Soomaaliyeey,
dawlad la`aanta ameey noo fiican-tahay!
Dawladeey
maxaa tahay?
Dawlad,
fasiraadeeda oo gaaban waa :- koox dad ah,
oo leh awood siyaasadeed kunna maamula dal
ama deegan gaar ah.
Dal, dawlad,
madaxweyne, ra`iisal-wasaare iyo wasiir; waa
wax dhaqan-keena Soomaaliyeed aan aqoon u
laheeyn oo aan ka dhaxal-nay, wadamadii na
gumeeystey ee reer Yurub ahaa.
Bal-mucjisadaan
ila arag, nin Baydhabo degan baa la
yiri-waxaa isku dal-tihiin nin degan
Hargeeysa.
Labada
magaalo-ba, aniga, qof ahaan waa tagay.
Hadii "Visa" u qaado la i dhihi lahaa
labadaas magaalo waa- Baydhabo iyo
Hargeeysee- waxba kama qabi laheeyn. Runtii
muslimiinta, degan Indoniisiya iyo
Maleeysiya, ee macawiista u xiran,wax-yar
ayeey igala duwanaayeen.
Soomaalida
Jabuuti degan-ba, deegaankooda, Visa -ayaan
ku galay, Ciisaha-soomaalida ahna,
waalidkeey waxeey iigu sheegeen in aan "Dir"
isla nahay.
Boosaaso,
nin degan baa waxaa la rabaa in loo sheego
waxaad isku dal iyo dawladnimo indinka
dhaxeeysaa, nin degan Baraawe iyo Jilib-war
ila qosol.
Boorame iyo
Laascaanood nin degan baa waxaa la rabaa in
laga dhaadhiciyo waxaa dal iyo dawladnimo
idinka dhaxeeysaa Aw-dheegle iyo Walan-weyn
nin degan, waa ka daroo dibi-dhal.
Siyaasadeey, maxaa tahay?
Odayaal
Soomaaliyeed markaan weydiiyey oo cuqaal
ahaa,-Waa maxay siyaasad dawladeed?- waaba
garan-waayeen. Oo af-Soomaligii hore maba ku
jirto, maxaa-ba la sharxaa.
Reer Yurub
: dalka Griig iyo Old Fransiis -waxeey ku
sharxeen- (politic: citizen)
Dadka
Hindiya iyo Shiinaha oo ka kooban laba
bilyan iyo rubac
(
2.250.000.000.000) sharaxaad fiican uma
hayaan, macnaha siyaasad, marka ma waxaa
aduunkaan-Gaal iyo muslin-wada degan, erayga
Griig iyo Old Fransiis ka yimid oo tiradooda
ka yartahay 100.000.000, war ka dhageeystaa.
Siyaasad-qabiileed, oo ku dhisan 4.5 cid
garasho u yeelataa waaba la heli waayey,
Soomaalida dhexdeeda.
Marka
erayga-siyaasad-dhaqanka soomaaliga ah-cid
sharaxaad fiican ka bixin kartaa ilaa hadda
lama hayo.
Kuwa reer
Galbeedka: Yurub iyo Mareeykanka fikradiisa
wata waxeey ku dabo raftaan -mr Smith sidaas
ayuu u sharxay; mr Huuhaa reer Yurub ee
noolaa waqtigaas, erayga siyaasad sidaas
ayuu ku fasiray;
Qolada
wadaadda ahna waxeey ku dabo raftaan;
shiikhii ku noolaa Kuufa ama shiikhii kaloo
ku noolaa Xijaas wuxuu yiri ama uu u sharxay,
hanaanka siyaasadeed sidaan iyo sidaan.
Labada
qolo-ba, waxeey iska indho tiraayaa,
dhaqanka Soomaaliyeed ee ku dhisan -Siyaasadda
qabiil-ka -ku dhisan oo aan dhago iyo indho
kale laheeyn, waaba hadaan siyaasad sidaas
ku fasirno.
Madaxweyne iyo ra`iisal wasaare
Odayaal
Soomaaliyeed, oo aad u cimri weyn ayaan
waxaan weydiiyey, sharaxaada -madaxweyne iyo
ra`iisal wasaare?
Odayaashii
Soomaaliyeed, waxeey la soo boodeen haa
madaxweyne iyo ra`iisal wasaare Soomaaliyeed
waa jireen, haba kala fiicnaadaanee.
Waxeey
yiraahdeen, waxaan na soo maray : Aden Cadde;
Abdirashiid; Abdirizaaq iyo Maxamed Siyaad.
Aniga,
su`aal baan ku celiyey oo waxaan ku iri,
ragaan aad sheegeeysaan, gumeeysigii na
haaystay ee reer Yurub, markuu dalka ka
tagay-"maamul-hanaaneedkii", uu diyaariyey
kuwa raacay waaye, waana fahansanahay, oo
aniga baaba qaar u soo joogay.
Odayaaashii
baan mar kale su`aasha ugu celiyey, oo
waxaan ku iri :
1920 kii,
soo ma joogin idinka - haa beey i dheheen-,
markaas
baan waxaan ku dhahay, odayaashii idin
dhalay ee Soomaaliyeed, maxaa sharaxaad ah,
oo eey idinka sheegeen macnaha ku jira -madaxweyne
iyo ra`iisal wasaare- oo dhaqanka soo
jireenka ah, ee Soomaaliyeed looga tusaale
qaadan karaa.
Odayaashii
Soomaaliyeed, waxeey igu yiraahdeen , adeer
waxaan annaga ma aqoon oo gumeysigii reer
Yurub ka hor, waxaan aheeyn qabiilo-deegaano,
gaar ah leh.
Waxaanna
lahaan jirnay oo talada laga qaadan jiray,
xaaladaha ah ( war and peace) nabad iyo
dagaalba, odayaal Kaabo-Qabiilo ah sida:
Isimada; Garaadyada; Malaaqyada; Imaamyada
iyo Cuqaasha.
Dawlad
la`aan Soomaaliyeey
Soomaaliyeey, dawlad la`aan xumaan yaan laga
dhiga-nin, oo dilka, dhaca iyo boobka aan
iska deeyno.
Oo nabad
iyo heshiis deegaaneed kuwada noolaano,
dhibkii dhacaana -kaabo-qabiilada - loo
geeyo, si eey xal ugu raadiyaan, oo ku
saleeysan mid dhaqameed iyo diineeyd, oo
geedka hoostiisa lagu xalin jiray. Dawlad
baa wax xalin kartana meesaha laga saaraa oo
leeyska iloobaa.
Qof walboo
Soomaaali ah, kaabo-qabiilkaada ku dabo-safo
Soomaalaay,
beenta iyo riyada aan ka baxno, qabiil baad
rabtaa in uu dalka ka taliyo(waaba haduu dal
jiri doono), qabiilkaasna uu noqdo kaad
adiga, ka dhalatey.
Qabiiladda
Soomaaliyeedna, waxeey ka koobanyihiin dhawr
qabiilood, waxaad sii rabtaa, jilibka aad ka
dhalatey in uu dalkaan ka kooban 100-ka
jilib, ee qabiileed, kaada in uu ka taliyo,
ee aad markaasna ku faantid, xataa hadaadan
garoor lagaaga shubin.
Sidaas
darteed, aan dawlad la`aan iska ahaano, si
eey naf iyo maal noogu nabad galaan.
Qof walboo
oo Soomaali ahoow, kaabo-qabiilkaada
dabo-safo, meeshii uu aduun iyo aakhiro-ba
ku geeyo.
Gabagabo,
Soomaaliyeey dawlad la`aanta, aan fursad
siino, oo 50 sanno sidaan aan u kala joogno,
cid cid wax ku darsataa eeynaan
jirin-"dhinaca maamulka"-, ganacsiga iyo
guursiga ayagu xuduud ma laha oo waa leeysku
dhex-wadanaayaa, sida taariikhda
bani`aadamka laga dhaxlay ayeey ahaaneeysaa.
Laakiin,
Soomaaliyeey yeey nagu dhicin, sidii
Ciraaqiyiinta ku dhacday "Carab cigaal-wata
oo cod-bixin, lagu qasbay; iyo Carabiyadd
cabaayad-wadata ee cod-bixineeysa, oo qasab
ah".
Maalintaan
u diyaar noqono in aan dawlad dhisanno oo
naga wada dhaxeeysa, allaha na gaarsiiyo oo
aan ku dhisneeyn-4.5 oo qabiilo loo
qeeybinaayo.
Bile Jaamac
(Gaagaale)
Oslo, Norwey
sharmarke10@hotmail.com
Afeef:
Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaag
kusaxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Feb 3, 2005
Qoraaladii hore ee Gaagaale