-
Kismaayo: Barre
Garweyne oo La
Dhaawacay
-
Cashuur Dheeraad
ah oo Lagu Soo
Rogey Qaadka
Kismaayo
-
GABOOYAHA OO MAR
LABAAD KA QADAY
DAWLADA PUNTLAND
-
Beesha Tanade Darood
oo Warqad Furan
u Diray Cadde
Muuse
Labo qof ayaa
si xun loogu
dhaawacay
magaalada kismaayo
kadib markii
maleeshiyo hubaysan
oo maas-garaati ah
ay rasaas la
beegsadeen ayagoo
markaa ku sugnaa
meel maqaayad ah oo
ay shaah ka cabayeen
Jan 30, 2005
Labadaan qof oo ay
habeenimadii Sabtida
maleeshida
rasaaseysay ayaa
waxaa ka mid ahaa
nin lagu magacaabo
Barre garweyne oo ka
mid ah maamulka
isbahaysiga dooxaga
jubba ayadoo marka
ay maleeshiyada
rasaaseynaysayna ay
ku sugnaayeen meel
maqaaxi ah oo shaaha
laga cabo,
Lama garanayo
sababta dhabta ah ee
ka danbaysa dhaawaca
dadkan loo gayestay
ayadoo aan sidoo
kale lagaraneyn cida
falkan gaysatay
waloow ay jiraan
baaritaan xoogan oo
loogu jiro sidii loo
heli lahaa dadkii
falkaan gayestay,
Hadaba dadka falkaan
gayestay ayaa waxay
ahaayeen dad ay
wajiyada u
daboolnayeen oo
masgaraati ah
waxayna ku
hubayesnayeen
qoryaha fudud oo loo
yaqaano ak 47
waxaana dadkii
dhaawaca ahaa la
geeyay isbitaalka
guud ee magaalada
kismaayo ayadoo
xaaladooda caafimaad
ay wanaagsantahay.
Waa markii ugu
horaysay oo fal
cayen kan oo kale ah
oo ay fulinyaan dad
maasgarataysan lagu
dhaawaco ama lagu
waxyeeleyo dadka ku
dhaqan magaalada
kismaayo gaar ahaan
xubno ka tirsan
maamulka isbahaysiga
dooxada jubba tan
iyo intii magaalada
kismaayo ay kacanta
ku hayeen maamulka
isbahaysiga dooxada
jubba.
Muran ka taagaan
Cashuurta Qaadka
Dhanka kale waxaa
wali muran ka jiraa
qaabka uu maamulka
isbahaysiga uu u
qoondeeyay qaadida
lacagta canshuurta
ah ee laga qaadayo
Qaadka soo gala
magaalada kismaayo
ayadoo ay Jimacadii
ka mudaharadeen
dadka ka ganacsada
qaadka oo sheegayay
in lagu badiyay
lacagta canshuurta
ah ee laga qaadayo
qaadka.
Ayadoo
Sabtidi shalayna
laga dareemayay
magaalada kismaayo
Qaad la'aan taasoo
daba socotay
mudaharaadkii ay
sameeyeen dadka ka
ganacsada Qaadka oo
doonaya in laga
khafiifyo canshuurta
adag ee laga qaadayo
Qaadka maamulka
isbahaysigana ay
sheegeen in aysan
kaga dabcinayen
qiimaha canshuureed
ee laga qaadayo
Qaadka.
cabdi qadar nuur
maxamed (filipiin)
kismaayo soomaaliy
cabdiqadar84@hotmail.com
GABOOYAHA OO MAR
LABAAD KA QADAY
DAWLADA PUNTLAND
Qoomiyada gabooyahu waxay degaan dhammaan degaamada puntland goboladiisa, dadkani waa
muwaadiniin oo waa loo ogol inay dalka u dhintaan markii degaanka dhibi soo
wajahdo,balse markii ay dhacdo in qabiilooyinka puntland wax qaybsanayaan dadkan
waxaa loola xisaabtamaa sidii inay yihiin qaxooti degaan kale ka yimi, runtii waa
laba aan is qaban karin caqliga caafimaadka qabaana aanu ogolaan karin,dadkani
gudaha puntland waxay ku la' yihiin wax kasta oo ay mujtamaca ula sinaayeen, sida
waxbarshada, shaqada, maamulka iyo khayraadka degaanka,balse ogow dhamaan
waxyaabahaas aan soo sheegnay waxaa lagu qaybsadaa qabiil ,xataa dawlada waxaa lagu
dhisay qabiil, sow wax lagu wareero iyo dulmi ma aha waxa ummada walba oo degaanka
degan waxooda uu diyaar u yahay,loona ogol yahay inay doortaan cid metesha halka aan
gabooyaha xisaabta lagu darsan,
Gabooyahu waa qatanaayeen waqtigii cabulaahi yuusuf degaanka xukumaayey, waxayna
filayeen in dulmigaas wax iska bedelayaan haddii maamul cusubi yimi,basle
madaxweyne cadde kama leexan wadadii adeer cabdilaahi dhawaaqii gabooyahuna waa
taagan yahay ,hadaba anagoo ku hadlayna codka gabooyaha dhammaan siiba jaaliyada
gabooyaha waqooyiga america,iyo ururka u hadla dadka laga tirada badan yahay(somali
international minorties of america )waxaan maamulkaas ka sugaynaa inuu si dhaqso ah
wax uga qabto cadaalad darada qowmiyada gabooyaha la baday,taas oo ah wax aanay
ogolayn sharciga ilaahay iyo sharciyada bini'aadanku samaystayba.
wabilaahi towfiiq Hussein Dualeh Dahir
daahirjama@yahoo.com
Beesha Tanade Darood
oo Warqad Furan u
Diray Cadde Muuse
Bismilaahi Al-Raxmaani Al-Raxiimi
In the name of allah the most Gracious, And the Most Merciful
KU: Madaxweynaha Ismaamul Gobaleedka Puntland
Mudane. Cadde Muuse
KU: Golaha Shacabka Ee Ismaamul Gobaleedka
Tixaac: 03/05/uixt/05 Tariikh: 29/01/05
Iga gudooma salaan qiimo iyo khaayo badan taasoo ah salaanta Islaamka
Assalaamu Caleykum salaan kadib
Ujeeddo:
Xaq-raadis
Urrurkan Ilaalinta Xuquuqda Tanade waxuu eedeeynayaa Ismaamul Gobaleedka
Puntland sida qayax ee ay ugu guul-darraysteen hanaankii awood-qeybsiga
kasoo ay ku heshiiyeen saddex jabhadood ee dhidibada u aassay ismaamulka!!!
Urrurkan Ilaalinta Xuquuqda Tanade waxuu diyaar u yahay sidii uu xuquuqda
Tanade uga soo dhacsan lahaa cidda iyo meeshii ay uga xiran tahay asagoo
isticmaalaya nidaam dhibolomaasiyadeed.
War hooy ogaada Tanade Darood la miisan ma aha laf kamid ah lafaha
Majeerteen balse waxuu la miisaan yahay Kablalax Darood!!!!
Marka aad laf kamid ah lafaha Majeerteen isku xaq ka dhigeysaan Tanade
Darood ma waxaan oran karnaa waxuu ismaamulka ku dhisan yahay cadaalad mise
cadaalad darro? waxay jawaabta noqoneysaa inuu ku dhisan yahay cadaalad
darro iyo indh-adeyg eexeed!!!
Tanade waxay rabaan iney helaan Xuquuqdooda si cadaalad ah haddiise la iska
indho-tiro waxaan waaqici noqon doonta in walaaltinimada iyo Isbaheysiga
lagu kala tagi dooni sharuud la'aan!!!
Sidaad ogtihiin Tanade waxuu difaaca uga jiraa furinta hore ayagoo
ilaalinaya danta guud ee beelaha deggan Puntland.
Kor joogto waa reer tolkaa!!!
Tan iyo intii la dhisay Ismaamul gobaleedka 1998 waxaa xukun ka soo hayey
Harti balse hadda waxaannu u baahanahay in loo dhiibo beelaha kale marka uu
mudane Cadde Muuse dhammeysto muddadiisa!!!!!!!!!!!!!!!!
Haddii si deg deg ah wax looga qaban waayo arrimahaas aan soo xusay waxaannu
sameyn doonaa isbaheys cusub oo lala yaabo!!!
Mahadsanidiin,
Guddoomiyaha Urrurka Ilaalinta Xuquuqda Tanade
Cabdiqaadir Ismaaciil S. Warfa
Tel: 254-723937501
Box 71575, Nairobi
somaliauthor@hotmail.com
axmeddheere65@hotmail.com
Axmed Muuse
Cabdulle(Idaawaqaca)
Kenya, Nairobi
Madaxwaynaha
oo
gacanqaadaya
Dadkii
Sagootinayay
Dahir Mire &
Wasir ku
Xigaha
Lacagta
Dr Sifi & Dr
Mire Xaaji
Farax
Madaxwaynaha
iyo Raysul
wasaaraha |
Madaxwaynaha
Soomaaliya Mudane
Cabdulaahi Yuusuf
iyo Wafdi uu
hogaaminaya ayaa
caawa u dhoofay
Abuuja
Madaxwaynaha
Soomaaliya Mudane
Cabdulaahi Yuusuf
Axmed iyo wafdi uu
horkacayo ayaa ka
dhoofay Garoonka
Diyaaradaha ee
Nairobi waa Jooma
Kenyatee,
Madaxwaynaha
Soomaaliya Mudane
Cabdulaahi Yuusuf
Axmed waxa uu ka
qaybgalayaa shirkii
wadamada Afrika ee
lagu qabanayo Abuuja.
Shirkaas waxaa lagu
qaadaa dhigi doonaa
Amuuraha Siyaasadeed,
Dhaqaale, Caafimaad&
Bulsho ee Afrika
hore waxaa ujoogay
Abuuja wafdi uu
hogaaminayo wasiirka
Arimaha Dibada ee
Soomaaliya Prof C/laahi
Sh Ismaaciil,
Madaxwaynaha
Soomaaliya Mudane
Cabdulaahi Yuusuf
waxa uu Shirar uga
qaybgalay wadamada
Itoobiya, Jabuuti,
Suudaa, Yaman, Masar,
Sacuudiga, Imaaradka
Carabta,Qadar,
Madaxwaynuhu waxa uu
waydiistay Beesha
Caalamka Ciidamo wax
ka qabta
Amaanka,isla
markaasna Tababaro
ufura Maleeshiyada
Soomaaliyeed,Ilaaliyana
Deegaanka Doowlada,
Codsiga Madaxwaynaha
Soomaaliya ee ku
aadan Ciidamada wali
Jawaab cad lagama
Bixin inkastoo la
isla Ogolaaday in
Soomaaliya loo diro
Ciidamo.
Shirka Abuuja waxaa
la filayaa in
Madaxwaynaha
Soomaaliya Mudane
Cabdulaahi Yuusuf
Axmed ku waydiisto
mar kalle Ciidamo
Shisheye.
Wafdiga Madaxwaynaha
Soomaaliya
Madaxwayne Yusuf
waxaa ka mid ahaa
Raysulwasaare ku
xigeenka Soomaaliya
Ahna Wasiirka
Warfaafinta Dr
Maxamuud Cabdulaahi
Jaamac Sifir,
Wasiiru Doowlaha
Madaxtooyada Dr
Qaalid Cumar
Cali,Wasiir ku
Xigeenka Lacagta, Dr
Mire Xaaji
Faarax,Xidhibaan
Shariif
Saalax,Xidhibaan,Maxamuud,Maxamed
Xasan,Dr Daahir
Mire,Cali Cabdi
Guuleed,C/casiis
Faarax,Guuleed,
Diyaarada
Madaxwaynaha
Soomaaliya Mudane
Cabdulaahi Yuusuf
Axmed iyo Wafdigiisa
waxaa laga Lahaa
Wadanka Itoobiya,
waxa ayna Caga
Dhulka ka qaaday
7.55 Habeenimo
Saacada Afrikada
Bari ee Nairobi
Wafdiga Madaxwaynaha
waxaa garoonka ku
sii sakootiyay
Raysul Wasaaraha
Soomaaliya,Prof Cali
Maxamed
Geedi,Gudoomiyaha
Baarlamaanka
Soomaaliya,Sh Xasan
Sh Adan Gudoomiye Ku
Xigeenka koowaad
Prof Maxamed Cumar
Dalxa,Gudoomiye ku
xigeenka Labaad
Cismaan Cilmi
Boqore,Gudoomiyaha
Bankiga dhaxe Ee
Soomaaliya Prof
Maxamuud Maxamed
Culusow, Wasiirka
Amniga Qaranka
Maxamed Qanyare
Afraxn Wasiirka
Gaadiidka Dagedaha
iyo Gaadiidka Badan
Cali Ismaaciil Cabdi
Giir, Wasiiru
Doowlaha Xiriirka
Baarlamaanka&
Doowlada Prof C/rixmaan
Xaaji Adan
Ibbi,WasiirkaTamarta
Maxamed Nuuraani
Bakar,
wasiirkaCaafimaadka
Dr C/Casiis Sh
Yuusuf,Wasiirka
Dalxiiska&
Duurjoogta Maxamed
Maxamuud
Xayd,Wasiirka
Horumarinta Miyiga
Maxamed Maxamuud
Guuleed Gacmodheere,
Wasiir ku xigaha
Dhaqan Celinta
maleeshiyooyinka Dr
Xasan Isaaq Yacquub,
Wasiiro& Xidhibaano
ka Tirsan labada
Gole ee Doowlada
Soomaaliya& Dawayne
Soomaaliyeed,