SADEX SUXUFIYIINA OO MAANTA
LAGASOODAAYAY SALDHIGA DHEXE EE GAROOWE.
Garowe(Somalitalk).
Axad: 24/04/05: Waxaa maanta
xabsiga dhexe ee garoowe laga soo daayay sadex suxufiyiina oo
saldhiga lootaxaabay labaatankii bishan aynu kujirno, kadib markii
lagu eedeeyay in ay ku kaceen falan laxiriira aflagaadooyin
kawarbixin dowladda taasi oo lagu tilmaamay in ay tahay midda haatan
keentay xarigooda.
Suxufiyiintan ayaa waxay ahaayeen
suxufiyiin ka shaqaysa wargayska Shacab ee ka soo baxa magaalada
Garoowe maalin walba oo axada.
Suxufiyiintan oo lagu kala
magacaabo:-
- 1-Dr Cabdi Faarax Nuur (Faray)
Tafaftiraha Wargayska Shacab.
- 2- C/rashiid Xusseen Qooransay
Wariye katirsan wargayska.
- 3- C/maan Qoondeeye Wariye
katisan Wargayska.
Sadexdan wariye xariga loogaystay
ayaa waxaa dhaleecayn dusha uga tuuray cidii kadanbaysay xarigooda
Ururka Saxaafadda iyo Xuquuqda Gabdhaha oo lagu magacaabo Ururka
Horumarinta Gabdhaha Soomaaliyeed (Sofaydo) oo fadhigoodu yahay
magaalada Galkacyo Ururkan ayaa sidoo kale waxay dhaleeceeyeen in
Shabakadda Puma Net aysan kahadlin marna xariga iyo xadgudubka
loogaystay dhalinyarada uheelan in ay kashaqayso ama bayaaniso
waxwalba oo taabanaya baahida iyo xaqiiqada loona baahanyahay in ay
ogaadaan dhacabka iyo inta uheelan danta umadda Soomaaliyeed.
Hadaba mar ay Somalitalk
Laxiriirtay Suxufiyiintan oo goordhowayd saldhiga laga soo daayay
ayaan wax kawaydiinay sababta looxiray waxa ayna sheegeen in lagu
eedeeyay aflagaado Madaxwayne iyo kicin dadwayne, kadib intaa ayaa
xeer ilaaliya Maxkamadda ayaa saaka la horgeeyay sadexdan suxufi
waxa uuna u yeeray ciddii kuluglahayd xariga suxufiyiinta, xeer
ilaaliyaha ayaa sheegay in uu kuwaayay waxyaabaha lagu eedaynayo
wariyayaashan kadib ayuu yiri xeerilaaliyuhu markii aan baaray
jaraaidkii hore ee lasheegay in ay aflagaadooyinkan ku qoraayeen.
Sidoo kale waxay Suxufiyiinta
somalitalk uxaqiijiyeen in aysan wax cuna ah ku haysan saldhiga
mudadii ay xiraayeen sidoo kalana aan loo ogolayn in ay eheladooda u
soo gudbiyaan cuntada ay ugu tala galeen maxaabiistan wariyayaasha
ah waasida ay xaqiijiyeen suxufiyiinta markii aan kula xiriirnay
khadka telfoonka goordhowayd ayagoo kusugan xarunta uu ka soobaxo
Jaraaidkan maalinlaha ah.
Sahro Sheikh |
Sahrosiglan@hotmail.com
JINNI BOQOR: “C/llaahi Yuusuf
weligiis Laaji ayuu ahaa laajinimadaas buu ku dhameysan doonaa….
Cabdi
Cabdulle Siciid (Jinni Boqor) oo ah xildhibaan ka tirsan golaha
baarlamaanka oo maalintii Khamiista ahayd ka hadlayay munaasabad
lagu sameynayay urur u dooda xuquuqda xayawaanka ayaa sheegay in
xubnaha labada gole ee ku sugan xamar ay wadaan olole xooggan oo ay
ku soo dhaqaajinayaan xubnaha labada gole ee ku sugan Nairobi.
“Intii awooddeenna ah dabada ayaan ka riixaynaa kooxaha ku maqan
Magaalada Nairobi” ayuu yiri Jinni Boqor oo sheegay inaysan marnaba
ogolaan doonin in dalka lagu soo hoggaamiyo wuxuuu ugu yeeray
cadowga Soomaaliyeed oo uu ula jeeday Dalka Itoobiya. “C/llaahi
Yuusuf 1978-kii 9, April; ayuu wuxuu ka mid ahaa saraakiil damacday
inay inqilaab ku sameeyaan Maxamed Siyaad Barre, balse taasi way
dhicisowday, siduu waagaas u baxsaday oo haatan laga joogo muddo 30
sano ah wuxuu weli yahay Laaji, Laajinimadaas ayuu ku sii jirayaa
haddii uusan garan in dalka uu dib ugu soo laabto oo uusan la
qaybsan shacabkiisa dhib iyo dheef” ayuu yiri Jinni Boqor.
Sidoo
kale waxaa xafladdaas ka hadlay Xildhibaan Jaamac Cali Jaamac oo
sheegay in loo baahan yahay inay shacabka Soomaaliyeed is kaashadaan;
wuxuuna si gaar ah ula dardaarmay shacabka Muqdisho oo uu sheegay
inay yihiin kuwii lagu dayan lahaa, waxa kale oo uu sheegay inay
jiraan shaqsiyaad doonaya inay dalka u gacan-geliyaan cadowga
Soomaaliyeed, wuxuu sheegay in dhinacooda ay mar walba diyaar u
yihiin in wixii khilaaf ah lagu dhameeyo, haddii kale la raaco
axdiga KMG-ka ah.
Hay’adda SOCDA oo ka codsatay
dalalka horumarey in fuliyaan baaqii caalamiga ahaa …
Waxaa maalintii shalay ahayd Hotel Saxafi 2 lagu qabtay
shir jaraa’id oo looga hadlayay ciribtirka Gaajada waxaana shrikaasi
jaraa’id qabtay madaxa barnaamijyada ee Hay’addaasi C/qaadir khaliif
Shiikh Yuusuf wuxuuna sheegay in bishii Maarso ay warqad qoraal
gaarsiiyeen safaaradaha wadamada horey u maray ay ku leeyihiin
magaalada Nayroobi kuwaaso kala ah Mareykanka, Ingiriiska, Kanada,
Jaban, Jarmalka, Talyaaniga, Faransiiska iyagoo ka dalbanaya in la
fuliyo baaqii caalimiga ahaa ee la dagaalanka Gaajada maadaama
Soomaaliya ay ka mid tahay lixda wadan ee ugu saboolsan adduunka C/qaadir
Shiikh Yuusuf waxa uu sheegay in 70% shacabka Soomaaliyeed ay yihiin
kuwo sabool ah kuwaas oo uu sheegay in ay u baahan yihiin in gacan
la siiyo.
Madaxa Barnaamijyada Hay’addaasi waxa uu ugu baaqay
Bangiga adduunka in laga cafiyo daymanka lagu leeyahay Soomaaliya
maadaama ay jiraan dalal maalaayiin ku leh soomaaliya oo uu sheegay
in ay u heelan yihiin sidii ay u taageeri lahaayeen bulshada
Soomaaliyeeda.
C/qaadir Khaliif Shiikh Yuusuf waxa uu sheegay shantii
sano ee uu jiray baaqaas ee la dagaalanka gaajada aan waxba loo
qaban bulshada soomaaliyeed iyadoo baaqaasi` uu sheegayay in
sanadaka 2015-ka caalamka laga tirtiro saboolnimada wuxuuna sheegay
in aysan muuqan saan saan Soomaaliya looga ciribtirayo saboolnimada,
wuxuuna u soo jeediyay shacabka soomaaliyeed inay iska kaashadaan
sidii loo ciribtiri lahaa gaajada.
Isbahaysiga SNA oo sheegay
inaysan ka mid ahayn kooxha doonaya in ay maamul…
Warqad qoraal ah oo uu
nasoo gaarsiiyay Afhayeenka Isbahaysiga SNA C/kariin Axmed Cabdulle
(Ximbil) ayaa waxa uu ku wargeliyay dadka Soomaaliyeed iyo beesha
caalamkaba inaysan ka mid ahayn kooxaha sheegay inay maamul u
sameynayaan gobolka Banaadir, isagoo sheegay in mabaadii’da SNA ay
ku saleysan tahay wadatashi iyo Wada hadal si loo gaaro nabad iyo
dib u heshiisiin dhab ah.
Ugu dambeyn afhayeenku
wuxuu sheegay inaan loo dhameyn maamul u sameynta Gobolka Banaadir,
wuxuuna sheegay in kooxaha wada ay ujeeddadoodu tahay sidii ay qas
iyo nabadgalyo darro uga abuuri lahaayeen Muqdisho.
Waxaana maalmahaan
magaalada Muqdisho ka socday dadaal la doonayo in maamul loogu dhiso
gobolka Banaadir oo ay wadaan xubno ka socda labada gole, waxayna
maalintii khamiista ahayd ay dhiseen guddiga nabadgalyada Gobolka
Banaadir.
Kooxda
Elman oo soo bandhigtey ciyaar ay si aad ah u la yaabeen..
Kooxda Elman oo ka mid ah kooxaha heerka 1-aad dalka
Soomaaliya haatanna ka qayb-galaysa tartanka Bariga iyo bartamaha
Afrika oo shalay ka furmay dalka Tanzania ayaa waxaa lagu furay
kooxaha Elman (Somalia) iyo Kooxda Athletic Olympic ee dalka
Burundi.
Ciyaartaan oo ahayd mid ku billaabatay dardar iyo ciyaar
wanaag ay muujiyeen labada kooxood ee Somalia iyo Burundi ayaa waxay
Soomaaliya ku hormartay 2-gool, balse waxaa Soomaaliya laga dhaliyay
inta 2-gool oo kale, taasoo keentay in qaybtii hore ee ciyaarta ay
ku dhammaato 2-2, barbaro ah.
Dib ayaa mar kale la isugu soo laabtay waxayna labada
kooxood muujiyeen ciyaar wanaagyo balse kooxda Athletic Olympic ee
dalka Burundi ka socotay ayay u suuro-gashay inay dhaliyaan gool
saddexaad, kaasoo muran xoog badan dhaliyay oo la sheegay inuu ahaa
Offside, waxayse ugu dambeyn kooxadii ka socotay Burundi ay guushu
ku raacday 3-gool iyo 2-gool oo Soomaaliya ay lahayd.
Soomaaliya oo ku hormar-tay labada gool ayaa waxaa u
kala dhaliyay ciyaar-yahannada kala ah Baasuuke iyo
Maalinta Khamiista ah ee soo socota oo ay Soomaaliya mar
kale ciyaari doonto kulankeedii labaad; waxay la yeelan doontaa koox
lagu magacaabo Villa oo ka socota dalka Uganda
Hay’adda CRD oo aqoon-isweydaarsi uga furtay Degmada Marka Odayaal
iyo..
Waxaa maalintii shalay ahayd xarunta IIDA ee Degmada
Marka ka furmay aqoon is weydaarsi ay soo qaban qaabisay hay’adda
CRD waxaana ka qaybgalay oday-dhaqameedyo, waxgarad iyo
culummaa’uddiin ka kala socday gobollada Gedo, Sh/Hoose, Banaadir,
Bay iyo J/Dhexe.
Siminnaarkaan oo socon doona muddo saddex maalmood ah
ayaa waxaa furay guddoomiye ku xigeenka gobolka Shabeellada Hoose
Geeddi Shiikhaaloow Cali oo isagu u Mahadceliyay Hay’adda CRD oo
iyadu la sheegay inay ka shaqeynayso sidii nabad loogu soo dabbaali
lahaa dalka.
Sidoo kale ayaa waxaa ka hadlay Jabriil Ibraahim
Cabdulle oo ka mid ah mas’uuliyiinta Hay’adda CRD oo sheegay in
siminnaarkaan uu ahaa kii ugu horreeyay ee ay qabato CRD isagoo
sheegay in siminnaarkani uu dabasocdo siminnaaro ay horay hay’addu u
qabay oo looga hadlayay nabadda, dib u heshiisiinta, hub ka dhigista
iyo han isku celinta.
Waxaa shalay si aad ah looga dooday arrimaha
nabad-galyada, waxaana gabagabadii laga soo saaray dhowr qodob oo
muhim u ah nabadgalyada oo ah in marka hore la wada hadlo, in hub ka
dhigis lagu sameeyo dhammaan dalka in aan weli lagu heshiin wax la
yiraahdo siyaasadda, inay is dhex yaaceen hay’adihii sharciga iyo
Amniga.
Sheekh Siraad Nuurre Maxamuud oo ka socday gobolka Gedo
una warramay wariyaheenna ka qaybgalaya aqoon isweydaarsigaas ayaa
u mahadceliyay hay’dda CRD oo uu sheegay inay qabatay howl muhim ah,
wuxuuna ugu baaqay hay’adda in barnaamijyada noocan oo looga hadlayo
nabadda ay joogteyso.
W/D
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail -
amiinkhasaaro@hotmail.com
SHIRIKADA TELESOM OO
KHADKA ISGAADHSIINTA CASRIGA AH KA FURTAY DEGMADA
WIDHWIDH
Maxamed Gaaxnuug
gaaxnuug10@hotmail.com
SomaliTalk | Widhwidh
Apr 24: Shirkada teleefanada ee telesom ayaa waxay ka
furtay markii ugu horaysay isgaadhsiin casri ah ee
Mobileka iyo lineka degmada widhwidh ee gobolka Cayn ee
maamul goboleedka soomaaliyeed ee Puntland.
Shirkadan oo ah mid
casri ah ayaa iyadu dhowaan waxa ay ka hawl gashay
gobolka cayn magaalo madaxdiisa Buuhoodle hadaba maraan
khadka telefanka kula xidhiidhay maamulaha shirkada
telesom ee widhwidh Cabdilaahi Cawad waxa uu ii sheegay
in ay tahay talaabo horumar ah oo ay gaadhay degmadu
ayna soo dhoweeyeen dadka deegaanku waana markii ugu
horeysay ee ay dadka deegaanku helaan isgaadhsiintan
cusub ee Mobileka.
Dhanka kale waxa uu ii
sheegay maamuluhu in ay ku soo dhoweynayaan dadka
dibedaha in ay la soo xidhiidhaan amase ay soo garaacaan
002522793200 oo ah shirkada telesom widhwidh
Maxamed Gaaxnuug
gaaxnuug10@hotmail.com
SomaliTalk | Widhwidh
Ninkii Soomaaliyeed ee Maraykanka
Laga Tarxiilay oo Dib Loogu Soo Celiyey Minnesota Kaddib markiii Loo
Diidey in uu Ka Dego Boosaaso
Minnesota
April 24: Sida ay werisey warbaahinta magaalada Minneapolis, waxaa
dib Soomaaliya looga soo celiyey Keyse Jamac
oo markii hore laga tarxiilay Minnesota, waxaana wararku sheegeen in
uu maanta ku xirnaa xabsiga Ramsey County oo
ku yaal St. Paul ee gobolka Minnesota halkaas oo dib loogu soo
celiyey.
Waxaa warku intaas ku
daray in Keyse loo duuleyey Kenya kaddibna diyaarad loo sii saaray
Boosaaso, laakiin markii uu Boosaaso ka degey in loo diidey in uu
halkaas ka dego, sidaasna dib loogu soo celiyey Maraykanka.
Keyse Jaamac waa 26-jir Soomaali ah,
waxana uu dalka Maraykanka yimid saannadkii 1996, dacwadiisuna waxay
gaartey maxkamada ugu saraysa Maraykanka ee loo yaqaan U.S. Supreme
Court.
Keyse waxa uu dugsi sare ka dhigtay
Minneapolis. Waxaa la xiray sannadkii 1999.

Shir jaraa’id oo lagu soo
bandhigayey milkiyadda dhulka oo lagu qabtey xerta sheekh Aaden
Dheere
Shirkaan jaraa`id ayaa yimid markii
shalay ay saxaafada la hadleen laba kamida Caruurta shiikh Maxamad
Faarax kuwaasi oo sheegay in ay iyagu leeyihiin Milkiyadda xeerta oo
ku fadhiya Dhul aad u ballaaran isla markaasina ay dagaal qaadayaan
haddii aan lagu soo wareejin Dhulkooda sida ay sheegteen.
Shirkii Jaraa`id ee maanta oo uu
qabtay Axmad Shuqul sheekh Aadan Dheere ayaa saxaafada u soo
bandhigay Document muujinaya lahaanshaha iyo milkiyadda dhulkaas
waxaana sida Documentiga ku xusneyd dhulkaasi la bixiyay sanadkii
1968dii iyadoo uu ku saxiixnaa Yaasiin Xaaji Ismaaciil oo xiligaa
ahaa duqa magaalada ,waxaa kale oo halkaasi lagu soo bandhigay
Document uu ku saxiixnaa Xasan Abshir Faarax,kaasi oo ahaa sanadkii
1974tii xiligaasoo Xasan Abshir uu ahaa duqa magaalada Muqdisho.
Axmad Shuqul ayaa kulankii maanta
saxaafaddu la yeelatay ku sheegay in dhow jeer oo hore ay u fidiyeen
gogol ilmaha Sheekh Maxamad faarax laakiin ay diideen,waxaanu siinay
buu yiri dhul Beereed iyo Boosas ku yaala xamar , taasina wey
diideen buu sii raaciyay.
Sidoo kale Axmad Shuqul ayaa
sheegay in la kala saaro Dariiqada iyo Milkiyadda waxaa uu yiri
dhamaanteen waxaan nahay Dariiqo,hase ahaatee waxaa uu intaa
raaciyay inaan dariiqo is dhaxlin oo uu leeyahay nin waliba wixii uu
aabihii ka dhaxlay.
Shuqul ayaa kulankii maanta ay
saxaafadu la yeelatay waxaa uu ku soo wareejiyay goob lagu soo
tuuray bambooyin oo uu sheegay inay mas`uul ka ahaayeen warasada
Sheekh Maxamad faarax weerar goor habeen ah ay ku soo qaadeen
xarunta xerta,
Shuqul oo hadalkiisa sii wata ayaa
sheegay inuu diyaar u yahay wadahadal iyo wada xaajood inuu la
yeesho kuwa uu ku sheegay inay is hayaan.
Dhismaha xerta oo ah mid aad u
balaaran ayaa waxaa ay ka kooban tahay 167 qol,seddax dugsi
quraan,masaajid ka sameysansan dhagax,laba ceel biyood oo matooro ay
saran yihiin,idaacad FM ah,oo sida qaalibkaa laga soo daayo xadradda
Sufiyada ee qaaddiriyada,iyo goobo lagu dabiibo dadka
waalan,dhismaha xerta ayaa waxaa uu dhacaa bartamaha magaalada
Muqdisho gaar ahaan degmada Wardhiigley Agagaarka Geed jaceyl.
Dagaalka iyo is maandhaafka kasoo
cusboonaaday xertaas ayaa waxaa ka biyo diiddan dadka Oodwadaagta la
ah xerta,waxayna sheegeen inaysan u dulqaadan doonin dagaal halkaas
ka dhaca mar kale.
Si kastaba ha ahaatee xaaladda
nabadgelyada ee xarunta xerta ayaa aheyd mid deggan maalmihii la
soo dhaafey,
xasan dhaaleey
dheel10@hotmail.com
mogadhisho somalia
Faafin: SomaliTalk.com | April 24, 2005
Ciidamo ka
amar qaata Xaabsade oo qaaday jidgooyooyin yiilay wadada Baydhabo iyo
Baardheere
»Muqdisho:
Xubno katirsan DFKMG la kulmay saraakiil
»Beesha
Saransoor ee Jubbooyinka oo Qaadaacday DFKMG
»Gudoomiyaha
G/Banaadir oo ka hadlay amaanka Muqdisho
»Xidhibaan
Jini Boqor & Caasha Axmed oo Faalo Bixiyay
»W/Arimaha
Dibada DFK oo markale ka hadlay shirka Jakarta
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji..
Sweden oo ay
walaac Diimeed ka jirto
kadib markii nin waalani uu
aflagadaayeye Nabi Muxamed
Guji