Inta
Xaraashay Xaafuun baan, Xamar Xabashi Keenayaa
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad
leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Mar aan fogeyn
waxaan soo qoray sheekhadii shirkaddii sheegatay
in laga iibshay Xaafuun muddo dhan 99 sanadood.
Dhowr qof baa isoo weydiiyey su’aalo ah:
-
1.
miyaan Puntland xaq u lahayn
inay dhulkeeda sey rabto ka yeesho?
-
2.
boobka dhulkaas barwaaqaa ka
dambeysa
-
3.
iyo boosas ay leeyihiin dad
Kenya u dhashay oo loo ogolaaday in Soomaali
dhisato muddo go’an
Haddii qof
Puntland u dhashay uu rabo inuu Soomaaliya
madaxweyne u noqdo, caqligal ma ahan inuu jiro
dhul ay gooni u leeyihiin oo ay Soomaalida kale
ka xigaan. Qof kasta oo Soomaali ahi wuxuu
leeyahay wixii hanti ah ee gooni u leeyahay ee
ma jirto cid gooni u leh dhulka iyo badda
Soomaaliyeed. Dhulka ma ahan ceesaan ama hal
geel ah oo uu nin kasta suuq geysankaro ee waa
hanti lawada leeyahay oo uusan qof gooni ahi ku
takrifali karin. Marka caqligal ma ahan in aan
dhahno Xaafuunna innagaa leh, Xamarna waan
xukumeynaa.
Haddaan tixgelinno
caqliga dad yar oo faro-ku-tiris ah oo aamminsan
inuu boobkaasi xaq yahay waxaan weydiinayaa
su’aalashan:
Puntland ma
korneyl C/hi baa? Haddii jawaabtoodu haa tahay,
ma filayo inay u qalmaan in hadal lala sii wado
laakiin hadday huwadaan marada Puntland waxaan
weydiinayaa sidee ku suurtogashay in dhulka
intaas le’eg aan wax laga weydiin labada gole ee
Puntland iska daa shacabka Punltand e’? Goormaa
arrinta Xaafuun looga dooday golaha wakiillada
ee Puntland? Golaha wasiirrada? Bal ugu yaraan
dadka Xaafuun deggen arrintaas wax ma laga
weydiiyey?
Tan barwaaqada
waxaan leeyahay: dad baa cadaabka iyo dhibka u
arka barwaaqo. Dadkaasi waxaysan fahmin inaysan
shirkaddu u imaan inay Soomaaliya barwaaqo
gaarsiiso ee ay u timid danteeda iyo inay
faa’iido dhaqaale iyo mid siyaasadeed gaarto.
Haddii Soomaaliya ama Puntland dhaqaale gaareyso
waxay ka helilaayeen badda. Korneylka iyo
shuftada Xaafuun iibsatay waxay horay maraakiib
kalluumeysi u gasheen badaha Puntland ee yaa ka
faa’iiday dhaqaalaha arrintaas laga helo? Xitaa
hal shilin mala geshay magaalooyinka ay
shuftadaasi ka soo jeedaan? Marka haddii
lacagtii Soomaalidu xaddayba aysan gelin
Soomaaliya sidee uga fileysaa in shirkad ajnabi
ah ku hammiso inay Soomaaliya barwaaqo
gaarsiiso?
Tan seddexaad ee
dadkaasi sheegeen waa iyagoo yiri waxaa jira
ganacsato Soomaaliyeed oo Kenya, dad Kenya u
dhashay u ogolaadeen inay boosaskooda inta
dhistaan ay degenaadaan muddo go’an. Laakiin
dadkaasi waxaysan fahmin inay ka hadlayaan boos
yar oo uu qof ama shirkadi leedahay. Ganacsatada
Soomaaliyeed ee dhulkaas, muddo go’an dhisatay
waxay raacayaan sharciyadda u yaal dowladda
hoose ee dalkaas ee siday rabaan uguma takrifali
karaan. Markay rabto baa dowladda Kenya wax ka
qaban kartaa sida iyagoo dhaha waxaa la
marinayaa jid ama arrimo kalaa lagu qabsanayaa
iyadoo haddii la rabo loo celin karo hantidooda
qaar ka mid ah halka arrinta Xaafuun ay taas ka
duwantahay oo shirkaddu qaabkey rabto ay wax u
dhisanayso oo iyado looga dambeynayo arrinta
magaaladaas. Awalba shirkadda labo tuug baa la
xaashay haddaan laga dhiidhinna ma jirto cid
hadhow wax ka qaban karta.
Arrinta Xabashida
Ma Xabashi baa
Soomaaliya xallineysa? Bal horta intaanan
Soomaalida kale ka hadlin imisa dad ehel ah oo
dega dhulka Soomaalida ee Xabashidu heysato oo
la qabiil ah reer Puntaland, isku laayey
dhulkaas gumeysigu heysto? Ilaa 1995 ilaa hadda
waxaa ku dhintay boqolaal qof oo dhulkaas dega
mana jirto wax ay Xabashidu ka qabatay. Marka
haddii ay Xabashidu wax u qabanweyday Soomaalida
dhulkey heysato ku nool sidee bay wax ugu
qabanaysaa kuwa Xamar ama Xuddur deggen? Kii ugu
dambeeyey wuxuu ahaa mid ka dhacay meel la
yiraahdo Miro-Khaliif oo Wardheer u dhow. Waxaa
jira Soomaali kale oo isku leysa xuduudaha u
dhow Hiiraan, Bay iyo Bakool, Gedo iyo meelo
kale. Waxaa intaas dheer gumaad joogto ah oo ay
Tigreegu ku hayaan dadka Soomaali Galbeed dega.
Ilaah baan ku
dhaartaye waan la yaabbanahay dadka Soomaaliyeed!
Bal kuwa Soomaaliya jooga, “xildhibaannada iyo
golaha wasiirrada” la garaye meeye dadkii
Soomaaliyeed ee qurbaha joogay? Waxaad maqlaysaa
ururo Soomaaliyeed oo dibadaha ka jira sida
London oo kale. Maalin waxaad arkeysaa iyagoo
“dowladda cusub” soo dhoweynaya maalinna iyagoo
leh waxaan la shirnay dublamaasiyiin shisheeye
oo waxaan kala hadalnay arrimo ka soo horjeeda
siyaasadda dowladdaas! Haddaad siyaasadda
dowladda ka soo horjeedo maxaa awal
dhalashadeeda ugu dabbaaldegaysay? Waxaa intaas
dheer waxaad maqlaysaa shirar la leeyahay waxaa
looga hadlayaa siyaasadda Soomaaliya oo la
qabanayo.
Hadda waa in bur
iyo biyo loo kala baxaa. Waa in la noqdo dad ka
soo horjeeda soo gelitaan ciidamada Itoobiya ee
Soomaaliya iyo kuwo taageersan. Khasab maahan in
qof kasta oo ka soo horjeeda ciidmada Xabashida
uu xaq doon yahay laakiin waa muhiin in
arrintaas loo midoobo. Sidii horay loo sheegay
waa in ciddii Amxaaro ka soo horjeeddaa meel
kasta ooy joogaan ka sameeyaan muddoharaadyo
waaweyn oo muujinaya diidmada arrintaas. Ma ahan
arrin dhib badan ee keliya saacado yar u quur
waddankaaga hooyo. Marka inta la iska daayo
sheekada fadhi-ku-dirarka ha la isu soo baxo.
Bal ugu yaraan dadka sheeganaya inay metelaan
ururo Soomaaliyeed arrintaas halaga arko haddii
kale yaan dadka la waalin.
Waxaan ku talin
lahaa dadka UK jooga ee arrintaas ka soo
horjeeda inay sida ugu dhaqsaha badan isu
abaabulaan oo inta ballan la qabsado la isu soo
baxo maalin la ogyahay haddii Ilaahay idmo.
Siduu Mursal qoray waxaa soo baxday arrin aan
ninna u ceeb qarineyn. Waxaan maqli jirnay
culumo Ehlu-Sunah Wal-Jamaaco la yiraahdo baa
jirta, kuwo maxkamadeed, Salafiyada cusub, Al-Itixaad,
Al-Islaax, waddaniyiin, ciidamada qalabka sida,
ururo bulsho, ganacsato iyo Soomaali kale.
Waxaa dad iila
qaab daran dadka marka makhaayadaha iyo guryaha
la joogo iska dhiga inay Itoobiya aysan rabin
laakiin aan ogoleyn inay arrintaas muddoharaad
ku muujiyaan. Reer Banaadir baa dhaha:
cimrigaaga
dheeraada geel dhalaayaas ku tusaa!
Haddaan ogaaday
inaan cimri joogo maxaa yaaley waxaan sugayaa
Xabashi nabad-ilaalin ah oo Soomaaliya
xasilineysa!
Sida korneylku
sheegtay wuxuu yiri waxaan ahay askari halgamaa’
ah mana jirto cid aan Xamar uga heybeysanayo.
Inkastoona shiribka ku fiicneyn haddii shirib
loo bedelo waxay noqon kartaa:
·
Inta xaraashay Xaafuunbaan Xamar Xabashi
keenayaa
Marka Abshir
Bacadle iyo reer Xamar baa jawaab laga rabaa.
»Boobkii
Dhulka Soomaaliyeed oo Puntland laga bilaabay
| C/waxid
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Tarjumadii: SomaliTalk.com | Feb 13, 2005
Wafti
Kasocda Baarlamaanka Soomaaliya oo u Dhoofay Talyaaniga
»Waftiga
BFKMG oo la kulmi doona Baarlamaanka Talyaaniga
»Koxda
Ciyaaraha Soomaaliya vs Jorday
»Warbixin
Ururka Ardayda Puntland ee India
Warka
oo dhan ka akhri halkan... Guji... Feb 13