Daabaco
Boggan | Print |
|
1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa
wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo
Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya.
Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo
waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu
wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee
Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.
|
Aragtidii Dadweynaha SOOL,
SANAAG, & BUUHOODLE ee Sannadkii 2001...
KA AKHRI HALKAN... GUJI....
XASUUQII WAGALA
:: Sannadkii 1984 waxaa magaalada Wajir lagu xasuuqay in ka badan 400 oo
nin oo Soomaali ah.. (Tiradaas waxaa taariikhyahanadu gaarsiiyaan in ay
ahayd 2000 oo qof oo la xasuuqay). Xasuuqyada kale ee Kenya u geystey
dadka ay gumeysato waxaa kamid ah Xasuuqyadii: Malkamari ee 1976,
Garissa ee 1980, Madogashe ee 1982, Bagala ee 1998..
EEG HALKAN
ARAGTIDII DADWEYUHU KA QOREEN ITOOBIYA 2001.... Guji... |
-
Maamul Gobaleedka
Puntland oo aad u dhaliiley Ra'iisul Wasaare Geedi
-
Dowladda Itoobiya
iyo Dowladda Federaalka oo kala saxiixdey Heshiisyo dhinacyo
-
Ra’isul Wasaare Geedi oo soo dhaweeyay
go’aankii Xubnaha labada
-
Shiikh Cali Wajiis
“Howlgalka ay wadaan Maxkamadaha wuxuu keeni doonaa
-
Dowlada Federaalka
oo u soo jeedisay Midowga Afrika iyo Ururka Jaamacada in ay iibsadaan
dhul
-
Barre
Hiiraale oo la filayo in uu dhawaan soo gaaro Magaalada Muqdisho
WARARKA MAANTA::::
Maamul Gobaleedka
Puntland oo aad u dhaliiley Ra'iisul Wasaare Geedi
Madaxweyne ku
xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii
dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi oo ahaa in haddii la aqoonsado
maamulka la magac baxay Soomaaliland ay Dowladdu aqoonsan doonto, wuxuuna
Madaxweyne ku xigeenku hadalkaasi ku tilaamamay mid xadgudub ku ah sharciga
iyo dastuurka Dowladda Federaalka.
“Ma aheyn in Ra’isul
Wasaaruhu dhex galo arimo noocaas oo kale ah oo ah mid u hiilinaya in
Soomaaliya la googooyo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka oo sheegay in la
doonayo in ra’isul Wasaaruhu u raagelin ka bixiyo hadalkaasi oo ah mid u
keeni kara Dowladda Federaalka ah sumcad xumo.
Waxaa maalmahan dhaliil
xoogani soo gaarsay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi kaddib markii uu
sheegay in haddii la aqoonsado maamulka Somalilnad uu isna dhiniciisa uu
aqoonsanayo taasoo shacabka Soomaaliyeed ku noqotay layaab iyo amakaag.
Dowladda Itoobiya iyo
Dowladda Federaalka oo kala saxiixdey Heshiisyo dhinacyo
Iyadoo
maalmahan Magaalada Johwar ay ku sugnaayeen wafdi ka socday Dowladda
Itoobiya ayaa maalintii shalay ahayd waxay heshiisyo kala saxiixteen
Dowladda Federaalka, waxayna heshiisya-daasi isugu jiraan dhinacyada
Dhaqaalaha, Siyaasadda iyo Nabadgelyada.
Heshiiskaan
ayaa waxaa la sheegay in uu faa’iido ugu fadhiyo Dowladda Dowladda Itoobiya
oo iyadu dooneysa in ay isticmaasho qaar ka mid ah Dekedaha Soomaaliya,
taasi waa mid ay ku adkaan doonto.
Dowladda
Itoobiya ayaa waxaa heshiiskaan u saxiixay danjire Suleymaan, dhinacda
Soomaaliyana waxa u saxiixay wasiirak arimaha Dibadda ee Dowladda Federaalka
Danjire C/llaahi Shiikh Ismaaciil.
Dhawaan ayaa
Dowladda Federaalka waxay heshiis la gashay Dowladda Kenya, hase yeeshee
heshiiskaasi ilaa iyo haatan waxba kama fulin, iyadoo Dowladda Federaalka ay
dooneysay in canshuur lagu soo rogo Qaadka, Diyaaradaha iyo Maraakiibta ka
imaneysa dalka Kenya.
Heshiiska ay
wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya waxaa dhaliilay qaar
ka mid ah Xubnaha Dowladda ee ku sugan Muqdisho oo sheegay in heshiiskaasi
uu yahay mid la doonayo in lagu dhaco dhaqaalaha Soomaaliya.
Ra’isul Wasaare Geedi oo soo dhaweeyay
go’aankii Xubnaha labada
Wararka naga soo gaaraya
Magaalada Jowhar ee Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan in Ra’isul Wasaare
Cali Max’ed Geedi uu si weyn u soo dhaweeyay go’aankii ay qaateen xubnaha
Dowladda ee ku sugan Muqdisho oo ah in ay diyaar u yihiin in ay wada hadalo
la furaan xubnaha kale ee Dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar. “Go’aankaas
waa mid keeni kara in Dowladdu ay si quman ay u wada shaqeyso isla markaana
ay u adeegto bulshada Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’isul Wasaare Geedi oo
sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin in kulan ka fool ka fool ah ay la
yeeshaan xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho. Ra’isul Wasaaraha
oo haatan ku sugan Dalka Itoobiya ayaa waxaa warkaan soo dhaweynta ah soo
gaarsiiyay Xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar, isagoo ugu
baaqay in ay gacan ka gaystaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka xubnaha
Dowladda. Xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa iyagu qaatay
waan-waantii uu waday Wasiirka dib u dhiska iyo din u dejinta ee Dowladda
Federaalka Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) taasoo ah in uu wada hadal uu
dhex maro xubnaha Dowladda ee ku kala sugan Jowhar iyo Muqdisho, kaasoo ka
dhaca dalka gudihiisa. Dhinaca kale dadweynaha ku nool Gobalka Banaadir ayaa
si weyn u soo dhaweeyay go’aanka dabacsanaanta leh oo ay gaareen xubnaha
Dowladdda ee ku sugan Muqdisho, kaasoo ay sheegeen in uu wax ka tarayo isku
soo dhawaanshaha xubnaha Dowladda iyo in ay wada shaqeyn dhex marto xubnaha
Dowladda, waxayan sheegeen in taasi ay faa’iido ugu fadhiso shacabka
Soomaaliyeed.
Shiikh Cali Wajiis
“Howlgalka ay wadaan Maxkamadaha wuxuu keeni doonaa
Shiikh Cali Wajiis
oo ka mid ah Culuma’udiinka Soomaaliyeed ahna xiriirayaha wadamada Carabta iyo
kuwa Islaamka ayaa isagoo ku sugan Dalka Sucuudi Carabiya ayaa waxa uu wareysi
siiyay Idaacadda Banaadir, wuxuuna wareysigiisu si aad ah ugu dheeraaday
howlagalka ay Maxamaduhu ka wadaan Magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in
howlgalkaasi uu keeni karo mid ay ku burburaan Maxkamadaha Islaamiga ah.
“Haddii Munkar la
suulinayo, uu Munkirkaasi ka imaanayo mid ka dhibaato badan, waxaa loo baahan
yahay in laga hakado” ayuu yiri Shiikh Cali Wajiis oo sheegay in Maxkamadaha
looga baahan yahay in Bulshada ay marka hore wacyigelin ku bilaabaan.
“Anigu ma diidani
in la baabi’iyo Shaneemooyinka laakiinse marka hore waxaa ka horeysa Maxaa ka
imaan kara” ayuu yiri Shiikh Cali oo sheegay in Dagaaladii ka dhacay deegaanka
Yaaqshiid ay sababeen dhimasho fara badan, dhaawac iyo barakac, taasoo uu
sheegay in ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan ciddii weerarka bilwoday.
Wuxuu ugu
mahadceliyay Maxkamadaha Islaamiga ah sida ay gacanta uga gaysteen nabadgelyada
Magaalada Muqdisho, waxaa kalloo uu soo jeediyay in Maxkamadaha looga baahan
yahay in ay latashiyo fara badan la sameeyaan Culuma’u-diinka Soomaaliyeed si ay
u gaaraan hadafkooda.
Dowlada Federaalka oo u soo
jeedisay Midowga Afrika iyo Ururka Jaamacada in ay iibsadaan dhul
Iyadoo dhawaan
xafiisyo ay ka furteen Magaalada Jowhar Ururka Midowga Afrika iyo Ururka
Jaamacadda Carabta ayaa haddana wararka naga soo gaaraya Magaalada Jowhar waxay
sheegayaan in mas’uuliyiinta Dowladda ee ku sugan Magaalada Jowhar ay ka
codsadeen Ururadaasi in ay iibsadaan dhulka ay xafiisyada ka furan doonaan sida
uu qabo sharciga caalamiga ah.
“Hadda Dowladdu
waxay diyaar idiinla tahay in si ku meel gaar ah aad ugu shaqeysataan guryo,
laakiin Mustaqbalka waxaa loo baahan yahay in aad dhisataan dhulkaas oo aad
iibsataan” ayay yiraahdeen mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka.
Arintaani ayaa
waxaa si weyn u soo dhaweeyay Ururka Jaamcadda Carabta iyo Ururka Midowga Afrika
oo sheegay in ay diyaar u yihiin in Magaalada Jowhar ka dhistaan xafiisyadii ay
ku howlgali lahaayeen, taasoo ay sheegeen in ay noqon doonto hanti ay leeyihiin
Ururka Midowga Afrika iyo Ururka Jamaacadda Carabta.
Barre Hiiraale
oo la filayo in uu dhawaan soo gaaro Magaalada Muqdisho
Warar aanu ka
helnay Magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in Wasiirka dib u dhiska iyo dib u
dejinta Barre Hiiraale la filayo in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho, iyadoo lagu
wado in uu halkaas ka sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday xubnaha
Dowladda ee Muqdisho iyo Jowhar kuwaas oo uu u dhexeeyo khilaaf dhanka fikirka
ah.
Dhawaan ayaa
xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho waxay soo dhaweeyeen waan waanta
uu wado Barre Hiiraale, waxaana la filayaa in Barre marka uu soo gaaro Magaalada
Muqdisho uu kulan gaar ah la yeesho Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan
Shiikh Aadan iyo xubnaha kale ee Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho.
Barre waxa uu u
gudbi doonaan Magaalada Jowhar halkaas oo uu kula soo kulmi doono Madaxweynaha
Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf, kaddiban Barre Hiiraale waxa uu soo
bandhigi doonaan halka ugu haboon ay ku kulmi doonaa xubnaha Dowladda, warar
ayaa waxay sheegayaan in la qorsheenayo in Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif
Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf ay ku
kulmi doonaan Magaalada Kismaayo.
Barre Hiiraale
ayaa kal hore warqad qoraal ah u diray Guddoomiyaha Baarlamanka uu kaga
dalbanayo in la dhameeyo khilaafka u dhexeeya xubnaha Dowladda ee ku kala sugan
Magaalada Muqdisho iyo Jowhar, waxaana la sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka
uu soo dhaweeyay isagoo ku wargeliyay Barre Hiiraale in arintaan uu hor dhigayo
xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay go’aan ay
ka soo saari doonaan
W/D AmiinYuusauf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@otmail.com
Faafin:
SomaliTalk.com | Nov 17, 2005
Cid aan aniga
ahayn kuma hadli karto afka Dowladda
Sidaas waxaa yiri Cali M. Geedi oo
soo gaarey Belgium oo ka jawaabayey su'aal uu Ingiriisi ka weydiiyey
labo hadal oo ay ku kala hadleen isaga iyo Madaxweyne C/Laahi...
Guji... Nov
16
Gen. Morgan oo
loo xukmiyay Beertii Labaad ee ku taal Gobolka Sh/Hoose
»Maamulihii
Madbacadda Daahir-Printing oo lagu diley Gurigiisa
»Dowladda
Imaaraadka oo baaritaan ku sameyneysa lacag..
»Xildhibaan
Dhimbil “Geedi waxaa uu ku xad gudbay...
»Suudi,
Finish iyo Raage oo kulan Albaabadu u xiran yihiin..
»1540
qoys oo gaajo, biyo la’aan iyo macluul ku haysa..
Warka oo dhan ka akhri halkan.... Guji...

|