Wararka Radio Xoriyo
April 12, 2005
Barnaamijka Radio Xoriyo wuxuu caawa ka kooban
yahay qodobadan soo socda:
- Ciidammada Wayaanaha oo boobay
suuqa magaalada Jigjiga.
- Qarax ka dhacay Addis Ababa
iyo qaar kale oo la baajiyay.
- Midowga Yurub oo baaq nabadeed
ka soo saaray arrimaha Soomaaliya.
- Itoobiyaan iyo Eritereyaan
isku laayay dalka Boqortooyada Sucuudi Careebiya.
- Iyo barnaamijkii Aragtida
Ahlagamaaga.
==============
Ciidammada Wayaanaha oo boobay suuqa
magaalada Jigjiga
Wararka ka imanaya
magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in ciidammada Wayaanuhu ay dhawaan weerar ku
soo qaadeen suuqa wayn ee layidhaahdo Taiwan ee magaalada
Jigjiga,ciidamadaas boobka gaystay ayaa sheegeen inay ka baadhayeen
badeecadaha ay kontarabaanka ugu yeedhaan, waxayna boobeen hantidii taallay
300 oo dukaan oo ku yaallay magaalada Jigjiga, waxayna arrintaasi keentay in
hantiilayaashii suuqaas meharadaha ku lahaa ay iyaguna dhinacooda hantidooda
difaacaan.
Wariyaha noo jooga magaalada Jigjiga ayaa noo soo sheegay in ciidammada
Wayaanuhu ay xabbad isticmaalayeen, dadwaynuhuna ay dhagxaan iwm ku
difaacayeen hantidooda. Wiriyuhu wuxuu kaloo intaas ku daray in iska
horimaadkaas ay ku dhaawacmeen dhawr qof.
Ciidammada Wayaanaha, oo lagu yaqaano inay hantida dadwaynaha boobaan, ayaa
doonayay inay suuqan boobaan iyagoo boobkooda marmarsiinyo uga dhigaya in
lagu iibiyo badeecado sharci darro ah. Ma jiraan calaamado lagu kala garan
karo badeecadaha sharci darrada ah iyo kuwa kale, sababtoo ah badeecadaha
laga ganacsado oo dhan waa kuwa dalka dibaddiisa laga keeno.
Ciidammada Wayaanaha ayaa dad badan oo rayad ah xabsiyada u taxaabay, ka dib
markii uu isku dhacani ka dhacay magaalada Jigjiga. Wariyaha Radio Xoriyo ee
magaalada Jigjiga ayaa la kulmay nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadkii
xabsiga loo taxaabay, hase yeeshee muddo ka dib la soo daayay, ka dib markii
si wayn loo jidhdilay. Ninkaas dhalinyarada ah oo codsaday in magaciisa la
sheegin ayaa sheegay in xabsigii la geeyay ay ku xidhnaayeen dad uu
tiradooda ku qiyaasay 789 qof oo rayad ah.
Boobka noocan ah ee ciidammada Wayaanuhu ay ku boobayaan xoolaha dadwaynaha
wuxuu sidoo kale ka dhacay magaalada Harar, iyadoo la sheegay in isku dhacyo
ciidammada iyo dadwaynaha ka dhex aloosmay ay ku wax-yeelloobeen ugu yaraan
7 qof.
Ma aha markii ugu horraysay ee ciidammada Wayaanuhu ay weeraraan suuqaqa
waaweyn ee ku yaalla magaalooyinka waawayn. Daba-yaaqadii kal hore waxay
ciidammada Wayaanuhu weerareen oo bililiqaysteen suuqa kale ee Taiwan ee
magaalada Diri Dhabo, halkaasoo ay hanti badana ku dheceen, isla markaana ay
lix qof ku dileen, inta ay qirteen, ka dib markii ay dadwaynuhu hantidoodii
ku dagaallameen.
Ciidammada Wayaanaha ee ku sugan dalka Ogaadeenya uma kala soocna hantida
gaarka ah iyo midda caamka ahi, waxayna boobaan hantida dadwaynaha mar
kastoo ay u baahdaan.
Toddobaadyadii la soo dhaafay oo dhana waxay ciidammada Wayaanuhu ka
ugaadhsanayeen xuduuda u dhaxaysa Ogaadeenya iyo Soomaaliya, iyagoo dhacayay
gawaadhida shacabka iyo badeecadaha ay wadaanba. Waxay kaloo toddobaadkii
hore dheceen 80 Dibi iyo 200 oo Adhi ah oo ganacsi loo waday.
Qarax ka dhacay Addis Ababa iyo qaar kale oo la baajiyay
Bambo aan la garanayn ciddii dhigtay ayaa ku qaraxday dukaan ku yaalla
xaafadda Bole ee magaalada Addis Ababa, hase yeeshee cidina maxba kuma
noqonin, waxayna burbrisay oo kaliya derbigii dukaanka.
Dhinaca kale ciidammada ammaanka ee gumaysiga Itoobiya ayaa sheegay Sabtidii
inay baajiyeen laba qarax oo ka dhici lahaa bas ka dhex shaqeeya magaalada
Addisa Ababa,. Maalintii jimcaha ahayd ayaa laba bambo midna lagu tallaalay
mid ka mid ah kuraasta baska hoostiisa, midda kalana la dhinac dhigay
kursiga bas u kala shaqeeya xaafadaha Kazzanchis iyo Merkato, hase yeeshee
ciidammada ammaanka ayaa bambooyinkaas furfuray intii ayna qarxin, ka dib
markii loo soo sheegay.
Booliska taliska Addis Ababa ayaa sheegay inuu billaabay dadaal uu ku
baadi-goobayo dadkii ka denbeeyay bambooyinkaas. Ammaanka magaalada Addis
Ababa ayaa maalinba maalinta ka denbaysa sii xumaanaya, iyadoo hadda si wayn
loo adkeeyay xarumaha dawlada oo dhan, isla markaana magaalada lagu faafiyay
boqollaal ka mid ah ciidammada dhar-cadka ee taliska Addis Ababa.
Ismaaciil Cumar Geelle oo madaxtinimada Jabuuti ku guulaystay
Madaxwaynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa madaxtinimada dalka
Jabuuti mar kale ku guulaystay, ka dib markii jimcihii la qabtay doorashada
madaxtinimada ee Jabuuti. Wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti C/qaadir
Ducaale Wacays ayaa daboolka ka qaaday in 78,9% ay dadka ree Jabuuti ka qayb
qaateen doorashada.
Wacays wuxuu kaloo intaas ku daray in tirada ka qayb galka ee aadka u
sarraysa ay sabab u tahay iyadoo dawladu ay soo bandhigtay barnaamij
siyaasadeed oo muhiim ah iyo iyadoo ololaha doorashadu uu ahaa mid aad u
firinfircoon.
Natiijadii kama dembaysta ahayd ee doorashada ee ka soo baxday wasaarada
arrimaha gudaha ee Jabuuti ayaa tilmaantay in madaxwayne Ismaaciil Cumar
Geelle uu helay 100% codkii dadwaynaha. Qiyaastii 197,000 oo ka mid ah
dawaynaha Jabuuti oo dhan 700,000 oo qof ayaa loo diiwaan geliyay inay cod-bixinta
ka qayb galaan.
Midowga Yurub oo baaq nabadeed ka soo saaray arrimaha Soomaaliya
Ururka midowga Yurub ayaa baaq nabadeed ka soo saaray arrimaha Soomaaliya,
wuxuuna dhamaan kooxaha ku jira dowlada ku meelgaadha ah ee Soomaaliya iyo
kuwa bannaanka ka joogaba ugu baaqay inay ka fogaadaan colaada iyo iska
horimaadyada hubaysan.
Midowga Yurub wuxuu sidoo kale ku taliyay in dhamaan kooxaha dagaallamaya ay
ku laabtaan miiska wada xaajoodka, kaasoo ah midka kaliya ee la isku afgaran
karo.
Ururka midowga Yurub wuxuu hoosta ka xarriiqay in qorshaha dib u-heshiisiintu
uu ka mid yahay tiirarka nabadda, loona baahan yahay in la soo celiyo,
taasoo udub-dhexaad u noqon kara ayuu yidhi ururku isku soo dhawaynta labada
gole ee dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya oo sii kala fogaanaya.
Midowga Yurub wuxuu sheegay in haddii la waayo nabadgelyo oo dawlada ku
meelgaadhka ahi ku laaban waydo dalka Soomaaliya, inay taasi keenayso kala
qaybsanaan iyo in hal bacaad lagu lisay noqoto rajadii laga qabay shirkii
dib u-heshiisiinta ee muddada dheer loo fadhiyay dalka Kenya.
Ururka midowga Yurub wuxuu walaac xoog leh ka muujiyay khilaafka u dhexeeya
labada gole ee dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
Midowga Yurub wuxuu sheegay in marxaladda dib u-heshiisiinta ugu horraysa ay
muhiim tahay in aqbalaad laga helo dhamaan kooxaha ka tirsan dawlada ku
meelgaadhka ah ee Soomaaliya, isla markaana laga shaqeeyo sidii loo sugi
lahaa ammaanka dalka.
Dhinaca kale madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa booqasho ku tegay
magaalada Addis Ababa, si uu uga qayb galo shir Midowga Afrika kaga
arrinsanayo sidii loo samayn lahaa ciidamo nabad ilaalin ah oo si degdeg ah
u hawlgeli kara mar kastoo loo baahdo
Ciidamadan oo la sheegay in Maraykanku maalgelin doono, waxaa si dhakhsa ah
loo gayn karaa meel kasta oo Qaaradda Afrika ka mid ah oo qulqulado ka
dhacaan, waxaana la filayaa in magaalada Addis Ababa ay xarun u noqoto.
Itoobiyaan iyo Eritereyaan isku laayay dalka Boqoqtooyada Sucuudi
Careebiya
Labo qof ayaa dhimatay, toddoba kalana waa la dhaawacay, ka dib markii uu
dagaal hubaysani dhex maray labo kooxood oo u kala dhashay Itoobiya iyo
Eritereya, kuwaasoo ku dagaalamay tuulada Al-Shaykha ee gobolka Abha ee
Boqortooyada Scuuudi Careebiya. Dadkii dhaawaca ahaa ayaa loo qaaday
isbitaal yar oo ku dhaw meesha uu dagaalku ka dhacay. Maydka labadii qof ee
halkaas lagu dilay ayaa sidoo kale la geeyay Isbitaalka Guud ee Casiir.
Ciidamada ammaanka ee Sucuudi Careebiya ayaa weerar ku qaaday goobtii uu
dagaalku ka dhacay, waxayna xabsiga u taxaabeen shan iyo toban qof. Ciidamo
aad u tira badan ayaa isku hareereeyay nawaaxigii uu dagaalku ka dhacay,
kuwaasoo ugaadhsanayay dad badan oo ka baxsaday deegaannadii ay ku
noolaayeen, ka dib markii uu dagaalku dhacay.
Ciidamada booliska ee Sucuudi Careebiya ayaa sheegay inay shan iyo tobankan
qof ka soo qaqabteen meelo ka baxsan deegaannadii ay markii hore ku
noolaayeen. Sababta uu dagaalkani ka billowday ma ayna sheegin masuuliyiinta
Sucuudigu, hase yeeshee dagaalkii dhawr sano ka hor dhex maray labada dal ee
Itoobiya iyo Eritereya ayaa keenay in colaad qallafsan ay ka dhex abuuranto
labada shacab, iyadoo gaar ahaa dadwaynaha Eritereya ay diiddan yihiin
damaaciga foosha xun ee taliska Addis Ababa ku doonayo inuu dalkooda mar
kale ku qabsado.
Radio Xoriyo
12 Apr. 2005
C/nuur Sh.
Mohamed
radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu
yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada
Bari
Faafin: SomaliTalk.com |
April 12, 2005
Xisbiga
Kulmiye oo Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa
kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed
ayuu...
Guji...
Apr 7
Soomaaliya &
Liibiya oo Isku Afgartay in Dib Loo Soo Celiyo Mashruucii LIBSOMA
»W/Maaliyada
DFKMG oo la kulmay W/Maalgalinta Liibiya
»DFKMG
oo ka Qayb Qaadanaysa Aaska Pope-ka Kaatoliga
»Yuusuf
Indhacadde oo soo Dhoweeyay Xildhinaano
»Qaar
ka mida xildhibaanadii la filayay oo soo gaaray Xamar
»Muqdisho:
Shir Jaraa`id oo ku saabsan cudurka Kaduudiyaha
Warka oo dhan ka akhri halkan...
Guji...
Apr 6
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com