- LABO NIN OO MAANTA
LAGU DILAY KOOFURTA MAGAALADA GALKACYO.
- Roobab ma hiigaan ah oo
gayestay Khasaaro naf iyo maal leh oo afar iyo labaatankii
saac ee ugu danbaysay ka dayaya magaalada kismaayo iyo
deegaanada ku xeeran
LABO NIN OO MAANTA LAGU
DILAY KOOFURTA MAGAALADA GALKACYO.
Galkacyo;
(Somalitalk)
Sabti:
30/04/05
Waxaa maanta goor duhurkii ah
lagudilay koofurta magaalada Galakcyo labo nin oo midkood ahaa
nin watay gaari xamuulka qaada oo doonayay in uu u soo gudbo
dhinaca waqooyiga ee magaalada galkacyo ninkan oo kujiray
gaarigii uu watay kadib rasaas ooda uu uga furay nin kale, halka
kankalana ay rasaasta ugudubtay asagoo taagan meel aan gaariga
kafogayn.
Dilka labadan nin ayaa la
sheegayaa in ay dileen beel kamida labadii beelood ee
kudagaalamayay gobolada mudug iyo galgaduud, balse dilkan maanta
aygaysteen beesha kasoo jeeda dhanka galgaduud, waxaa sidoo kale
laxaqiijinayaa in dilkan uu kulug leeyahay dagaalkii kadhacay
11,Apriil, 05, ee bishan horaanteeda.
Ilaa iyo haatan majirto cid
gacanta ku soo dhigtay gacankudhiiglihii gaystay falka dalka ah
ayadoo lasheegayo in uu markiiba baxsaday.
Sahro Sheekh | SomaliTalk |
Galkacyo |
sahrosiglan@hotmail.com
Roobab ma hiigaan ah oo
gayestay Khasaaro naf iyo maal leh oo afar iyo labaatankii saac
ee ugu danbaysay ka dayaya magaalada kismaayo iyo deegaanada ku
xeeran
Roobabkaan ayaa waxa ay
bilowdeen shalay galinkii hore ayagoo ka day meelo badan oo ka
tirsan gobolka jubbada hoose gaar ahaan magaalada kismaayo ayaa
waxa ay gayesteen khasaaro isugu jira naf iyo maal roobkan oo si
aad ah u biyo dhigay laamiyada magaalada islamrkaana hakad
galiayay isusocodka gaadiidka b.l ka ee u kala goosha gudaha
magaalada kismaayo.

Sawirka maanta (Apr 30) laga qaaday daadka | Kismaayo
Intii ay da ayeen roobabkaan
ayaa waxa ay dumiyeen ugu yaraan lix guri ayadoo ay barakac u
gayesteen dad aad u fara badan oo ku dhaqan magaalada kismaayo
oo ay ugu badnaayeen dadka ku jira xeryaha qaxootiyada ee
magaalada kismaayo oo aan haysan hoy iyo gabaad ay ka galaan
roobabaka guga ee sida lixaadka leh oga curtay gobolada
jubooyinka .
Roobabkaan oo yimid xili ay u
baahnaayeen dad iyo duunyo islamarkaana ay qaylo dhaan xoogan oo
ku saabsan daaq iyo biyo la aan ay kasoo yeeraysay dadka ku
dhaqan miyiga gobolada jubbooyinka ayaa haatan si wacan ugu
diirsaday robkaan.

Sawirka maanta (Apr 30) laga qaaday
daadka | Kismaayo
Dhanka kale hal qof ayaa
dhintay mid kalana waa uu dhaawacmay kadib markii shalay
maqribnimadii ay jac ama wiriq ay ku dhacday deegaanka jamaame
ee ka tirsan gobolka jubbada hoose ayadoo lasheegayo marka ay
nimankaan ay jacda ku dhacayso ay ku sugnaayeen meel dhowr KM u
jirta magaalada in ay ku sugaanayeen balse haatan la sheegayo in
xaaladiisa caafimaad ay roontay qofkii uu dhaawaca shalay halkaa
ka soo gaaray kii kalena lagu xabaalay isla magaaladaas.
Sidoo kale waxa maanta istaagey
dhamaanba rarkii laga gaadiyay baaburta xamulka ah ee isaga kala
gooshta gobolda dalka ee inta badan raashinka iyo bagaashka ka
qaada dakada magaalada kismaayo ayadoo ay la sheegayo in ay
dhamaanba xirmeen wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada
kisaayo roobka oo si xoog ah u biyo dhigay radaadeed.
Cabdiqadar Nuur Maxamed "filipiin"
| SomaliTalk | Kismaayo
cabdiqadar84@hotmail.com ama cabdiqadar@somalitalk.com
Booqashada R/Wasaaraha
Soomaaliya uu Ku Joogo Xamar
Afhayeenka DFKMG ayaa sheegay in
uu Prof. Geedi Bilaawey Kulamadii wada tashiga uu la yeelanayey...
Guji.. Apr 30
Dadkii
ka badbaaday Doonta iyo Dhaawacii iyo Dhimashadii oo la keenay Boosaaso
Tirada dadka ka soo badbaadey doontii ku degtey Badda Cas ee la keenay Boosaaso waa 89 qof..
Warbixin & Sawiro
Faafin: SomaliTalk.com | April 30, 2005