SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
  • Ra'iisul Wasaare Geedi oo Jimcada Tegidoona Muqdisho
  • Wafdi ka socday hayado samafaleed oo maanta soo gaaray magaalada kismaayo

Ra'iisul Wasaare Geedi oo Jimcada Tegidoona Muqdisho

Nairobi..war..1.. Ra'iisul Wasaaaraha Dowladda Federaalka KMG ee Somaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa maanta shaaca ka qaaday in uu maalinta jimcaha tegi doono Caasimada dalka ee Muqdisho.

Prof Geedi waxa uu hadalkan ka sheegay mar uu xafiiskiisa kula kulmay Danjirayaasha dalalka jaamacadda carabta ee fadhigoodu yahay Magaaladda neyrobi ee Dalka Kenya. wuxuuna intaa raaciyay in uu doonayo isagoo tixgelinaaya danta iyo maslaxadda Shacbiga in uu la kulmo Xubnaha Golihiisas Wasiiradda iyo Xildhibaanada Golaha Baarlamaanka ee ku sugan Magaaladda Muqdisho si uu ugu qanciyo inay u raacaan Magaalada Neyrobi oo ay markaasi uga wada-hadlaan Guud ahaan arrimaha Dalka , gaar ahaan xallinta Magaaladda Muqdisho oo uu Goluhu ka doodo.

Raiisul Wasaaraha Dowladda soomaaliyeed wuxuu Danjirayaasha u sheegay in ay ugu dambeyn u guuri doonaan Dalka Soomaaliya aakhirka Bisha May ee soo socota, wuxuuna ka dalbay Danjirayaasha carbeed in ay gacan ku siiyaan dowladda Soomaaliya dib u gurista,dib u howgalinta hay'adaha Maamulka ee xukuumadda iyo soo-celinta Amaanka iyo kala dambeynta.

Danjiraha Dalka boqortooyadda sacuudiga Al-sayid Nabeel cashour oo ku hadlaayay magaca danjirayaasha ayaa u sheegay in uu soo dhaweynayo tegista Ra'iisul wasaaraha ee Magaladda Muqdisho ayna tahay talaabo Horumara oo loo qaaday dhinaca Nabadda,isagoo sheegay in loo baahanyahay in Xubnaha Golaha wasiiradda ay arrinta Muqdisho iyo Guud ahaan Dalkaba ka doodaan Go'aana ka gaaraan kadibna ay u gudbiyaan Golaha Baarlamaanka si ay Go'aan kama dambeys ah uga gaaraan. Danjire Nabeel Cashour wuxuu kaloo sheegay in Dalalka carabta ay gacan ka geysan doonaan dib u guurista Dowladda iyo guud ahaan barnamijyada deg-dega ee ay Xukuumaddu u baahantahay, wuxuuna tilmaamay in ay Dalalkooda u gudbin doonaan baahida Dowladda Soomaaliyeed iyo sidii loogu soo de-dejin lahaa Dhaqaalihii ay Dalalka Jaamacadda carabta u qorsheeyeem Dalka Soomaaliya markii ay ku kulmeen Magaaladda Aljeeris ee dalka Aljeeriya taasoo dhameyd 26 milyan oo dollar oo loo qeybiyay bixinteeda dalalka xubnaha ka ah Jaamacadda carabta,

War 2.. Neyrobi..27 April.. Ra;iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka KMG prof Cali Maxamed Geedi wuxuu kaluu isla saakay xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha waaxda Siyaasadda ee qeybta Afrika ee hay;adda Qaramadda midoobay Mr.Haile Menkerios.

Prof.Geedi iyo Mr.Menkerios waxay kulankaasi iskula soo qaadeen qodobo muhiim ah oo ku aadan Guuritaan Dowladda,Dhaqagalinta Xabad-joojin guud oo ka hirgasha Dalka Soomaaliya iyo sidii loo meeleyn lahaa Maleeshiyooyinka Hubka sita, islamarkaana hubka looga dhigi lahaa.

Ra'isul Wasaaraha iyo Agaasimha waxay kaloo kulankaasi iskula soo qaadeen arrinta la xirirta Ciidamada Igad ay ugu talagashay in ay Soomaaliya usoo dirto iyo kaalinta ay Hay'adda Qaramadda Midoobay ka qaadaneyso sidii Dowladda soomaaliyeed gacan loogu siin lahaa dib u dhiska hay'adaha suga Amaanka gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Kulankaasi waxaa Ra'iisul wasaaraha ku wehliyay Ra'iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda Mudane Saalim Caliyow Ibro, Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane cabdirisaaq Cusmaan Juriile iyo masuuliyiin kale, halka uu dhinaca Qaramadda midoobay ka joogay Aba Femi oo ah sii-hayaha Wakiilk xoghayaha Guud ee Arrimaha Soomaaliya.

Isha: Xafiiska Afhayeenka Dawlada FKMG


Wafdi ka socday hayado samafaleed oo maanta soo gaaray magaalada kismaayo

Wafdigaan oo ka kobnaa sedex xubnood oo kala ahaa madaxa hayada world concern ee geeska africa Ruben,iyo deeq bixiyayaasha  Tia foun wakiil u socaday oo ahaa Kethy iyo madaxa hayada afriik ee soomaalia Cabdi cali raage ayaa kormeer howleed ku soo maray jasiiradaha ay ka midka yihiin Koyaamo,iyo fuuma oo  aan kula kulanay intii aan kormeerkaasi ku jirnay dad aad u tabaalaysan oo ay saamaysay masiibadii  Tsunami ee ku dhufatay dalal farabadan oo caalamka ah . 

Dadkii aan maanta kula kulanay jasiirada kooyamo ayaa sheegay in ka bara kaceen jasiiradaasi ku dhowaad dad gaaraayo 60 qoys oo noqday beerolay ka dib markii ay wax ka waayeen kaluumaysigii, dadkaasi ayaa ahaa kuwa in ta badan ka cabanaayo biyo la,aan kadib markii ay biyihii haamo ay ku shuban jireen ay burbureen iyo dhaqaalo daro ka soo wajahday  dhinaca kaluunka.

Hayada afriik oo ah hayad degan magaalad kismayo islamarkaana gaarsiisay cunooyin baco iyo alaabta kaluumaysiga ayadoo ay gacana kasiinaysay hayada world concern ayaa la filaya in ay wax ka qaban doonaan dhinacyada biyaha caafimaadka iyo wax barashada oo ah wax yaabihii ay aadka u kormeerayeen wafdigasi. 

Wafdigaan oo joogay muddo lix saacadood ah ayaan booqan magaalad kismaayo  marka laga reebo airporka waxyna u balan qaadeen dadkii ay halkaasi kula kulmeen  in ay wax kala qabanayaan dhinacyaay dadkaasi kacabanayaan oo ah biyaha iyo wax barashada waxyna si weyn u u indha in dheeyeen intii aanu socdaalkaasi ku jirnay dhankastoo waxyeelo ay ka soo gaashay bulshadii ku dhaqnayed goobahii aan tagnay.  

Hadaba waa markii ugu horeysay oo wafdi in taan la eg ay yimaadaan magadaalada kimaayo kana socda hayadaha samafalka ee caalamka tan iyo in tii ay hayadaha samafalka ka guureen magaalada kismaayo taasina waxaa sal looga dhigayaa xaalada amaan ee ku soo korortay magaalad  kismaayo tan iyo xiligii la aas aasy maamulka cusub ee 1 jenuary laga dhisay  magaalada kismaayob islamarkaana la filaayo in uu wax ka qabto xaalada amaan ee magaalada kismaayo. 

cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar84@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2005

Warar Googoos ah:::
»Eedey loo soo jeediyey Danjire Cabdulaahi Shiikh Ismaaciil…
»Aqoon isweydaarsi lagu soo gabagabeeyay Degmada Marka
»Nin u shaqeynayay Hay’adda OXFAM Jamame lagu afduubay
»Maamulka somaliland oo magacaabay guddi soo qiimaynta
»Haan ku soo caarisay Marka oo laga helay Shidaal..
»Horjoogayaasha maleeshiyada Muqdisho oo la dhaariyay..
»Xubnaha labada gole ee ka soo jeeda gobolada dhexe oo..
»Golaha Wasiirada Ee Beesha Hawiye oo Taageeray...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji...


BOOSAASO & LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland Qaar ka mida... Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD