Gaari Aagga Kismaayo oo Ku Gedoomay
markii Saddexaad::
Hal qof ayaa dhintay in kabadan todobo
qofna way dhaawacmeen shalay kadib markii uu ku gadoomay gaari
xamuul ah tuulada dhalajo oo koonful galbeed kaga began magaalada
kismaayo
Hal qof ayaa dhintay todobo kalana waa
ay dhaawacmeen labo iyo tobankii maqribmino ee shalay kadib markii
uu gaari xamuul ah oo ka shiraacday magaalada kismaayo kuna sii
jeeday xerada qaxootiga ee xagar dheer uu ku gadoomay tuulada
dhalajo oo lixdan KM kagabeegan koonfur galbeed magaalada kismaayo.
Dhaawaca dadka ku wax yeloobay
gadoonka gaarigaasi ayaa la soo dhigay xaafado ku yaala magaalada
kismaayo halka in tooda garaabatada ahna la geeyey isbitaalka
degmada kismaayo.
Raxmo maxamed oo iyadu kamid ahayd
dadkii soo badbaday ayaan kula kulmay gurigeeda waxa ayna ii
xaqiijisay in haatan uu gaarigaasi ku jiifo dad aan wali laga soo
saarin sidii u gadoomay, waa sida ay hadalk u dhigtay'e.
Baabuurka gadoomay ayaa waxaa ku
rarnaa sida la ii xawqiijiyay fuustooyin saliid ah kuwaasoo sida
badan dadka u gaysanayey dhaawacyada ugu daran .
Hadaba baabuurkaan shalay gadoomay
ayaa mudo seddex jeer ah ku gadoomay aagaas isagoo raran ayadoo
bilowgii sanadkii tagayna ay ku geeriyoodeen in ka badan Toban iyo
todobo qofood oo iyagu safar u ahaa xeryaha qaxootiga ee kuyaala
dalka kenya.
Majiraan ilaa iyo haatan cid gacan ka
geysatay soo daadgureynta dadka ku wax yeeloobay baabuurkaasi marka
laga reebo ehelada iyo qaraabada ay ka soo jeedaan dadkii ay
dhibaatad soo gaartay .
Dadka haatan kusugan baabuurka
hoostiisa ayaan laga war qabin sida ay ku dambayso xaaladoo ,ayadoo
ay jiraan warar is qilaafsan oo sheegaayo in ay ku hoos jiraan dad
tiradoodu ay dhantahay seddex qofood, walina waxaa soconaayo baadi
goobka ay wadaan eheladii ay ka maqnaayeen dadkaasi.
Hadaba dhaawaca dadkan ayaa waxa uu ku
soo beegmaya xili isbitaalka guud ee degmada uusan lahayn kaalmadii
caafimaad ee ay bulshada uga baahneed taas oo loo aanaynayo ka
guuritaanki ay ka guurtay ha,yadii samafalka ahayd ee M.S.F. sanadku
markuu ahaa labada kun iyo kowda bilowgeedii...
cabdi qadar nuur maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliya
cabdiqadar@somalitalk.com ama
cabdiqadar84@hotmail.com
Ethiopia oo Hub & Saanad Soo Gaarsiisey Maamulka G/Hiiraan
»Wadada
isku xirta G/banaadir & Sh/hoose oo dib u furantay
»Shirkii lagu Taageerayay Go'aankii
DFKMG oo La soo Celinayo
»USA
oo taageertay go'aamadii W/Arrimaha dibada ee IGAD
»Wadamo
islaam ah oo ka hadlay geerida Pope-ka labaad
Wararka oo dhan... Guji...