Koobka Ciyaaraha ee Soomaalida Norway::
Mahad |
turbashaash@hotmail.com
- KOOBKII LEBAARA MOBILE &
SHABEELO COM
Waxaa baryahan magaalada Oslo ee
dalka Norway ka socday koob loogu magac daray Lebaara mobile &
Shabeelo com- A/S , oo ayagu ahaa kuwii sponsor gareeyay cayaarahaas.
Akhristoow waxaa ciyaarahaa suurto galiyay in ay qabsoomaan ururka
la yiraa Somali Sport & culture Norway oo habeen iyo maalin u soo
jeeda in ay dhalinyarada Somaliyeed helaan meelo ay isugu yimaadaan,
kuna ciyaaraan wakhtiyadooda fasaxa ah . Waxaa hadaba akhristow
ciyaarahaas ka soo qaybgalay 156 ciyaartooy oo ka kala socday 16
kooxood oo ka dhisan Oslo iyo nawaaxigeeda.
Kooxihii ka soo qaybgalay waxay kala ahaayeen.
SENIOR
1.Asker , 2. Bærum ,3. Sukau , 4.Al-Ahlem , 5.Holmlia ,6. Junior
Qaranka, 7.Kalkal, 8. SWO, 9.Suff , 10. F.c.u
JUNIOR
1.Sukau Junior, 2. C.W.S.S, 3, J-Qaranka . 4, Asker Junior.
5.Dream-team Danmark, 6. Romåss.
Ciyaarahaas oo runtii si asluubl iyo quruxba leh ku dhamaaday. Waxaa
aakhirkii isugu soo baxay xaga Seniorka kooxaha kala ahaa Holmlia
vs Kalkal iyo J.Qaranka vs AL-Ahlem.
Sidii hadaba la saadaalinaayay ayay kooxdii ku ciyaaraysay magaca
Holmlia oo iyagu watay ciyaartooy runtii caan ka ah wadanka Norway
gaar ahaan Magaalada Oslo, waxayna runtii cayaartooydaasi soo
bandhigeen ciyaaro qurux-badan iyo waliba asluub wanaagsan. Holmlia
waxay ka badisay kooxdii Kalkaal oo ay ku quusisay 4iyo 1. Sidaa
ayay Holmlia ku soo baxday Finalkii.
Waxaa iyana dhinaca kale ku loolamayay kooxihii kala ahaa J.Qaranka
iyo Al-Ahlem. Al-ahlem oo ahayd koox ka socotay- carabta dagan Oslo
Norway , waxayna dhinacooda soo bandhigeen ciyaaro runtii dad
waynihii daawanayay ay si aad ah ugu qushuuceen gaar ahaan kooxdii
masalaysay J.Qaranka.
J.Qaranka oo iyagu bilihii ugu danbeeyay wacdaro layaableh ka soo
muujiyay garoomada kuyaal Europe gaar ahaan iyagoo soo qaaday
Koobkii lagu qabtay Wadanka Danmark iyo kii lagu qabtay Finland.
waxay kaloo qaadeen koobkii xiliga qaboobaha ee lagu qabtay Oslo.
Waxay J.Qaranku kaga badiyeen Al-ahlem 3 iyo 1 halkaasna ay iyaguna
ugu gudbeen Finalkii.
Waxaa hadaba akhristoow aan marnaba la ilaaweeyn ciyaartii ay soo
bandhigeen koodii ka socotay Holmlia iyo kooxdii masalaysay
J.Qaranka, oo dadwaynihii daawanayay ay si aad ah uga heleen
ciyaartaas, galabtii ilaa iyo habeenkiina ay hadal hayeen ciyaartaas
quruxda iyo qiimaha badnayd.
Ciyaartaas oo ahayd mid adag waxay labada kooxood isla dhaafiwaayeen
gool iyo gool , waxaana ugu danbayn loo dhegay rigoorayaal si ay ugu
kala baxaan. waxaana ciyaartii guushu raacday kooxdii ku ciyaaraysay
J.Qaranka..
Koobkaas oo runtii aad u quruxbadnaa waxaa gudoonsiiyay Mr Liibaan
oo ah Chairmanka shirkad caan ka ah wadanka Norway oo marka
magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan SHABEELOCOM A/S . Liibaan oo
runtii ahaa ninkii suurta galiyay in uu qabsoomo koobkan magaciisu
uu ahaa Lebaara Mobile.
Waxa isna aan la ilaawi garin koobkii ka barbar socday oo ahaa koob
loogu talagalay dhalinyarada dadoodu tahay 18:jiradaKuwaasoo
finalkii ay isugu soo baxeen kooxdii ka socotay J.Qaranka iyo
C.W.S.S. Waxaa iyaduna ciyaartaa ku guulaystay kooxdii labaad ee
masalaysay J.Qaranka . Kooxdan oo iyana ahayd koox aad isugu duuban
gaar ahaan xaga edebta iyo akhlaaq wanaagaba, waxayna garoonka ku
soo bandhigeen ciyaaro isku duuban. Dadweenuhuna ay runtii aad ugu
riyaaqeen.
Sidaad hadaba ula socotaba waxaa labadii kooba gacanta ku dhigay
kooxihii masalayay J.Qaranka oo uu watay macalinka caanka ka ah
dalka Norway iyo Europe ba Mr:Macalin Hassan Muse.
Waxaa iyana halkaa lagu bixiyay hadiyado kala duwan oo uu bixiyay
marlabaad madaalaha ku dadaala horumarka dhalinyarada waa ganacsade
Liibaan oo ka socday LEBAARA MOBILE & SHABEELOKOM A/S. Waxa uu
Liibaan gudoonsiiyay dhamaan dhalinyaradii Zim-Cards iyo
lambaradoodii , waxa kaloo uu bixiyay funaanado loogu talagalay
dhamaan dhalinyaradii ka soo qayb galay ciyaarahaas.
Waxaan iyagana marnaba la ilaawi karin dhamaan intii isku soo duba
riday ciyaarahaas iyo waliba garsoorayaashii oo iyagu iskaa wax u
qabso kaga shaqeeynayay ciyaarahaas iyaga oon ka doonayn magac iyo
maalba.
Waxaa xusid mudan Mr Weeteeye , Hassan Ataroos , Hassan, M.Burunaay,
Iyo Madaalaheena la-aantiisna aanan isku aadku suurto galeen waa Mr
Abdi Jama. .
Waxaa isna aan marnaba la-ilaawayn booqashadii gaabnayd ee uu noogu
yimid gudoomiyaha kubada cagta ee Somalia waa Mr Bashiir Jama (
Goobe) oo runtii farxad wayn u ahayd Norway.
Intii ii Bashiir fadhiyay garoonka waxa uu u qashuucay una
hanbalyeeyay dhamaan dhalinyaradii iyo odayaashii suurto galiyay in
ay qabsoomaan ciyaarahaasi.
Waxaa Bashiir halkaa ku soo dhaweeyay gudoomiyaha Somali Sport
Culture Norway Mr :Mahad Turbashaash una -hanbalyeeyay dhamaan
masuuliyiintii booqashada gaabnayd ugu yimid Oslo Norway.
Waxa uu Mr: Bashiir uu halkaas ku soo bandhigay wax qabadkiisa
sanadaha soo socda, iyo waxa uu damacsanyahay in uu waydiisto
dhamaan ururada ciyaaraha ee ka dhisan dalalka Europe.
Bashiir waxa uu runtii ahaa Masuulkii ugu horeeyay ee jeclaada in uu
isku xiro kooxaha ka dhisan dalalka Europe iyo waliba dhamaan
kooxaha ka jira gobolada Somalia.
Waxa uu gudoomiye Bashiir balan qaaday in uu socdaal ku soo kala
bixin doono dhamaan inta badan gobolada ka dhisan Somalia , una-
gudbin doono goboladaas hawlaha uu damacsanyahay in uu qabto
sanadaha fooda nagu soo haya.
Waxa kaloo uu Gudoomiye Bashiir balan qaaday in aynan ciyaaruhu ku
ekaan doonin caasimada oo kaliya, ee uu isagu wax ka badali doono.
Waxa kaloo uu noo sheegay gudoomiyuhu in uu magaalo walba oo ka
dhisan Europe uu ku xiri doono magaalooyinka ka dhisan dalka
Somalia.
Waxaa gudoomiye Bashiir ku wehliyay shirkaas Mr Duran Farah oo ah
gudoomiye kuxigeenka Olempicada ah na isku xiraha xiriirka arimaha
dibada , Abihii Sportiga Mr Nuur Hussein ( Jeenyo) Mr H.Looloow
Xubin Olempicda Somaliyeed. MR:Ahmed Nuur- ( Sayga Ruushka) Mr:
Dhabareey Mr Haaji ( JEENYO)
Waxaa iyaguna dhinaca kale ka soo jeeday Gudoomiyaha Somali Sport
Culture Norway Mr: Mahad Turbashaash, xubina ka ah Somali table
tennis,. Mr Hussein Tarabi Madax sharafeedka Sportiga Norway, Mr:
Gureey iyo Mr kliiboow oo ka socday SKAU.
Waxa uu Ururka Somali Sport Culture uu balan qaaday in uu sida ugu
dhakhsaha badan uu dhidhaciisa uga gaysto kobcinta sportiga
Somaliyeed iyo in uu qalabeeyo hal ama laba kooxood mid kaydoonto ha
ahaatee.
Waxaa akhristoow hadaba amaan mudan dhamaan kooxihii iyo
masuuliyiintii ka soo qayb galay ciyaarahaas iyo waliba labada
kooxood ee J.Qaranka oo dhawaan u safri doona Magaalada Stockholm ,
halkaas oo ciyaarihii samarka lagu qabandoono. Waxaa kaloo jira
in ay Somali Sport & Culture u safri doonto London Uk , halkaas oo
ay iyana kaga qayb gali doonto ciyaarihii dhalinyarada ku nool
Europe.
Waxaa hadaba amaantaa mudan dhamaan umada Somaaliyeed ee xiisaysa
Sportiga iyo waliba dhamaan dhalinyarada iyo masuuliyiintii isku
dayay in ay suurto gasho in ay qabsoomaan ciyaarahaasi.
Qore Somali Sport Culture Norway.
Mahad
|
turbashaash@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
April 1, 2005
Shirkii
Soomaalida Oslo Oo Guul Ku Dhammaaday
Dad tiradooda lagu
qiyaasay (1700) oo soomali ah ayaa soo gaba-gabeeyey shir islaami ah oo...
Guji...