudurka qaba
haddana
dadka kama
hoosayn oo
waxaan ahaa
qof iska
shaqeysanaysa
nolosheedana
si caadi ah
u wadata,
balse
billowgii
sanadkaan
ayuu cudurku
bilaabay
inuu i soo
rido, waxaan
dareemayay
tabar yari
xoog badan
iyo anigoon
u adkaysan
karin xanuun
kasta oo i
qabta,
jirkaygu
wuxuu
billaabay
inuu sii
gurmo
maalinba
maalinta ka
dambeysa
illaa aan
gaaro
heerkaan aan
sariirta ka
kici karin.
Amiin:
Reerkiina
xaguu ku
nool yahay?
Shamso:
Reerkaygu
waxay ku
nool yihiin
baadiyaha
degmada
Balcad, waxa
aan itoobiya
uga soo
laabtayba
waxay ahayd
inaan
waqtigayga
inta ka
harsan la
noolaado
reerkayga,
balse nasiib
darro waxaa
dhacday
arrin aan
aad uga
naxay oo aan
weligeyn
filaynin,
runtii waxaa
aad ii soo
dhaweeyay oo
aan gacan
fiican ka
helay
maamulka
degmada
Jowhar oo
markii aan
xaaladdayda
u sheegay ii
diyaariyay
gaari si ay
reerkayga
iigu geeyaan,
balse
reerkeyga oo
horay u sii
ogaaday
inaan qabo
cudurka
dilaaga ah
ee AIDS-ka
ayaa
gaarigii
intuusan
tuuladii
gaarin qoryo
la hor
istaagay
kuna qasbay
inuu
gaarigii dib
ugu soo
laabto
magaalada
Jowhar.
Amiin:
Hadda,
maadaama aad
isbitaalka
jiiftid
keligaana
aad tahay
yaa
howshaada
caafimaad
gacanta ku
haya?
Shamso:
Maamulka
degmada
Jowhar iyo
isbitaalka
INTERSOS
ayaa iska
kaashaday
daryeelkayga
caafimaad,
waxaana la
ii sameeyay
saddex
gabdhood oo
kalkaaliso
caafimaad ah
oo
xannaanadayda
iyo faya-dhowrkayga
gacanta ku
haya,
laakiinse
waxaanan
haysan
daawooyinkii
kaalmaatiga
u ahaa
cudurkan oo
ay
isbitaalka
iyo
maamulkaba
ii sheegeen
inaysan ii
heli Karin
balse aan
anigoo ka
faa’iidaysanaya
fursaddaan
waxaan
ka
codsanayaa
dadweynaha
Soomaaliyeed
iyo
hay’adaha
wax bixiya
inay gacan
iga siiyaan
sidii
daawooyinkaas
oo aan
filayo inay
xoogaa
lacagtooda
badan tahay
u heli lahaa,
si xanuunka
faraha badan
leh ee i haya aan uga
nasto.
Amiin:
Cudurka
AIDS-ka dad
badan oo
dunida ka
mid ah ayaa
jiritaankiisa
inkirsan,
adigu sideed
u aragtaa?
Shamso:
Wax la qarin
karo ma ahan,
aniguna maba
jooji xilli
iyo waqi aan
ku inkiro,
siddeed sano
ayuu i hayaa
haddana
qaybihiisii
ugu darnaa
ayaan lugaha
la galay,
waxa keliya
ee aan oran
karaa waa
dardaaran
iyo baaq aan
u jeedinayo
gabdhaha
Soomaaliyeed
ee ila midka
ah anigoo ku
oranaya
walaalayaal
indhihiinna
iyo
dhegihiinna
fura dareen
dheeraad ah
yeesha ee
iska
ilaaliya
cudurkan
halista ah,
gabar walba
waa inay
sharafteeda
iyo
nolosheedaba
ilaashataa,
dhinaca
kalena
Shamso kama
aysan
aamusin
ragga
Soomaaliyeed
oo waxay
tilmaantay
inay qaybta
ugu
ballaaran ee
fididnta
cudurkaan ay
leeyihiin,
waxayna kula
dardaarantay
inay ibtooda
ilaashadaan
reerkoodana
ku ekaadaaan.
Shamso,
waxay
noqotay
gabadhii ugu
horreysay ee
afkeeda ka
qirata inay
qabto
cudurka
AIDS-ka
magaceedana
sheegta
iyadoo
weliba ku
nool gudaha
Soomaaliya,
inkastoo ay
sheegtay
inay aad uga
xun tahay
inay
reerkeeda
soo
dayriyaan.
Dhinaca kale
dhaqtarka
Isbitaalka
INTERSOS Dr.
Cali Cumar
ayaa isaguna
dhiniciisa
caddeeyay in
cudurka haya
gabadhan uu
yahay
cudurka
AIDS-ka
isagoo xusay
in
isbitaalka
iyo
maamulkaba
aysan u heli
Karin
daawada ay u
baahan tahay.
Breaking
News (war
deg-deg ah)
Intii aan ku
sugnaa
magaalada
Jowhar ayaa
subaxnimadii
aan
soobaxayay
waxaa
la’isoo war
galiyay in
ay Shamso
geeriyootay,
hase yeeshee
waxaa
Gabadhaas
loo sameeyay
AAS heer
sare ah,
ayna ka
qeyb galeen
dhamaan
madaxda
Gobol-ka iyo
Madaxda
Hay’adaha
Samafalka.
Qoraaga
Amiin Yuusuf
Khasaaro
waxaa lagala
xiriiri
karaa:
amiinkhasaaro@yahoo.co.uk
SomaliTalk.com
| Muqdisho,
Soomaaliya