Na soo tarxiila bal aan is aragnee
kuwa dawlad la’aan na dhigay iyo annaga
Dhowaan waxaa la filayaa dad
Soomaaliyeed oo badan in laga soo tarxiili doono dibadaha gaar
ahaan galbeedka. Dalalkaas oo ku faani jirey inay yihiin dad aqoon
leh oo xuquuqal insaanka ilaaliya oo demoqraadiyadda iyo freedomka
dunida ku fidinaya. Sheegan jirey inay cadaaladda ku dheereeyaan
boorin jirey in dadka kala dhaqanka ah ama kala diinta ah ama kala
midabka ah wada jir iyo deris wanaag u wada noolaan karaan ayaa
bilaabaya inay Soomaalida soo tarxiilaan.
Marka koowaad In Soomaalida la soo
tarxiilo wax xun maahan. Dhabtii waa fiican tahay waayo wadankooda
ayey wax u tarayaan. Ilbaxnimada ay ka soo barteen dunidana waa loo
baahan yahaya inay ku soo celiyaan. Soomaaliyana waa u baahan tahay
waayo waa dad ilbaxnimo soo kororsaday ugu yaraan waxay soo barteen
4 tan arrin, laakiin intan kuma koobna
1) In haddii meel wax laga
rabo sida loo soo kala horeeyey saf loo galo ee aan la is ku dur
durin sidii xoolahii (somaalida). Saf u gelidda basaska, bangiyada,
meelaga tikidhada laga goosto.
2) In aan lagu qoslin qof
haddii uu xubin la’ yahay ama aan loogu yeerin xubinta uu la’yahay
sida ilay, lugay, gacamay, afweyne, afey, af qalooc, san go iwm
3) Wadaninimada. Qofku inuu
jeclaado dalkiis oo uu daacad u noqdo ama uusan u ogolaan jabhado
ama mucaarad xun ah inay wadanka burburiyaan ama xataa nafta loo
huro oo aan la ogolaan musuq maasuq. Waxaa la dhihi karaa
wadaninimada waa shayga ugu muhiimsan ee dibadda laga soo barto
waayo qurbo joogta waa la ciilaa ilaa la dhadhansiiyo qiimaha dhulka
iyo dawladnimo iyo shacabkiisa.
4) In wada hadal xal lagu
gaari karo xal sidoo kale sabir ama isu tanaasul. Qabiilna uusan
run ahayn ee uu yahay dhaan dabangaalle iyo waxba kama jiraan.
Haddii dawladdu xumaato aan qori la qaadan ee caqli lagu rido. In
la wada noolaan karo ayadoo fikradaha la isku diidan yahay “accept
the differece” iwm.
Maraykanka oo keliya waxaa laga soo
wadaa ilaa 8,000 oo qof oo Soomaali ah waxaana ay ku dhawaaqayaan
“haybad waxaad ku leedahay dhulkaaga hooyo- waana lama huraanee
hagar li’i wax ugu qabo waana lama huraanee hagar li i wax ugu qabo”
Dadka qaar waxay ba aaminsan yihiin
in Soomaalida oo dhan xataa kuwa gudaha jooga in mar dibadda loo
diro oo qaxooti laga dhigo si ay u bartaan macnaha dawladda iyo
nidaamka iyo wadaninimada. Meelaha lagu barto qiimaha qaranimada
waxaa ka mid ah Kenya oo ay ka socoto leeta beesa kitanbulusha.
Waxaa kale oo ay soo barteen habka xukuumadaha loo dhiso ama ayadoo
aan qori la qaadan loo saxo dawladda haddii ay qaldanto.
Dadka la soo tarxiilayo qaarkood
ayaaba ciil u qaba jabhadihii riday dawladdii Soomaaliya ee u
danbaysay sida SSDF USC SNM SPM iyo warlordska waxa kala qabsada
hala dhowro. Dadkaasi waxay aaminsan yihiin in haddii aanay
jabhadahaan ahayn iyo warlordska Soomaaliya aanay sidan u silicdeen
hassan warankulule
warankulule@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan