SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Xubno ka mid ah Labada Gole ee DFKMG oo Saakay ka Ambabaxay Nairobi.
  • SHIR AY MAANTA YEESHEEN XUBNO KALA DUWAN OO KA TIRSAN MAAMULKA DOWLADDA, MAAMULKA GOBOLKA, GANACSATADA GALKACYO IYO XUBNO KALE.
  • Salaaddii qudbada jimce ee maanta ayaa masaajidyada G/Bay iyo Bakool looga hadlay dagaalada halkaasi ka oognaa 
  • Dowladda malaawi oo qaabishay qaxooti soomaaliyeed 
  • Mudaaharaad ka soconaya magaalada London
Xubnaha Labada Gole ee ku sugan Muqdisho oo la kulmay Horjoogayaasha ciidamada Maleeshiyooyinka G/Banaadir 

HASSAN DHAALEEY
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia

Muqdisho (April 16): Kulanka oo ahaa mid lagu balaansanaa maanta ayaa waxaa uu ka dhacay Xarunta Baarlamaanka ee Ex-Xaruntii Xisbiga ee Magaalada Muqdisho, waxaana diiradda lagu saaray sidii dableyda hubeysan iyaga iyo gawaaridooda dagaalka looga saari lahaa Caasimadda Muqdisho iyo sidii loo abuuri lahaa jawi nabadgelyo oo ay yeelato Magaalada Muqdisho 

Kulankaan ayaa waxaa ka hadlay qaarka mida xubnaha labada gole oo ay ka mid ahaayeen Maxamad Qanyare Afrax,Cismaan Xasan Cali ‘caato’muuse suudi yalaxow

Bootaan Ciise Caalin iyo Xubno kale, Waxayna dhamaantood ku nuuxnuuxsadeen ahmiyadda ay leedahay Nabad ka dhalata Magaalada Muqdisho, Iyagoo xusay in rajo la taaban karo ay ka qabaan dadweynaha kala duwan ee Caasimada iyo Fulinta qodobadii 29ka ahaa ee Nairobi lagu gaaray  

Kulankii maanta oo ay ka soo qeyb galeen horjoogayaal gaaraya ilaa 160 xubnood,ayay ballan ku qaadeen inay fulinayaan dhamaan waxyaabaha la xiriira adeegyada nabadgelyada ee Caasimadda, iyagoo sidoo kale aqbalay in ciidankooda iyo gawaaridoodaba lagu xareeyo Hiilweyne oo kulaasha Degmada Balcad ee G/SH/Dhexe waxayna ka mid tahay xerooyinkii hore ee ciidamada  

Isla madashii kulankii maanta ayaa sidoo kale xubnaha dowladda ee ku sugan Muqdisho ay tilmaameen Dib u furista Xabsiga Dhexe oo isagu muddooyinkii la soo dhaafay oo dhan xirnaa, iyagoo sheegay in gudaha la dhigi doono Shaqsi kasta oo waxyeeleynaya Amaanka Caasimada,iyadoo meesha aysan ka saarin inay taageerayaan Madaxda iyo Ciidamada xabsiga dhexe si ay muujiyaan Hufnaan iyo Karti, waa sida ay hadalka u dhigeene 

Dhinaca kale intii uu socday kulankaasi ayaa waxaa marqura Xarunta Baarlamaanka gudaha u soo galay Wafdi la filayay ee uu Hogaaminayay Maxamuud c/Laahi Jaamac Sifir oo ah R/Wasaare ku-xigeen,ahna Wasiirka Warfaafinta dowladda federaalka oo gaarayay ilaa 16 ruux, kuwaasi oo isugu jira labada gole,waxayna markiiba wafdiga yimid iyo mas`uulitiintii horay ugu sugnaa Muqdisho bilaabeen shir ay ugu magac dareen Kala Warqaadasho 

Xubnaha labada gole ee ku sugan magaalada muqdisho ayaa wadartoodu gaarssisan tahay ku dhowaad ilaa 100 xubnood 

Si kastaba ha ahaatee waxaa jira rajooyin isa soo taraaya oo qabaan degenayaasha Magaalada Muqdisho iyagoo tilmaamaya in isbedel weyn oo dhinaca Amaanka ah la heli karo haddii ay sii laba laabaan dadaalkooda xubnaha labada gole ee ku sugan muqdisho

Xiriirka kubadda cagta Soomaliya oo helay fursado tababar 

Fursadaan oo la siiyay Macalimiinta Naadiyada ayaa waxaa ugu deeqay Xiriirka Kubadda Cagta ee Afrika ee loo yaqaano CAF waxaana ka qeyb qaadanaya wadamada afrika gaarahaan dalalka Bariga iyo Bartamaha afrika .

Tababarkaan Macalimiinta oo ka bilaabanaya magaalada Nairobi ee dalka Kiinya ayaa waxaa uu bilaabanayaa 17bishaan sida uu sheegay Salaad Gaab oo ka mida Mas`uuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta,waxaa uuna sheegay in Soomaliya ay uga qeyb gelayaan Macalimiinta la socota kooxda Elman oo ka qeybgeleysa ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika oo dhowaan ka dhacaya wadanka Tanzaaniya 

Wararka ispoorti ee ka soo baxaya mas`uuliyiinta Soomalida ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tan iyo markii ay dhacday doorashadii dhowaan ee maamulka cusub in waxweyn ay iska bedeleen ciyaaraha dalka iyagoo tilmaamaya in ay jiraan xiriiro caalami ah oo dhinaca isportiga oo ay marba marka ka sii dambeysa ay hananayaan  .

Si kastaba ha ahaate ciyaaraha Soomaliya ayaa Gaabis ahaa, waxaana dad badani ay u aaneynayaan inay sabab u tahay dagaalada iyo maamul la`aanta ku habsatay Soomaliya mudadii 14sanno aheyd taasoo la sheego inay saameyn toos ah ku yeelatay qeybaha kala duwan ee ciyaaraha Soomaliya.

 

HASSAN DHAALEEY
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu Somalia


Xubno ka mid ah Labada Gole ee DFKMG oo Saakay ka Ambabaxay Nairobi.
  • Guddoomiyaha Baarlamaanka oo Muqdisho Tegi doona dhammaadka Bishan
  • Wafdi gaaraya 90 xubnood oo ka tirsan DFKMG oo Muqdisho u ambabxido doona Arbacada
  • Khilaaf ku salaysan sharciga iyo awooda oo ka dhex jira Golayaasha DFKMG

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
Email:
canabmumtaz@yahoo.com

Nairobi (April 16, 05):  Wafdigan oo uu hogaaminayay Ra'iisul wasaare ku xigeenka koowaad ahna wasiirka warfaafinta Maxamuud jaamac sifir ayaa ka koobnaa 16 xubnood oo iskugu jira wasiiro iyo xildhibaano waxa ayna ku sii jeedaan caasimadda soomaaliya ee mogadisho.

 
Xubnaha wafdigan waxaa ka mida ahaa Jaamac Cali Jaamac, Xirsi aadan rooble, Coll Cumar Axmad Jees, Bashiir Maxamad Aadan, Maxamad Xasan Daryeel, Inj,Maxamad Xuseen Caddow, Maxamad aadan waayeel iyo xubno kale oo ka tirsan labada golle ee dowladda iyo baarlamaanka.
 
Waayadan dambe waxaa socda wafdiyo ku soo jeeda caasimadda soomaaliya ee mogadisho,halkaas oo ay horay ugu sugnaayeen qaar  badan oo ka mid ah labada golle waxaana lagu magacaabay guddi ka kooban 25 xubnood oo wax ka qabta howlaha nabadaynta iyo isku keenida maliishiyaadka kooxaha iskaga soo horjeeday halkaas xubanahan waxa ay kala qayb qaadan doonaan barnaamijka ay wadaan xubnahaasi.
 
Todobaadka soo socda maalinta arbacada ah ayaa lagu wadaa in wafdi gaaraya 90 xubnood oo kala socda labada gole ay garaan isla xamar,iyadoo ugu dambayna uu gudoomiyaha baarlamaanka tagi doono bishan aaqirkeeda magaalada mogadisho halkaasi oo ay badi dowladda iyo baarlamanku iskugu tagi doonaan sida muuqata.
 
Dowladda ayaa ku tilmaantay tagista xubnahan in aysan ahayn mid salka ku haysta nidaam sharciyeed oo ka yimid dowlada ama baarlamaanka balse aysan waxba ka duwanayn sida hadalka loo dhigay dad booqanaya eheladooda.
 
Khilaafka siyaasadeed ee ka dhashay dastuurka ayaa keenay in dowalda iyo baarlamaanka isku khilaaftay arrimo ku saabsan xaga sharciga iyo awooda, mid walba oo ka mid ah labada golle waxa uu kan kale ku eedaynayaa in uu ku xadgudbay dastuurka,waxaana ay mas'uuliyiinta dowladda si cad u sheegayaan in wasiirada baxay  ay abuurayaan jawi mucaaradnimo oo ay ku fashilinayaan dowlada kaas oo wax kama jiraan ka dhigaya shirkii mudada badan lagu bixiyay waqtiga.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
Email:
canabmumtaz@yahoo.com

April 16, 2005


:::WARARKII APRIL 15:::

SHIR AY MAANTA YEESHEEN XUBNO KALA DUWAN OO KA TIRSAN MAAMULKA DOWLADDA, MAAMULKA GOBOLKA, GANACSATADA GALKACYO IYO XUBNO KALE.

Galkacyo (Somalitalk).

Jimce: 15/04/05

Waxaa maanta shir balaaran oo looga hadlayay arimaha amniga iyo nabadgalyada magaalada galkacyo isugu yimid, xubno kala duwan oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada shirkan oo uu shir hogaamiye ka ahaa wasiirka maaliyadda DGSPL, Dr, Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) ayaa saaka lagu qabtay xarunta gobolka ee magaalada Galkacyo.

Waxaa Saaka lagu soo bandhigay hahor inta aan shirka lafurin cajalad fiidyow ah oo ka torjumaysay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay gudaha magaalada sanadkii 1991, ayna ka muuqdeen waxyeello aad kuunaxdingalinaya.

cajaladan ayaa laga daawanayay burburkii iyo waxyeeladii ay gaysteen dagaalkii sokeeye ee xiligaa ka dhacy magaalada galkacyo, ayadoo muuqaalka ay hadda leedahayna labarbardhigayay, waxaana goob joogayaal ka ahaa qaar kamida dadkii joogay magaalada xiligaas oo qaarkood ay kamuuqdeen cajalada saakana ay kamid ahaayeen dadka ka qayb qaadanayay kulankan looga arinsanayay xaaladda amaan ee magaalada Galkacyo.

Kulanka saaka ayaa waxaa kamid ahaa dadka isuguyimid Ganacsatada maaalada, Aqoonyahanada, Waxgaradka, Dhalinyarada, Saxaafadda, Gudiga nabadgalyadad Gobolka Mudug iyo Masuuliyiin aad  ufarabadan.

kulankan ayaa daba socday kulamo kale oo socday taniyo intii uu dhacay dagaalka oo ku beegnaa 11,04,o5,

Kulanka saaka oo ay soo qabanqaabiyeen maamulka gobolka ee magaalada Galkacyo ayaa waxaa furay gudoomiyaha gobolka Maxamed Warsame C/dulle (Jabhad) waxa uuna kahadlay cajaladdii ay daawanayeen dadka goobjoogayaasha ahaa waxa uuna sheegay in ay uga goleeyihiin in laxasuusinayo dhacdooyinkii hore ee naxdinta lahaa, balse aan looga jeedin in laga ficilqaato.

Gudoomiyaha oo hadlkiisa siiwata ayaa ugu baaqay shacbka reer Galkacyo in ay difaacdaan magaalada naftooda maalkooda iyo caruurtooda hadii laga fursanwaayo, balse aan ladoonay in laseexdo ayadoo la,eegayo dhinacyo kala duwan.

Gudoomiyaha Jabhad, ayaa sidoo kale xusay in cajaladda ay xusayso heerka muuqaalka ee colaada iyo heerka nabadda ee haatan ay haystaan shacabka magaalada Galkacyo, waxaa kale oo uu ugu baaqay shacbka iyo maamulka koofurta Galkacyo in ay wax ka qaataan nabadda ayadoo laxeerinayo waxwalba loo layahay lagana tago wixii tagay oo ay gaysteen dagaaladii hore iyo kuwii danbe intaba.

Jabhad Yare, waxa uu ku soo gabagabeeyay labo arin in ay muhiim utahay shacbka waxa ayna kalayihiin ayuu yiri" 1- "In aan lahurin wax colaada lana dajiyo xaaladda amaanka ee magaalada."

                           2- "In aan la iloobin difaaca magaalada, lana seexan lana soo jeedin."

Warbixintii iyo hadaladii uu soo jeediyay gudoomiyaha ayaa waxaa ladhacay gabi ahaanba dadkii kala duwanaa ee ka soo qaybgalay kulanka saaka."

Waxaa kuxigay gudoomiyaha oo isna ka hadlay goobta Wasiirka Maaliyadda DGSPL, Dr, Maxed Cali Yusuf (Gaagaab) waxa uuna ka hadlay inbadan kuna soo celceliyay xaaladda amaanka ee magaalada in aytahay mid aad ufiican oo aan wax walwal ah laga qabin shacbkuna aysan muujin in ay jirto colaad lasuuqgeeyo oo dadka aan dhagaha loogushubin wax kutiri kuteen ah

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in ay jiraan dad uu ku tilmaamay fulayo oo hurinaya colaad horleh in ay jiraan waxa uuna yiri kuwaas hakabaxaan meeshay doonaan lakin ayuu yiri yaysan cabsigalin dadka maxaasta ah, wasiirka oo siiwata hadalkiisa ayaa waxa uu sheegay in ay ka maamul ahaan waxwalba ogyihiin anagoo ayuu yiri laxiriirnay meelo kala duwan darteed walina laxiriirayna ayaan marlabaad idinleenahay waxba majiraan ee fulayow jooji hurinta colaada.

waxsiirka ayaa sheegay in ay maamulkiisu tacsi udirayaan dadkii ku geeriyooday dagaalkii dhacay 11,kii Abriil, 2005, eheladoodiina samir ilaaah haka siiyo waxaa kale oon ilaah ubaryayaa dadka dhaawaca ahna in ilaah uu caafimaad siiyo.

wasiirka oo ku dheeraaday hadalkiisa ayaa sheegay in uu maqalayay dad sheegaya in ay jiraan qaar katirsan  wasiirada DFKS oo iyagu doonaya sidii galkacyo looga ridi lahaa dagaal iyo colaad horleh.

Hadaba waxaan u sheegaynaa shacabka ayuu yiri in la joojiyo hadalada noocaas ah."!

Wasiirka ayaa ku soo gabagabeeyay in aysan jicin wax colaada iyo dhibaato laga filayo shacabka koofureed ee magaalada Galkacyo.

Dadkii saaka shirkan isugu yimid ayaa u badnaa dad waawayn gabi ahaanna waxy tiradoodu gaaraysay sideetan ruux waxaana kamaqnaa shirka saaka haweenkii magaalada galkacyo.

Sidoo kale waxaa ka soo qayb galay ganacsatada kala duwan ee magaalada oo ka koobnaa qabiilda kala ah, Saleebaan Dir Daarood, Carab, Iyo Madhibaan Waxaa ka maqnaa beesha Sacad.

Kadib khudbadihii iyo warbixinadii ay soo jeediyeen maamulka ayaa waxaa ka hadlay goobta qaar kamida culumaaudiinka magaalada, waxgaradka, aqoonyahanada, waxa ayna sheegeen in ay soo dhowaynayaan hadaladii uu soo jeediyay Gudoomiyaha Gobolka oo ahaa in aysan seexan nabaddana ilaaliyaan, waxa ayna dhan kaga soo wada jeesteen hadalkii ka soo yeeray wasiirka oo ahaa colaadi majiro ee iska daaya waxa aad hurinaysaan.

Mid kamida aqoonyahanada ayaa sheegay in maamulku aysan maalintii dhowayd ee dagaalku dhacay aysan goobjoog ahayn balse labo kamida maamulka ay afar askari layimaadeen goobta ay xabaduhu ka dhacyeen isla markiina ay dib u soo laabteen waxa uuna yiri taa maamulka ayaan ku eedaynaynaa, hadlka wasiirkana ku na anfacaya maaha ee horay ayay taa noo dilootay balse ayuu yiri doonimayno in aan hurino colaad oo ilaahay ayaan kamagan galnay lakin Wasiir hanadhihin nabad ayaa jirta ee seexda. Wasiirka ayuu waydiiyay in ay dowladdu damaand qaado amaanka magaalada iyo in ay sheegto in aan ilaalsano maalkeena iyo caruurteena.

Xubnaha kale "ayaa sidaa si lamida uhadlay sheekada ayaa noqotay Warkaagu hakugu jiro ee Galkacyo waan difaacanaynaa nabadeedana waan raadinaynaa ee suubaa salaaxa hanalaka daayo".!

Sahro Sheikh |  sahrosiglan@hotmail.com


Salaaddii qudbada jimce ee maanta ayaa masaajidyada G/Bay iyo Bakool looga hadlay dagaalada halkaasi ka oognaa 

Masaajidada xarunta gobolka baay ee baydhabo ayaa intooda badan wararku ay sheegayaan in looga hadlay  qudbaddii salaada jimce ee maanta dagaaladii sokeeye ee ka dhacay islamarkaasina ku soo laalaabtay halkaasi 

Waxaana qudbadihii maanta ay tilmaamayeen sidii loo abuuri lahaa jawi suurtagal ka dhigaya nabad ka dhalata goboladaas iyo sidii looga hortegi lahaa dagaal mar kale halkaasi ka soo cusboonaada saldhigna u noqda dhiig danbe oo daata 

Masaajidyada qudbadoodii maanta looga hadlay joojinta colaadaha goboladaasi kuwooda ugu waaweyn waxaa ka mid ahaa Ramadaan, jaamac carabta, iyo Raxma  intooda badan waxaa ay ka hadlayeen qiimaha nabbada iyo sidii xal looga gaari lahaa dagaaladda halkaas ka holcaya iyadoo waliba ay soo hadal qaadeen  in dhamaan dadka reer baay iyo bakool ay guntiga dhiisha isaga dhigaan sidii loo joojin lahaa dagaalada dad iyo duunyaba galaaftey kuwaasoo ay ku macneeyeey dagaalo aan ujeedo lahayn

Wadaadadii halkaas ka hadlay waxaa ka mid ahaa sheekh muqtaar rooboow cali. 

Waxaa kaloo qudbadaas lagu soo hadal qaadey sidii loo dhiirigelin lahaa ku dhaqanka shareecada diinta islaanka taasoo ay ku sheegeen in xal ay u noqon karto dagaalada so noqnoqdey ee gobolka waxayna alle uga baryeen in dadka boggooda burcad isu mariyo oo ay noqdaan kuwa  is cafiya. 

Arrintaan ayaa waxaa ay ku soo beegtey xilli Qaar ka tirsan wasiirada ay u ololeeynayaan nabadda gobolka isla markaana ay u joogaan hawlaha ku aadan nabada. 

Waa markii koobad oo masajidada uguwaaweyn gobolka ay mar qura ka wada hadlaan mowduuca ku aadan nabadda iyo dhiilada colaadeed ee taagan. 

Dowladda malaawi oo qaabishay qaxooti soomaaliyeed 

Dadkaan oo gaarya ilaa 44qofood oo soomaali ah,midna uu u dhashay suudaan ayaa ka helay qaabilaad dalka malaawi kadib markii ayqaabilaad ka soo waayeen wadmada tanzaaniya iyo mazanbiik 

Soomalidan Muhaajiriinta ee soo gaaray Malaawi ayaa la dejiyay xerada qaxootiga ee Luwaani ee magaalada Muanza halkaasoo sida wararku ay sheegayaan ay isaga huleeleen 3bilood ka hor. 

Dadkaan ayaa kasoo gudbay xudduuda Mozambiq ay la leedahay Malaawi taasoo keenatay in dib loogu celiyo meeshoodii hore sida uu sheegay sarkaal qaabilsan Gargaarka iyo masiibooyinka ee dalka Malaawi Ramsom Muwadamima. 

Muhaajiriintan soomalida ah oo ay ku jiraan 4dumar ah ayaa socdaal aan jiho laheyn ku jiray muddo lix bilood ah,seddax bilood ka horna waxa ay ka tageen halkaan aadbaan ula yaabnay dadkaan oo uu daal gundheer uu ka muuqdo sidaas waxaa yiri sarkaalka gargaarka iyo masiibooyinka Muwadamima, isagoo sheegay in dadkaani ay u baahanyihiin gargaar bini`aadminimo waxayna doonayaan buu yiri tubtii ay ku tegi lahaayeen wadanka Koonfur Afrika oo waayahan danbe Soomaalida socodkoodu uu ku badnaa. 

Dadkaan oo aqoonsi qaxootinimo ka soo waayay wadamada Tanzaaniya iyo Mazanbi ayaa hase yeeshee dowladda Malaawi waxaa ay sheegtay inay tixgelin doonto Axdigii Geneva ee dhigayay daryeelka dadka Qaxootiga ah

Xasan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadisho Somalia


Mudaaharaad ka soconaya magaalada London

 
Waxaa maanta ka dhacaya magaalada London ee dalka Ingiriiska mudaaharaad ay ka qeybgalayaan dad u badan Soomaali iyo xubno kale oo ka xun sidii waxashnimada laheyd ee loogu gowracay dalka Sacuudiga dhalinyaro Soomaali ah 4tii bishan April sanadkan.
 
Mudaaharaadkan oo ay soo qabanqaabiyeen Soomaali isugu jirta Aqoonyahanno iyo ururo ka jira magaalada London iyo urur xagga diinta ah oo ka soo horjeeda dowladda Sacuudiga laakiin tirada wakiillada ka jooga ay tiradoodu tahay ilaa 7xbunood, dhinaca kale xubnaha maanta ka qeybgalaya banaanbaxa waxaa ka mid ah Cawaale Kullane, Maxamed Nuur Tarsan, Sega Ruushka, Cabdixayi, Maxamed Owliyo iyo xubno kale oo iyagu soo qabanqaabiyay mudaaharaadka maanta.
 
Hadaba weli wuu ka soconayaa mudaaharaadkan safaaradda Sucuudiga uu ku leeyahay magaalada London horteeda iyadoo halkaasi ay joogaan ilaalo ka socota Boliiska dalkan Britain.
 
Mudaaharaadkan oo biloowday 1dii duhurnimo ee saacadda London dhamaanna doona abaarihii 6da maqribnimo  ayaa weli halkaasi ka socda, waxaana halkaasi dadka qudbado uga jeedinaya dadkii soo qabanqaabiyay mudaaharaadkan.
 
Dhinaca kale waxaa isna si xowli ah uga socda qabanqaabada mudaaharaad kale oo isna ka dhici doona isla goobtaas maalinta Isniinta ah ee soo socota bishuna tahay 18ka bishan.
 
Afhayeen u hadlay ayaa ii xaqiijiyay in mudaaharaadkan ay wadaan uu wax badan ka bedeli doono qaababka ay u dhaci jireen kuwii ka horreeyay, isla markaana ku eedeeyay in kuwa maanta banaanbaxaya ay taageero ka heleyaan dhinaco Diimeed iyo kuwo siyaasadeed oo ujeedadoodu tahay wax kale, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu cambaareyn dusha kaga tuuray laanta Afka-Soomaaliga isagoo ku eedeynaya in ay u dhaqmayaan madaxdeeda  sidii idaacadaha hoggaamiye kooxeedyada ka jira Soomaaliya.
 
wixii Warar ah ee ku saabsan Mudaaharaadyadan waa idiinla soo socodsiineynaa 
 
Freelance Somali Journalist
 Allasow

Faafin: SomaliTalk Apr 15, 2005

Mindi ayaa Lagu Diley Aqoonyahankii Soomaaliyeed ee reer Kanada
»Canada: 3 qof oo loo xiray dilkii marxuum Xassan M. Yusuf
»Minnesota: Ismaaciil M.Cali oo Qirtay Dilkii Yaasmiin Geelle
»USA: Laba qoys oo Soomaaliyeed oo iskaga hor yimid gabar
»Baaritaan lagu sameeyey cashuur celinta Soomaalida MN
Wararka oo dhan ka akhri halkan...
Guji... Apr 15

Xubno ka mid ah DFKMG digniin lagu siiyay in ay ka baxaan Aqalka Chaster house ee Nairobi
»Kal fadhigii 3aad ee Board-ka Dalsan oo lagu qabtay Nairobi
»Soomaliya iyoTantanka ciyaaraha dhalinyarada islaamka
Warka oo dhan ka akhri halkan... Apr 15

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD