- USA: Qof Dumar ah oo Soomaali ah oo
Loo Xiray Ninkeeda oo ay Been Abuur Ka Samaysay
- Sanadguuradii 45 aad ee ka soo
wareegatay aas aaskii ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo looga dabaal
dagay magaalada Kismayo.
- Muqdisho oo Maanta laga xusay
Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
- Shiiq Xasan Daahir Aways oo
Shirqool Siyaasadeed ku tilmaamay Ciidanka lagu dhisay Magaaladda Addis
Ababa ee Dalka Itoobiya.
Khadra Faarax Cali oo Lagu Xiray Maraykanka
Kaddib Markii ay Been Abuur La Xiriira Argagixiso Ka Samaysay Ninkeeda oo
Deggan Dalka UK...
COLUMBUS, Ohio - Qof dumar ah ayaa
isniintii la xiray kaddib markii lagu soo oogey dembi ah in ay FBI-da
Maraykanka u sheegtay been abuur ah in ninkeedu maleegayey shirqool uu rabey
in uu qarxiyo safaaradaha Maraykanka iyo Sucuudiga ee London, UK.
Kadrah Farah Ali, oo 42-jir ah, waxaa laga
kaxeeyey guriga ay deggan tahay oo ku yaal magaalada Columbus ee gobolka
Ohio, waxaana loo taxaabay Xabsiga.
Bishii hore ayaa la soo weriyey in ay
Kadrah warbixin u gudbisey FBI-da, warbixintaas oo ah in ninkeeda oo lagu
magcaabo Osman Yusef Dirie, uu ayada u sheegay in asaga iyo afar qof oo ah
Moroccan ah ay qorshaynayeen in ay qarxiyaan Safaaradaha.
FBI-du waxay arintaas ku wargelisey CIA iyo
xukuumada Ingiriiska. Waxayna dalka England waraysi kula yeesheen Osman
Yusef Dirie, halkaas oo uu degan yahay, laakiin ninkaas wax dembi ah laguma
soo oogen ama labma xirin.
Sida ay sheegtay FBI, markii dambe Kadrah
waxay saraakiil u sheegtay in ay sheekadaas samaysay si ay ugu wax yeelayso
Dirie (ninkeeda), kaas oo ay tiri waxa uu uu guursadey si uu u qaato
dhalashada maraykanka.
Labaduba(Osman & Kadrah) waxay ka yimaadeen
dalak Soomaaliya, laakiin Kadrah waxay haysataa dhal;ashada maraykanka, sdia
ay sheegtay FBI.
Haddii dembigaas lagu helo, waxaa dhici
karta in Kadrah lagu xakuma shan sano oo xabsi ah, ayey tiri hay'adda
wararka ee AP oo warkaas laga soo xigtey.
ISHA: AP | Tarjumadii SomaliTalk | Apr 12,
2005
Sanadguuradii 45 aad ee ka soo
wareegatay aas aaskii ciidanka xooga dalka soomaaliyeed oo looga dabaal
dagay magaalada Kismayo.
Cutubyo ka tirsan ciidankii xooga dalka
soomaaliyeed oo ay bar bar socdeen baabuurta gaashaaman iyo kooxaha baando
durbaanada ayaa maanta si weyn u soo bandhigay xuska sanadguuradii 45 ee ka
soo wareegatay xiligii la aas aasay ciidamada xooga dalka jumhuuriyada
soomaaliyeed.

ciidankan oo lug ku soo maray wadooyinka
waaweyn ee magaalada Kismayo ayaa waxaa wehlinayey dadweyne aad ufaro badan
oo iyagu ka qeyb qaadanayey maalinta lagu maamuuseyey sanad guuradaasi.
wareeg dheer ka dib ayey ciidanka isugu
yimaadeen bartamaha beerta Baranwaa ee magaalada Kismaayo iyagoo tumahayey
muusigii astaanta u ahaa qaranka soomaaliyeed halkas ayaa waxaa ku sugnaa
masuuliyiin faro badan oo katirsan isbahaysiga Dooxada Jubba, ururada
bulshada rayidka aqoonyahano iyo dadweyne reer kismaayo ah.

Kooxda Tunta Durbaanada | Kismaayo
dadkii saaka ka hadlay munaasabadaasi ayaa
waxaa ka mid ahaa taliya ciidanka isbahaysiga Dooxada Jubba Maxamed Rooble
jimcaale Goobaale oo isagu wax ka sheegay in ay taageersan yiin dowlada ku
meel gaarka ah isagoo ku nuuxnuuxsaday in aanan laga hor imanin dowlada
haatan u dhalatay soomaaliya.

Barre Hiiraale iyo qaar kale oo ka tirsan isbahaysiga Dooxada Jubba
sidoo kale ayaa waxaa ka hadlay gudoomiyaha
isbahaysiga dooxad jubba Barre adan shire oo isagu baaq u jeediyey beelaha
walaalaha ee ku dirirayo gobolada soomaaliya meelo ka mid ah oo uu ka
tilmaamay Gedo ,Bay ,Mudug,iyo Galguduud isagoo guud ahaana u mahad cehshay
ciidanka xooga dalka soomaaliyeed .
hadaba munaasabadan mid la mid ah oo ay
xaadir ka ahaayeen labada gole ee dowlada kumeelgaarka xubno katirsan ayaa
lagu qabtay magaalada Muqdisho halka sidoo kalena laga xusay magaalooyinka
Baydhabo ,Marko ,iyo Beled weyn.
ugu dambayntiina waxaa caawa lagu
soobandhigayaa riwaayad ka turjumaysa maalintaasi xuskeeda hotel
international meridian ee magaalad kismaayo.
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Muqdisho oo Maanta laga xusay Maalinta
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeeda ayaa
Maanta u dabaaldagay Sannadguuraddii 45-aad ee ka soo wareegtay markii
dhidibadda loo taagay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Munaasibadan lagu Maamuusayay Maalinta
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo si wayn loo soo agaasimay ayeey
Cutubyo ka tirsan Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ku soo bandhigeen
Gaada ka cayaar. Waxaana ay socod ku soo mareen Barxadda lagu ciyaaro ee
Garoonka Stadium Muqdisho.
Munaasibad oo ka duwanayd Munaasibaddii
hore ee 14-kii Sanno ee la soo dhaafay ka dhici jiray Somalia ayaa waxaa ka
qayb qaadanay Naafaddii Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku waxyeeloobay
Dagaalkii 1977-dii dhex maray Somalia iyo Itoobiya. Waxaana Naafadan oo
Safnaa goob gaar ah oo loogu tala galay ka muuqatay Diif daran iyo daryeel
la’aan soo wajahday 14-kii Sanno ee Somalia ay Fawdada ka jirtay.
Masuuliyiin ka tirsan Dawladda Federaalka
ah ee Somalia oo Munaasibadan ka qayib galay ayaa hadallo ay ka jeediyeen
waxay kaga dalbadeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed inay dib u soo
celiyaan Kaalintoodii kaga aadanayd Illaalinta Sharafta Qaranimo ee Dalkooda.
Waxaana Masuuliyiintan oo u badnaa Hogaamiyayaashii Kooxaha Hubaysan ee
Soomaalida ay ka gaabiyeen Dalabkii Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed eee
ahaa inay Hubkooda ku wareejiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Masuuliyiintii ka qayb gashay Munaasibadan
ayaa waxaa ka mid ahaa Cumar Xaashi Aadan, Maxamed Qanyare Afrax, Cusmaan
Caato, Muuse Suudi, Gen Maxamed Nuur Galaal iyo Xubno kale. Waxaana intii
ay Munaasibadaasi socotay ay Ka qayb galayaashu Qadar Daqiiqado ah u
istaageen Astaanka Calanka Soomaaliya oo ay garaacayeen Kooxda Bambayda
Soomaaliyeed.
Munaasibado kale oo isla maalintan lagu
waynaynayo ayaa iyaguna ka dhacay Magaalooyinka Kismaayo, Baladwayne,
Baydhabo, iyo Magaalooyin kale oo Soomaaliya ka mida. Waxaana Magaaladda
Kismaayo kala qayb galay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Munaasibaddaasi
Wasiirka Dib u Dhiska iyo Dib u Dajinta Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia,
Barre Shire Aadan “Barre Hiiraale” oo tan iyo markii xilka Wasiirnimo loo
magacaabay aan ka qayb galin Shirarka Golayaasha Dawladda oo haatan Xarun ku
Meel Gaar ah ay u tahay Magaaladda Nairobi ee Dalka Kenya.
Magaaladda Baydhabo ayaa iyadana waxaa
Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo isugu soo baxay
hadal u jeediyay Xildhibaano ay ka mid yihiin Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo
C/laahi Black. Waxaana Munaasibadan Baydhabo looga dabaal dagay xilli ay ka
jirto Magaaladaasi cabsi ku aadan in mar kale ay ku hardameen Garabyadda
RRA-da ee Magaaladaasi isku haya.
Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la
aas aasay 12-kii April Sannadii 1960-kii ayaa waxay la burbureen Hay’adahii
Qaranka. Kadib markii Sannadkii 1991-dii ay Jabhado Hubaysan Afka Ciida u
dareen Maamulkii uu Madaxda ka ahaa Gen Maxamed Siyaad Barre. Waxaana wixii
waqtigaasi ka dambeeyay ay noqdeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed kuwo
Sacabooleey ah. Iyadoo Hubkiina uu gacanta u galay Maleeshiyooyin
Beeleedyo.
Shiiq Xasan Daahir Aways oo Shirqool
Siyaasadeed ku tilmaamay Ciidanka lagu dhisay Magaaladda Addis Ababa ee
Dalka Itoobiya.
Xasan Daahir Aways oo ka mida Mashaa’iiqda
Caanka ah ee Soomaaliyeed. Isla markaana Xilli Madax ka soo ahaa Ururka Al-Itixaad
Al-Islaamiya ayaa hadal uu siiyay Saxaafadda Gudaha ee Somalia waxa uu
sheegay in qaabka loo dhisay Ciidamadda Deg Dega ah ee Bariga Afrilka uu
yahay mid la asluubeeyay oo la doonayo in Somalia loogu gacan galiya
Dawladda Itoobiya oo iyadu horayba u haysatay qaybo ka mida Dhulka Somalia.
Wuxuuna sheegay in Fikradan ay ku doonayso Itoobiya inay ku qabsato Somalia
inay tahay mid soo jireen ah oo soo taxnayd tan iyo xilligii Xayle Salaasa.
Shiiq Xasan Daahir Aways oo ay ka muuqatay
Carro xoogan oo uu ka qabo Go’aankii ka soo baxay Shir Madaxeedkii Shalay
lagu soo gaba gabeeyay Addis Ababa ayaa sheegay in Waajib Diiniya ay tahay
inay la jihaadaan waxa uu ugu yeeray Gumaysiga Cusub ee la doonayo in
Somalia la galiyo. Wuxuuna sheegay in Go’aankii Shalay uu yahay mid la
doonayo in mar marsiiyo looga dhigto soo galitaanka Somalia ee Ciidamadda
Safka hore oo Baarlamaanka Somalia uu horay u diiday.
Ma ahan markii ugu horaysay ee Xasan Daahir
Aways oo ku dhawaaqo inaysan oggolaanayn in Itoobiya ay Somalia soo gasho.
Waxaana Fikirka lagu diidan yahay Ciidamadda Itoobiya la qabo inta badan
Hogaamiyayaasha Hubaysan ee Muqdisho, Maxkamadaha Islaamiga ah iyo Qaybo ka
mida Shacaka Somalia. Laakiin Madaxda Sare ee Dawladda Federaalka ah ee
Somalia ayaa wali ku adkaysanaya in la keeno Somalia ciidamo nabad illaalin
ah oo ay ka mid yihiin Dalalka Safka hore.
Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia
Faafin: SomaliTalk.com | April 12, 2005
Muuse Yalaxow & Cismaan Caato oo
Kasoo Degey Kismaayo, Una Sii Dhaafay Baydhabo
»Barre
Hiiraale, Yalaxow & Caato oo yeeshay Kulan Gaar ah
»Kulan
Albaabadu u xiran Yihiin oo Muqdisho lagu qabtay
»Maamulka
Maxamad Dheere oo sii daayay Odoyaal
Wararka oo dhan ka akhri halkan..
Qoraal kasoo Baxay
Xafiiska Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaliya
Waxa uu dadweynaha ku wargelinayaa in..
Guji Apr 11
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|