- Majmaca culimada soomaliyeed oo
sheegay in ay ka qeyb qaadanayaan howlaha lagu doonayo nabad ka
aslaaxinta magaalada muqdisho
- Madaxweyne C/Laahi Yuusuf oo
saacadaha fooda nagu soo haya soo gaaraya Kenya
Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu somalia
Majmaca culimada soomaliyeed oo sheegay
in ay ka qeyb qaadanayaan howlaha lagu doonayo nabad ka aslaaxinta magaalada
muqdisho
Hadalkaan ayaa soo baxay kadib kulan maanta
ay la qaateen xubnaha baarlamaanka ee ku sugan muqdisho
Kulankaasi oo dhacay gelinkii danbe ee
maanta ayaa waxaa ay iskula soo qaadeen arimo la xiriira nabadgelya
magaalada muqdisho iyo fulinta 29kii qodob ee Kenya ay ku gaareen qaar ka
mida xildhibaanada.
Kulankii maanta ayaa wararku sheegayaan in
si weyn labada dhinac ay ugu lafa gureen wax ka qabashada amaanka sii
xumaanaya ee caasimadda iyadoo ay xuseen in lagama maarmaan ay tahay xal u
helista amaanka waxaana kulankoodii gabagabadiisii ka abuurmay jawi is
afgarad.
Sheekh C/fitaax oo ah guddoomiyaha Majmaca
ayaa kulankii maanta ka sheegay in ay la shaqeeynayaan dowladda isagoo xusay
in ay yihiin kuwo diidan wadamada safka hore islamarkaasina ay yihiin
geesiyaal u soo baxay shacabka waxaa uuna tusaale u soo qaatay codeyntii
golaha baarlamaanka ee 17kii bishii hore ay uga soo horjeesteen keenida
soomaliya ciidamo ka socda safka hore
Majmaca culimada soomaliyeed oo ah urur
diimeed ayaa horay u shaaciyay in ay la dagaalami doonaan dowladda haddii ay
timaaddo caasimadda iyagoo sheegay in weliba ay ku jihaadi doonaan
Kulamadan ayaa qeyb ka ah kullamo ay
mas`uuliyiinya dowladda ee ku sugan muqdisho ay maalmahan la yeelanayeen
dhinacyada kala duwan waxaana la filyaa in ay sii ambaqaadaan kulamada ay la
yeelanayaan shacabka maalmaha soo socda
Madaxweyne C/Laahi Yuusuf oo saacadaha fooda nagu
soo haya soo gaaraya Kenya
Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in
saacadaha nagu soo fool leh inuu ka soo degayo madaxweynaha federaalka
soomaliya C/laahi yuusuf axmad iyo wafdi uu hogaaminayo
Warka ayaa intaa ku daraya in madaxweynaha
uusan la soconin ra`iisal wasaare Cali maxamad geeddi hadalkaan ayaa laga
xaqiijiyay xafiiska madaxweynaha ee wadanka Kenya iyagoo ka imaanaya xarunta
wadanka liibiya ee Tripoli.
Wararka ayaa tilmaamaya in hadda ay ka
socdaan caasimadda Nairobi abaabulo loogu diyaargaroobayo imaatinka
madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayo.
Xiliga ay ka soo degayaan garoonka Nairobi
wafdigan ayaa lagu sheegay abaaraha 11ka caweysnimo xilliga geeska afrika.
Illaa iminka lama shaacin sababta ra`iisal
wasaare Geeddi uu ugu sii nagaanayo Triboli xarunta liibiya.

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay
Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee
Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso
halkan ama
halkan |
Dhinaca kale waxaa Kenya ka soconaya shirar
dhexmaraya xubno ka socda dowladda federaalka soomaliya iyo beesha caalamka
waxaana looga wadahadlayaa qilaafka maalmahan ka dhex aloosnaa labada gole
ee dowladda waxaana sida wararku ay sheegayaan ay beesha caalamku dadaal ugu
jirtaa sidii ay isugu soo dhoweyn laheyd xubnaha dowladda ee qilaafkoodu
maalinba maalinta xigta uu sii lixaadsanayo taasoo ay isku hayeen keenista
ciidamada safka hore iyo halka laga dhigayo caasimadda soomaliya si ku meel
gaar ah
Shirkan ayaan la shaacin xiliga uu soo
afjarmayo iyo sida xal looga gaari karo ismaandhaafkan ee labada gole ee
dowladda federaalka soomalya
Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu somalia
Faafin: SomaliTalk.com |
April 7, 2005
Xisbiga
Kulmiye oo Kubaaqay in Xilka Laga Qaado Madaxweyne Riyaale
Shir jaraa'id oo uu xafiiskiisa
kuqabtay afhayeenka xisbiga kulmiye maxamed kaahin axmed
ayuu...
Guji...
Apr 7
Soomaaliya &
Liibiya oo Isku Afgartay in Dib Loo Soo Celiyo Mashruucii LIBSOMA
»W/Maaliyada
DFKMG oo la kulmay W/Maalgalinta Liibiya
»DFKMG
oo ka Qayb Qaadanaysa Aaska Pope-ka Kaatoliga
»Yuusuf
Indhacadde oo soo Dhoweeyay Xildhinaano
»Qaar
ka mida xildhibaanadii la filayay oo soo gaaray Xamar
»Muqdisho:
Shir Jaraa`id oo ku saabsan cudurka Kaduudiyaha
Warka oo dhan ka akhri halkan...
Guji...
Apr 6
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com