Ujeeddada Qarsoon ee ka Danbeysa Badinta Golaha
Wasiirrada
Dalka China dadkiisu ka badan yahay 1,298,847,624, waxaa
maamula gole loogu yeero Golaha Dowladda (State Council)
oo u dhigma Golaha Wasiirrada. Wasaaradaha iyo
Hey’adaha kale ee waaweyn waa 27. Waxaa kale oo jira
ilaa 45 hey’adood oo iyaguna hoos yimaad Golaha Dowladda.
Sidoo kale, dalka India oo shacabkiisu gaarayo
1,065,070,607, wuxuu leeyahay 27 Wasiir, 10
Wasiiru-Dowle iyo 29 Wasiir Ku-xigeen. Bal intaana
waxaad ku darsataa dowladda Mareykanka oo ah tan ugu
xoogga weyn dunida. Golaha Wasiirrada ee Madaxweyne
Bush waa 15 Xoghaye iyo lix kale oo iyaguna ka mid ah
Golaha Wasiirrada.
Soomaaliya oo ka mid ah waddamada ugu saboolsan dunida
waxaa dhawaan loo sameeyey Gole Wasiirro ku dhow 100
xubnood iyadoo weliba tirada dadku ay ka yar tahay 10
milyan.
Waxaa dhici karta in dadka qaar daliil ka dhigtaan
xaaladda dagaal ee ay Soomaaliya ku jirto. Haddaba, bal
aan fiirinno dalalkii ay colaadaha sokeeye ka dhaceen ee
dowlad loo sameeyey tirada ay golahooda wasiirradu ka
kooban yihiin. Waxaan tusaale u soo qaadanayaa Liberia,
Siera Leone iyo South Africa.
Tirada Golaha Baarlamaanka KMG ah ee Liberia waa 76
Xubnood. Tirada Golaha Wasiiraduna waa 21 Xubnood.
Sidoo kale, tirada xubnaha Golaha Wasiirrada ee Siere
Leone, sida ku qoran heshiiskii Lome Peace Agreement,
waa 18 xubnood. Dalka Koonfur Afrika, markii ay
doorashadii ugu horreysay ee shacabka dalkaas oo dhami
ka qeyb-qaateen ay dhammaatay, Nelson Mandela wuxuu
sameeyey Gole Wasiirro ka kooban 27 xubnood. Waxaana
lagu daray Golaha Wasiirrada xisbi kasta oo helay in ka
badan 5% doorashada.
Haddaba, waa yaabe, sidee loo macneyn karaa tirada badan
ee Ra’iisul-wasaare Geedi iyo Madaxweyne Cabdullaahi
Yuusuf u sameeyeen Soomaaliya? Maxayse tahay ujeeddada
ka danbeysa? Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi
waxay ku fasireen in ay qasab tahay in beelaha oo dhami
ay iska dhex arkaan Golaha Wasiirrada. Haddaba, taasi
ma run baa?
Aragtideyda, taasi sax ma aha. Sida dunida oo dhan ka
dhacda, dadweynuhu waxay soo doortaan xubnaha wakiil uga
noqonaya Baarlamaanka ama aqallada kale ee xeer-dejinta.
Inkasta oo Baarlamaanka hadda jira uusan shacabka
Soomaaliyeed dooran (oo weliba si qaabdaran loo soo
xulay), haddana, ujeeddada abuuritaankiisa ka danbaysay
waxay ahayd inuu metalo beelaha. Haddii ay xubnaha
Baarlamaanku, si kastaba ha ku yimaaddeene, ay u
dhaqmaan sida lagu yaqaan baarlamaannada caalamka, waxaa
dhici karta in aysan xukuumaddu sidii ay rabto ka yeelin
dalka.
Haddaba, si aysan taasi u dhicin, sababta ay madaxda
Dowladda KMG ahi tiradan u badinayaan waa inay
macno-tiraan Golaha Baarlamaanka. Waxaa u muuqata sida
kaliya ee uu Baarlamaanku ku geli karo jeebka xukuumadda
inay tahay in Baarlamaanka ay ka dhex sameeyaan
Baarlamaan yar oo ay iyagu magacaabeen, dabadeedna ay
ugu yeerayaan Golaha Wasiirrada.
Run
ahaan, wax macno ah oo ay samaynayaan wasaaradaha faraha
badan ee uu doorkoodu isku-soo noqnoqanaya ma jiraan.
Xitaa haddii sidan lagu ansixiyo xilliga dowladda KMG ah
wuxuu dhammaanayaa inta lagu mashquulsan yahay xallinta
khilaafka iyo iska-hor-imaadka doorarka aan kala caddeyn
ee wasiirrada. Doorka Ra’iisul-Wasaaruhuna wuxuu isku
baddelayaa garsoore kala saara muranka ka dhasha
jahwareerka uu isagu abuuray.
Waxay taasi keeneysaa in ujeeddadii loo sameeyey Golaha
Wasiirrada ee ahayd inay hirgeliyaan siyaasadda dowladda
xilliga kalaguurka ah aan la gaarin. Wax kaleba daayoo
in 100 qof oo weliba Soomali ah shirto oo is-dhegeysato,
dabadeedna wax isku raacdo ayaaba aad u adag.
Mashaakilaadka waaweyn ee ku dhacay dowladdii KMG ahayd
ee Cabdiqaasin madaxda ka ahaa waxaa ka mid ahaa in
baarlamaankii uu galay gacanta Madaxweynaha. Taasi
waxay keentay in mar walba la adeegsado baarlamaanka.
Sida
muuqata, Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Maxamed Geedi waxay
cashar wanaagsan ka qaateen dowladdii Carta. Maaddaama
lagu tuhmayo inay doonayaan inay hirgeliyaan arrimo
farabadan oo ugub ku ah siyaasadda Soomaalida,
tallaabada ugu horreysa ee ay awoodda oo dhan gacantooda
ku soo geli karaan waa inay jagooyin farabadan oo maran
u qeybiyaan xubnaha Baarlamaanka.
Waxaan qabaa in danta Soomaalidu ku jirto in hey’adaha
dowladdu ay is-dheelli tiraan. Sidaas darteed, waa in
aqoonyahannada, xubnaha Baarlamaanka, saxaafadda iyo
ururrada bulshada rayadka ahi ay culeys ku saaraan
xukuumadda inaysan awoodda siyaasadeed ee dalku gelin
gacan hal ama laba qof. Malaha tallaabooyinka ugu
horreeya ee ay tahay in la qaado waa in miisaaniyadda
Baarlamaanka laga saaro gacanta Madaxweynaha iyo
Ra’iisul-Wasaaraha. Waa inaysan dhicin in mushaarka
loogu qeybiyo xubnaha baarlamaanka qado ujeeddo badan ah
dusheeda. Sidoo kale, waa in lagu qasbo xukuumadda in
la yareeyo tirada wasiirrada. Wax ka badan 15 wasiir
waa waqti lumis. Ugu danbeyntii, waxaa ila quman inta
uu ay madaxda Dowladdu isku mashquulinayaan inay qabiil
walba ka keensadaan qofka SRRC-da u janjeera, inay
xaqiiqada wajiga saaraan oo la gorgortamaan dadka ka
aragtida duwan ee dowladdooda waxyeelleyn kara.
Afyare Cabdi Cilmi
Edmonton, AB
qormooyinka@hotmail.com