- Wasiirka Arimaha
Dibada DFKMG oo Kudbad kale ka jeediyeye jakarta
- Gudoomiya
G/Banaadir Firimbi oo sheegay in goobaha caafimaadku ay
yihiin meelaha ugu horeeya ee ciidamada amaanka Muqdisho ay
ka howlgelayaan
- Xubnaha
labada gole ee ku sugan muqdisho oo la kulmay saraakiisha
ciidamada qalabka sida iyo kuwa booliska
- Ciidamo
ka amar qaata Xaabsade oo qaaday jidgooyooyin yiilay inta u
dhaxeysa magaalooyinka baydhabo iyo baardheere
- Beesha
Saransoor ee Jubbooyinka oo Qaadaacday DFKMG
- Xidhibaan Jini Boqor & Xidhibaan
Caasha Axmed oo
Faalo ka Bixiyay shaqada xubnaha Baarlamaanka ee kusugan Xamar
Wasiirka Arimaha Dibada DFKMG oo
Kudbad kale ka jeediyeyhirka Jakarta
Wasiirka Arrimaha Dibedda DFKMG
Soomaaliyeed ayaa khudbad labaad ka jeediyey kulankii Madaxda
Asia - Africa oo ka soconaya Jakarta - Indonesia.
Qudbadan oo uu Wasiirku kaga
hadlay xaaladda Soomaliya & ka qeybgalka DFKMG Somaliyeed
shirkan taariikhiga ah, talooyin ku haboona ka jeediyay sidii ay
isu kaashan lahaayeen dawladaha labada qaaradood. Khudbadii oo
afka Ingiriiska ah ka
akhri halkan... [pdf]
Xubnaha labada gole ee ku sugan muqdisho
oo la kulmay saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo kuwa booliska
Muqdisho April 23: Kulankan ayaa ka
dhacay xarunta baarlamanka oo ah xaruntii xisbiga ee magaalada
muqdisho,waxaana looga wada hadlay sida ugu fudud ee loo abuuri karo
ciidamo tayeysan oo ka qeyb qaadankara howlaha la xiriira amaanka G/Banaadir
Kulankii maanta oo ay ka qeyb
qaateen shan iyo labaatan xubnood oo labada gole ka tirsan iyo
saraakiisha ciidamada ayaa ah mid laagu gogol xaarayo nabad ku soo
dabbaalida muqdisho oo maalmahanba lagu howlanaa sida uu saxaafada u
sheegay xildhibaan cali baashi xaaji maxamad isagoo intaa raaciyay
in waqtigu uu foodda ku soo hayo sidaasi daraadeedna ay dardar
gelinayaan
Shirkii maanta ayaa lagu magcaabay
13 xubnood oo ka tirsan saraakiisha ciidamada kuwaasi oo ka shaqeyn
doona nidaaminta howlgalada dhowaan lagu wado in muqdisho laga
fuliyo iyo sidii maleeshiyooyinka dibada loogu saari lahaa
islamarkaasina hubka dhigis loogu sameyn lahaa
Saraakiishan waxyaabaha kale ee loo
xilsaaray waxaa ka mid ah inay ka soo baaraan degaan qaabkii
jidgooyooyinka yaala gudaha magaalada iyo wadooyinka soo galaba loo
qaadi lahaa iyo sidii loo howl gelin lahaa stationada booliiska ee
degmooyinka G/Banaadir
Xubnaha saraakiisha ee loo
magcaabay howshaas waxaa ka mid ah
- G/sare maxamuud kaahiye barre
- G/sare maxamad c/dulle axmad
- G/sare faarax c/dulle gacal
- G/sare siciid salad cilmi
- G/sare maxamas maxamuud saney
- G/sare c/laahi maxamad shiiq
xasan
- G/sare isaaq c/dulle nuur
- G/dhexe maxamad xasan maxamuud
- G/dhexe cartan cali warsame
- G/dhexe cali maxamad
Iyo qaar kale oo aan la
shaacin,waxaana dadka muqdisho ay sheegayaan in ciidamadu ay waxweyn
ka qaban karaan haddii loo daayo howlaha amaanka bacdamaa ay aqoon u
leeyihiin howlaha la xiriira amaanka isla markaasna ay heystaan
waayo aragnimo dheer oo dabooli karta nabad aslaaxinta.
Ciidamo ka amar qaata Xaabsade
oo qaaday jidgooyooyin yiilay inta u dhaxeysa magaalooyinka baydhabo
iyo baardheere
Ciidamadan oo ku hubeeysan
gaadiidka dagaalka ayaa saakay waaberigii qaaday howlgal balaaran oo
ay ku nadiifinayaan isbaarooyinka yaala wadada baydhabo uga timaada
dhinaca baardheere ee gobolka gedo.
Howlgalkan ayaa lagu qaaday ilaa
toban isbaaro,kuwaasi oo sida la sheegay dhib weyn ku hayay
gaadiidka iyo dadka socotada ah ee wadadaas isticmaala,warka ayaa
intaa ku daraya in mudadii uu socnayay howlgalkaasi aaney cidina wax
ku noqonin.
Amarkan howlgalkaan ayaa waxaa
bixiyay sida ilo xogogaal ah ay ku waramayaan xildhibaan maxamad
ibraahin xaabsade oo isagu gacanta ku haya magaalada baydhabo tan
iyo shan iyo labaatankii bishii aanu soo dhaafnay markaa soo ay ku
dagaalameen maleeshiyooyin isaga taageersan iyo kuwa shaarguduud,
kaasoo keenay in magaalada laga saaro maleeshiyooyinkii
taageersabnaa col,shaarguduud.
Howlgalkii maanta ayaa waxaa uu
daba joogaa mid la mid ahaa oo shalay isla maleeshiyada xaabsade ay
ku sifeeyeen wadada u dhaxeysa baydhabo iyo buurhakaba oo ay yaaleen
in ka badan 30jidgooyo.
Dhinaca kale wasiirka gaadiidka
circa iyo dhulka ee dowladda federaalka ibraahin kiishbur oo ku
sugan xuddur ayaa ku tilmaamay howlgaladaas kuwo iska horkeenaya
shacabka gobolkaas.
Si kastaba ha ahaatee shacabka ku
dhaqan magaalada baydhabo ayaa si weyn u soo dhoweeyay
tilaabooyinkan lagu nadiifinayo wadooyinka soo gala.
Hasan dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu somalia
Beesha Saransoor ee Jubbooyinka oo
Qaadaacday DFKMG
- Qowmiyada Saransoor ee
gobolada jubbooyinka oo markoodii ugu horeysay cadeeyay in ay
qaadacsanyahiin dowada FKMG ah ee soomaaliyeed kadib markii ay
masuuliyiinta "dowlada ay duudsiiyeen xubnahii ay ku lahaayeen
baaralamaka dowlada FDRKMG ah ee soomaaliyeed " Waa sida ay wark
au dhigeene.

sawirka gudoomiyaha
beesha saransoor xaaji maxamed
|
Shir balaaran oo ay shalay galinkii
danbe qabteen qowmiyada saransoor oo ka dhacay xaafada Calanleey
gaar ahaan xaafada Via Afmadow ee magaalada Kismaayo ayaa waxaa
kasoo qayb galay dhamaan siyaasiyiinta aqoonayhanada wax garadka culumaa
udiinka iyo ururada bulshada ee ku abtirsada qowmiyada Saransoor
ayaadoo halkaa ay dhamaanba ku sheegeen in ay masuuliyiinta dowalada
FDKMG ah ay duudsiyeen xubnahii baarlamaanka soomaalieed ay ku
lahaayeen qowmiyada Saransoore.
Intii uu shirkaan socday ayaa waxaa
qudbado halkaas kasoo jeediyay siyaasiyiinta iyo aqoonayahanada
qowmiyadas oo uu ka mid ahaa gudoomiha qowmiyada saransoor xaaji
Maxamed Muuse Guuleed isagoo ku nuuxnuxsaday hagar daamada ay
madaxada dowlada u geyesteen qowmiyadooda aysan ahayn mid xaq ah
islamrkaana ay qowmiyada Saransoor la midtahay qowmiyadaha kale ee
sooomaaliyeed .
Gudoomiyaha oo labo sano iyo bar ku
maqnaa shirarkii dib u heeshisiinta ee soomaalida oga socday dalka
Kenya ayaa mar uu shirkiii ka dhacay xafada Via Afdoow ee magaalada
Kismaayo ka hadlayay waxa uu xusay wajiyadii uu soo maray shirka dib
u heeshisinta somalida oga socday dalka Kenya iyo dhibaatooyinkii
halkaa ka qabsaday isagoo intaa raaciayay gudoomiyaha in ay waajib
muqadas ah tahay nabadeynta iyo dib u midayenta umada soomaaliyeed
balse waxa uu sheegay gudoomiye xaaji Maxamed Muuse Guuleed in
qaybsigii beelaha ee lagu qaybsaday magalaada Enbagathi ee dalka
Kenya loona qeybsaday 4.5 uusan ahayn mid loo qaybiyay si cadaalada
ah waayo ayuu yiri godoomiyaha kamid ma aysan ahayen xubina lagama
siin qowmiyada Saransoor ee soomaaliyeed sidaa daraadeed qowmiyada
Saransoor ma aqaaonsana dowlada FDRKMG ah ayuu yiri gudomiyaha
qowmiyada Saransoor .
Hadaba ugu danabeyntii waxa uu
gudomiyaha ugu baaqay umada soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba in
ay mas uuliyiinta dowlada FDRKMG ah ee soomaaliyeed duudsiyeen
jiritaankii iyo xaqii ay lahaayeen qowmiyada Saransoor isagoo
islamarkaana gudoomiyaha ugu baaqay qowmiyada Saransoor meel kasta
oo ay joogaan in ay xaqooda ku raadsadaan si nabdoon oo ay
soomaalinimo iyo wadaninimo ku jirto.
Si kasta o ay ahaataba ma ahan
markii ugu horeysay oo ay qaar ka mid ah qowmiyadaha iyo beelaha
soomaaliyeed sheegaan in ay mas uuliyiinta dowlada FDRKMG ah ay
duudsiiyeen xaqooda iyo jiritaankoodii aydoo dabayaaqadii sanadkii
aynu soo dhaafnay ay beesha Sheeqaal ay samaysay mudahaadyo iyo
shirar ay oga soo horjeedaan dowada FDRKM ah ay ku qabteen magaalada
kismaayo halkaas oo ku cadeeyeen in la nusqaamaiyay jiritaankodii
soomaalinimo.
Hadaba baaqii ay shirkooda kasoo
saareen qowmiyada Saransoor oo ay u soo jedinayeen beesha caalamka
ayaa waxaa ku saxiixnaa dadkan soo socda
- 1:gudoomiyaha qowmiyada
Saransoor xaaji Maxamed Muuse Guuleed
- 2: suldaan Cali maxamed Nuur (daacad)
- 3: suldaan Rashiid Nuure Cumar
- 4: suldaan Maxamed Nuur Cali
- 5: ganacsade AadanBbariise
Fareey
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com
Xidhibaan Jini Boqor & Xidhibaan
Caasha Axmed Cabdalla oo ka tirsan baarlamaanka Soomaalida ayaa
Faalo ka Bixiyay shaqada ay qabteen Mudanayaal ka tirsan
Baarlamaanka Soomaaliyed ee ku Sugan Muqdisho
Xidhibaanadan oo iyagu saaka u
waramayay Saxafiyiinta Gudaha& Dibada ee ku Sugan Nairobi ayaa Faalo
dheer ka bixiyay wax qabadkii Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka
Soomaaliyeed oo ay ku sheegeen in ay kor u dhaafayaan 100.
Dr Cabdi Cabdulle Saciid Jino Boqor
waxa u xusay in Dadka reer Muqdisho u baahanyihiin Doowlada
Soomaaliya u curatay ayna soo dhaweynayaan iyagoo 10/10/2004 Markii
la Doortay Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf.
Ay reer Muqdisho qabten Banaanbaxyo
lagu taageerayo Dowlada hase yeeshee ay Dadku si aada u niyad Jaben
markii ay soo Ifbaxday in Xukuumadu ay ka warwareegayso in ay Xarun
ka dhigato Muqdisho.
Dhinaca kale mar la waydiiyay sida
ay u aamini karaanHogaamiyaasha Hubaysan ee Muqdisho Xidhibaan Dr
Cabdi Cabdulle Saciid Jini Boqor waxa u hoosta ka xariiqay in ay in
dhihiisa ku arkay.
Hogaamiyaasha oo shah wada cabaya
Ciidamadooda oo wada wadaagaya laamaha Qaadka ah iyo iyaga oo nagu
qanciyay in ay wax weyn ka badalayaan Nabada iyo Xasilinta Muqdisho
buu Yiri. Dr Jini Boqor.
Dhinaca kale Xidhibaanad Caasha
Axmed Cabdalle ayaa iyaduna Xustay in Xubnaha Baarlamaanka
Soomaliyeed ee ku sugan Muqdisho ay hayaan hoowlo qaran iydoo xustay
in looga baahanyahay Guud ahaan Baarlamaanka howlo qaran.
Waxa ay sheegtay in wax yaabaha
lagu farxo o ay aragta ay ka mid ahaayeen Warshadii Dharka ee Balcad
oo bad qabta iyadoo ku uamaantay Al Xaaj Muusse Suudi Yalaxow iyo
Ciidamadiisa.
Waxaa kaloo ay xustay in
xidhibaanada ku sugan Muqdisho ay Sameeyeen Xeryo lagu xaraynayo
Ciidamada ku waas oo kalla ah shan Xarumood .
Dhanaane ,Carbis, Dayniile,
Hiilweyne, Balcad iyadoo sidoo kale xustay 46 Baabuurta gaashaaman
ahi ay diyaariyeeniyadoo xustay in 14 Dagmoo ee Magaalada muqdisho
Saldhigyadooda la geeyay Ciidamo Suga Nabada.
Dhinaca kale waxa ay sheegeen in
Xidhibaanada ku suganMuqdisho ay dhiseen gudiyo ka shaqeeya nabada
ku waas oo kalla ah.
- 1-Gudiga Kornmeerka&
FulintaWaxqabadyada Gudiyada
- 2-Gudiga Amniga& Nabadgalyada
- 3- Gudiga Dhaqaalaha
- 4-Warfaafinta& Qoraalada
- 5-Arimaha Bulshada
- 6-Qaymaynta iyo Dib u dhiska
Xeryaha Ciidamada
waxa kaloo ay sheegtay in ay aad u
tahay nasiib daro in Madaweyne Yusuf ku baaqo in Xidhibaanada ku
sugan Muqdisho ha soo noqdaan waxaa kaloo isaga o oku Sugan Xurunta
Muqdisho isna Hadalkaa qaadacay Dr Maxamuud Jaamac Cabdulaahi Sifir.
Axmed Muusse Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya_Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com
Gudoomiya G/Banaadir Firimbi oo
sheegay in goobaha caafimaadku ay yihiin meelaha ugu horeeya ee
ciidamada amaanka Muqdisho ay ka howlgelayaan
C/laahi Xasan ganey Firimbi oo ah
guddoomiyaha G/banaadir ayaa maanta shaaciyay in goobaha u horeeya
ee ay ka howlgelayaan ciidamada ay diyaarinayaan labada gole ee ku
sugan Muqdisho ay noqonayaan goobaha Caafimaadka.
Firinbi ayaa sheegay in goobaha
caafimaadku ay yihiin halbowlaha umadkasta oo meel deggan,lama
huraana ay u yihiin nolosha,waxayna mudan yihiin buu yiri,in la
adkeeyo amaankooda,wuxuuna intaa ku daray in arintan ay isla soo
qaadeen guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan xilligii uu
booqanayay Muqdisho.
Arintan oo u muuqata talo soo
jeedin ayaa firinbi sheegay in labada gole ee ku sugan magaalada
Muqdisho ay dhowaan go`aan ka soo saarayaan ku aaddan sidii ciidamo
amaanka suga loo geyn lahaa goobaha caafimaadka.
Hase ahaatee gudoomiyaha G/banaadir
C/laahi xasan ganey Firinbi ayaan sheegin nooca ciidamada ka
howlgelaya goobaha caafimaadka.
Horay ayuu u shaaciyay duqa
magaalada muqdisho in dhowaan ay magaalada ka howl geli doonaan
ciidamo amaanka sugaya oo ku hubeysan ilaa afartameeyo gawaarida
dagaalka ah,waxayna u muuqataa in hadalka firinbi uu kaabayo kii
duqa magaalada.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu
maanta booqday tuulada caruurta SOS oo maalin dhoweyd lagu weeraray
bam gacmeed,kaa soo dhaawacyo ay ka soo gaareen sedax ka mida
howlwadeenada oo ay ku jirto haweeney sooro ah oo u dhalatay
talyaaniga.
hassan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadishu somalia
Suldaan
Nayruus Xaaji Aadan oo Sheegay in lagu been abuurtay.
Aniga oo ah Suldaan Nayruus xaaji
Aadan kuna nool magaalda Karachi ee waddanka Pakistan waxaan halkaan
ka naqdinayaa been abuurkii waynaa ee la iga sheegay ee mareegaha
internet-ka
Haween iyo
Caruur ku Xirnaa Xabsiyada Sucuudiga oo soo gaaray Muqdisho
»Kulan
Albaabadu u xiran yihiin oo ka dhacay Xuddur, Bakool
»Nairobi:
Laba shir oo iska soo horjeeday oo La Baajiyey
»Xubno
ka tirsan baarlamaanka oo isugu yimid Sagret Hotel
»Khadkii
cagaarnaa ee degamada Wadajir oo la qaaday
»Wafti
Soomaaliyeed oo Booqasho Ku Jooga Indonesia
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji...