Siyaasiga Somali-Land Xikmad yar iyo Xiqdi
Gadhoodhay.
Masuulku
wuxuu u noolyahay in uu garashadiisa ugu adeego kuna horumar iyo
bulshadiisa,taasoo ay ka dhalanayso taariikh ma guurto ah oo uu yeesho.
Haddii ay isaga darsamaan dhabta iyo
dhalanteedka waxaa lumaysa xikmaddiisa iyadoo ay ku dhacayso lagdin aan ka
kicis lahayn.haddii uusan ka fiirsanin waxa uu gudbinayo si cadna u kala
dhigdhign afkaar badan oo dadka kala dhexayn karta doodeedana lagu kala
duwanaan karo,wuxuu u muuqanayaa qof aan miisaanayn wax badanna kala saari
karin taasoo aan u fiicnayn shakhsiyadda masuulka. Wax walbo waxaa ka
horaysa in aad ceebtaada ogtahay,haddii kale waxaad noqonaysaa qof ceebaha
dadka kale u waardiyeysta sida uu duqsiga u ilaashado meesha boogta
ah.bulshada oo aad u soo bandhigto afkaar aan horumar lahayn waxaa ka
habboon in aad iska aamusto, dadkaagana dhexda kaga jirto.
Waxaan arartaas gaaban ula jeedaa qoraal
kusoo baxay Internetka oo uu diyaariyay ninka lagu magacaabo Col:Cumar M.
Numcaale oo sheegay in uu mar ahaan jiray wasiirka difaaca ee
Somaliland, hadalka Colonaylka wuxuu dabo socday qoraal kusoo baxay
wargayska Internetka
8/12/2004 kaasoo lagu
daabacay waraysi lala yeeshay sheekha soomaaliyeed ee lagu magacaabo
sheekh cumar faaruuq.
Sheekha markii wax laga weydiiyay goonni isu
taagga Somaliland ayuu sheegay inuu diidanyahay,sababtoo ah buu yiri
sagaaro labo tun oo la kala qalo malaha.jawaabta uu bixiyay sheekhu
waa mid ay ka madhantahay gobolaysi iyo deegaan gaar ah is xijin,waa
jawaabtii uu bixin lahaa soomaali kasta oo daacad ah iyo siyaasi kasta oo
waaqici ah, jecelna horumarka iyo dhismaha umadda soomaaliyeed meel kasta oo
ay joogto.
Qofku waajib bay ku tahay in uu ka hortago
wixii wax u dhimaya sumcadda iyo nolosha dadkiisa,waase haddii ay tahay mid
uusan sababteeda lahayn.haddii sheekha wax laga weydiin lahaa puntland
oo uu ku jawaabi lahaa ma jirto wax puntland layiraahdo waxay noqon
lahayd jawaab wakhtigeedii ka hormartay,waayo dadka woqooyi bari
waxay ku dadaaleen inuusan mowqifkooda wax ka badalin , caajis galinin wixii
dalka ka dhacay intii ka horaysay 1991kii.waxay sugeen nabadda goboladooda
iyagoo dhinaca kale ka ilaalinaya midnimada dadka iyo dalka,taasoo ay ku
mudanyihiin in lagu amaano dareenkooda waddaninimo ee uu ka madhanyahay
caqliga isticmaarka runtana ku qotoma.
sheekhu kuma khaldamin jawaabta uu ka
bixiyay su’aasha laga weydiiyay goosashada reer woqooyi ee waxaa khaldan
kuwa doonayay in uu u jawaabo si iyaga raalli galisa.
Jawaabtu waa mid booskeedii haysata
sababteedana ay leeyihiin siyaasiyiinta iyo aqoonyahanka reer
Somaliland,marka ma ahayn in ay sheekha ku tilmaamaan fiqi tolkii
kama janno tagee,waxay
ahayd intay dib isugu noqdaan oo ay wax iska weydiiyaan waxa ku goonida ah
ee bulshadoodii soomaaliyeed ka dhex saaray.
Dawladdii milatariga ahayd ee dalka soo
martay kuma eedaynayo inay la dagaalantay ururkii SNM, waayo cid
walbo oo xukun haysa waa dhaqan inay xukunkeeda difaacdo khalad iyo
saxba,waxaanse ku eedaynayaa dhibka iyo dhibaatada ay u gaysatay shacabkii
ku dhaqnaa gobolada woqooyi ee aan waxba galabsanin.
Waxaa la laayay ardaydii
iskuulada,aqoonyahankii,indheer garadkii iyo cuqaashii.waxaa lagu tuntay
haweenkii iyo caruurtii,waxaa la burburiyay hantidii ma guurtada ahayd ee ay
lahaayeen,waxaa la dhacay hantidii guurtay oo uu qof walbo u rartay halkii
uu ka yimid.arintaas waxay xusuus aan wanaagsanayn ku reebtay maskaxda qof
walbo oo soomaali ah,xog-ogaalna ah.iyadoo ay taas jirto haddana waxaa
reeban dhibaato ay gaysatay xukuumad gacan adag oo lagulana wadaago inay
kugu xanbaarto ku tallaabsiga wax lagu iloobo wixii horay u dhacay.waxaan
taas uga dan leeyahay:
Go’aankii kasoo baxay kulankii ay Burco
ku yeesheen 1991kii,taageerayaashii ururkii SNM kama turjumaynin
dareen shacab oo sal adag ee wuxuu ahaa qaraar ay qaateen siyaasiyiin
caadifaysan iyo ciidan caraysan,wuxuuna calaamatul-su’aal saaray fikir la
qabay oo ahaa in siyaasiyiinta Somali-landiisku ay wax badan dheeryihiin
kuwa qaybaha kale ee soomaalida,maadaama shacabka gobolada woqooyi ee ay ka
dhasheen uu ahaa kan ugu ilbaxsan soomaalida ama ugu furfuran.
waxaa la dhowrayay go’aanka ay gaaraan inuu
noqdo mid xal dawo u hela dhibkii badnaa ee lasoo maray,wuxuubase noqday ka
daroo dibi dhal.
Waxay yidhaahdeen waxaan lasoo noqonay
xoriyaddii laga qaatay ingiriiska sanadkii 1960kii.waxay yidhraahdeen waxaan
u codeynay dastuur ay taageertay 97%bulshada gobolada woqooyi,waxaa
ilaalinayay bay yiraahdeen wufuud caalami ah oo ay ku jirto Koofur
Afrika.
Waxaa su’aal ah,yey tahay cidda laga soo
ceshaday madax bannaanida ee xoogga wax ku haysatay?.waan ogayn isticmaar
duudsiyay xaqa shacabka soomaaliyeed oo lala halgamay,mase garanayno sokeeye
gumaysi ah oo in laga xoroobo ay tahay,waa kee isticmaarka ka danbeeyay kii
caddaanka?.
In loo codeeyo dastuur gobolada woqooyi ka
goynaya dalka inttiisa kale ma aha arrin iyaga u gaar ah,ee waa xaq uu cod
ku leeyahay soomaali kasta oo ku sugan jamhuuriyadda xorta ah,maadaama
halgankii guusha keenay uu ahaa mid laga wada qayb qaatay.ilaalada goob
joogga ka ahayd doorashada waa mid si is diris ah uga qayb gashay,aanse
ninna ka wakiil ahayn.
Waxaa si gaar ah in loo caddeeyo ay tahay
dawladda koofur afrika ee isku haysa dadka ku kala gaddisan
midabka,dhaqanka,diinta iyo luqadda ee si ay uga nabad gasho dhibka ku
dhacay qaaradda inteeda kale waardiyaha u ah ilaalinta iyo dhowrista xeerka
u yaalla midowga afrika,xog iyo siyaasadba way adagtahay inay
taageerto kala go’a soomaaliya,wayse dhici kartaa carrab laalaadin aan
sharci ku tiirsanayn oo laga helo dad meel hoose jooga oo si gaar ah loola
macaamalooday,si war baahinta loogu khaldo.
Dadku waxay xaq u leeyihiin la dagaalanka
maamul aan ilaalinaynin danaha dadka iyo dalka iyadoo dhinacyo badan wax
laga eegayo,laakiin gulufkii dagaal ee lala galay xukuumaddii askarta ee
dalka qabsatay 21/10/1969kii, in uu Jihaad ku sifoobo iska dhaafe ma
ahayn mid waddani marka la fiiriyo qaabkii loo dhaqmay iyo sida ay
natiijadiisu noqotay.
waa dagaalka ay horseedka ka ahaayeen kuwa
ku doodaya in Hargaysa iyo Burco marnaba aysan ka mid noqonin
soomaaliya maadaama uu Ingiriisku xukumi jiray.fikirkaas oo iska indho
tiraya ama is diidsiinaya jiritaanka bulshada soomaaliyeed oo mid ah
iyo daganaashaheeda geeska afrika in uu ka horeeyay xukunkii isticmaarka iyo
imaashihiisiiba.
Saaxiibka maqaalka qoray wuxuusan xog-ogaal
ka ahayn dawladaha Ruushka ama Sovietkii hore ka go’ay inay
ahaayeen kuwo aysan kala dhexeynin dhaqan iyo dhalasho toona,xoogna lagu
qabsaday,markii danbana ka faa’iidaystay fursada soo martay,wuxuusan wax
badan kala soconin Masar iyo Suuriya markii ay isku
darsamayeen inay ahaayeen labo dawladood oo labo madaxweyne leh,ujeedada
isku daristooda laga lahana ay ahayd in meesha laga saaro kala oqobka uu
istimaarku ku sameeyay shucuubta carbeed.,marka fikirkii haboonaa ee
ujeeddo wanaagsan looga dan lahaa ma noqon karo mid tusaale looga dhigto
xumaan iyo kala goynta dadka soomaaliyeed ee aysan jirin wax ay ku kala
gaddisanyihiin.
Col:Numcaale isagoo ay waliba ka muuqato
xushmayn ayuu haddana sheekha ku duray jumlo dhahaysa fiqi tolkii
kama janno tago.
Sheekhu wuxuu ku hadlay run iyo caddaalad dhibaysa kuwo badan oo
neceb dawladnimada iyo dadnimada umadda soomaaliyeed, isla markaana u ooman
hirgalinta caqliga isticmaarka
Col:Numcaalena
ka midka yahay.haddaba jumladaas waxay noqonaysaa mid dheeraad ah oo aan
xiriir la lahayn xaaladda jirta ee uu saaxiibkeen iska adeegsaday.
Dawladda soomaaliyeed ee dhalata ma noqon
doonto mid loo meeriyo siyaasadeeda ku aadan dhulalka soomaaliyeed ee maqan
iyo dadyowga soomaaliyeed ee dhiban,mana aha qaabaka ay qaddiyadahaas ula
dhaqanto mid ku dhex milmaya maamulka dawladda sidii horay u dhici
jirtay,waxaase dhab ah oo aysan labo cali is weydiinaynin inay ku
khasbantahay dawladdu taageeridda dadkaas soomaaliyeed ee ay haysato
caddalad darada gumaysiga.
Waxaa kale oo jirta muwaadin kasta oo
Soomaali ah si qofnimo ahna ugu nool Jamhuuriyadda xorta ah kana soo jeeda
goboladeenna ay wali mushkiladda ka taagantahay in uu yeelanayo xuquuq la
siman inta kale,waana middaas tan sharciga u siinaysa qof walbo oo Soomaali
ah in wax laga weydiiyo danaha qaybaha Soomaalida oo dhan,Sheekh Cumar
Faaruuqna waa muwaadin Soomaaliyeed,Caalim Soomaaliyeed iyo Siyaasi
Soomaaliyeed oo ka mid ahaa Baarlamaankii qaranku lahaa ee lagu soo dhisay
tuulada carta ee dalka jabuuti,intaas oo dhan ayuuna ku
mutaystay in wax laga weydiiyo arimaha Soomaali oo dhan,Hargaysa
iyo Burcana ka mid yihiin.
Guntii iyo gabagabadii Dadka ku dhaqan
gobolada woqooyi inay yeeshaan aayo ka madax bannaan Shacabka Soomaaliyeed
waa caqli isticmaar oo ay wehliso xiqdi gadhoodhay iyo xikmad yari ay dhaqan
u leeyihiin siyaasiyiinta gobolada woqooyi.waxaana leeyahay soomaali baad
tihiin,waadna ahaan doontaan ee xaqiiqda u soo noqda inta ay goori goor
tahay.
Diyaariye: Daahir Mox’ed
Cali(baasto).
dareerto2003@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan