- W/Arimaha Dibada DFKMG oo
Khudbad dheer ka Jeediyey Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee
Asian & African.
- Madaxweynaha Dowladda FKMG
ah oo ka codsaday xubanaha ku sugan mogadisho in ay yimaadaan
Nairobi..
- Wasaaradda caafimaadka ee
dowladda FKMG ee soomaliya oo cambaareyn dusha uga tuurtay
kooxihii ka danbeeyay dilkii haweeney ka shaqeyneysay samafalka
- Xubnaha labada Gole oo ku
dhawaaqay in dhawaan magaalada muqdisho ay ka howl geli doonaan
ciidamo sugaya aminiga magaalada oo ku hubeesay illaa afar gaari
oo kuwa dagaalka ah…
- Wafdi ka socdo ha,yada
world concern oo maanta kormeer howleed ku soo gaaray magaalada
kismaayo.
Kudbadii uu W/Arimaha Dibada
DFKMG ka Jeediyey Shirka Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Asian &
African.
Wasiirka Arrimaha Dibedda ee
Dawladda Federaalka KMG, ayaa qoraal dheer ka akhriyey Shirka
Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Asian - African, 2005, ee Jakarta ka
soconaya 19 - 24/04/2005. Qoraalkaas oo wasiirku kusoo bandhigay
xaaladda Soomaliya.
Madaxweynaha Dowladda FKMG ah oo ka codsaday
xubanaha ku sugan mogadisho in ay yimaadaan Nairobi..
Nairobi April 21: Af-hayeenka madaxweynaha
dfkmg ah yuusuf baribari ayaa maanta shirka jar’aaid ku sheegay in
madaxweynaha dfkmg ah u aqoonsaday in labada golle ee ku maqan magaalada
xamar ee caasimada soomaaliya ay ku maqan yihiin shaqo qaran oo ah amaan soo
celin iyo nabadaynta caasimadda soomaaliya oo ah mid loo baahan yahay.
Waxa uuna intaas Af-hayeenku ku daray in
madaweynaha uu ka codsadday xubanaha labada golle ee ku maqan caasimadda in
ay si dag dag ah u yimaadaan magaalada Niariobi si loo dhameeyo howlaha dib
u heshiisiinta iyo barnaamijyada u yaala labada golle ee ku aadan nabad ku
soo dabaalida dalka soomaaliya guud ahaan.ee uu khilaafka xoogani ka taagan
yahay sidii loo meel marin lahaa barnaamijyada dowlada iyo kan
baarlamaankaba.
Warkan ayaa ka dhashay ku saabsan aqoonsiga
uu Madaxweynuhu aqoonsaday in xubnahaasi shaqo qaran ku maqan yihiin
wadahadalo adag oo baryahaan dhex marayay beesha caalamka iyo mas’uuliyiinta
ugu sareeya dowlada iyo baarlamaanka soomaaliya iyo waraaqo ay is
dhaafsadeen gudoomiyaha baarlamaanka Madaxweynaha iyo wasiirka koowaad oo ku
saabsanaa sidii ay meel dhexe uga istaagi lahaayeen arrimaha keenay
khilaafaadka ka dhex jiray labada golle kuna baaqayay in la furo wadahadalo
si looga baxo khilaafka iyo aamusnaanta siyaasadeed.
Dhibaatadaas is maandhaafka dhalisay ayaa
ka dhalatay doodii lagu ansaxiayay ciidamada safka hore iyo go’aankii
dowladda ee dagista baydhabo,jowhar iyo xamar oo laga furayo xafiis
siyaasadeed.
Aqoonsiga uu aqoonsaday c/llaahi yuusuf
xubnaha labada golle ee mogadisho ku sugan in ay howl qaran ku maqan yihiin
ayaa la sugayaa sida looga soo dhaweeyo magaalada mogadisho oo ay xiligan ku
sugan yihiin in badan oo ka mid ah labada golle lagana sugayo jawaab ku
aadan aqoonsiga iyo dalabka soo laabshadoodaba.
Afhayeenka madaxweynaha waxaa kale oo uu
hambalyo ku aadan xuska dhalashada mowliid Nabiga NNKH sheegay in
Madaxweynaha Somaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmad u diray dhamaan ummadaha
muslimka ah gaar ahaan shacabka soomaaliyeed isagoo u rajeeyay in ay
maalintan darteed is cafiyaan dadka walaalaha ka heshiiyaana khilaafka
dhexdooda ah ALLE dartiis.
Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi
Email: canabmumtaz@yahoo.com
Keyse Jamac oo ay Dhici karto in Dib looga
Tarxiilayo Maraykanka

Minnesota Somali being
deported today
"Straying from his family and his Muslim faith, which prohibits
alcohol, Jama's teen years were a blur of drinking and fighting that
resulted in an arrest for a drunken knife fight in Waseca in 1999."
Startribune... |
Sida ay qoreen warbaahinta magaalooyinka
mataanaha ee Minneapolis/St.Paul, haddii arintu ay u dhacdo sida ay hadda ku
socoto, waxay u badan tahay in Keyse Jaamac oo muddo dheer dacwadiisu ka
socotey Maraykanak in dib loogu tarxiilo Soomaaliya, lagana dejiyo magaalada
Boosaaso, waa sida ay qortay shabakada. Waxaana dhici karta in maanta la
qadi doono.
Keyse Jaamac waa 26-jir Soomaali ah, waxana
uu dalka Maraykanka yimid saannadkii 1996, dacwadiisuna waxay gaartey
maxkamada ugu saraysa Maraykanka ee loo yaqaan U.S. Supreme Court.
Keyse waxa uu dugsi sare ka dhigtay
Minneapolis. Waxaa la xiray sannadkii 1999.
Wasaaradda caafimaadka ee dowladda FKMG
ee soomaliya oo cambaareyn dusha uga tuurtay kooxihii ka danbeeyay dilkii
haweeney ka shaqeyneysay samafalka
Muqdisho Apr 21: Qoraal maanta ka soo baxay
Wasaaradda Caafimaadka ee dowladda federaalka ayaa ku tilmaamay dilkkii ay
kooxo hebeysani ku toogteen haweeney Soomali ah,madaxna ka aheyd hay`ad
samafal oo laga leeyahay wadanka Sweden dhowaan,kaasoo ay wasaaradu ku
tilmaantay inuu ahaa mid cadawtinimo ah,sidoo kale qoraalkan ayaa nasiib
darro ku sheegay ku dhacday shacabka soomaliyeed in waxyeeladani ay dhacdo
maalin cad,xilli ay haweeneydu ku guda jirtay howsheedii caadiga aheyd ee ay
ugu adeegeysay shacabka
Allaha u naxariistee haweeneydan oo la oran
jiray Maryan Maxamad Xasan Kuusoow madaxna ka aheyd qeybta caafimaadka ee
hay`adda marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano IAS ayaa xilligii la
weerarayay waxaa la waxyeeloobay darawalkii gaarigii ay wadatay iyo nin
dhalshadiisa lagu sheegay kiinyaan,kuwaasi oo dhaawacii ka soo gaaray
rasaastii lala beegsaday lagu dabiibayo iminka cusbitaalka madiina ee
magaalada muqdisho
Qoraalka wasaaradan ayaa waxaa kale uu
cambaareeyay weerarkii bamka loo adeegsaday ee isna dhowaan lagu qaaday
tuulada caruurta ee SOS,kaasoo waxyeelo ay ka soo gaartay seddax ka mida
shaqaalaha SOS,oo ay ku jirto haweeney u dhalatay waddanka Talyaaniga.
Qoraalkan wasaaradda caafimaadka ayaa
canaan dusha uga tuuray kooxo ay ku tilmaameen wax magarato kuwaasi loo
adeegsanayo xasuuqa dadkooda waa sida qoraalkaasi ku xusneyde.
Ugu danbeeyntii qoraalkaan ayaa loogu
baaqay shacabka ku dhaqan g/banaadir inay si wadajir ah uga hortagaan
kooxaha caadeystay hor istaagga iyo dilka kuwa u adeegaya shacabka .
Qoraalkan ayaa waxaa ku sixiixnaa w/ku-xigeenka
wasaarada caafimaadka cusmaan maxamuud (dufle)
Xubnaha labada Gole oo
ku dhawaaqay in dhawaan magaalada muqdisho ay ka howl geli doonaan ciidamo
sugaya aminiga magaalada oo ku hubeesay illaa afar gaari oo kuwa dagaalka
ah…
Muqdisho April 21:
Warkaan ayaa soo if baxay kadib kulan ay maanta ku yeeshene xaruntii hare ee
xisbiga o haatan ah xarunta baarlamaanka federaalka xubanaha labada gole ee
ku sugan magaalada muqdisho.
Kulankoodii maanta oo
qaatey saacado fara badan isla makaana qeyb ka ahaa kulamo isdaba joog ahaa
oo tan iyo soo garistoodii muqdisho halkaas uga soconayey kuna saabsanaa
sidii magaalada muqdisho loo xasilin lahaa, kulankoodii maanta kadib
afhayeenka labada gole ee ku sugan magaalada muqdisho waxaa uu sheegay in
muqdisho si rasmi ah ay uga hawl gali doonaan ciidamo isku dhaf ah oo ka
kooban maliishiyooyinka muqdisho.
Kulankaan maanta ayaa
waxaa ka qeyb galay wasiisarada ganacsiga, Amniga Qaranka, hawlaha guud,
Hubka dhigista iyo Dhaqan celinta maliishiyooyinka, lacagta iyo xildhibaano
kale,
Shaacinta Howgalkan ayaa
ku soo began tey xilli magalada muqdisho ay beryahaan ay ka jireen weeraro
iyo dilal gadmo ah oo loo geeysanayo shaqsiyad magac ku leh dalka iyo dadka
soomaaliyeed.
Dhinaca kale ra’iisal
wasaaraha Dowlada federaalka ah Geedi oo ku sugan Nairobi Ayaa isna
saxaafadda u sheegay in xubnaha labada gole ee Hawl galka nabad sugidda ah
ka abaabulaya muqdisho ineey sharci darro tahay howlaha ay ka wadaan
magaalada muqdisho taasoo qeyb ka ah muranka iyo ismaandhaafka sii kordhaya
ee ku kala dhex jira madaxda sare ee dowlada.
Hasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia
Wafdi ka socdo ha,yada world concern oo maanta
kormeer howleed ku soo gaaray magaalada kismaayo.
Kismaayo April 21: Wafdigan oo ka koobnaa
laba xubnod oo ajanabi ah ayaa waxaa horkacaayey madaxa ha,yada Afrec ee
fadhigeedu yahay magalada kismaayo ayaa saaka ka soo degay garoonka
diyaaradaha ee magaalada kismaayo .
wafdigaan ayaa kala ahaa madaxa dhaqaalaha
iyo madaxa mashaariicda ee hayada world concern ,waxayna kula kulmeen
magaalada markay soo galeen hotel mariidiyaan wakiilo ka socday gudigii loo
xilsarey maareynta masiibooyinka dabiciga ee degmada iyo afhayeenka
isahaysiga dooxada jubba Bille c/dulle cabdi ahna gudoomyaha gudiga
maareynta musiibooyinka dabiciga ah isagoo aad ugu mahad ceshay hayada world
concern say ula socoto dadweynaha rer ksmaayo islamarkaana ay wax ula
qabanayso ayadoo buu yiri gacan lixad leh ka geysatay hayadaan masiibadii
tsunami iyo waliba wax qabadkii caafimaadka ahaa ee ay ka qabatay deegaanada
jubada dhexe,
wada hadal koodii kadib ayey socod dheer
ku soo mareen wafdigaasi xeryaha qaxootiyada ee magaalada kismaayo halksoo
ay kula kulmeen dadweyne soomaaliyeed oo aad u tabaalaysan kana dandareesan
dhinaca nadafada .
hayadaan world concern ayaa horey u timd
magaalada kismaayo horaantii january iyadoo kormeer ku soo sameeyey dhamaan
xeryaha qaxootiyada magaalada iyo ,isbitalak guud oo ay ka guurtay hayd
M.S.F ayagoo sheegay in ay wax ka qabanayaan dhinacyada caafimaadka wax
barashada biyaha iyo nadaafada
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar@somalitalk.com
cabdiqadar84@hotmail.com
Gabar dhalan laba
bilood oo walaac laga muujiyay nolosheeda
Gabadhan saqiiradda ah oo magaceeda la
yiraahdo Sumaya Jamaal Axmad ayaa ku dhalatay iyadoo aan laheyn xubinta
kaadi heysta,waxaana u baahantahay in lagu sameeyo qaliin lagu saxayo
xubinta ka qaldan ee kaadi heysta ...
Guji...
DENMARK: Si maamuusid
Leh ayaa Loogu Gurmaday Soomaalidii Lagu Dhibaateeyay Langeskow
"Dooni mayno cunsuriyad, joojiya cunsuriyadda,
magaallada way nagu filan tahay, nacayb uma hayno shisheeyaha iyo
muslimiintaba" hadalladaan waxay ahaayeen kuwii ku qornaa boorarkii ay
siteen bulshada reer Langeskov... Kana akhri Warbixintii Ibraahim Saalax...
Guji..
Faafin: SomaliTalk.com | April 21, 2005
BOOSAASO
& LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka
Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland
Qaar ka mida...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com