Yaa difaaci doona maandeq!!!?
Difaacu waa shayga ugu muhiimsan oo
ay leedahay umad leh dall,dowlada, sharci iyo asataan qaran oo lagu
aqoonsado, wuxuuna ka mid yahay waxyaabaha ugu waaweyn oo lagu
qiimeeyo dall kasta iyo dadd kasta, hadii uu san jirin waxyaabahaas
aan kor ku soo sheegnay uu san imaan karin wax la yiraahdo difaac
mudana in lays weydiiyo waqiyadaan oo kale.
Maan deeq waa hal geel ah oo ka
qurux badan geela intiisa kale xaga midabka, qoodha, hilbaha iyo
caanaha, waana hal si weyn loo jeclaa inuu lahaado qof kasta oo reer
mii ah, hasha tilmaantaa iyo wax ka sii badanba leh ayey soomaalidu
ku mii thaalisaa dowladnimadeeda.
Oraahdaan yaa difaaci doona
maandeeq badanaa waxaa adeegsada marka odayaasha geel jirka ah ee
iska lehgeela ay ka baqaan xiliyada colaadaha ama ay degaan dhul
dugaagu uu ku badan yahay oo ay ka tagaan wiilashii raaci jiray
geela galaana magaalooyinka ama intay aadaan meelaha ka jira dagaal
beeleedka dabadeedna ay ku soo haraan halkaas iyo waxaa kaloo jira
kuwo ay lka layso cudur iyo gaajo daran dabadeedna odaygii iyo
xaaskiisa ay u soo haraan geela.
Tan iyo markii uu burburay
maamulkii dalka waxaa jira isbedelo fara badan oo ka dhacay dunida
inteeda kale, is bedeladaas waxaa ka mid ah horumarka dhinaca
dhaqaallaha, wax-barashada, ganacsiga iyo siyaasada.
Dowladaha deriska anyu nahay ayaa
mudadii 14 sano waxaa ka dhacay is-bedell xaga mas'uuliyiinta ugu
sareysa sida itoobiya waxaa ka dhacay is-bedell weyn oo xaga isku
duubninada weyna kala qaybsantay waxayna doonaysaa in soomaaliya ay
kala qaybsanto sida iyada oo kale, waxaa keloo jira waxaa isku
bedelay 3 madaxweyne iyo hal ra'iisul wasaare, sidoo kale waxaa
soomaalida zoonka shanaad la siiyey is maamul goboleed hoose,
jabuutina
waxaa ka dhacay doorasho madaxweyne,
dalka kiiniya isaguna waxaa ka dhacay doorasho madaxweyne taasina
waa lagu guulaystey in kii hore lla bedelo, sidoo kale weli waxaan
ku dhex jirnaa meelaha soomaalidu sida khaaska ah ay u xiisayso
waxaana ka mid ah dalka maraykanka isna waxaa ka dhacay doorashadii
shanaad oo dhinaca madaxweynaha ah iyaduna waxaa ku guulaystay
labadii ugu danbeysay bushka yar halka soomaalidu intaas ay is
dilaysay iyadoo isku haysata qabashada mas’uuliyada ugu sareysa,
taasoo ay ku burburtay hantidii qaranka, nidaamkii , kala danbeytii
iyo sharaftii ay lahayd soomaalidu oo uu gacanta ku hayn jiray
taliskii militeriga.
Taliskaan meliteriga waxaa maamuli
jiray saraakiil tababar kala duwan leh in kastoo qaar ka mid ahlagu
toogtay xiligii dagaalkii soo baxaydii 1978dii intii soo hartayna
kuwa ugu badan waxaa laga dhigay shibil sida ay qoreen khabiiro
soomaaliyeed, waxaase laga reebey kuwo yar oo fara ku tiris ah marka
loo fiiriyo fara badnaantii ay qabeen.
Ciidamada xooga dalka soomaaliyeed
waxay lahaayeen qaybo kala duwan sida 21,26,27.54,60,77 iyo sedax
saldhig oo waaweyn, tiro ahaana waxay ahaayeen kuwo ku filan geeska
afrika xaga khibrada iyo tayada awoodooda dagaall waloow ay u
badanaayeen dhalin yaro reer mii ah waxaana yaraa aqoontooda diinta
iyo tan maadiga balse waxay ka sinaayeen difaaca dalka , dadka iyo
diinta cadaawad kala dhaxaysey soomaaliya iyo itoobiya darteed.
Taasina waxay keentay in ciidamada
aqoon la’aantooda ay ka faa’iidaystaan saraakiil aqon gurucan leh
kuwaa soo si fudud ku hantay mooralkii ciidanka iyagoo adeegsanaya
farsamooyin ay ka mid tahay qabiilka, dhaqaalo ay ka helayeen
ganacsato waaweyn oo soomaaliyeed iyo taageero shisheeye qarsoonaa,
taasina waxay dhalisay in ciidamadii ay ku soo jeestaan dalkii iyo
dadkii halkaasna ay ku kala jabaan awoodii ciidanka kadibana iyaga
gudahooda laysu adeegsado iyagoo kala u kala saftay kuwo difaacaya
maamulka iyo kuwo kusoo duulay waxaana meesha ka baxay awoodii iyo
isku duubnidii ciidanka xooga dalka soomaaliyeed iyo sharaftoodii.
Hadii aan si foojigan u eegno
shirka dibu heshiisiinta soomaalida oo hada lugaha la siigeley
sanadkii sadexaad ayaa waxaa hada inoo muuqda marka hore in la
dhisay baarlamaan iyo gudoomiyihiisa iyo gudiyadiisa, waxaa ku xigay
doorashadii madaxweynaha.
Madaxweynuhna isna wuxuu magacaabay
ra’iisul wasaare waxaa dhacaday in ra’iisul wasaaruhu uu soo dhiso
dowladiisii intii uu soo dhisayey waxaana ka dhacay waqtiigii intii
wada tashiga uu ku jiray taasoo ay ku qabsadeen isagoo weli aan
helin codkii kal soonida kadibna baarlamaanku uu cod u qaaday
sidaasna ay ku ogolaadeen 153 xildhibaan in la rido dowlada.
Madaxweyne C/llaahi yuusuf ayaa
arinkii ay isku haysteen baarlamaanka iyo ra’iisul wasaaraha soo
kala dhexgalay kadibana sida cidaacaduhu ay aan ka maqalnay
madaxweyne C/llaahi yuusuf wuxuu mudo afar iyo labaatan saac
gudahood ku magacaabay markii uu ogolaaday in dowladu ay dhacday
ra’iisul wasaarihii hore ee Prof; cali maxamed geedi.
Ridida dowlada Prof; geedi ayaa
dadka qaar waxay qabaan in digniin ay u tahay madaxweyne C/llaahi
yuusuf, halka baalamaanku ay ku sheegeen inuu sameeyey tijaabo xaga
awooda ah,. Waxaa kale dadka qaar ay carabka ku adkaynayaan in hadii
ra’iisul wasaaraha codka la siiyo keligiisa u codaynta dowlada uu
soo dhisayo aysan wax micna ah samaynaynin waxayna ku sababeynayaan
ra’iisull wasaaraha iyo dowladiisa waxaa muhiimsan isaga mar hadii
isaga la aqoonsadana dhisida dowladana ay ku adkaandoonto
aqbalideeda qaabka loo aqbalayo halka dadka qaar ay is weydiinayaan
hadii uu ku guulaysto raysul wasaaraha dhismaha dowlada, goormuu soo
dhisidoo safiirada qabiilka!? Maxayse noqondoontaa qaabka loo soo
xuli doono? Ma kuwo aqoon u leh bay noqondoonaan safiirnimadooda?
Mise kuwii hore ayaa sii joogi doona? Ayaguse 4.5 ma ku joogaan
hada? Hadiise la raaco 4.5ka maxaa dhib ah ayaa imaan kara!!? Runtii
waa su’aalo adag mudanse in soomaalaidu ay isla garato danteeda guud
iya tan gaarka ah.
Dhinaca kale markii lagu dhawaaqay
inuu dhamaaday wada hadaladii shirkii dibu’heshiisiinta ayaa waxaa
soo if-baxay dilall loo geysanayo saraakiishii ciidamada xooga dalka
iyo aqoon yahano kale oo ka mid ah soomaalida eek u sugan magaalada
muqdisho, taasoo dadku ay ka bixinayaan warar kala duwan sida waxaa
ka mid ah saraakiisha la dilay ayaa lagu shegay inay u shaqaynayeen
hay’adaha UNka iyo hay’adaha kale ee caalamiga ah ee ka hawlgala
dalka iyagoo kula shaqaynayey si dadban,halka kuwo kale ay ku
sheegayaan in qaar ka mid beelaha soomaalida saraakiishoodii ay ku
baaba’een dagaaladii sokeeye marka si ciidamada marka la dhisayo oo
laga yaabo 4.5ka in lagu dhiso marka si aan looga sarkaal badin ama
xaga darajada,dadka qaar ayaa waxay isla dhex-marayaan waa yaab lama
garanayo cida ka danbeysa falkaan waxash-nimada ah waxayse ka
walwalsan yihiin inuu falkaan keeni doono dagaal gacan kahadal ah oo
ka daran kii 14 sano la soo maray mid ka daran.
Dadka qaar ayaa waxay tibaaxayaan
in maraca dowladu ay gaarto xiliga dhismaha maamul goboleedyada ay
keeni doonaan dagaalo beelaha wada degan deegaaanka iyo kuwa beeha
dhexdeeda, taasoo laga yaabo in laysku qabsado dhismaha madaxweyne
goboleedka,wasiiro goboleedyada iyo baarlamaanka sida look ala
mudnaan helidoono runtii waa dhismo dhib badan
Astaamaheedna waxaa ka mid ah
dagaalada ka soo cusboonaadey sool iyo sanaag iwm halka magaalo
madaxda jubada hoose ee kismaayo oo si dadban dagaal ugu soo
foolanaysa.
Magaalada muqdisho ayaa dadku waxay
ku sheegayaan inay lumisay kalsoonidii DFKGM maadaama ay noqotay
magaaladii ugu horaysay oo fal denbiyeed ka gasha saraakiisha
ciidanka iyo aqoon yahanadii mustaqbalka difaaci lahaa dalka iyada
dhexdeeda taasoo ilaa iyo hada aan muuqan calaamado looga hortegi
karo arimahaas siina siyaadaysa cabsidii maalinba maalinta ka
danbaysa, waxaana jira hadal hayn isasoo taraysa oo ah in dalka ay
ku soo fool leeyihiin ciidamo shisheeye oo ay ugu horeeyaan
dowladaha deriska oo hub ka dhigis ku sameeya maleeshiyooyinka
soomaalida, kadiban iyagii dib loo tababaro taasina ma muuqato,
shacabka soomaaliyeed waxaa uu muujinayaa dareen fara badan oo ku
aadan dhinaca ciidamada shisheeye.
Hadii aan u soo daadegno dulucda
maqaalkeena oo ahayd YAA DIFAACI DOONA MAANDEEQ!!!? Inta aynaan ka
jawaabin waxaa jira shirar kala duwan oo ka kala dhacay dalka
jarmalka, ithoobiya iyo kiiniya oo dhamaantoodba ay ka mid yihiin
sidii soomaalida hal weji loogu samayn lahaa , hadii aan ka jawaabno
su’aasheenii ayaa waxay tahay lama hayo sababtoo ah ciidankii
difaaci lahaa oo dhamaantood ku kal biiray beelahoodii, saraakiishii
oo noqotay qaar soo hogaamiya ciidamada shisheeye, qaarna ay
nooqdeen kuwo hawl-gab ah halka kuwa kale ay ku dhinteen ugaarsi iyo
dhimasho caadi ah, waxaana qarnigaan 21aad la kowsaday in qaran
dhisan la burburiyo kadibna la yiraahdo waxaan idiin dhisaynaa
dowlad ka fiican, tusaalena waxaana inoogu filan Af-gaanistaan iyo
Ciraaq welina aan la soo af-jarin barnaamijkooda kuwii horboodayeyna
arimahaasna manta way eedeen guntii iyo gababgebadii shacabka soo
maaliyeedoow manta ma is weydiisay su’aashaan YAA DIFAACI DOONA
MAANDEEQ!!!?,hadaadan is weydiin gooray ahaataba waa laysweydiin
doonaa ee maa lays daba qabto.
W/Q: Maxamed Mcalin Cismaan(Allman)
Emeil:
fatxumaalik@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan