WARARKA MAANTA:::
April 8, 2005
- Ra'iisul
wasaare Geedi oo Liibiya kula Kulamay Jaaliyada
Soomaaliyeed
- Ciidamo
Ethiopian ah oo gudaha u soo galay xudduuda
soomaliya
-
Wafdigii xildhibaanada ahaa ee u sii jeeday
Baydhabo ayaa safarkoodii lagu sameeyay jidgooyo
- Ra'iisul
Wasaare Geedi oo Muqdisho u Magcaabay Guddoomiye
-
Madaxweynaha Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed
ayaa Saqdii dhaxe ee xalay ku soo Laabtay
Nairobi...
-
Xildhibaanada ka soo jeeda G/Bay iyo Bakool ee
ku sugan Muqdisho oo u ambabaxay deegaanadaasi
- Hogaamiyaha UNAFRIK oo soo gaaray Nairobi
- Howl-wadeenada SSUP oo maanta soo gaaray
magaalada Nairobi
- Xisbiga
SSUP oo maanta looga dhawaaqay magaalada
Muqdisho
- Faallo:
Qarax magaaladda Khaahira ka dhacay oo ay ku
dhinteen afar dalxiisayaal ah
Tripoli..April 8...Raiisul Wasaaraha Dowladda
Federaalka KMG Prof Cali Maxamed Geedi iyo Wafdigii uu
Hoggaaminayay ayaa galabta xarunta HotelAl-Kabiir kula
shiray Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka
Liibiya
Kulankaasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Ardayda wax ka
barata Jaamacadaha Dalkaasi,Dad ka xoogsada halkaasi
iyo qoysas deggan dalkasi Liibiya, hadal uu u
jeediyay waxa uu u sheegay in Xukuumadiisu ay sida ugu
dhaqsiyaha badan ugu guri doonto Dalka,ayna ku shaqeyn
doonto Siyaasad furfuran oo ku dhisan dib u
Heshiisin,Nabadeyn iyo in la dhiso Maamulkii
burburay,iyadoo uu caddeeyay in ay Culeys xoog leh ay
saari doonto sidii loo soo celin lahaa Amniga iyo kala
dambeynta.
Raaisul Wasaaraha waxa uu Jaaliyadda Soomaliyeed, gaar
ahaan aqoonyahanku weydiistay in garab istaagaan
Dowladda oo ay ku garab galaan sidi loo soo celin
lahaa Sharafkii iyo Karaamadii uu qaranka Soomaaliyeed
lahaa, wuxuuna si gaar ah u weydiistay in iska
daayaan Tahriibka Badda, oo uu sheegay in Dhallinyaro
iyo Qoysas dalkeena waxtari lahaa ay ku le'deen,
sidaasi aawigeedna uu ugu baaqayo inay dalkodii ku
laabtaan kuwa aan waxbarshada heysan iyo kuwa aan
fursadaha Shaqo helin.
ku-Xigeenadda ra'iisul Wasaaraha iyo Wasiir Arrimaha
bulshada iyo Xuquuqda Aadmiga,Mudane Xuseen
Ceydiid,mudane Saalim cali Ibrow iyo Xuseen Ceelaabe
Faahiye oo Ra'iisul Wasaaraha ka hor ka hadlay
munaasabaasi, waxay Jaliyada u faahfaahiyeen
Marxaladihii uu soo maray Shirkii Dib u Heshisiinta
Somaaliyeed iyo Guulihii laga soo hooyay, waxayna
Jaaliyadda weydisteen inay Midnimadoda adkeeyaan,
islamarkaana ay dhowraan magaca Ummadda Somaaliyeed.
Macalimiinta iyo ardayda kala ah Cabdiraxmaan yusuf
maxamed,Muuse Xabad iyo axmed Maxamed Cumar oo ku
hadlaayay magaca Jaliyadda soomaaliyeed waxay Sheegeen
in dalka Jamahiiriyadda liibiya ay waxbarasho Heer
Dugsi sare iyo heer Jaamacadeed ay wax ku bartaan
Arday gaareysa 97 arday oo 31ka mid ah ay Jamacadaha
dhigtaan sida Cilmiyada
Injineernimada, beeraha, Sharciga iyo culuunta Islaamka,
waxayna caddeeyeen inay dhalasha Dowlada somaaliyeed
ee cusub ay aad usoo dhaweynayaan, diyaarna ula yihin inay
Tageero buuxda siiyaan, waxayna weydisteen
masuuliyintaasi ineysan noqon kuwo lagu hungobo sidi
kuwii ka horreeyay.
Macaliminta waxay kaloo ka codsadeen Ra'iisul
Wasaaraha iyo wafdigisa inay Waxbarsho Jaamacadeed u
raadiyaan ardayda aan fursadda helin.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalkasi Liibiya danjire
Dr.Maxamed xuseen Ilkadahab oo isna kulankasi hadal
Warbixin iyo soo dhaweyn isugu jira ka soo jeediyay
waxuu raisul wasaaraha u sheegay in dadka ku nool
liibiya ay si weyn u dhaqaaleyso Dowladda liibiya,
tixgelin gaar ahna ay siyo dadka Soomaaliyeed.
ISHA: Xafiiska Afhayeenka Dawladda
Ra'iisul Wasaare
Geedi oo Muqdisho u Magcaabay Guddoomiye, noqona
doona Duqa Magaalada
Wareegto rasmi
ah oo uu soo saaray ra'iisulwasaaraha DFKMG ayuu
u magcaabay magaalada Muqdisho
guddoomiye cusub, oo ah Maxamuud Xasan Cali (cadde).
Wareegtadaas oo tirsigeedu tahay OPM/057/05
soona baxday 7 Abriil 2005 waxa kale oo uu Prof. Cali Maxamed Geedi duqa magaalada u magcaabay
isla Maxamuud Xasan Cali (cadde) asagoo
cuskanaya Axdiga DFKMG iyo marxalada xasaasiga
ah ee dalku ku sugan yahay.. Wareegtada oo
dhamaystiran
Ka Akhri halkan.... Guji...
Waxaa soo
tebiyey
Axmed Muusse
Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya_Nairobi
Ciidamo Ethiopian ah oo gudaha u soo
galay xudduuda soomaliya
Ciidamadaan oo gaarayaa illaa dhowr
Horin, ayaa hadana ku hubeeysan
qorayaha fud fudud iyo kuwa culus
labadaba, waxaana sida ay wararku ay
sheegayaan ay soo gaareen
degmooyinka ka tirsan Gobolka
Togdheer.
Wararka ayaa sheegaya in ay yimadeen
Ciidamadaasi Ethiopianka ahi
tuulooyin ku teedsan degmada
Buuhoodle ee gobolkaas.
Waxaa laga arkayey Ciidankaasi inta
u dhaxeeysa deegaanada Qorofo Illaa
Caynabo hase ahaatee, warar kale
ayaa sheegaya in Ciidamo Ethiopian
ah lagu arkey Tuulada Balli Cad.
Ilaa iminka ma cadda sababaha
rasmiga ah ee Ciidamadaas ay u soo
galeen gudaha soomaaliya, waxaa
kaloo lagu soo waramayaa in
ciidamadas qaarkood ay wataan
xaasaskoodii.
Dadka ku dhaqan halkaas ayaa
Qaarkood ka muujiyey walaac weyn
imaatinka ciidamadaas.
Soo
galista ciidamadan ayaa ku soo
beegantey xilli ay labada Gole ee
Dowladda Federaalka ah ay ku
muransan yihiin keenista ciidamada
safka hore oo ay ugu horreeyso
Ciidamo Ka socda Dalka Ethiopia.
Wafdigii
xildhibaanada ahaa ee u sii jeeday Baydhabo
ayaa safarkoodii lagu sameeyay jidgooyo
Wafdigan oo
ka koobnaa xildhibaanada golaha shacabka iyo
waxgaradka odayaasha dhaqanka ee gobolada
Bay iyo Bakool oo maanta u sii jeeday
deegaankaasi si ay uga qeyb qaataan howlihii
dhexdhexaadinta ayaa ku soo laabtay
Muqdisho.
Soo
laabashadan ayaa timid markii dabley ku
sugan halka loo yaqaan Leego ay is hortaag
ku sameeyeen xildhibaanadan ku fool lahaa
Bay iyo Bakool.
Miliishiyadan is hortaaggga sameysay ayaa ku
andacooday inaan lagu wargelin socdaalka
xildhibaanada sidaasi daraadeedna ay isu hor
taageen.
Xasan
macalin oo ah taliyaha maliishiyada halkaa
ku sugan ayaa xaqiijiyay in ciidamadiisu ay
ka danbeeyeen falkaasi lagula kacay wafdigii
ku sii jeeday Baydhabo.
Waxaa uuna
intaa raaciyay in falkani uusan aheyn mid ku
dhisan siyaasad hase ahaatee haddii lagu war
gelin lahaa ay heli lahaayeen fursad ay ku
tegi karaan halkii ay doonayeen.
Xildhibaanadan ayaa ka xumaaday talaabada
lagu horjoogsaday socdaalkooda ku aaddanaa
dhexdhexaadinta beelaha walaalaha ah ee
magaalada baydhabo ay colaaddu ku
dhexmartay,waxayna sidoo kale ka gaabsadeen
faaqidaada dhacdadaas.
Warka
safarka hoos ayad ku arki doontaa...
Hassan
Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu, somalia
Madaxweynaha
Soomaaliya Cabdulaahi Yuusuf Axmed ayaa Saqdii
dhaxe ee xalay ku soo Laabtay Nairobi...
Madaxwaynaha
waxa ay soo cago dhigtay Diyaaradii u lasocday
1:04 Habeenimo waxa uuna la socday diyarad laga
leeyahay wadanka Liibiya waxaa Xiligaa ku sugnaa
garoonka Diyaaradahe ee Joma Kenyata Xubno badan
oo ka tirsan labada Gole ee Xukuumada Federaalka
Soomaaliya& Dadweyne Soomaaliyeed.
Madaxweynaha
lama aysan socon Xubnaha labada Gole ee
Xukuumada hase yeeshee waxaa la socday 5 Xubnood
oo ka tirsn xarunta Madatooyada ee Madaxwaynaha
iyo Xafiiska Rasulwasaaraha, macada shaqooyinka
ay mdaxweynaha uhayaan xubnahani.
Si heer sareysa
ayaa Madxweynaha Xalay loo soo dhaweeyay iyadoo
ay halka Tubnaayeen dad Soomaaliyeed oo ku
labisan Fanaadad lagu Buufiyay Suurada
Madaxweyna Cabdulaahi Yuusuf Axmed waxaa kaloo
soo dhaweynta qeyb wayn ka qaatay Xubno badan oo
labada gole ka tirsan waxaana Hogaaminayay
Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka
Soomaaliyeed, Prof Maxamed Cumar Dalxa.
Waxaa kaloo
Goobta Joogay Safiirka Liibiya ee magaalada
Nairobi Rashiid Cali Shariif. Soo dhaweynta
kama aysan qeyb qaadan Gudoomiyaha Baarlamaanka
& Hogaamiyaasha Hubaysan ee Muqdisho.
Madaxweynuhu Markii uu soo dagay ee uu Salaamay
Marti sharafkii Goobta joogtay waxa uu galay
Gaarigiisa isaga oo loo galbiyay Xarunta uu ka
daganyahay Magaalada Nairobi Saxaafadana aan wax
wara siin.
Waxa uu ku soo
hakaday Wadanka Yugaandha waxa uuna madaxweynuhu
Wadanka Liibiya kula kulmay Dhigiisa Mucamar Al
Qadaafi iyo Xubno ka tirsan Xukuumada Liibiya
isaga oo Booqday Magaalada Sabaraat& Wabiga
Sanaaciga ah ee Liibiya, intii uusan Liibiya
Imaan waxa uu ka soo qeyb qaatay Shirkii Madaxda
Carabta.
Intii
Madaxweynaha uu ku maqnaa Safarkiisa waxaa
Nairobi ka baxay Xubno ka tirsan Baarlamaanka
Soomaaliyeed iyadoo lagu wado maalmaha fooda
nagu soo hayana in ay baxaan xubno kale hase
yeeshee macada sida ay ufaraxgalinayso safarka
xubnahan iyagu gaaray Muqdisho& kuwa iminka
baxaya.
Waxaa horyaala
Madaxweynaha Arin adag oo ah sida uu
uwajihilahaa baarlamaan xaga Fikirka kukala
gadisan iyadoo ay jiraan xubno Baarlamaan oo
maalmihii ina dhaafay soo kala saaray
warsaxaafadeedyo kala horjeeda, madaxweynaha
lama uusan socon Rasulwasaare Prof Cali Maxamed
Geedi.
Axmed Muusse
Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya_Nairobi
Axmeddheere65@hotmail.com
Xildhibaanada ka
soo jeeda G/Bay iyo Bakool ee ku sugan Muqdisho oo u
ambabaxay deegaanadaasi
Xildhibaanadan ayaa
safarkooda la sheegayaa inuu la xiriiro sidii ay
dhexdhexaadin uga sameyn lahaayeen kooxihii dhowaan
ku dagaalamay magaalada Baydhabo ee ay kala
hogaaminayeen Maxamad Ibaraahin Xaabsade iyo Xasan
Maxamad Nuur[Shaati-guduud]oo labaduba ka mid ah
dowladda federaalka KMG Soomaaliya.
Xubnahan ayaa
socodkooda waxaa ku wehliya qaar ka tirsan odayaasha
deegaankaasi ee ku sugan magaalada muqdisho waxaana
ay wararku sheegayaa in xildhibaadani ay si weyn u
qabaan in ay wax weyn ka tarayaan geeddi socodka
nabadda ee ay doonayaan,sidoo kale waxaa magaalada
Baydhabo ku sugan siyaasiin dhinacooda ka agaasimaya
howlaha lagu doonayo degenaanshaha magaalada
Baydhabo.
Mas`uuliyiinta
maanta halkaasi u ambabaxay waxaa ka mid ah
mudanayaasha kala ah xildhibaan C/laahi
Black,Afaraale iyo qaar kale.
Wararka ayaa sidoo
kale tilmaamaya in magaalada Baydhabo ay ka socdaan
abaabulo ballaaran oo lagu soo dhoweynayo
xildhibaanadan xal doonka ah.
Horay ayaa xubno ka
tirsan garabka Shaarguduud ay u diideen
islamarkaasina ay uga digeen imaanshaha magaalada
Xuddur ee G/Bakool koox odayaal ah oo baadogoob ugu
jirtay heshiis ka dhasha magaalada baydhabo.
Si kastaba ha
ahaatee dagaaladii ka dhacay Baydhabo ayaa waxaa ku
naf waayay tiro dad ah,waxaana jira qaar weli la
ildaran dhaawacyadii ka soo gaaray,halka kuwo kalana
ay ku xambaareen inay isaga qaxaan gebi ahaanba
guryahoodii.
Hassan Dhaaleey
Dheel10@hotmail.com
Mogadishu
somalia
TACSI:::: Gudoomiyaha Bankiga
Dhaxe ee Soomaaliya Prof Maxamuud Maxamed Culusow & guud
ahaan mas'uuliyiinta Xukuumada Federalke Kmg waxa ay
tacsi tiiraanyo badan udirayaan Eheladii iyo
qaraabadii uu ka geeriyooda allaha u naxariistee
Marxuum C/rixiin Cabdulle Qaawane oo xalay ku
geeriyooday Magaalada Muqdisho Allah ha unaxariisto
Amiin.
Hogaamiyaha UNAFRIK oo soo gaaray Nairobi
Xuseen Cabdi Calasow oo ah madaxa
UNAFRIK oo ah urur samafal kana dhisan dalka Sweden
ayaa maanta soo gaaray magaalada Nairobi ee dalka
Kenya. Xuseen Calasow ayaa ka soo dhameeyey Seminaar
mudo laba todobaad kana socday Soomaaliya gudaheeda
oo loogu tala galay ka faa’iideysiga tamarta qoraxda.
Seminaarkan ayaa waxa ka qeyb
galay dumar soomaaliyeed oo lagu barayey sida loo
isticmaalo Burjikadda qoraxda taasoo loogu talay in
lagu badalo dhuxusha iyo xaabada. Burjikaddan ayaa
waxa kale oo loo isticmaali karaa nadiifinta biyaha
iyadoo biyaha la cabayo lagu karkarsanayo. Dad badan
oo soomaaliyeed ayaan heysan biyo nadiif ah iyagoo
ku qasban iney cabaan biyo ay ku jiraan jeermisyo
badan kaasoo waxyeeleynaya caafimaadkooda.
Dalka soomaaliyeed ayaan laheyn
cid xakameysa jaridda geedaha iyadoo waliba ay si
xowli ah u socoto dhoofinta dhuxusha. Baahida ay
dadka soomaaliyeed u qabaan iney helaan wax lagu
bedelo isticmaalka dhuxusha ayaa marba marka ka
danbeysa sii kordheysa iyadoo dumarka soomaaliyeed
ee ku nool miyigana ay wqti badan ku bixiyaan soo
gudiga xaabada ay u isticmaali lahaayeen cunto
karsashada.
Xuseen Calasow oo aan wax ka
weydiiyey in Burjikaddani keeni karto in laga maarmo
isticmaalka dhuxusha ayaa ii sheegay in “
Burjikaddan la isticmaali inta la helayo falaaraha
cadceeda oo ah waqtiga maalinta. Waqtiga habeenka
lama isticmaali karo burjikaddan oo qoraxi ma jirto.”
Xuseen ayaa ii sheegay in talaabada xigta ee ururka
UNAFRIK ku tala jiro inuu qaado ay tahay hab kuu
keydiya tamarta cadceeda si aad u isticmaashid
habeenkii.
Howl-wadeenada SSUP oo maanta soo gaaray
magaalada Nairobi
Waxaa maanta soo
gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya Samme
Bogad oo ka tirsan howl-wadeenada Xisbiga
Midnimada Bulshada Soomaaliyeed. Mudane Bogad
ayaa ka yimid magaalada Muqdisho halkaasoo uu
kala qeyb qaatay xubnaha Xisbiga xafladda
sanadguurada koowaad ee Xisbiga iyo furitaanka
xafiiska Muqdisho.
Xisbiga SSUP ayaa
ah urur siyaasi ah,
islamrkaasna aaminsan kuna dhaqma mabaa’diida ku
dhisan shir, showr, wada tashi. Ujeedooyinka
SSUP ayaa waxa ka mid ah
inuu ummada soomaaliyeed tusaa in xalinta
dhibaatada dalka hooyo ay iyaga gacantooda ku
jirto loona baahan yahay in loo maro dariiqa
Nabada, Wada tashiga, Wada hadalka, iyo
Is-aaminaada.
Mar aan wax ka
weydiiyey Samme ujeedada safarkiisa Muqdisho ii
sheegay in Xisbiga SSUP oo lagu dhisay dalka
Sweden sanadkii hore uu gaaray waqti loo baahan
yahay inuu dalka gudihiisana ku yeesho xafiis
laga wado howlaha kala duwan ee Xisbiga iyo in
waliba loo baahday in la isku xiro xubnaha
Xisbiga ee dalka gudihiisa iyo dibadiisa.
Samme ayaa ii
sheegay in howl-wadeenada SSUP ee ka socda
Sweden iyo kuwa dalka gudihiisa ay xafladda
kadib isla loo qaadeen qaabka howsha Xisbiga
looga wadayo dalka gudihiisa. Ugu danbeyntiina
wuxuu Samme ii sheeg in Xisbiga mar dhow si
gooni ah looga dareemi doono dalka gudihiisa
isla markaana uu noqon doono mid u soo hooya
umadda soomaaliyeed horumar iyo baraare.
Axmed Muusse
Cabdulle(Idaawaqaca)Kenya_Nairobi
Axmeddheere65@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com |
April 8, 2005
Xisbiga SSUP oo maanta
looga dhawaaqay magaalada Muqdisho
Muqdisho Abril
7, 2005: Waxaa maanta ka dhacay Hotel Ambassador
ee magaalada Muqdisho xaflad balaaran oo ku aadan
sanadguurada koowaad ee xisbiga Midnimada Bulshada
Soomaaliyeed loona yaqaan SSUP iyo furitaanka
xafiiska xisbiga ee magaalada Muqdisho. Xafladaa
ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno badan oo ka
tirsan xisbiga SSUP, aqoonyahano Soomaaliyeed iyo
warfaafinta magaalada Muqdisho.

Xisbiga Midnimada
Bulshada Soomaaliyeed Somali Social Unity Party
waxaa la aas-aasay 11kii April 2004 Waana urur
siyaasi ah, isla markaasna aaminsan kuna dhaqma
mabaa`diida ku dhisan shir, showr, wada tashi,
maamul wadaaga, sinaanta, cadaalada, ku dhaqanka
xaqa iyo xoriyada, iyo kor u qaadida sharafta iyo
sumacad ummada soomaaliyeed oo aaney ka hor
imaaneeynin shareecada islaamka.

Kooxda Somali Jazz,
Oday Cabdulle iyo Maki Xaaji Banaadir ayaa
dadweynaha xafladda u soo bandhigay majaajilo xiiso
leh oo ka sheekeyneysa axsaabta kala duwan ee ku
dhisan qaabka qabiilka kana jirta Soomaaliya. Waxey
sheegeen in Xisbigani ka duwan yahay kuwii hore
isagoo isla markaana uu bog cusub u furayo
taariikhda bulshada soomaaliyeed ee mudada dheer ku
soo dhex jirtay dagaalka sokeeye.

Kadib majaajilada
ayaa waxaa goobta ka hadlay Saciid Ibraahim ”Buuna”
oo metelaya xubnaha Xisbiga ee magaalada Muqdisho.
Saciid ayaa bixiyey warbixin kooban ee Xisbiga
sheegayna in xisbiga xaruntiisa tahay dalka Sweden
magaalada Katrineholm.
Saciid oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in
Xisbiga Midnimada Bulshada Soomaaliyeed ahmiyadiisu
tahay inuu bulsho weynta Soomaaliyeed u bayaaniyo in
aay ayaga oo kaliya isku soo dabaali karaan
danahooda kala firdhay ayagoo adeegsanaaya ceelka
ilbaxnimada iyo horu-kaca, Qalinka iyo Buuga.

Saciid aya ugu
danbeyntii makarafoonka ku soo dhoweeyey Samme Bogad
oo ka socda Xisbiga SSUP qeybta Sweden. Samme Bogad
ayaa dhiibay xeerka Xisbiga cadeeyeyna in xisbigu ku
dhisan yahay dimuqraadiyad iyo wadatashi. Samme oo
hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Xisbigu leeyahay
Gole dhexe ee Qaran, Gudi Fulin, Gudi Hantidhowr,
Gudi Doorasho iyo Gudi Sharci iyo Anshax.
Samme ayaa sheegay
in ujeedaha Xisbigu tahay inuu hormuud u noqdo sidii
ummada soomaaliyeed loo bad-baadin lahaa meelwalbo
aay joogaan oo dhibaato ku haaysato.iyo inuu ummada
tusaa in xalinta dhibaatada uu gacanteeda ku jiro
loona baahan yahay in loo maro dariiqa Nabada, Wada
tashiga, Wada hadalka, iyo Is-aaminaada.
