Dadyowga dunidu kala
ayaan, hoodo iyo nasiib badan. Wadama dhan ayaa waxay ka tanaasulaan
ujeedadooda iyo damacooda si ay u badbaadiyaan hal qof oo keliya oo iyaga ka
dhashay oo cadow gacantii galay. Qowmiyado dhan ayaa waxay ku halaajiyaan
kumanaan nafood iyo maal aan lasoo koobi Karin sidii ay sharaftooda oo lagu
xadgudbay usoo dhacsadaan. Alla qofka ka dhashay qowmiyadahaasi sharaf
badanaa! Yaa ka laandheereysan!
Waxaaba intaa ka sii
xag jira in marka qof ka mid ah dadkaas caqliga u saaxiibka ahi uu guto hawl
qaran ama uu noqdo hawl gab in la dhowro sidii dhala jabaysa oo adduun iyo
raaxo horey loogu salaxay uu dhex dabaasho. Waxaad suuqyada iyo makhaayadaha
ku arkaysaa kiiyoo xidhan bilado iyo koofiyado ama dhar waa hore lagu
sharfay oo shaqa wanaag loo siiyey. Waxaad kaloo milicsanaysaa gawaadhida ay
wataan oo ay taargadooda ku qortaan hawlaha kala duwan ee ay u soo qabteen
wadankooda. Tusaale ahaan haddii uu qofkani ahaa askari u soo halgamay
wadankiisa oo ka soo qayb galay dagaalo kala duwan, wuxuu ku qortaa taarkada
baabuurkiisa sidan: “ waxaan ahay halgamaa hawl gab ah”, “ waxaan ahay
askari hore oo ka qayb qaatay dagaaladii Fiyentnaam, Ciraaq iwm”. Waxaad
arkaysaa dadkan hawl gabka ah oo ka mid ahaa ciidamadii hore oo ka
sheekeynaya dhibaatadii ay u soo mareen xoreynta wadamadooda, difaacida
dalkooda iyo sidii ay u soo kifaaxeen. Waxaa marar badan dhacda in ay iska
muraaqoodaan oo illintu ka soo daadato marka ay xusuustaan waayo waayo ama
marka ay qaadayaan heesaha wadaniga ah iyo hal ku dhegyada ciidamadii ay ka
tirsanaan jireen sida kuwa ay leeyihiin ciidamada Mariiniska ee Mareykanku
ee aan xafidi jirey waagii aan qortay ciidamadaas “Nasan maayo ilaa aan soo
taabto xeebaha Triboli ama aan soo burburiyo Timbuktuu”. Sidaasoo kale
ayaanu u lahayn heeso wadani ah ama hal ku dhegyo lagu amaanayo Xooggii
Dalka: “ Waa Xoogga dalka, wa Xooga Dalka Xamdi baa leh”, “ Cabsan mayno
maanta cudud baanu leenee…”, “ Ciidankiyo Xoogga Alla ha ciseeyo”iwm.
Haddaba Cududda iyo
Ciidanka lagu faano waxay qolo waliba u dhisatay in ay cadowgeeda dibada iyo
kan gudaha casharo lama ilaawaan ah siiso. Waanu garanay cadawga dibadee,
kan guduhu waa kuma?. Kan
guduhu waa kuu eke kaa eke ah, kula jire kaa jire ah, kula hadle kaa hadle
ah iyo kula dire kaa dirire ah. Cadawgan khatarka ahi ee jirjiroolaha ahi
haddii uu bulsho ku dhex beermo si looga badbaadin karaa way dhib badan
tahay in salka hoose laga rujiyo mooyaane. Wuxuu jirjiroolahani sida
saarsaarka isku duuduubaa bulshada uu asal ahaan ka soo tafiirmay si uu ugu
dhex badbaado isagoo ku baraarujinaya in ay yihiin kuwii la doortay, kuwii
sarreeyey, kuwii laandheeraha ahaa iyo kuwii aan bulshooyinka kale la dhaqmi
Karin ayna khasab tahay in ay ka fogaadaan. Daljiraha ay ummaduhu ku faanaan
wax iska caabintooda ayaa lafahooda uga baqa Jirjiroolaha waayo wuxuu isku
marmaray carruur, ciroole, maato iyo rayid uusan dan iyo muraad ka lahayn
baaba’ooda kol haddii uu isagu dantiisa ku gaarayo.
Waxay dhibaatada
Jirjirooluhu sababay ka dhacday meelo badan oo dunidan ka mid ah, waxaana
laga dheefay halaag iyo baaba’ mood iyo noolba leh. Waxaanu tusaale usoo
qaadanaynaa tii ka dhacday Soomaaliyadii hore kadib markii Jirjiroolayaashii
SSDF, SNM, SPM iyo USC ay afartuba duulaan ku soo qaadeen deegaano nabad iyo
caano ku jiray iyagoo inbadan ku laayey Xooggii Dalka iyo shacabkii deganaa
meelahaa ay duulaanka ku soo ahaayeen. Jirjiroolayaashan isku ujeedada ahaa
ayaa waxaanu kala soo dhex baxanaa SNM oo iyadoo dabaal joogtaynasa moolka
Hargeysa iyo Burco soo dhex istaagtay. Waxaa suuqyada lala maray sidii
iyadoo la roob doonayo maansooyin ay ka mid ahaayeen: “
Waxba dhoowran meynee cirkow dhagaxya soo daadi”
! Daljire oo aad u necbaa in Jirjirooluhu uu magaalo weyn soo galo
ayaa waa ku beryey. Wuxuu Daljire dib ugu noqday taariikhihii hore iyo sidii
ay dadyowga dunidu ula dhaqmeen marka jirjiroole ka buuxsamo magaalo weyn oo
uu weliba taageero ka helo shacabka deegaanka. Wuxuu Halyey Daljire akhriyey
taariikhdii Dagaalii Sokeeye ee Mareykanka iyo sidii gobolada koonfureed loo
caburiyey lagana hor istaagay riyadoodii ahayd gooni isu taaga, sidii
Daraawiishtu u wiiqday gaala raacyada, sidii Turkigu u dulmaray Qubrustii la
doonayey in afka lagu rito, sida Ingriisku u cabudhiyo oo uusan u ogolayn
Ayrishka doonaya dibad u baxa iwm.
Jaalle Daljire oo
noloshiisa, hamigiisa iyo fikirkiisuba ay tahay ka difaacida dalka hooyo
cadowga gudaha iyo ka dibeda ayaa Jirjiroole jiif cabee u galay. Halkaa
waxaa lagu galaaftay maatadii iyo shacabkii nabada u deganaa inta uusan
Jirjirooluhu saar-saar ku noqon. Jirjiroole oo aad u careysan, bacad cidla
ahna taagan, sida dabangaalahana marba kor u taagsanaya si uu u ogaado in
Daljire gabalkiis dhacay ayaa lagu wargeliyey in Faqashtii ay mid fiigta,
mid faniinta iyo mid aan fiyoobayn ka dhigtay Jirjiroole USC iyo SPM.
Maalinkaa Jirjiroole SNM qamaamkii iyo fadalkii ka baxay waa la ogaa! Waxay
SNM-tu timid beled ay ku nooshahay bulsha weyn Soomaaliyeed oo nooc walba
leh, waxaana sida balka loo shafay bulshadii aan SNM ahayn. Waxaa lagu
qamaamay xeryihii qaxootiga ee ay ku jireen maatadii ka soo qaxday Ogadeenya
ee ku yaalay duleedka Hargeisa.
Halkan ka akhri
Xasuuqyadaas rayidka
aan waxba galabsan ee SNM-tu u horseeday dadkeeda iyo tii ay u geysatay
kumaankunka aan u dhalan deegaandaas ay soo gashay ayaa waxaa
mas’uuliyadeeda dusha looga tuuraa Daljire gudanayey waajibaadka ka saaran
dalkiisa inuu ka difaaco cadowga gudaha iyo kan dibedaba. Waxaa beryahaan
soo badanaya dacwooyinka loo geysanayo mas’uuliyiin jago sare ka hayey
dowladii galbatay ee in badan ay maanta iska ilmeeynayaan marka ay soo
xasuustaan. Mas’uulkii ay Daljireyaashu jeclaayeen ee weligii usoo taagnaa u
adeegida waajibaadka ka saarnaa dalkiisa iyo dadkiisa ayaa waxaa maanta nala
barayaa waa denbiile dagaal. Waxaa la soo dhoodhoobay in Gen. Cali Samatar
uu yahay ninkii ka danbeeyey burburintii Magaalooyinkii Waqooyi iyadoo aan
marnaba la sheegeyn in ay eeda leedahay SNM, tahayna in madaxda SNM-ta
maxkamad la soo taago. Waxaa in badan lagu soo eedeeyey ama meela badan lagu
qoray in SNM-tu qoriqaadkeedii hore iyo markii ay Beled-Amiinkii soo
galeenba ay dadka xasuuqayeen. Waatan warbixintii uu ka diyaariyey
Michael Johns.
“Nonetheless, the number of accusations
against Siad, coming from diverse sources, leave little doubt that a very
serious human rights problem exists in Somalia. But such abuses are not
restricted to the governments. Somalia's major armed rebel movement, the
Somali National Movement, also has been criticized for violating human
rights. According to Gersony: "During the first three months of its 1988
offensive in northern Somalia, SNM combatants killed unarmed civilians in
individual instances which together may have resulted in the deaths of at
last several hundred or more persons . . . .
During its presence in Burao (in northern
Somalia), the SNM conducted summary executions of fifty or more prisoners,
some after perfunctory court martials."
(n16)
The fierce
tactics of both the government and the SNM in northern Somalia have forced
some 400,000 Somalis to seek refuge in Ethiopia.
Jirjiroole SNM oo
waayadii hore waxay gumaaday aan cidi iswaydiin ayaa maanta ku fashilantay
in ay adduunka ku maslaxdo kuna sasabato in ay tahay Dimuqraadiyad aan la
mid ahayn Soomaalida kale ee waxshiga ah. Waxaase la yaab leh meesha ay
cadaawadu ka gaadhay iyagoo u dhiibay cadawga Soomaaliya dadyow badan oo
masaakiin ah oo u arka in Hargeisa ay tahay dhulkoodii kuwa kale oo badana
soo masaafuriyey soona tubay maato, carruur iyo duqow banaan cidla ah oo
halkaasi ay ku dhamaadeed dad aad u badan.
Waxaa kaloo jeelasha
uu maamulo ninka ku caanbaxay gumaadkii Reer Waqooyiga ee ahaan jiray NSS uu
ka buuxiyey dadyow fara badan oo aan u dhalan Goboladaas ama kuwo u dhashay
oo diidan riyadooda ay ka dhex arkeen sunta cagaaran. Waxaa kaloo xusid
mudan sidii ay ula dhaqmeed maxaabiistii dagaal ee la qabtay iyagoo
difaacaya dalkooda iyo qaranimada Soomaaliyeed diidana in wadanka la kala
gooyo. Waxaa nimankaas qaar ka mid ah lagu dhex laayeen xabsiga Burco kuwii
kalena ay la taahayaan hawlaha ay ku caan baxday NSS-tu. Waxaa wax dhaqan,
diin, aadnimo ka fog ah markii Daljirayaashaas laga soo saaray
meydkoodii oo dhiig ka daadanayo Tv. Hargeisa:
“Waxaanu maantana idiin haynaa Faqashtii oo dhiigu ka sayrmayo…..”.
Waxaaba intaa ka sii
daran tan haatan taagan ee ah in madax furasho loo haysto gabadh yar oo la
silic mardaamiyey. Runtii gabdhaha Soomaaliyeed meel walba waa ku dhiban
yihiin, laakiin arrinta Zamzam ayaa ah mid u
dhexeysa SNM Dawlad ah iyo Saqiir yar oo waxay galabsatay aan la garanayn.
Waxaan isleeyahay NSS-tu maadaama ay sanooyin badan xagga maanka iyo
muruqaba ka jafaysay SNM-ta, maanta oo NSS-tii ay madax tahayna Jirjiroole
SNM ma hadli karaa?
Waxaa kaloo ay
kooxdan mudiciga ahi ee magacyadooda qarisay ku doodayaan in marxuumiintii
xaqdarada lagu laayey ee Jaziira uu ka danbeeyey Gen. Cali Samatar. Laakiin
waxaa xusid mudan in qaar ka mid ah dadkani lagu xanto in ay dad badan oo
rayid ah ku laayeen Muqdisho markii ay dowladii burburtay iyagoo u aargudaya
marxuumiintii Jaziira!. Waxaa kaloo xusid mudan in qolyahan qaylinayaa ay
maalinba meel ku nasiibsadaan. Kal hore ayay ahayd markii ay Madaxweynihii
hore ee C/ Qaasim ay ku eedeeynayeen inuu arrintaas xasuuqa ah ku lug lahaa,
maantana waa Generaalka.
Akhri halkan
Sidoo kale ayaa Cali
Duul-duulayaashani ay kal hore sheegeen in ninka burburiyey Magaalooyinka
Waqooyi uu ahaa Gen. Gaani, maantana waa Cali Samatar.
Halkan ka akhri
Haddaba waxaan
halkan ka cadeynayaa in aanan marna ku faraxsanayn qof biniaadam ah oo aan
dambi lahayn in waxyeelo loo geysto. Reerka Soomaalna maanta meel u fiyoow
baaba iska yar. Laakiin waxaan khalad u arkaa in mas’uul dawladeed maxkamad
la soo taago iyadoo lagu eedeynayo Xasuuq iyo xadgudub, isla markaana
fidnawadayaashii bilaabay dhibaatada oo iyaguba xasuuq ba’an sameeyey loo
aqoonsado Mujaahidiin ayna madax u yihiin masaakiintii ay xabada isaga
dhigeen. Waxaan kaloo arkaa in Gen. Cali Samatar loo xushay in magac iyo
mansab lagu raadsado ama layska dhaadhiciyey inuu ka soo jeedo qoys aan tiro
iyo tabar lahayn sida ay ila qabaan ee ay soo qoreen dadyow badan oo qalbi
furan. Laakiin, ogow in Generaalku uu yahay nin Soomaaliyeed oo qadiyad iyo
wadaninimo leh, SNM iyo Soomaalina, Soomali baa badan! Soomaaliduna aad ayay
u taageersan tahay samata bixinta halyeygooda sidii laysugu dhaarsaday
shirar badan oo ka dhacay meelo badan oo kala duwan oo uu ka mid ahaa
kii ka dhacay Magaalada Minneapolis.
Waxaan ku soo
gabagabeynayaa Sidii Halyeygii Ayax Dhowre uu yidhi:
-
Qalbi ma lihid
shaydaad hadduu qaalib kaa yahaye
-
Fara yari ninkii iga damcaa waw
quluub xuma-e
-
Waa qawlal low
kaaga dhacay talada qaarkeede
C/rahman Eelay
eediran@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan