Samaan-fare
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad
leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Ilaahay waa Same-fare.
Nabiyaashii Ilaahay iyo dadka ehlu-kheyrka ahiba waa samaan-farayaal.
Soomaali badan baa nalalka baabuurta kala hagta “traffic light” ugu yeera
samaan-fare!
Ilaahay waxuu sheegay
inuu wax kasta lammaaniyey – wanaag iyo xumaan, xaq iyo baaddil; cir iyo
dhul; rag iyo dumar; noole iyo manoole, iwm. Waa asagii hal-abuurkii
Soomaaliyeed lahaa:waxaa ceynba ceyn looga dhigay ha iscajabiyeene. Wuxu
hadduusan caksi lahayn lama fahmi karo. Haddaan cudur jireen, caafimaad lama
fahmeen. Waxaan anigu ka fahmayaa abuurista sharka iyo sheydaanka inay tahay
inaan wanaaga aragno oo xagga wanaaga u cararno.
Waagii dowladdii
Kacaanku jirtay waxaan xasuustaa annagoo qofkii kubbadda kor ka mariya
goolka ugu yeerna “shimbirolaaye” ama dhahna meeday Waxool. Waxaa laga waday
ninkaasi shimbirahuu khatar ku hayaa marka miyuusan ogeyn inay jirto
wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo mas’uul ah xayawaankaas?! Dhallinyaradaas
ama dhallaankaasi waxay ogaayeen inay jirto maamul iyo kala-dambeyn. Sidoo
kale, qofka iyadoo la shabbaaxtamayo (dhagax ama xabbad) key rabto ha
ahaatee isna kor ka mariya hadafka sidaas oo kale ayaa la oranjiray. Qofkaan
wax ka aqoon cilmiga bulshada wuxuu u qaadanayaa in hadaaqa iyo hadalada
noocaas ahi ay macno la’aan ahaayeen laakiin haddaad Xamar jalleecdid,
suuqyada qoryaha iyo rasaasta lagu iibiyo waxaa loo yaqaan cir-toogte! Sabab?
Dhallaanka, dhallinyarada iyo dadkoo dhan waa ogyahay in dadka binu Aadamkaa
sabab la’aan la iskaga dilo Xamar gudaheeda; marka qofkii shimbiro iyo
Waxool ka hadla wuxuu noqonayaa qof aan la socon waaqica lagu jiro.
Markii xukun iyo dariiq
la raaco laga hadlayo waxaan jeclahay inaan tusaale u soo qaato
samaan-faraha (traffic light). Fidrada waan ku soo aragnay. Qofkii diinta
Islaamka yaqaani wuxuu ogaanayaa in Ilaahay iyo rasuulkiisu (SCW) ay waxna
diidaan waxna ogalaadaan. Sidii saxaabi weyn laga sheegay wuxuu yiri:
Markastoon maqalno “YAA AYUHALLADIINA AAMANUU” waxaan ogaan jirnay inay nagu
soo foolleedahay wax nala amrayo inaan sameyno ama naloo diidayo.
Si adduunku u jiro oo
loo kala badbaado waa inay jiraan kala-dambeyn iyo wax la sameyn karo iyo
waxaan la samayn karin. Haddii la yiraahdo jaantaa furan ma jirto wax kala
soconaya. Soow samaan-faraha kuma aragno baabuurtii oo qaarna loo ogolaaday
inay socdaan qaarna loo diiday oo taagan? Ka warran haddii samaan-faraha
laga wada dhigo cagaar ama guduud/casaan? Waxay i xasuusineysaa Hadadlkii
Ilaahay ee micnihiisu ahaa haddaan ka yeelno waqtigoo dhan maalin, yaa idiin
keeni lahaa Ilaahay sokodi habeen aad degtaan oo raaxeysataan? Haddii aan
waqtigoo dhan ka yeelilahayn habeyn, yaa idiin keeni lahaa Ilaah sokodi
maalin aad risqigiinna raadsataan?
Markii xukunkan Soomaali
waalay laga hadlayo, Islaamku, dadka qaarna waa u ogolaaday, qaarna waa u
diiday oo nal guduudan/cas buu u shiday. Adiga, aniga iyo dagaal-oogayaashu
waxaan ahaan lahayn kuwo nalkaas guduudan loo shiday oon u qalmin inay wax
xukumaan haddii fidrada la raaci lahaa. Laakiin markii qof aan u qalmin ama
qof kasta yiraahdo anaa hogaamiye noqonaya waxaa dhacaya qiyaamaha na
heysta.
Ilaah baan ku dhaartee
waxaa iga yaabiyey arrinta Soomaalida. Haddaan dhahno war qof Ilaah yaqaan
aan hogaamiye ka dhiganno waxaa dad badan oranayaa: suurtogal ma ahan
waqtigan lagu jiro maxaa yeelay Itoobiya, Mareykan, Yurub iyo adduunkoo dhan
baan nala rabin qof Ilaah yaqaan! Horta yaa wax raba ma Soomaali mise adduun
kale? Welise ma keensanay qof wanaagsan bal inta naloo diidayo? Waa hadalkii
Qureyshi dhihi jirtay si ay nabiga (SCW) iyo xaqa u diidaan. Iyagoo Ilaahay
dejiyey dhulkii aamminka ahaa oo Carabtoo dhami tixgelin jireen bay cududaar
been ah la imaan jireen.
Soomaalidu qofkii soo
bartay jeermisyada, dullinka, shimbiraha, luuqadaha ay Baantuuga ama
Aboorjinka Ustareeliya ku hadlaan waxay u yaqaannaan aqoon-yahan; kii soo
bartay shareecada Islaamkana waxay ugu yeeraan wadaad. Qof soo bartay
xannaanada dadka iyo duunyada (shariifka ama sheekha) iyo mid soo bartay
dullinka ama xoolaha kee aqoon badan? Kolley inteenna badan waan naqaan
sidii nabi Muxamed (SCW) dadka ula dhaqmee bal sidee buu uga damqan jiray
dhibka loo geysto xayawaanka?
Imisa Xaddiis baa ka
hadleya in xayaawaanka loo asxaan falo? Meeyey Xaddiiskii uu nabigu ku yiri:
naag jirkeeda ka ganacsan jirtay baa janno ku gashay eey ay waraabisay?
Meeyey Xaddiiskii ahaa: haweeney baa cadaab ku gashay mukulaad ay meel
iskaga xirtay ooy gaajo u dhishay? Meeyey Xaddiiskii inta nabigu (SCW) arkey
rati ooynaya inta usoo dhawaaday oo xoodshay uu u yeeray ninkii watay oo ku
yiri: Ilaahay uga baq xayawaankan oo u tur. Miyaan nabigu (SCW) nacaladin
qofkii xoolaha wejiga ka sumada? Miyaan Islaamku diidin in xoolaha ficil xun
lagu sameeyo? Miyaan Islaamku diidin inaan lagu shabbaaxtamin wax nool?
Miyaan Islaamku nagu boorrin in xitaa markii xayawaanka aan
manaafacaadsaneyno in si dhaqso ah loo bireeyo oo qalab af fiican leh la
isticmaalo? Marka diinta sidaas xayawaanka u tixgelineysa miyaa dad ka
shakisanyahay? Qofkii diinta Islaamka yaqaan baa wax u tara dadka,
xayawaanka iyo degaankaba. Soow Cumar Binu Khitaab (RC) ma ahayn ninkii
lahaa waxaan ka baqaa in aakhiro la ii qabsado geela ku turaanturooda Ciraaq
oo la i dhaho maxaad jidad ugu sameynweyday! Ilaah baan ku dhaartee wakaas
hogaamiye.
Maalin dhoweyd oo labada
mas’uul oo Soomaaliya ugu sarreeya ay booqasho ku tageen gobollo ka mid ah
Soomaaliya waxay dhinac mareen magaalo-madaxdii waddanka. Waxaa ka sii daran
waxay booqdeen seddex gobol oo dhib ka soo gaaray bad-gariirkii Sunaamida.
Waxaa iigu yaab badnaa, labadaas nini ma soo booqan magaalooyinkii ay dhibtu
ka dhacday sida Xaafuun, Eyl, Garacad iyo magaalooyin kale! Halka aan ka
arkeyney madaxweynayaashii hore ee Maraykanka oo booqanaya waddamo ay
dhibaato ka dhacday oon kooda ahayn. Nimanka dadkoodii oo dhibban u quuri
waayey iney soo booqdaan ma ka fileysaan inay xayawaan iyo degaan wax u
qabtaan? Xaafuun waxaa biyo u daadshay ciidamo ka mid ah kuwa Jarmalka
maalmihii ugu horreeyey ee dhibku dhacay halka labadaas mas’uul, biyo ay u
geeyaan iska daayee ay soo bariidinwaayeen! Meeday aqoonta nimankaasi
sheeganayaan?
Markii laguu garto inaad
muslim tahay waxaa su’aalo kugu waalaya mushrikiin iyo diinlaawayaal badan.
Kuwo sheegta inay yihiin dad furfuran oo xor ah ayaa igu dhaha muxuu
Islaamku wax kasta u xaddidaa? Maxaad dadka diintiinna diida aad caddaab
ugula orodaan? Soowse xaqdarro maaha cadaabkaasi? Waxaan farta ugu fiiqaa
samaan-faraha ugu sokeeya markaasaan ku dhahaa maxaa nalalkoo dhami cagaar
uwada ahaan waayeen oo baabuurtoo dhami uwada soconwaayeen? Wuxuu ku
oranayaa suurtogal ma aha oo dhibaataa ka imaaneysa! Marka maaddaama ay
yihiin qolyo ku liita anshaxa waxaan dhahaa wax kasta waa sidaas oo waxay
leeyihiin “do & undo”. Marka guur laga hadlayo waxaa nal cagaar u
shidanyahay nin iyo haweeney oo keliya. Labo haween ah ama labo “lab” ah
waxaa u shidan guduud/casaan. Qofkii arrintaas dhaafana waa qof gooyey nal
guduudan marka aakhiro iyo adduunba ciqaab buu helayaa. Waxaan weydiiyaa
haddii qof isagoo baabuur wada uu gooyo nal guduudan dabadeedna inta booliis
arkey ganaaxay; ma xaqdarraa mise waa caddaalad? Waxay ku oranayaan waa
caddaalad. Dabadeed waxaa dhahaa caddaabka Ilaahayna waa sidaas oo kale oo
qofkii “seerihiisa usoo gala kadib markii loo digo buu carada saaraa”.
Qaar kale waxay i
weydiiyaan iyaga gaalada ah waxaa loo ogolyahay hal haweeney ah waa hadduu
nin yahay ama hal sey hadday haween tahay marka maxaad nimankiinna
muslimiintaa u guursataan afar haween ah? Inkastoo muslimiin badan iyo
Soomaali badanba ku xadgudbeen xaqa dumarka laakiin muslimiinta intooda
badani maba awoodaan inay haween badan guursadaan. Si kastaba ha ahaatee
waxaan dhahaa: maxaa waddamada Yurubta ku midoobay loogu ogolaadaa iney visa
la’aan ku galaan waddamadaas halka kuwa Soomaalida iyo kuwo badan oo dunida
seddexaad ah aan loo ogoleyn ilaa ay visa heystaan? Waxaan dhahaa soow binu
Aadan mawada ninhin? Waxay dhahaan wey yihiin binu Aadam laakiin waddamadaas
ka mid ma ahan. Markaasaan ku dhahaa maxaa ku dabodhigay sharciga
muslimiinta u yaal? Ma cid baa afar naagood kugu khasabtay? Marka haddaad
awooddo inaad afar dumar guursato soo gal Islaamka haddaadan rabinna shuqul
kuma lihid sharciga Islaamka sidaanaan shuqul ugu lahayn sharciga Yurub.
Dumar aan muslin ahayn
baa i weydiiya waxa aan dumarka muslimiinta u dadno. Waxaan ku dhahaa annagu
sidaad u lacag jeceshihiin baan u dumar jecelnahay. Waxaan dhahaa halka ay
dheemanka iyo jawaahirtu idiin ka joogaan bey dumarku noo joogaan. Runtii
dumarka ka qaalisan waxaas laakiin waxbaan tusaaleynayaa. Marka waxaan iri
waxaan xannaaneynaa dumar in ka badan jawaahirtaas. Waxaan weydiiyaa arrin
ku saabsan khudaarta. Waxaan dhahaa kee fiican in la iibiyo mooska isagoo
qubkiisa leh ama isagoo la fiiqay? Waxay dhaheen isagoon la fiiqin si aan
jeermisku ugu dhicin. Waxaan dhahaa dumarka jirkoodu iib maaha oo haddii la
qabo markey gurigeeda joogto oo ninkeeda la joogto bay la soo shirtageysaa
quruxday heyso laakiin uma rabno inay diqsiyaashu ku dhacaan (fiirfiirsadaan).
Waxaan aad ula yaabaa
sida ay gaaladu uga faa’iideystaan fidrada iyo sharciyadii diimahii saxda
ahaa salka ku haya. Markii iigu horraysay ee aan arko maxkamad weyn oo
London ku taal oo la yiraahdo “Old Bailey” waxaa indhaheygu qabteen taallo
saman haween u eg oo gacanta midigna ku heysata seef tan bidixna miisaan.
Waxaa horay maskaxdeyda uga soo dhacay aayad ku jirta Suurat Al-Xaddiid -dhab
ahaan baan ula dirray rasushayada xujooyin, waxaanna usoo dajinnay Kutub iyo
caddaalad, si dadku ugu toosoo caddaalad; waxaanna soo dejinnay birta iyadoo
shiddo ku dheehantahay iyo nacfi dadka iyo in Eebbe muujiyo cidda u gargaari
Isaga (diinta) iyo rasushiisa iyagoon arkeynin; Eebbana waa Xoog-badane
Adkaade ah. Taalladaasi waxay ka turjumeysaa aayaddaas oo caddaaladna waa
taal, qofkii damiile ahna waxaa lagu qaban gacan-adag. Muslimiintu markey
seef maqlaan waa iska fogeeyaan si aan loogu qaadan dad dambeeya! Halka
bartamaha London, badi sanamyada ku yaal intooda badan qalab wada sitaan.
Sidii aan warbaahinta ku
arkeyney am ku maqleyney waxaa hadda socda dood ku saabsan sida loola
dhaqmayo “argagixisada/muslimiinta” looga shaki qabo inay dhib u geystaan
waddanka Ingiriiska. Qolyo aan la dooran oo ku jira aqal la yiraahdo “House
of Lords” waxay gaashanka ku dhufteen dhowr jeer hindise ay dowladdu soo
bandhigtay si dadkaas loola xaalo. Habeyn dhoweyd waxaa la iska gaaray 3:00
am waa waxyar Salaadda Subax ka hor. Isla subaxaasna waxay balansanaayeen
8:00 aroornimo. Bal ka warrama Baarlamaanka Soomaaliyeed? Xitaa dhowr saac
ma iska arkeen arrinta ciidamada Itoobiya?
Ummad dhan beynu nahaye
diyaar ma u nahay inaan hogaamiye ka dhiganno qof samo-wade ah? War
miyeynaan arag sida Talyaanigu u qaddariyo Pope John? Waa Boobkee. Axad
kasta waxaa isusoo baxa kumanaan qof oo barako ka rabta ninkaas iska celinla’
hargabka! Boobku waa ka caansanyahay ra’iisul wasaaraha Talyaaniga. Shiicadu
waa sidoo kale oo waddaadka As-Sestaani waa ka dambeeyaan oo waa isagu soo
baxaan. Soomaalidu waa ka faanaan qofka sheekha ah. Waxaa yar dad sidaas u
qiimeeya culumada. Magaalooyinka qaarkood waad ku arkeysaa masaajid la buuxo
ama Salaadaha Ciidda oo dad badani isagu soo baxayaan laakiin in si joogto
ah loo qaddariyo culumada waa laga waayey. Imisa qof baa ka dambeeya Shariif
C/Nuur iyo Sheekh Maxamed Nuur Qawi (Allaha labadaba xafidee)?
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaag kusaxiixan
Faafin: Somalitalk.com | Maarso 13, 2005
Waraysi Samsam
iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo
Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u
gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com