Cashar ku saabsan sida uu baarlamaan u shaqeeyo.
Hordhac
Sida ay soomaalida inteeda badani la socdaan waxaa uu dagaal dhex maray
xubnaha baarlamaanka soomalida. Arintaasi waxaa ay dhacday 17 maarso
2005-ta. Waxyaalaha laysu adeegsaday waxaa ka mid ahaa kuraas, ulo, feer iyo
weliba wax alla iyo waxii la tuuri karey ee halkaas yaaley. Ceebtaas iyo
fowdadaas ay xubnaha baarlamaanku ku kaceen waxaa laga daawaday aduunka oo
dhan. Waxaa la arkaayey rag badan oo dhiig ka qulqulayo, kuwo dhulka yaala
oo darbo lala dhacayo iyo kuwo sii cararaayo. Qofka soomaaliga ah meel kasta
oo uu aduunka ka joogoba waxaa soo foodsaaray waji gabax iyo niyad xubo aan
la soo koobi karin. Haddaba anigoo arinkaas tixraacaayo waxaan doonayaa
inaan wax yar ka qoro siyaabaha ay baarlamaanadu u shaqeeyaan.
Shaqada baarlamaanka
Nidaamka siyaasadeed ee wadan waxaa uu ku saleysnaan karaa qaab baarlamaan
ama qaab madaxweyne. Waxaan halkaan kaga hadli doonaa qaabka siyaasadeed ee
baarlamaanka ku dhisan. Baarlamaanku waxaa uu ka koobnaan karaa cadad la
isla garto oo xubno baarlamaan ah. Xubnahaasi waxaa ay ka imaanayaan
xisbiyada kala duwan ee wadanka. Waxaa ugu xubno badnaanaya xisbiga hela
coddadka ugu badan ee doorsashada, waxaa ku xigaya xisbiya gala kaalinta
labaad. Sidaas ayeyna ku soconeysaa ilaa xisbi walbaa uu helo tiro u
dhiganta inta uu ka helay doorashadii guud ee wadanka. Kolkii xubnahaas
baarlamaanku soo wada xeroodaan ayna buuxsanto tiradii baarlamaanka laga
doonaayey, waxaa uu baarlamaanku gudagelayaa shaqadiisii.Shaqada ugu
horeysaa waxaa weeyaan iyadoo uu baarlamaanku isu qaybiyo waaxo yar-yar.
Waax welibana waxaa ay qaabilsan tahay howlo gaar ah.
Tusaale ahaan, waaxda
arimaha dibada, waaxda difaaca, waaxda cafimaadka iyo arimaha bulshada iwm.
Waaxahaas yar-yari waxaa ay ka kooban yihiin xisbiyadii baarlamaanka ku
jirey. Hadii ay waaxdu ka kooban tahay 15 qof, waxaa ugu xubno badnaanaya
xisbiga ugu badan baarlamaanka, waxaa ku xigsanaya xisbiga labaad sidaas
ayeyna ku soconeysaa ilaa la qaybasado 15-kii xubnood. Kolkii hadaba la
doonayo in arin goàan laga gaaro waxa la eegayaa ugu horeyn arintu nooca ay
tahay. Tusaale ahaan haddii ay tahay arin ku saabsan difaaca waxaa la
geynayaa waaxdii difaaca, si ay u falanqeeyaan. Maadaama ay waaxdu ka kooban
tahay xisbiyada baarlamaanka ku jira oo dhan, waxaa halkaa laga garan karaa
taageerada ay umuurtaasi ka heli karto baarlamaanka.
Haddii uu xisbiga arinta soo bandhigay arko in aanu cod ku filan heli karin,
waxaa uu gelayaa sidii uu ugu ololayn lahaa fikirkiisa. Kolkii la soo
jilciyo arinta,lana ogaado taageerada loo heli karo inta ay leègtahay ayaa
baarlamaanka la soo hor dhigayaa.
Marna dowladu ma keeneyso baarlamaanka arin ay hubto in la diidaayo, maxaa
yeelay ma dooneyso in facshar uu halkaas ka raaco. Mar-mar waa dhici kartaa
in xunaha arinka raacsan iyo kuwa diidani ay isku dhow yihiin. Kolkaas
xisbiga dowlada hayaa waa laga yaabaa inuu khamaar sameeyo, oo arinkii soo
hor dhig baarlamaanka. Balse waa ogsoon yahay xisbigu in ay diidmo ama
yeelis noqon karto arintu. Waxaana diyaar u ah qorshihii labaad ee uu
arinkas kaga gudbi lahaa.
Kolkii qorshaha la soo hor dhigo baarlamaanka, waxaa ka doodaayo xubnaha
baarlamaanka. Xisbi walbana dad la soo qorsheyey ayaa arinta uga hadli
doona.
Ka dib dood dheer oo ka hadleysa sababaha uu qof walbaa u doonaayo ama u
diidaayo arinta, waxaa cod loo qaadayaa umuurtii mudada la falanqeynaayey.
Siyaabo kala duwan ayey codbixintu u dhacdaa, balse wadama horey u maray
waxaa codka lagu qaada qaabka computerada.Kaas oo xubin kasta oo baarlamaai
ahi ay tuujiso meel ay ku qoran tahay: Haa ama maya. Ka dibna iyada oo aan
muran lahayn ayaa natiijadii laga daawadaa muraajad weyn oo ku taalo
baarlamaanka dhexdiisa. Codqadista waxaa maamulkeeda iska leh, gudoomiyaha
baarlamaanka. Waxaase muhimad mudan ineynu xusno, in gudoomiyaha
baarlamaanku uu yahay mid dhexdhexaad ka ah arimaha laga doodayo. Lama ogola
inuu koox ama xisbi taageero. Haddii taasi dhacdo waxaa ay noqoneysaa inuu
shaqdiisii ku waayo ama ay dhunto kalsoonidiii ay xisbiyadu ku qabeen.
Sidaas ayey u shaqeyaan baarlamaanada aduunka ee caalamiga ah. Howshooduna
ma aha mid dhib badan maadaama ay hab xisbiyeed ku saleysan tahay, dadka
xubnaha baarlamaanka ka ahna ay yihiin dad bishil oo ay aqoontooda
siyaasaded sarayso. Haddaba kolkaan u soo leexdo baarlamaanka soomalida
waxaa dhacay qaladaad badan. Waana mida keentay in dagaal aan naxariis
lahayn oo aan waxba laysula harini ka dhaco gudaha baarlamaanka. Qaladka ugu
horeeyaa waxaa weeyaan, kolkii la yiri qaab qabiil baarlamaanka ha lagu
saleeyo. Taasi waxaa ay dhalisay in xubnaha baarlamaanka ku jiraa lahayn wax
hadaf ah. Maadaama aanu jirin qorshe (program) siyaasadeed oo qabiilku inta
ay fariisteen isla dejiyeen.
Ma jiro qorshe uu qabiilku ku mideysan yahay oo ka hadlaayo: Arimaha
difaaca, waxbarashada, dhaqaalaha, caafimaadka iwm.Waxaa keliya oo qabiilka
muhiim u ah intaas oo jago ayaan helay.
Waxaa kale oo iyana qalad ahayd habka loo xulay xubnaha baarlamaanka. Iyadoo
haba yaraatee aaney jirin wax shuruudo ah oo baarlamaanka lagu galo. Tusaale
ahaan waxbarashada laga doonayo xubinta baarlamaanka, qibrada siyaasadeed,
da`da iwm. Shuruuda keliya ee lagu soo geli karey baarlamaanka waxaa ay
ahayd in qabiilkaagu ku soo diray. Taasi waxaa ay keentay in baarlamaankii
ay ka soo buuxsameen dad tayadoodawaxbarasho ay liidato aana aqoon u lahayn
qaabka uu baarlamaan u shaqeeyo.Waxaa dhici karta maanta iney baarlamaanka
soomaalida ay ku jiraan dad aan haba yaraatee wax iskool ah dhigan ama aaney
waxbarshadoodu dhaafsiisnayn dugsi dhexe. Xubinta baarlamaan ee noocaas oo
kale ahi, muxuu qaban karaa? Fikirkiisase ma ku gudbisan karaa hab dood ah
ee aan feer iyo laad ahayn? Mase u bisil yahay inuu taanaasulaad sameeyo?
Maku fekerayaa inuu danta dalka iyo dadka eego? Suàalahaas jawaabtooda
waxaan u deynayaa dadka soomaaliyeed.
Mahadsanidin
Cabdirisaq Maxamed Xuseen.
habdirisak@hotmail.com
University of Gävle- Sweden
Buugta aan isticmaalay: How parliament works( McChenesty Robert W), Citizens
guide to democracy(Jon Stewart mm), Knowledge based parliament( hjälmeskog
Karin)
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: Somalitalk.com | Maarso 22, 2005
Waraysi Samsam
iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u
gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com