SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
Xirsi Bulxan Faarax oo Sheegay in Baarlamaanku diiday ciidamada safka hore.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 18, 2005
EMail: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com

Bulhan
Xirsi Bulxan Faarax, Gudoomiyahii Kumeelgaarka ahaa ee Baarlamaanka ee KMG

kadib markii ay soo baxeen eedayn loo jeedinayo gudoomiyaha baarlamaanka FKMG ah shariif xasan sh.aadan oo ku saabsan sharciga BFKMG in uu jabiyay ayaan ka wareysanay xildhibaan xirsi oo soo maray gudoomiyenimada baarlamaanka waana mid kooban.

Xildhibaan xirsi bulxan faarax oo shalay goob joog ka ahaa waxii ka dhex dhacay baarlamaanka,ahna xildhibaanka da'ahaan ugu wayn isla markaana loo dhiibay si KMG ahaan ah xilka gudoomiyenimo ee baarlamaanka loogu dhiibay ayaa sheegay mar aan kula kulmay Chaster House ee magaalada Nairobi.

Ugu horeyn waxaan wax ka waydiiyay sida uu u arko codbixintii shalay dhacday iyo qaabkii ay u dhacdayba waxa uuna xildhibaanku ku bilaabay sidan.

"Waxay u dhacday codbixintaas si sax ah waana taageersanahay,buuqaasna waxa keenay dad rabay in ay jahawareer ku ridaan mooshinka la keenay ee qalad kale oo meeshaas ka dhacay ma jirin,gudoomiyuhu wuxu raacay nidaamka markii uu codka qarsoodiga ah suurta gali waayay waxa uu sameeyay far taag waxaana qabaa in ay taasi sax ahayd baarlamaankana uu diiday ciidamo safka hore ka socday oo soomaliya la geeyo.

Mar uu ka hadlayay eedaynya uu wasiirka koowaad u soo jeediyay gudoomiyaha baarlamanka waxa uu ka yiri xildhibaanka"dowaladdu xaq uma lahan in ay dalka keento ciidamo wadamo ay kala dhaxayso xuduud cadaawadna ay dhex martay waana kala talinayaa in aysan dowladdu ku dagdagin arrinkaas laakiin hadda waaba la diiday waxii ay noqon lahayd oo baarlamaanka ayaa cod ku diiday ayuu yiri.


Feerkii la isku dhaafsaday codbixintii... Guji...
| Sawirka: AP

Waxaa kale oo aan waydiiyay xildhibaanka in isagu uu taageersan yahay ciidamo iyo in kale waxa uuna sheegay in uusan isagu sibana u taageersanayn in ciidamo ka socday safka hore la keeno soomaaliya,aniga waxaan goob joog usoo ahaa xaaladihii uu dalka soo maray waxii ka horeey lixdankii iyo illaa hadda waxaana ila haboon in soomaaliya kuwa jooga la qalabeeyo oo laga dhigo ciidamo qaran leeyahay lana siiyo iyaga qarashka ku baxaya ciidamadda ajnabiga ah ee ka imaanaya afrikada kale.

Xildhibaan xirsi bulxan faarax waxa intas ku daray in aysan jirin sabab wayn oo ay iskugu dhacaan baarlamaanka iyo dowladdu arrinkuna waa cad yahay, waxaana la diidday ciidamada safla hore sidaas ayaana lagu heshiiyay,sharciga ayaana cid walba ka sareeya aqlabiyadda ayaa la raacayaa ee dowladdu ha aqbasho ayaan leeyahay ayuu ku soo koobay hadalkiisa xildhibaan xirsi, oo sababta aan kaga wareysanayay codbixinta ay ahayd kadib markii ay soo baxeen in wasiirka koowaad sheegay in uusan gudoomiyuhu cadaalad samaynin.

Canab Mumtaz | SomaliTalk | Nairobi | Maarso 18, 2005
EMail: cmmumtaz@somalitalk.com ama canabmumtaz@yahoo.com

Prof. Geeddi: Wax Codayn ahi kama dhicin Kulanka Baarlamaanka
Ra'iisul wasaaraha DFKMG ayaa sheegay in ay nasiib darro tahay in Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Shirka Gudoominaya Dagaal dhaco.. Guji... Mar 18

BAARLAMAANKA IYO XAALADDA SOOMAALIYA
Baarlamaanka FKMG ah oo Dagaal Dhiig ku Daatay ku Diiday Ciidamada Safka Hore..
.Guji...

Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 18, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD