- Guddomiyaha G/Banaadir oo
ka codsaday DKMS in ay Boqortooyada Sucuudiga kala xisaabtamaan
dilkii lixdii soomalida aheyd
- Illaa 90 xildhibaan oo lagu
wado in dhowaan ah ay soo gaaraan Muqdisho
- Xildhibaano La Kulmay
Cumar finish...
- Kullan dhexmaray Cali
Mahdi iyo Xildhibaanadii maalmahanba ku sugnaa Muqdisho
Hassan A.Dhaaleey |
002521576666/653623
Dheel10@hotmail.com |
Mogadishu ,Somalia
Guddomiyaha G/Banaadir
oo ka codsaday DKMS in ay Boqortooyada Sucuudiga kala xisaabtamaan
dilkii lixdii soomalida aheyd
Baaqan ayaa soo
baxay maanta ka dib markii lix soomali ah maalintii shalay ahey
xukun dil ah lagu fuliyay magaalada Riyaad ee waddanka sucuudiga
markii lagu eedeeyay inay fuliyeen fal dhac ah.
Qasaastaa lagu
fuliyay lixdaasi dhalinyarada ah ayaa ka careysiisay dadka muqdisho
iyadoo kalhorena magaalada muqdisho uu ka dhacay banaanbax looga soo
horjeedo qaadista talaabada lagu dilayo dhalinyaradaa soomaalida
ah.
Qasaastii
maalintii shalay ahayd ayaa waxaa ka hadlay ha`adaha xuquuqul
insaanka ee fadhigoodu yahay magaalada muqdisho waxayna falkaasi ku
tilmaameen mid aan waafaqsaneyn qaanuunka caalamiga ah iyo midka
islaanimada intaba.
Guddoomiyaha G/Banaadir
C/Laahi Firimbi ayaa maanta ka codsaday DKMS inay kala xisaabtaman
dowladda boqortooyada sucuudiga falkii naxariis darrada ahaa ee
shalay lagula kacay dhalinyadii soomaliyeed, isagoo sheegay in
falkaasi uu ahaa wax uu ku tilmaamay Gacan goysmo, isagoo intaa
raaciyay in maanta shacabka soomaliyeed ay u tahay maalin madoow,
halka waalidiinta dhalintaasi
la qisaasay ay codsadeen in loo soo gudbiyo meydadka lixda marxuum
si loogu aaso dhulkooda hooyo.
Lixdan marxuum
ayaa lakala oranjiray
-
C/Nuur Axmad
Weheliye,
-
Cabdi Sheekh
yusuf,
-
C/lle Xuseen
Cabdi,
-
C/lle Aadan
Cabdulle,
-
C/fitaax
Cabdi Xasan iyo
-
Xuseen Cabdi
Haaruun.
Dowladda KMS
ayaan ilaa hadda ka hadlin talaabada ay dowladda sucuudigu ku
fulisay Soomaalida, waxayna ku soo beegantay xilli ay is hayaan
labada gole ee xukuumadda.
Illaa 90 xildhibaan oo lagu wado
in dhowaan ah ay soo gaaraan Muqdisho
Waxaa magaalada muqdisho ka socda
Abaabul ballaaran oo loogu diyaar garoobayo soo dhoweynta
xildhibaano lagu sheegay tiradooda 90,kuwaasi oo la filayo inay soo
gaaraan caasimadda muqdisho.
Abaabulkaan ayaa waxaa wada qeybaha
kala duwan ee bulshada sida Maamulada degmooyinka, waxgaradka
dhalinyarada iyo Bulshada rayidka ah.
Haatan waxaa soconaya howlo
nadaafadeed oo kor loogu qaadayo bilicda magaalada muqdisho taasoo
laagu talagalay imaanshaha xildhibaanada iyo u diyaargarowga
roobabkii Gu`ga oo lagu wado inay ka curtaan bartamaha bishaan
soomaliya.
Imaanshaha xiidhibaanadan ayaa
siyaabo kala duwan loo arkaa, iyadoo dowladda KMGS ay sheegtay in ay
farriisin ka dhiganeyso magaaloyinka Jowhar iyo Baydhabo .
Xildhibaano La Kulmay
Cumar finish...
Dhinaca kale xildhibaanada ku sugan
muqdisho ayaa maanta la kulmay taageerayaasha wasiirka Owqaafta iyo
Arimaha diinta Cumar Maxamad Maxamuud finish, waxayna isku afgarteen
in maleeshiyada hubeysan ee ku sugan gudaha magaaalada la geeyo
duleedka muqdisho islamarkaasina magaalada laga dhigo meel amaan ah
oo ka caagan qoriga
Kulankii maanta ayay labada
dhinacba isku afgarteen in ay tahay waajib lama taabtaan ahin
caasimaddu ay ahaato magaalada muqdisho lagana tanaasulo wararka
sheegaya in si ku meelgaar ah caasimad looga dhigayo magaalooyinka
Jowhar iyo Baydhabo
Xildhibaanadam ku sugan muqdisho
ayaa saacadaha nagu soo fool leh waxaa ay la kulmi doonaan siyaasiga
caanka ah ee Cali Mahdi Maxamad... Kulankaas oo dhacay gelinkii
dambe hoos ka akhri...
Kullan gelinkii danbe ee maanta
dhexmaray Cali Mahdi iyo Xildhibaanadii maalmahanba ku sugnaa
Muqdisho
Kulankan ayaa waxaa uu ka dhacay
Hooyga Cali Mahdi uu ku leeyahay magaalada muqdisho,sida wararku ay
sheegayaana waxaa looga wadahadlay qodobo door ah oo ay ka mid
yihiin arimaha la xiriira siyaasadda iyo xal u helista nabadgelyada
muqdisho.
Sidoo kale kulankii maanta ayaa
looga hadlay meelmarinta qodobadii 29ka ahaa ee ay xildhibaanada ka
soo jeeda muqdisho ay ku gaareen Kenya,kuwaasi oo qeexaya Maamul u
sameynta G/Banaadir.
Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ka
mid ah raga soo gaaray Muqdisho isla markaana hogaaminayay wafdiga
xildhibaanada ayaa warfidiyeenka u sheegay waxyaabihii ka soo baxay
kulankii ay la qaateen Cali Mahdi oo uu sheegay in qodobadii ay kawa
hadleen ay isku aragti ka noqdeen.

Cali Mahdi & Marxuum Caydiid |
Wararka ayaa tilmaamaya in kulankii
maanta uu soo qabanqaabiyay Cali mahdi qudhiisa waxaana ka qeyb
galay raga ay ka mida yihiin Xuseen sheekh Kadare,Garyaqaan
Gabyoow,iyo siyaasiyiin kale oo si weyn looga yaqaano magaalada
muqdisho.
Cali
Mahdi Maxamad waxaa horaantii 90meeyadii loogu doortay wadanka
Jabuuti hase yeeshee ma shaqeynin oo waxaa isaga iyo
taagerayaashiisa uu dagaal dhexmaray kuwo uu hogaaminayay Jananka
Ceydiid oo isagu geeriyooday bartamihii 1996dii wuxuuna sheegay in
uu ka tanaasulay arimaha ku lugta leh siyaasadda.
Kulankoodii maantana waxaa uu qeyb
ka yahay kulamo xildhibaanadu ay maalmahanba ka wadeen magaalada
muqdisho.
Hassan A.Dhaaleey
002521576666/653623
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu ,Somalia
Faafin: SomaliTalk.com |
April 5, 2005
Booliiska
Hargaysa oo Xoog Kugalay Xarunta Xisbiga kulmiye
»Muuse
Suudi oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Nairobi
»Gaari
markii Saddexaad Ku Gedoomay Aagga Kismaayo
Warka oo dhan
ka akhri halkan... Apr 5
Ethiopia oo Hub & Saanad Soo Gaarsiisey Maamulka G/Hiiraan
»Wadada
isku xirta G/banaadir & Sh/hoose oo dib u furantay
»Shirkii lagu Taageerayay Go'aankii
DFKMG oo La soo Celinayo
»USA
oo taageertay go'aamadii W/Arrimaha dibada ee IGAD
»Wadamo
islaam ah oo ka hadlay geerida Pope-ka labaad
Wararka oo dhan... Guji...