-
Nin Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo
Soomaali ah, Laba Carruur ah iyo Labadiisii waalid....
-
Madaxweynaha dowlada FKMG ah oo lagu wado
in uu tago Mogadisho mar dhaw.
-
Xildhibaanada dagan hotelada Nairobi oo
bishan Afarteeda lagu siiyay digniin in ay uga baxaan.
-
Ra'iisul Wasaare Geedi oo soo booqday
Xaruntii Vila Soomaaliya ee Madaxtoyada.
- Wakiilka Xoghayaha Guud
ee QM oo u Safray Xamar si uu u Muujiyo Taageeraada DFKMG
- Gudoomiye_Xigeenka Midnimada
Africa oo soo Gaadhay hargaysa.
- Ugaas Max’ed Wali “C/llaahi
Yuusuf isaga iyo cadaaladda waxay isku jiraan meel lo socdo
27 sanno..
- Cali Max’ed Geedi
“Dadweynaha Soomaaliyeed waxaan u soo jeedinaya…
- C/qaasim “Dowladeedii
waxaa hor yaalay isbaaro laakiin midda Geedi…..
- Waftigii ka socday midawga afirca
oo gaarey Berbera....
Nin
Jarmal ah oo Diley Xaaskiisii oo Soomaali ah, Laba Carruur
ah iyo Labadiisii waalid, asagiina is toogtey....
Wararka ka imanaya magaalada
Berlin ee dalka Jarmalka ayaa shaaca ka qaaday in nin Jarmal
ah oo daa'diisu tahay 41-jir oo degaan ahaan ka yimid
magaalada galbeedka ee Rheinfelden uu diley xaaskiisii, labo
carruur ah oo da'yar iyo labadiisii waalid. Waxaana warku
intaas ku daray in ninkani uu maalintii Sabtida booliska
digniin soo siiyey.
Saraakiisha boolisku markii
ay tageen goobta dilku ka dhacay waxay halkaas ka heleen
meydka xaaskii ninkaas oo u dhalatay Soomaaliya oo da'deedu
ahayd 30-jir, gabar uu dhalay oo 7-jir ah, iyo wiil uu
dhalay oo 4-jir ah iyo labadiisii waalid oo da'doodu tahay
toddobaataneeyo. Waxa kale oo ay heleen ninkii oo sariir
saaran oo si aad ah u dhaawac ah oo ay agtaal baastoolad.
Sida ay sheegeen boliska:
Qoraal uu ka tegey ninku waxaa ku qoran in toogashadan ay
sababtay muran u dhexeeyey ninka iyo xaaskiisa, oo sugayey
in ay is-furaan, waxayna muddo bilo ahna gooni ayey u kala
noolaayeen.
Waxaa boolisku rumaysan
yihiin in ninkani uu markii hore toogtey labadiisa waalid
iyo labadiisa carruurta ah kaddibna uu sugey inta xaaskiisu
imaneysey, kaddibna uu ayadii toogtey, markaas ka dibna uu
is toogtey.
Cisbitaalka ayaa dhaawacii
ninka loola cararay, laakiin Axad (May 1) ayuu u dhintay
dhaawacii.
Isha:
Reuters Germany | Tarjumadii SomaliTalk
Madaxweynaha dowlada FKMG ah
oo lagu wado in uu tago Mogadisho mar dhaw.
- Canab Mumtaz |
SomaliTalk | Nairobi |May 1, 2005
Email: canabmumtaz@yahoo.com
ama cmmumtaz@somalitalk.com
Warar
ku dhaw dhaw Madaxweynaha dowlada FKMG ah ee Somaliya C/llaahi
yuusuf Axmad ayaa sheegaya in uu dhawaan tagayo Caasimada
Somaliya ee Mogadisho.
Tagista Caasimada ee C/llaahi
Yuusuf ayaa ka dambay sida ay wararkaasi sheegayaan kadib
markii ay halkaasi gaareen maanta Xubno ka socda beesha
caalamka ayna ka mid yihiin Safiirka Xukuumada Ingiriiska u
jooga Dalka Kenya Mr.Devid Bell iyo Wasiirka iskaashiga iyo
Xiriir Goboleedka ee Xukuumada Kenya John Arab Koach,
xubnahan iyo kuwo kale oo ka socda Midawga yurub oo horay u
tagay Mogadishu lana socday Wasiirka koowaad waxa ayna
wadeen maalmihii la soo dhaafay waan waan ay ka dhex
samaynayaan xubanaha labada golle ee ku sugan caasimadda
Somaliya ee Xamar.
Wafdigan ka socda Bulshadda
caalamka ayaa cadaadis ku saaraya Madaxweynaha in uu tago
Caasimadda si uu wadahadalo ula sameeyo qaybaha ku sugan
halkaasi,ee ka mid ah labada Golle iyo siyasiyinta kale ee
aan ka mid ahaynba.
Xildhibaanada dagan hotelada
Nairobi oo bishan Afarteeda lagu siiyay digniin in ay uga
baxaan.
Milkiilayaasha Hotelada ay
dagan yihiin xubnaha labada Golle ee Soomaaliya ayaa war
galiyay in ay iskaga guraan ka hor inta aan la gaarin bishan
may afarteeda oo ku beegan arbacada soo socota.
Digniintan la siinayo
xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waayadan dambe socotay,waxa
ayna ka cabanayaa inta badan milkiilayaasha hotelada in wax
qarasha ah aan la siinin aysana u dulqaadan karin waqtiga
dheer oo ay xildhibaanadani dagan yihiin hoteladooda.
Xildhibaano kor u dhaafaya
lixdan ayaa xalay laga saaray hotelkii ay daganaayeen ee
Chaster House,kadib markii maamulka hotelkaas uu amar ku
siiyay shaqaalaha in aysan soo galin xildhibaanada albaabka
hotelka.xiligaas oo roob badani ka da'ayay magaalada
Naiorbi Guud ahaan,Siyaasiyiinta xiriirka la leh Am.Kiplagad
ayaa wargaliyay dhibaatada ka jirta hotelkaasi kadibna waxa
uu la soo xiriiray maamulka,laakiin waxba iskama badalin
diidmadaasi waxa ayna u sheegeen in ay rabaan lacagtii ay
xildhibaaddani ku daganaayeen hotelka.
Muddo ka dib waxa waa
danjiraha u geeyay maamulka hotelka Jeg ay ku qornayd lacag
gaaraysa Afartan iyo sagaal kun oo dolarka maraynka
ah($49.000.dolar) laakiin maamulka waxa ay sheegeen in
lacagta ay leeyihiin aysan u dhigmin iyagoo diidmo qayaxan
kaga horjeestay gabi ahaanba ay u furaan albaadadaba
xildhibaadaas.
Xubnahan ayaa ugu dambayntii
waxaa qolol laga dajiyya Hotelka 680 oo ay dagan yihiin in
ku dhaw 150 xildhibaan,waxaana liiskooda keenay Am.kiplagad
oo ka dalbaday maamulka hotelka in ay sii daayaan,sidaas
ayaana lagu dajiyay.
Xildhibaano badan ayaa ku tala
jira maalmaha soo socda in ay ku laabtaan dalka
soomaaliya,waxa ayna qorshaynayaa sidi ay ku heli lahaayeen
Vissaha dalka kenya looga baxo,dhibaatada ka haysta
xildhibaanada Soomaaliyeed dhinaca Hotelada ayaa aad u soo
badanaysa barayahaan dambe,waxaana cadaadis lagu saarayaa in
ku laabtaan dalkooda.
Beesha caalamka ayaaa sheegta
in bil walba ku bixiyaan xubin walba oo ka mid ah
Baarlamaanka lacag gaaraysa kun iyo shan boqol doolar,iyadoo
ay taas jirto hadana waxaa la yaab ah qarshayada ay mar
walba soo sheegtaan milkiilayaasha hotelada ay dagan yihiin.
Canab Mumtaz | SomaliTalk |
Nairobi |May 1, 2005
Email: canabmumtaz@yahoo.com
ama cmmumtaz@somalitalk.com
DIGNIIN
KU WAJAHAN DADKA DEGA HAREERAHA WEBIGA SHABEELE.
War-1-1,May,05,Ramadaan
Hotel,Muqdishu.
- Hon.Bebe Feme :Qaramada
Midoobey waxay soo dhaweyneysaa Dadaaal Raisul..........
- Hon.Abdalla Alcarrimi :Jaamicada
Carabta waxay aad u shaqeysay isu soo dhawey..........
- Hon.Ali Mohamed Geedi :waxaan
mahad Celinanayaa Beesha Caalamka iyo Reer Muqd......
- Hon.Joseph Nyaga:Muqdishu
waxay ka mid aheyd Caasimadaha adduunka kuwa.......
Wafdi ka Socda Q/midoobey iyo kenya oo
soo gaarey Muqdishu saakey ,wafdigaasi ayaa ka soo degay garoonka
dayuuradaha N0-50.
wafdiga ayaa raisukwasaaraha xukuumaha
Soomaaliya kulam kula yeeshay Ramadaan Hotel uu degan yahay.waxay ku
soo biireen wafdiga Raisuwasaaraha Hogaaminayo oo jooga Magaalda
Muqdishu Maalmahan.
kulanka ayaa ugu horeyn waxaa ka
hadley ku xigeenka wakiilka Jaamicadda Carab ee arrimaha Soomaaliya
Muddane Cabdalla Alcariimi oo sheegay in Jaamicada ka shaqeyneyso
sidii la isigu soo dhaweynlahaa labada gole oo fikraha ku kala duwan.
waxaa kaloo uu sheegau in shacabka ku
nool magaalada Muqdishu ka faaideystaan Fursada qaaliga oo ay Beesha
Caalamku Siisay.
wasiir ku xigeenka wasaaradda
Iskaashiga Caalamka iyo bariga Afrika ee kenya Hon.Joseph Nyaga ayaa
sheegay in Dawlada Kenya Garab taagan tahbay dadaalka uu wado
Raisulwasaraha xukuumada ,kaasoo la isugu soo dhaweynayo Fikradaha
kala duwan ee labaada Gole,waxaa kaloo uu sheegay 15-sano ka hor in
magaalada muqdioshu ku jirtey magaaloyinka ugu nabada badan ,waxcaa
kalo uu ka mahad celiyey soo dhaweyntii lagu soo dhaweyey magaalada
Muqdishu iyo fikirka uu ka aminsana,waxaa kaloo uu sheegay in
shacabka reer muqdishu haatan doonayaan dawlad iyo nabad.
sidoo kale kulankaasi waxaa ka hadley
wakiilka qaramada midoobey arrimaha siyaasada Soomaaliya Dr.Bebe
Feme Bedje oo isna sheegay in beesha caalmka iyo qaramada midoobey
soo dhaweyneyso dadaalka fikrad isku keenida Raisulwasaare Cali
M.Geedi.
waxaa kaloo uu Dadweynaha Reer
Muqdishu u sheegay in Maanta Dawlad dhisan gacantooda ku jirto,ayna
ka Faaideystaan.
ugu danbeytii kulankii ka dhacay
Ramadaan Hotel waxa ka hadley Raisulwasaarajha Xukuumada Federaalaka
Soomaalida Dr.Cali M.Geedi oo Mahadcelin u soo jeediyey dawladaha
IGad iyo Beesha caalamka dadaalka ay uga galeen sidii Soomaaliya
Dawlad iyo Baarlamaan shaqeeya u hrli lahaayeen ,sidoo kale waxa uu
amaaney Dadweynaha Reer Muqdishu soo dhaweyntoodii, waxana uuna in
maalmaha soo socda kual hadli doono Goob fagaro ah oo dadka reer
muqdishu ku idil yihiin.
dhamaad.
War-2-1,May,05.Ramadaan Hotel,Muqdishu.
Kulanka Raisulwasaraha iyo
Xildhibaanada ku sugan Muqdishu...
Raisulwasaaraha Xukuumada federaalka
KMG ee Soomaaliya Muddane Cali Maxamed Geedi iyo Wafdi uu
hogaaminayey ayaa maanta xildhibanada Baarlamaanka ee jooga muqdishu kula
kulmay Xaruntii hore ee Xisbiga Kacaanka.
Kulanka ayaa shir gudoominayey
Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomalida
Muddane Cismaan Cilmi Boqore,kulanka ayaa ugu horeyntii warbixino ka
soo jeediyey xildhibaanada ku sugan Magaalada muqdishu oo sheegay in
ay qabteen Hawlo xaasaasi ah ,muuqatana wax qabadkooda shaqo ee ku
aadan xaalada Magaalad Muqdishu iyo Maleeshiyooyinka ku dhaqan ,waxyna
sheegeen in haatan ay wadaan qorshihii lagu xereyn lahaa iyo sidii
tababaro ,aqooneed iyo xirfado kala duwanloo bari lahaa.
Raisulwasaaraha Soomaaliya ayaa
sheegay in hawsha ay wadaan tahay mid qaranimo tahay ayan aheyn mid
shaqsiyaeey ,taasoo uu sheegay in ay xildhibanada ku amaanan
yihiin,laakiin loo bahan in lawada tashado waxna meel la isla ogado.
waxaa kaloo uu ku amaaney sidii ay
ugu soo dhaweeyeen garoonka dayuuraha ee no-50.
ugu danbeyn waxaa kaloo halkaasi ka
hadlay gudoomoye ku xigeenka labad ee Baarlamaanka Federaalka KMG
soomaaliya mudane Cismaan Cilmi Boqore oo sheegay in Masuuliyiinta
Dawlada Daacad u yihiin dhamaan xubnaha barlamaanka ee ku sugan
muqdishu,laakiin ay jiraan shaqsiyaad ama xildhibaanada fikraddo
kala duwan aaminsan,lana doonayo in laga wada hadlo.
kulankasi sidoo kale waxaa ka
hadley qaarka tirsan xubnihii beesha caalama,safiirada wadamada qaar
oo kulankaasi ku sugnaa.
dhamaad.
DR.Cali Maxamed Geedi
Raisulwasaaraha dawlada Soomaaliya oo soo booqdey Villa
Somaaliya.Raadiyo Muqdishu iyo taliska Ciidanka Boliska.
Raisulwasaaraha Xukuumada KMG
Soomaaliya Dr.Cali Maxamed Geedi iyo Wafdigii uu hogaaminayey waxay
maanta soo booqdeen xarumaha kala ah Gurigii hore ee Madaxtooyada
Soomaaliya (Villa Somaliya),Raadiyo Muqdishu iyo Xarunta taliska
Ciidanka Boliiska,waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey Maleeshiyooyinka
taageersan Raisulwasaarwe ku xigeenja 2aad ahna wasiirka arrimaha
Guddaha ee Xukumada Federaalka KMG ee Somaaliya Xuseen Maxamed
Faarax caydiid iyagoo lulaya caleemo qoyan sitaana sawirka Xuseen
Caydiid kuna dhawaqaya soo DHawow Raisulwasare Cali Mxamed Geedi.
Raisulwasaare Cali maxamed geedi
ayaa dadweynihii halkaa ku sugnaa u sheegay in shgaqooyin iyo
tababaro la siin dpoopno dhamaan Maleeshooyinka tixgalin gaar ah la
siini doono,kana mid noqon doonaan ciidamada kala duwan ee Xukumada
Federalka KMG e Soomaaliya.
Raisulwasaare Dr.Cali Maxamed Geedi
ayaa ah Masuulkii ee Dawlada KMG Soomaaliya ugu horeeyey ee soo
booqda xarumahaasi tan iyo 1990 Dawladii hore ee Marxuum Siyad Barre.
dhamaad.
Abdikarim
Aden hussein .
Ramadaan Hotel,Muqdishu.
abdikarimhussein@hotmail.com
Wararkii Saakay:::: May 1
Ra'iisul Wasaare Geedi oo soo booqday Xaruntii
Vila Soomaaliya ee Madaxtoyada.
War.1.May.. Ra'iisul; Wasaaraha Xukuumadda federaalka
ee Dowladda Soomaaliya Prof Cali Maxamed Geedi ayaa
maanta Booqasho rasmi ah ku tagay Xaruntii hore ee
Villa Somaaliya ee Madaxtoyada, halkaasoo ay si diiran
ugu soo dhaweeyeen Dadweyne aad u fara badan oo ka
kala yimid qeybaha Magaalada Muqdisho.
Prof Geedi oo ay Booqashadisa ku wehliyeen Wasiir
ku-xigeen Xiriir Gobaleedka Dalka Kenya Joseph Nyaga,
Wakiilka Xoghayaha Guud u qaabilsan arrimaha
soomaaliya BabaFemi Badejo iyo danjirayaal ka socda
Beesha Caalamka, gaar ahaan Midowga afrika,Jaamacada
carabta, dalalka Igad, waxay xaruntaasi kala kulmeen
soo dhaweyn aad u heer sareysay, iyadoo Dadweynahaasi
ku dhawaaqayay soo dhawada Raisul Wasaare adiga iyo
wafdigaada.
Hadal uu dadweynahaasi u jeediyay raisuil wasaare
Geedi waxa uu ugu horreyntii uga mahadceliyay sidii
diiraneyd ee isaga iyo wafdigiisa ugu soo dhaweeyeen
Xarunta Madaxtooyada, wuxuuna sheegay in tani ay
muujineyso in dadweynuhu ay baahi weyn u qabaan
Dowlad,isagoo intaa raaciyay in Dowladu ay wax u qaban
doonto Dhallinyarada Hubeysan ee Maleeshiyaadka oo loo
qaadan doono Ciidamadfa Booliska iyo militariga, kuwa
buuxiya Shuruudaha Ciidanka, kuiwa kalena la siin
doono tababar farsamo ah oo ay ku shaqeystaan.
Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geedi waxa uu u sheegay
Masuuliyiinti iyo Dadwerynihii xarunta Madaxtooyada
kusoo dhaweeyay in laga sugayo in ay wax ka qabtaan
Amaanka iyo xasiloonida Muqdisho si Muqdisho ay usoo
ceshato Sharaftii ay caanka ku aheyd, wuxuuna
weydistay inay Taagero buuxda siiyaan Dowlada isagoo
sheegay in Xukuumadu waddo barnaamijo wax looga
qabanaaayo dhinacayadfa Amaanka,dib u dhiska iyo
barnaamij ku wajahan hub ka dhigista.
Masuul ku hadlay Ururkii SNA ee Taageera Ra'iisl
Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka arrimaha Gudaha
Mudane Injineer Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid, waxa uu
sheegay in isagoo matalaya Dadweynaha iyo
masuuliyiinta SNA ay Diyaar u yihiin inay furaha
Xarunta Madaxtooyada,Radiyo Muqdisho iyo Taliska
Booliska Soomaaliyeed ay ku wareejiyaan Dowladda
Federaalka KMG ee Soomaaliya.
Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Cali
Maxamed Geedi waxa kaloo maanta xarunta hore ee
Xisbiga uu kula shiray Xubnaha Labada Gole ee
Xukuumada iyo Baarlamaanka.
Kulankaasi waxaa kaloo ka soo qeybgalay
Wasiir-ku-xigeenka Xiriir Gobaleed Geeskia Afrika
Joseph Nyaga iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Arrimaha
Soomaaliya u qaabilsan Mr.Femi Badejo iyo
Danjirayaasha dalalka Igad iyo Jaamacadda
Carabta,waxaa kulankaasi hadal Warbixin iyo soo
dhaweyn isugu jira ka jeediyay Xildhibaan Cumar
Xaashi,Xildhibaan Jaamac Cali Jaamac iyo Guddomiye ku
xigeenka Baarlamaanka muidane Cusmaan Cilmi Boqore
waxayna sheegeen in ay qabteen Howl wax ku ool ah oo
ku saabsan sidii loo nabadeyn lahaa Magalada Muqdisho
iyadoo ay caddeeyeen inay agaasimeen Ciidamo wax ka
qabta Nabadgelyada Magaalada Muqdisho,iyagoo caddeeyay
ineysan jirin wax khilaaf ah oo dhex-yaala Labada
Gole, ayna diyaar u yihiin inay ficil u badalaan
waxqabadkooda.
Mudane Cali Maxamed Geedi oo isna shirkaasi ka hadalay
waxa uu u sheegay xubnahaasi inuu ku faraxsanyahay
wixii ay qabteen, balse ay muhiim tahay in ficil laga
dhigo wax ka qabashda Nabadgalyada Magaalada Muqdisho.
Prof Geedi wuxuu kaluu intaa raaciyay inay haboon
tahay inb la adkeeyo Midnimada Xubnaha Dowlada
islamarkaana qabashada Howlaha maamulka ay u xilsaaran
tahay Xukuumada, baarlamaankana uu u xilsaaran yahay
kormeerida Howlaha,wuxuuna weydistay iney meel iska
dhigaan khilaafyada oo ay wax waliba ka hor mariyaan
wax u qabashada Ummadda.
Waxaa iyana ka hadlay kulankaasi Wasiir ku xigeenka
Xiriir Gobaleedka Geeska afrika Joseph Nyaga iyo Baba
Femi Badejo oo caddeeyay inay Diyaar u yihiin iney si
buuxda u taageeraan Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan
Mr.Jospeh Nyaga oo timaamay in Dowladiisu aanay ka
hareyn tan iyo intii ay cagaheeda ay isku taageyso
Dowladda Soomaaliyeed ayna u fidin doonaan Dalalka
Igad Kaalmo wax ku ool ah.
Mr.Nyaga iyo Badeejo wax ay tilmaameen in Booqashada
Raiisul Wasaaraha ay tahay mid wax weyn ka qaban
doonta sii dhaqaajinta Howlaha lagu xaqiijinaayo
sugida Amniga ee Magaalada Muqdisho waxayna sheegeen
in ay u caddaatay in aanu wax khilaaf ah oo u dhaxeeya
xubnaha labada Gole balse uu jirto Xiriir la'aan lana
sixi karo, waxayna Raiisul Wasaaraha iyo Wasiirada
kale iyo Xubnaha Barlamaanbka ay ku adkeeyeen inay
gacnaha is qabsadaan oo ay xil weyn iska saaraan sidii
loo samata-bixin laha Ummadda Soomaaliyeed.
Isha: Xafiiska Afhayeenka Dawlada FKMG | Muqdisho
| May 1, 2005
Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM oo u Safray
Xamar si uu u Muujiyo Taageeraada DFKMG
Qoraal SomaliTalk ka soo gaarey xafiiska
Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in Wakiilka Xoghayaha Guud
ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha
soomaaliyam, Dr. Babafemi Badejo, in uu socdaalay Muqdisho si uu u muujiyo
tageerada dawlada DFKMG.
Dr. Badejo waxa uu rajaynayaa in uu
ra'iisul wasaaraha ka taageero sidii loo suurta gelin lahaa wada xaajood
dhex mara xubnaha labada gole ee DFKMG ee ku sugan Muqdisho. Waxa kale oo
safarkani fursad u siinayaa in uu dhiiri geliyo xubnaha dawlada ee muddo ku
sugnaa Muqdisho sidii ay u xoojin lahaa yeen ammaanka magaalada, isla mar
ahaantaasna ayagoo qayb ka noqonaya qorshaha dib u dejinta qaranka.
"Qaraamada midoobey waxay ugu baaqaysaa
dhammaan xubnaha labada gole in ay wada xaajood yeeshaan, si loogu gudbo
shaqada adag ee dib u dhiska daalka ee ina hortaal" ayuu yiri Dr. Badejo,
waxana uu intaas ku daray "Dadka Soomaaliyeed badan koodu waa kuwo jecel in
ay taageen qoysaskooda, kun anoolaadaan nlol wanaagsan, laakiin taasi waxay
ku iman kartaa marka ala helo jawi leh xasilooni iyo ammaan. Fursadaan ma
ahan mid aan ogolaan karno in ay ina garab marto".
Qoraalka Xafiiska Qaramada midoobey u
qaabisan Soomaaliya
ka eeg halkan..[.PDF]
WARBIXINADII AFAR BILOOD LAHA EE
QARAMADA MIDOOBEY EE SOOMAALIYA:::
APRIL 2005 |
JANAAYO 2005 [.pdf]
Gudoomiye_Xigeenka Midnimada Africa oo soo
Gaadhay hargaysa.
warbixin: Aadan yuusuf qodax hargaysa somaliland
Email: aadanqodax@somalitalk.com
Wafti balaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiye kuxigeenka ururka midnimada
africa(AU),ayaa shalay galab soo gaadhay hargaysa ,waftigan oo
ujeedada socdaalkiisa lagu tilmaamay mid xaqiiqo raadis ah xaalada
guud ee maamul iyo nololeed ee somaliland.
Wasiirka warfaafinta somaliland c/laahi maxamed ducaale ayaa sheegay in
imaatinka waftigani uu yimid somaliland uu kadanbeeyay cadaadis uu
maamulka somaliland saaray ururka midnimada africa oo ah in ay yimaadaan
somaliland.
Waftigan kasocda ururka midnimada africa waxaa xalay casho sharaf ah
usameeyay madaxweyne kuxigeenka somaliland axmed yuusuf yaasiin.
waxaa waftigani ay maanta u ambabexeen magaalada berbera si,ay usoo eegaan
dekeda magaalada berbera iyo hawlaha ay hayso dekadu.
waxaa lafilayaa in waftigu uu caawa ilaa bari lakulmo madaxweyne daahir
rayaale kaahin .
Waa waftigii ugu heersareeyay ee kasocda ururka midnimada africa oo aanay
somaliland xubin ka ahayn, waxaana lasugayaa bal waxa waftigu kayidhaahdo
somaliland marka ay dhamaystaan socdaalkooda.
alaa mahadleh
aadan yuusuf qodax hargaysa
email: aadanqodax@somalitalk.com
Waftigii ka socday midawga afirca oo gaarey xeebta Berbera xarunta G/Saaxil
warka ku saabsan hoos ka akhri.
Ugaas Max’ed Wali “C/llaahi Yuusuf isaga
iyo cadaaladda waxay isku jiraan meel lo socdo 27 sanno..
Amiin yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com |
Muqdisho | May 1, 2005
Ugaas Max’ed Wali Shiikh Axmed Nuur oo ah
afhayeenka Suldaanada Beesha Daarood ayaa soo gaarsiiyay saxaafadda isagoo
ku sugan magaaalda Nayroobi warqad qoraal ah waxayna warqadaasi qoraalka ah
ku bilaabanaysaa sidatan.
“C/llaahi yuusuf isaga iyo
cadaaladda waxay isku jiraan meel loo socda 27 socdo wuxuu Jabhad ahaa muddo
27 sano ah walina ma dareemin in uu yahay madaxweynaha soomaaliya wuuna ka
gudbay Jabhadnimadii uu mudda dheer ku soo jiray taasina waa nasiib daro u
soo hoyatay shacabka soomaaliyeed isagoo horey u sheegay in uu yahay Ninkii
bilaabay fidnada maanta haysata umadda Soomaaliyeed, cadaaladdiisu waa
Caraweelo oo kale oo Ragga ka goysay xubintii taranka kaddibna waxay amartay
in Ragga la baaro ninkii laga waayo xubinta Taranka waxaa lagu ganaaxayay in
la karbaasho, cuntada laga jaro, Faras dheeraya lagu xiro taasina ma aha
cadaalad loo dul qaadan karo, Madaxweynaha waxaan leeyahay 27 sano wixii
dadka aad u leynaysay waad haysaa si uu shacabka uga baxo dhibaatada waa
inaad garab ka dhigataa dadka cilmiga iyo aqoonta saaxiibka u ah haddii kale
waxaadan hureyn wadaddii uu qaaday Charles Tayler”.
Cali Max’ed Geedi “Dadweynaha Soomaaliyeed
waxaan u soo jeedinaya…
Ra’isul wasaare Cali Max’ed
Geedi oo maalmahan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa mar uu la kulmay qaar ka
mid ah ganacsatada iyo waxgarad ayaa waxa uu u sheegay in dalka ay
imaanayaan ciidamo ka socda Midowga Afrika iyo Urur goboleedka IGAD kuwaasoo
uu sheegay in ay ka qayb qaadan doonaa sugida goobaha dowladda, ilaalinta
goobaha ilaha dhaqaalaha iyo inay hubka ka dhigaan kooxaha maleeshiyooyink.
“Haddii aan ciidamadaasi la soo dhaweynin oo aan lala shaqeyn dalka wuxuu ku
sii jirayaa dhibaatada iyo nabadgelyo xumo” ayuu yiri Cali Max’ed Geedi oo
sheegay in dowladda aysan soo guureen ilaa ay ka soo hor maraan ciidamda
midowga Afrika iyo kuwa IGAD. “Dadka haddii aan hubka laga dhigin waligeed
sidaan ayaa ku jireynaa caalamka waa naga sii jeesanayaa” ayuu yiri Cali
Max’ed Geedi oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay soo dhaweeyaan
ciidamda ka socda wadamada Afrika. Ra’isul wasaaraha ayaa haatan wada qorshe
uu bulshada Soomaaliyeed uga dhaadhicinayo soo dhaweynta ciidamadaasi,
wuxuuna sheegay in la’aantood aysan dowladdu qaban Karin wax shaqo ah,
wuxuuna sheegay in ciidamaasi dalka ku sugnaan doonaan waqti kooban iyaga oo
tabar siin doona kooxaha maleeshiyooyinka ah iyo iyaga oo isku duba ridi
doona ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed.
C/qaasim “Dowladeedii waxaa hor yaalay
isbaaro laakiin midda Geedi…..
Prof.Cali Maxamed Geedi oo ah
Ra'salwasaaraha DFKMG ah ee Soomaaliya oo haatan booqanaya Mogaalada
Muqdisho ayaa shaley wuxuu kulan la yeeshay C/qaasim Salaad Xasan oo
Madaxweyne ka ahaa Xukuumadii lagu soo dhisey Shirkii Tuulada Carta ee
Wadanka Jabuuti. Kulanka masuuliyiintan oo ka dhacey Guriga C/qaasim uu ka
degan yahay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo ogolaadey Saxaafada inay goob
joog ka ahaadaan waxyaabaha laga wadahadlayo. Kulanka ayaa Ra'iisul Wasaare
Cali Max'ed Geedi wuxuu uga mahadceliyey C/qaasim Salaad & Masuuliyiinta
kale ee ku sugan Gobolka Banaadir, soo dhaweynta Wafdi-giisa iyo waliba
Taageerada DFKMG ah ee Soomaaliya. Ra'salwasaare Cali Maxamed Geedi wuxuu ku
aamaney C/qaasim dadaalkii uu ka sameeyey amaanka Muqdisho xiligii uu ahaa
Madaxweynaha Xukuumadii Carta, isla markaana wuxuu ka codsadey in sidaasi si
la mid ah uu xiligan u hawlgalo amaanka Magaalada Muqdishi iyo sidii ay
Xukuumadu ku imaan lahayd
Sidoo kale Cali Maxamed Geedi
waxyaabaha kale ee uu ka hadley waxaa ka mid ahayd Caasimadnimada Magaalada
Muqdisho, waxaana uu sheegay in taasi aysan ku jirin gorgortan, isla
markaana uusan ogeyn meesha lagu badaley Caasimadnimada Muqdisho, wuxuu
sheegay in Dadka lagu qaldey hadalo uu ku tilmaamey jahwareerin. C/Qaasim
Salaad Xasan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in Xukuumada
Ra'isalwasaare Geedi aaney iminka hor oolin wax isbaaro ah sida ku dhacday
Xukuumadii uu Madaxweynaha ka ahaa, waxaana C/qaasim uu sheegay in inta
badan Hogaamiye kooxeedyada ka jira Soomaaliya, kuwaasi oo iminka ka ah
wasiiro iyo Xildhibaano dowladan, waxa uuna ku booriyay Ra'islwasaare Geedi
in uu ka fa'ideysto fursada uu haysto, isla markaana uu ku dadaalo xalinta
qilaafaadka iminka ka dhex jira labada Golle ee DFKMG ah ee Soomaaliya,
sidoo kale waxa uu la kulmay Ra’isul wasaaraha Madax-weynihii hore Cali
Max’ed Geedi wuxuuna u soo jeediyay in waayo aragnimadooda ugu faa’eedeeyaan
bulshada Soomaaliyeed si ay u hesho nabad iyo xasilooni.
Cali Mahdi oo isna halkaasi ka
hadlay in dowladda looga baahan yahay in ay dalka dib ugu soo laabato.
amiin yuusuf
amiinkhasaaro@hotmail.com
WEFTIGA MIDAWGA AFRICA OO SI WEYN LOOGA SOO DHOWEEYEY BERBERA.
Waftigii ka socday midawga afirca ayaa
soo gaarey xeebta Berbera xarunta G/Saaxil.
Weftigan oo ay hogaaminayeen wasiirada arimaha gudaha, wasiirka wasaarada
warfafinta iyo wasiirka wasarada maaliyada S/land oo uu weheliyo afhayeenka
M/tooyada S/land Cabdi Idirs Ducaale.
Soo dhowayntaii waftigan oo si weyn loo sii agaasimay waxaa lagaga horyimi
degmada mandheera waxaana ka mid ahaa masuuliyiinta soo showeeysay
gudoomiyaha G/saaxil Maxamed C/Laahi Maxamed T/Q/Booliska G/Saaxil duqa
Berbera Cabdi Jaamac Ducaale maareeyaha wakaalada Dekeda Berbera Ing Cali
Cumar Maxamed (Cali Xoor Xoor) iyo madax waaxeed yada iyo hawl wadeenada
kala duwan ee dekada Berbera maamulaka kastamka Berbera wakaalada Biyaha
Berbera ardayda dugsiyada kala duwan eee Berbera iyo Maamuladooda
muruqmaalka Dekada Berbera Ururada Bulshada ee kal aduwan Haweenka Ururada
dhalin yarada dad weyne tiro badan kuwaas oo wadooyinka waftigu mareyey ilaa
tuulooyinka u dhexeeya madheera ilaa Berbera la taagnaa caleemo qotan iyo
Boodhadh ay ku xardhan yihin weedho ay dareenkooda ka muujinayaan kuna
cadaynayaan in aanay qaranimada S/land Gorgortan gelinkarin is,la markaana
ay ka mid ahaayeen S/land jiraankeedu waa muqadis, S/land waa dal jira oo ka
mid ah qaarada africa iyo dunidaba.
Abaaro 2dii duhurnimo ayaa weftigan midwoga afirca ka socday la dejiyey
guriga qasriga Berbera oo ku yaala duleedka Haamaha kaydka shiidaalka
qaaranka halkaas oo ay aftigu ku soo dhoweeyeen gudoomiyaha G/Saaxil duqa
Berbera Cabdi Musbaar isla markaana weftiga loogu sii diyaariyey qado
sharaf.
Wasiirka warfaafinta S/land oo ka mid ahaa wasiirada horkacayey waftigan
ayaa hadal kooban oo uu saxaafada siiyey ku sheegay in ujeedada waftigan
tahay sidii ay xog badan uga heli lahaayeen xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta
S/land iyo waxa u qabsoomay mudadii ay madaxbanida qaadatay iyo horumarka
iyo dib u dhiska dulka isla markaana ay eegayaan dumoquraadiyada ka jirtya
S/land iyo inay S/land tahay dal dastuuriyan jira lana mid ah dunida kale .
Dhinaca kale waftigan oo ka kooban 7 xubnood waxaa hogaaminayey sida uu
sheegay wasiirka wafraafintu gudoomiyeku xigeenka ururka midwoga afirca oo
uu sheegay inuu yahay saaxiib aad u qaali ah oo S/land leedahay.
Waxaa kaloo sheegay inta ay joogaan waftigani inay soo booqdan doonan
goobaha kala ah haamaha kadhka shiidlaka xeebta batalaale dekada berbera
madaarka waxaa kaloo la sheegay inay caawa waftigani la kulmi doontoururada
bulshada sida culmida u diinka duqayda madax dhaqmeedayada ururada haweenka
ee ka jira Gobolka ama Berbera ururada dhalinyarada kulanadaa ka dib waxaa
la sheegay inay caawa u hoyan doonaan huteel Biyo dhacay Berbera isla
markaana ay subaxda u anbabxi doonaan dhinaca xarunta G/Togdheer ee Burco
iyagoo ku sii hakan doonan magaalada sheekh oo ka tirsan deegaanka G/Saaxil.
Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2005
BOOSAASO
& LA DAGAALANKA ANSHAX XUMIDA
Waxaa (19-04-2005) lagu qabtay Hoolka
Jamacada Bariga afrika Boosaaso Shir aad u balaaran oo ay yesheen
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culumo owdiinka Gobolda Puntland
Qaar ka mida...
Guji...
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|