Bush: Kursi aan ka Siibeey Saadaamkaas, Ina-Sanaawi Saari maa
Ilaah baa
mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Sanadkii
1980-kii ayaa dhegaheygu qabteen nin aanan geeridiis maqal oo leh: waxaa la
sheegay korneyl C/hi Yuusuf oo la socda janankii Midowga Soofeeti u dhashay
ee Afganistaan qabsaday! Markaas waxaan meesha ku dhegeysaneynay Raadiyoow
Kulmis. Ninku booliiska Soomaaliyeed buu u shaqeynayey. Micnuhu waa, waxay
labada nin ka wada shaqeynayaan sidii uu Xamar ugu qaban lahaa! Intii
shirkii Mbagathi socday ayaan isla sheekadaas oo kale maqlay laakiin la
leeyahay haddii korneylka loo doorto madaxweyne, waxaa Soomaaliya u qabanaya
Maraykanka! Dadkeennii la socday boggagga Soomaalida, waxaa u soo baxaya, in
boggagga taageeraa ay oran jireen wuxuu martiqaad ka helay wasaaradda
arrimaha dibadda ee Maraykanka; wuxuuna halkaas ku qaabilidoonaa madaxweyne
Bush.
Waxaa aad
iiga yaabinjiray sida dadkeygu, korneylka wax ula rabaan, isna uu Puntland
ka dhigay wax uu dilo iyo meel argagixiso lagu sheego. Xitaa magaaladii
Gaalkacyo, makhaayadaha iyo dabokaayooyinka ay haystaan dumarka raggoodii
dagaalladii sokeeye ku le’deen, wuxuu ku sheegay in Usaama Bin Laadan uu
maalgeliyo! Saasooy tahay, xitaa haddii Xabashi loo keenana waa ku raalli.
Dabcan dadkoo dhami Xabashi ma rabaan laakiin cid aamustay micno ma leh.
Dad badan
baa u heystay, haddii korneylka madaxweyne loo magacaabo inuu Puntland iyo
dadkeeda faraha kali bixi doono laakiin waxaa maalmahan la leeyahay, wuxuu
isimadii qoladiisa Maxamuud Saleebaan ka codsaday inay baarlamaanka ka
saaraan seddexda nin ee kala ah:
-
Jaamac Cali Jaamac
-
Cabdi
Cabdulle (Jinni-boqor)
-
Xirsi
Bulxan
Haddii
nabaddoonno qolodaas ahaa oo muddo aan dheereyn xijaabtey joogi lahaayeen
waxay korneylka ku oran lahaayeen: horta haddaan isimmo nahay, goormaa
gacanta wax noogu jireen ama wax nala weydiin jiray? Miyaadan duhur cad,
dariiqa nagu leyn? Teeda kale, xildhibaannadaba waxaa magacaabay
dagaal-oogayaal, IGAD iyo Beesha Caalamka; marka waxaanaan magacaabin markii
horaba waxba kama qaban karno. Haddii arrintaasi run noqoto, waxaa halkaas
ka cad, in odeygaan ka sugeyno inuu Soomaali wax ka qabto uu dhaafi la’yahay
seddex oday oo qabiilkiisa ah. Inkastooyna isimadu waxba ka qabin karin
arrintaas laakiin haddey shireen maxay oran? Ma seddexda nin, Xabashey
diideenne, xilka halaga xayuubiyaa?
Ruushkiiba miriqdiisii la waaye maxaa loo leeyahay Maraykan baa korneylka
Soomaaliya u qaban? Waxaan siinayaa tusaalooyin dadka aamminsan in
Maraykanku kala jecelyahay Soomaalida iyo masaajiddey kukala tukadaan iyo
inuu kala jecelyahay dad u dhashay Afrika oo muslim amo gaalo ah. Markuu
dhacay qaraxyadii loo geystay Maraykanka, waxaa muddo la hakiyey
diyaaradihii u kala gooshayey Maraykan dhexdiisa iyo weliba kuwii soo
gelayey ama ka baxayey waddankaas. Iyadoo Bush, waa Bush aabbihiise uu ku
xannibanyahay gobol, diyaarad la’aan awgeed, ayaa qoyska uu Usama Bin ka
dhashay waxaa diyaarad khaas ah loo saaray Sacuudiga!
Imisa
sanuu Joon Garaan la dagaalayey Xukuumadda Suudaan? Muddooyinkii ugu
dambeeyey, Maraykanku waxay si adag ula dhaqmayeen xukuumadda Suudaan ilaa
ay gaareen heer ay dukheeyaan warshad daawo! Ileyn Joon Garaan iyo
ciidankiisa badankoodu waa kiristaanne, maxaa Suudaan loogu qaban waayey?
Ogoow, reer Galbeedku waxay Joon ku taageeri jireen hub iyo maal. Markay
reer Galbeedku rabaan iney qabsadaan waddan, waa inay jirto arrin kaloo
dheer diinta sida dhaqaalaha. Soomaaliya iyo Ruwaanda lama kala jecla.
Waxaad arkeysaa Shaaroon iyo Xusni Mubaarak oo wadashiraya halka aad
arkeysid Qadaafi iyo boqor Fahad oo gafuurka isu buuraya oon isla hadleyn.
Gabay ku
qornaan jiray buugta Afsoomaaliga iyo Suugaanta dugsiyada dhexe ayaan ka
xasuustaa:
-
Calanyahow walhanayaa adaan kuu warramayaaye
-
Mid
wasaaraddiisii gabtoo weeran baad tahay
-
Laguu
waa’ wakiil sida Jamaal waabsha gaalada e’
-
Wallaahiye anigu kuuma ogi wiilal kuu maqane
-
Waddankaad ku dheeraan lahayd waa iibsadaye
-
Raggii adiga waax kugu lahaa waa la weecsadaye
-
Wasiirkii baxsani maalintuu Waashitoon ka hadlaayey
-
Suxufigu waraaqduu qoroo weedha fidinaayey
-
Warkii dunida lagu faafshey waad wada maqleyseene
-
NFD
wareeggiidii hore waa horuu dhacaye
-
Wiglada iyo heesaha markii lagugu waalaayey
-
Heestay wilaanwilinayeen wey waddacayeene
-
Goortii walaal garab galiyo wehelba loo waayey
-
Haadkiyo waraabuhu ka dhereg walaqtankoodiiye
-
Waxba
kama if joogaan kuwii galeyey Waajeere
Waxay
iigu darneyd markaan arkey Soomaali ku faraxsaneyd in dagaal-ooge laayo
ehelkood oo haddana hurdankii iyo feerkii ka dhexdhacay xildhibaannada ka
soo qaadaya wax weyn. Wallaahi, intay inta dhexfariistaan “Golaha Sacabka”
ay iska sacbinlahaayeen wax kastoo madaxweynuhu dhaho ayaa ka liidata
hurdanka iyo feerka. Waligaa ma aragtay madaxweyne golaha shacabka ku leh:
dugaag baad tihiin oo haddana hadalkaas u sacbinaya”? Ama madaxweyne
aflagaadeynaya hooyooyin Soomaaliyeed, oo waxa dhegeysanaya aan laga heli
karin hal qof oo dhaha war madaxweyne xishood oo dumarka daa. Haddii
xildhibaannadii la doortay u dhaqmi lahaayeen sida “Golaha Sacabka” yaa hor
istaagi lahaa mooshinkii, Xabashida waddanka lagu keeni lahaa?
Maxaa kala heysta Dimuqraadiyadda Maraykanka iyo Mela
Zenawi
Waxaa i dhibiya shacabkii Soomaaliyeed oo sidii dhurwaa silsilad ku dhacay,
markii reer Galbeedku dhahaba Soomaaliya yaan loo dirin ciidamo shisheeye,
aad arkeyso shacabkoo soo qaata calanka waddanka qofkii hadalkaas yiri xitaa
hadday nifaaq iyo siyaasad ka tahay. Ileyn Soomaalidaa tiraahda markii
dhurwaagu dabin ku dhaco wuxuu isu badiyaa dhanka qofkii yiraahda war ka
daaya. Qofkii u qaba in Maraykanku Soomaali muxubbo u hayo haka fiirsado.
Hadalladaan ka soo yeeraya Maraykanka waxaa ku khasbay danta. Maxuu
Maraykanku ka dheefay Afganistaan iyo Ciraaq? Soow hadda ma lahan: waan ku
degdegnay Ciraaq? Waxay is lahaayeen, waxaa la idin ku soo dhoweyn caleemo
qoyan sida Zenawi heysata oo kale. Nool iyo noodka uga baxa Maraykan halkaas,
ma ahan wax maskaxdaadu suureysan karto.
Waxaa
kaloo jira in Maraykanku wado qorshe kale oo la yiraahdo: qorshaha weyn ee
Bariga Dhexe laga leeyahay (dimuqraadiyad). Haddii Mele Zenawi qabsado
Soomaaliya, waxay Carabuhu helayaan fursad ay ku hor istaagaan mashruucaas
iyagoo leh: waxaad waddaa kiristaameyn maxaa yeelay Ciraaqna adaa weeraray,
Soomaaliyana Zenawi. Marka waxay noqoneysaa in xukaamta Carabtu helaan
fursad ay shacabka ku sii xukumaan oo ah: shacaboow, Maraykan waxuu rabaa
inaad diinta masiixiyadda qaadataan! Haddee shacab muslim ah oo saas lagu
yiri maxaad ka fili? Waxaa la arki lahaa iyagoo xukaamtaas ku sheegaya
mujaahidiin iyo “amiirro mu’miniin”.
Waxaa
kaloo meesha ka marneyn danaha reer Galbeedka. Ka warran haddii Talyaanigu
yiraahdo: Maraykan, intaas baan siyaasad iyo ciidanba kutu taageeray
markaasaad waddankii yarka ahaa oo aan gumeysan jiray, Soomaalida aad ku
fasaxday Zenawi?
Ka warran
haddii ciidamadda “IGAD” xal u helaan Soomaaliya? Soomaaliya waxaa ka
quustay ciidamadii adduunkoo dhan oo Maraykan horboodayo marka haddii
Itoobiya, Uganda iyo Suudaan ay xalliyaan Soomaaliya, waxaan filayaa in loo
diri doono meelaha dhibaatadu ka jirto sida Bariga Dhexe oo kale. Waxaanna
aamminsanahay in Maraykanku IGAD ka dalbandoono inay xalliyaan arrinta hubka
nukliyeerka ah ee Iiraan iyo Waqooyiga Kuuriya! Ma u maleyneysaa in
Maraykanku raali ka noqondoono in Suudaan iyo isagu wada noqdaan booliiska
adduunka? Siday mucaarad Ciraaq ahaa oo ka soo cararay Saddaam ay Maraykanka
been ugu sheegeen, mar dambe Marakaykanku ma aamminidoono cid kale. Hadduu
Maraykanku ogyahay in Itoobiya iyo Jibuuti ay waddan kale la xaalikaraan,
marna ciidan 5000 gaaraya ma geeyeen Jibuuti. Siday Itoobiya u lahayd waxaa
dhulkeenna jooga Al-Qaaciddo, ayaa Maraykanku Soomaaligalbeed ku soo arkey
dad qaarna gaajo u bakhtiyey, qaarna addoonsi ku jira.
Wuxuu
xooggii Maraykanku noqday sidii bur shiilshiilkii (Bariga Afrika waxaa looga
yaqaan Mandazi). Burkaas, markiisa hore waa buuranyahay oo weynyahay laakiin
markaad ilkaha saarto ayaa waxaa ka soo baxaya hawo kaarboon labo-ogsaydh
ah. Nin reer Bari ah ayaa la sheegaa inuu burkaas uga digay nin kale isagoo
leh: boowe aa been. Hadda hankii Maraykanka waxaa wiiqay Ciraaq marka ma
jirto degdeg dambe.
Waxaan u
maleynayaa, horay baan u maqli jirnay dad badan oo qaarkood reer Muqdisho
yahay oo eedeynaya Xasan Bariise, waa mid ka mid ah weriyaasha laanta
Afsoomaaliga u jooga Xamar. Waxaa dhicikarta in mar dhow ay eedeyndoonaan
haweenta ah wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda oo ee Maraykanka oo iyadu
lafteedu Ina-bariise ah; markey ka waayaan inay taageerto dagaaloogahooda.
Horta haweentaasi waa firfircoontahay, sidoo kalana madaxweyne Bush wuu
maqlaa hadalkeeda. Waxaa dhici karta inay Bush ku tiraahdo: caqligee
Sadaamna ku tuurtay haddana aad korneylka iyo Mele Zenawi ugu ogolaaneysaa
inay qabsadaan Soomaaliya? Seese Carabta ula xaali doontaa? Haweentaas
waxaaba dhici karta inay tiraahdo muxuu yahay madaxweynaha aan tegi karin
seddexdii magaalo oo Soomaaliya ugu waaweynaa? Xamar, Hargeysa iyo Kismaayo.
Waxaa dhici karta inuu Bush yiraahdo soow magaalo madaxda Soomaaliya ma ahan
Ari-caddeeye? Iyaduna tiraahdo maya, ee waa Muqdisho. Bushna uu yiraahdo
maya, maxaa yeelay dagaallaa ka dhacay, meesha keliya oo dagaalladu ka
dhacaanna waa magaalo-madaxda.
Ka warran
hadday haweyneydaasi Bush u sheegto in Geeddi u dhashay USA ayna
habboontahay in qof kastoo u dhashay USA uu shirbi karo. Haweeneydaasi waxay
Bush u sheegikartaa inuu jiro nin Soomaalida USA ah oon Soomaali ku shirbi
karin laakiin Ingiriis ku shirba; marka adiguna Ingiriis kuma shirbi kartide
waa inaad maanta Soomaali ku shiribtaa. Bush oo leh hoooooooooooooooooy:
Kursi aan
ka siibay Saadaamkaas, Ina-sanaawi saari maa.
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Mar 28, 2005
Waraysi Samsam
iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u
gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com