- Wafti katirsan DFKMG oo Ka
Degey Kismaayo...
- Kulan Albaabadu u Xiran Yihiin
oo ay Kismaayo Yeesheen Barre Hiiraale, Cismaan caato iyo Muuse
Suudi
- Kulan albaabadu ay u xiran
yihiin oo ay Muqdisho ku Yeesheen Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan
DFKMG..
- Maamulka Maxamad Dheere oo sii
daayay Odoyaal
Wafti balaaran oo ka socday dowlada
federalka FDKMG ah ee somalaliyeed oo ay horkacayeen wasiirka wasaarada
ganacsiga al xaaji Muuse Suudi Yalaxow iyo wasiirka guriyayeenta iyo
howlaha guud mudane Cismaan Xasan Cali Caato ayaa saakay kasoo tagay
gagida dayuuradaha ee magaalada kismaayo.

MAS'UULIYIINTA MAAMULKA ISBAHAYSIGA DOOXADA JUBBA OO SOO DHAWAYNAYA WAFDIGII
MAANTA

Yalaxow o Diyaarada k asoo degaya

BARRE HIIRAALE IYO MUUSE SUUDI OO IS DHUNKANAYA

Barre hiiraale, muuse suudi & tima jilic

Cismaan Caato

MUUSE SUUDI IYO JENERAL AXMED
WARSAME AHNA XILDHIBAAN KA TIRSAN DOWLADA

CISMAAN CAATO, BARRE HIIRAALE,
MUUSE SUUDI |
Wafdigaan ay horkacayeen wasiirka wasaarada
ganacsiga dowlada FDKMG al Xaaji Muuse suudi Yalaxow iyo wasiirka guriyeenta
iyo howlaha guud mudane Cismaan xasan cali caato ayaa waxa ay ka koobnaayeen
sagaal xubnood ayagoo kasoo dagay goroonka dayuuradah ee magaalada Kismaayo
abaare afartii iyo barkii subaxnimo ee saakay, April 11, 2005.
Socdaalkoodan ayaa wafuuda waxa ay ku
macneeyeen hordhaca fulinta howlaha wasaradaha ay ku magacaabanyahiin
islamarkaana ay imaatinkooda Kismaayo ay tahay ku dhiira galinta ummadda
soomaaliyeed in ay taageeraan dowlada FDKMG ah ee somaaliyeed
Ayadoo socdaalkooda ay kusii mari doonaan
maagaalada baydhabo ugu danbayentiina ay tagi doonaam magaalada muqdisho
halkaasoo ay ku sheegeen in ay ka bilaabi doonaan nabadeynta iyo kusoo
dhaweynta dowlada FDRKMG ah ee somaaliyed.
Wafdigaan ayaa saakay waxaa garoonka kusoo
dhaweeyay xubnaha ugu sareeya maamulka isbahaysiga dooxada jubba oo uu ka
mid ahaa wasiirka dib u dajinta iyo dib u dhiska dowlada FDKMG ah ee
soomaaliyeed xildhibaan Barre Aadan shire "Barre hiirale" iyo waliba
xildhibaan Axmed Warsame iyo xubno kale oo ka mid ah mas'uuliyiinta
isbahaysiga dooxada jubba iyo maamulka degmada ayadoo sidoo kale ay soo
dhawayntaasi kasoo qayeb galeen ururada bulshada iyo waliba wax garad kale.
Soo dhaweyn heer sare ah iyo is gacan
qaadid ka dib waxa ay wasiiradu fariisteen goob fagaaro ah oo ku taala
Airport oo horay loogu sii diyaariayay ayagoo halkaa kalmada gaagaaban usoo
jeediyeen dad waynahii kasoo qayeb galay soo dhaweyntooda ayadoo uu ugu
horeyantii halkaasi kalmada gaaban kasoo jeediayay xildhibaan Barre hiiraale
isagoo sheegay in maanta ay sharaf u tahay shacaba reer kismaayo ku soo
dhiirashada ay qaarka ka midka ah wasiirada dowlada FDKMG ah ay ku
yimaadeen kismaayo taasina ay tahay talaabo horumar u ah shacabka reer
kismaayo. Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay wasiirka guriyenta iyo howlaha
guud mudane Cismaan xasan cali caato waxa uu isagana sheegay in ay maanta ay
umada soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay u baahanyahiin dowlad gacan
qabata islamarkaana u fulisa danahooda, waxaa sidoo kale halkaa ka hadalay
wasiirka ganacsiga alxaaji Muuse suudi yalaxow isagoo ugu horeyntii u
hanbalyeeyay umada soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan gaar ahaan shacabka
reer kismaayo waxa uu isagana sheegay wasiirka ganacsiga in umada
soomaaliyeed ay walaalo yahiin lagana ilbaxay maanta qabyaaladii iyo gooni
gooniyeentii taasina ay ku tusayso isu baahnaashaha ay isu baahanyahiin
umada soomaaliyeed .
Waxaa uu sidoo kale Muuse suudi sheegay in
hogaamiye koxeed walba ee ku magacaaban magaalo ama gobol manta looga
baahanyahay in uu u tana sulo umada soomaaliyeed fiiriyana danahooda iyo
dhibaatada ka haysata wadamada shisheeye .
Qudbado iyo isu hanbalyeen kadib waxa
bixitaan isu diyaariyay wafuudii ka socotay dowlada FDKMG ah ee soomaaliyed
oo ay hogaaminayeen wasiirka ganacsiga al xaaji muuse suudi yalaxow iyo
wasiirka guriyenta iyo howlaha guud mudane cismaan xasan cali caato ayagoo
ku laabtay dayaaradii keentay waxayna u kicitimeen magaalada baydhabo oo ay
kusii hakan doonaan ugu danabayentiina ay kasii aadi doonaan magaalada
muqdisho oo uu socdaalkooda ku wajahnaa.
Sidoo kale waxa ay sadexda wasir yeesheen
kulan gaar ah oo albaabada u xiranyahay loona diiday saxaafada kulankaas oo
saacado qaatay ayaana la garanayn arimaha ay sadexda wasiir kaga wada
haldeen ayadoo ilaa iyo iminka aan la garanayen arimaha ay sadexda wasiir
ku falan qeeyeen kulankoodaas
Hadaba waa markii ugu horeysay oo ay
magaalada kismaayo yimaadaan xubno ka tirsan dowlada FDRKMG ah ee
soomaaliyeed marka laga reebo labada xubnood ee kasoo hjeeda beelaha daga
magalada kismaayo ee Barre hiirale iyo jeneral Axmed warsame balse ma ahan
markii ugu horeysay uu socdaal ku yimado al xaaji muuse suudi yalaxow goor
sii horeysay
cabdi
qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Kulan albaabadu ay u xiran yihiin oo
Qaar Kamid ah Labada Gole ee DFKMG ay Ku yeesheen magaalada Muqdisho
Kulankaan ayaa waxaa uu dhexmaray xubnaha
labada gole ee dowladda federaalka soomaliya ee ku sugan magaalada
muqdisho,waxaa uu ka dhacay xarunta baarlamaanka ee EX xaruntii xisbiga ee
magaalada muqdisho.
Inkastoo bilowgii kulankan loo diiday
saxaafadda ayaa haddana waxaa ay soo sareen qodobo dhowr ah, kuwaasi oo ku
wajahan nabad ku soo dabaalidda magaalada ,waxaana lagu magacaabay xubno
gaaraya ilaa 5 xubnood sida uu sheegay afhayeenka oo loo magacaabay Cumar
Xaashi Aadan, waxaana uu hadalkiisa sii raaciyay in kulankoodii maanta uu
ahaa mid kala warqaadasho ah,isagoo intaa raaciyay in xubnihii horay u
joogay caasimadda ay soo bandhigeen waxqabadkoodii iyo howlihii ay qabteen.
Cumar Xaashi Aadan waxaa kale oo uu sheegay
in maanta ay magacaabeen Afhayeen iyo xubno gaaraya ilaa lix oo iyagaana uu
ku sheegay inay yihiin guddi farsamo,kuwaasi oo uu sheegay inay soo saari
doonaan go`aamada lagu shaqeeynayo.
Xildhibaana Cumar Xaashi waxaa kale oo uu
tilmaamay in guddoon lagu gaaray in maalinka berri ah si heer qaran ah loo
agaasimo munaasabaddii 45aad ee ka soo wareegatay markii dhidibada loo
taagay Ciidanka Xoogga dalka soomaliyeed.
Waxaa uuna shacabka soomaliyeed ugu baaqay
inay ka soo qeyb galaan munaasabadaasi isagoo sheegay in maalinka berri ah
loo qalayo ciidanka xooga dalka ilaa 5neef oo geel ah.
Sidoo kale waxaa uu tibaaxay in ay kulmi
doonaan barqanimada 13ka bishan si guddiga farsamada ee maanta la magacaabay
ay u soo diyaariyaan howlihii loo xilsaaray ee fulinta 29qodob ee Kenya lagu
gaaray.
Xubnaha maanta lagu magacaabay kulankan
waxaa ka mid ah.
- Qamar Aadan Cali
- Zakariye Xaaji Cabdi
- Isaaq Daqare
- Axmad Diiriye
- Saleebaan Colaad
Si kastaba ha ahaatee dadka ku dhaqan
Degmooyinka G/Banaadir ayaa ku hungoobay rajadoodii aheyd in warbixino ay ka
dhegeysan doonaan mas`uuliyiinta dowladda ee soo gaaray iyo hanaankii maamul
mid ah loogu sameyn lahaa G/Banaadir taasoo qaar ka mida ku abuurtay niyad
xumo ku aaddan dowladda federaalka ee lagu soo unkay caasimadda Kenya ee
Nairobi, hase ahaatee qaar ka tirsan ciidanka qalabka sida ayaa dhinacooga
muujiyay rajada ay ka qabaan iyagoo ka dalbaday mas`uuliyiinta dowladda inay
ciidankooda maliishiyada ah ay ka saran caasinadda
Maamulka Maxamad Dheere oo sii daayay
maanta Odoyaal iyo Nabadoono u xirnaa maalmihii la soo dhaafay
Waxgaraadkaan oo ay wehliyaan beeraley ayaa
waxaa la sii daayay maanta kadib markii ay ku xirnaayeen wax ka badan
10maalmood xarunta G/SH/Dhexe ee Jowhar.
Sii deyntan ayaa wararku sheegayaan inay
timid markii wadahadal ay yeesheen wax garadka degmadaasi iyo maamulka
Maxamad dheere.
Odayaashan ayaa xarigoodu waxaa uu la
xiriiraa markii ay diideen lacago canshuur ah oo uu maamulka maxamad dheere
ku soo rogay.
Waxaan sii deyntoodii maanta lagu
furdaamiyay halkii qofba 1million oo shilin/so ah, Iyadoo lacagta markii
hore xabsiga loogu taxaabay ay aheyd in qofkiiba uu bixiyo 5million oo
shilin/so.
Sii deynta raggaan ayaa waxaa sahlay
odoyaasha degmada jowhar oo iyagu si weyn uga xumaaday xarigga
nabaddoonadaasi.
Dhinaca kale waxaa degmada Jowhar ka taagan
carqalad u dhaxeeysa maamulka maxamad dheere iyo hay`adahii samafalka ee
halkaasi ku sugnaa.
Wararka ayaa sheegaya in is maandhaafka u
dhaxeeya maamulka jowhar iyo hay`adaha samafalka uu salka ku hayo dhaqaale
ay hay`adhaasi ku tilmaameen Baad uu doonayo maxamad dheere, iyadoo
hay`adaha samafalka ee ka howlgeli jiray jowhar ay shalay isaga baxeen
magaaladaasi.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee ay
hay`adaha samafalka ee ka howlgala soomaaliya ay qaadaan talaabo nuucaan ah
oo ay isaga baxayaan gudaha soomaliya, waxaana soo laalaabtay marar badan
cadaadiska ay qabqablayaasha dagaalka ku hayaan hay`adaha gargaarka ee
howlaha samafalka ka haya soomaaliya,.laakiin hogaamiyayaasha dagaalka ayaa
inta badan cadaadiskooda u sababeeya in hay`aha samafalku aysan u
hogaansamin maamulada deegaanada ay ka howlgalaan.
Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu ,Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | April 11, 2005
Qoraal kasoo Baxay
Xafiiska Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaliya
Waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in..
Guji
Madaxweynaha Dowladda
FKMG ah oo Qado Sharaf u Sameeyay Baarlamaanka...
»Shariif
Xasan oo ka hadlay Qado Sharaftii Madaxweynaha
»Taageero
Heli maysaan Intaad Nairobi Ku Qayileysaan...
Warka oo dhan ka
akhri halkan... Guji....
R/Wasaaraha DFKMG iyo
W/Maalgalinta Dibada ee Libiya oo kala saxiixday Heshiis
»Waftigii
Ra'iisul wasaaraha oo weli Liibiya ku sugan...
»Wafdi
isugu Jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo Gaaray Muqdisho
»Qanyare:
Waxaa la gaaray Xaaladii ficilka...
»Cusmaan
Boqore: Waxaa la fulin doonaa 29kii qodob...
Warka oo dhan... Guji...
Apr 10
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com