Telefishan
Barnaamij Dheer ka Diyaariyey Arimaha La xiriira Xarigii
iyo Soodeyntii Cabdi Qaybdiid |
Ka Daawo Halkan.... [Af Swedish]

Telefishanka SVT ee
Sweden aaya barnaamijkiisa lagu magu magacabo AGENDA ee
October 23, 2005 waxa uu ku soo qaatay arrimo la xiriira
Xarigii iyo soo deyntii Cabdi Qaybdiid. Barnaamijkaas oo
af Swedish ah
Ka Daawo Halkan.... | Qoraalka TV-ga oo Swedish ah
ka akahri halkan...
Qeybdiid oo si
rasmi ah loo siidaayey
Sweden | Oct 20, 2005

Ikraam
Cali-kaar oo waraysaneysa Cabdi Qaybdiid |
Caawa saacaddu xilliga
Sweden markey aheyd lixdii fiidnimo ayuu xeer
Illaaliyaha guud ee gobolkan ninka la yiraahdo Mats
Sällström shaaca ka qaaday inuu Col Cabdi Qeybdiid
aanu aheyn dambiile kadib markii lugu waayey wax
cadddeyn ah oo la xirriirta eedeymaha lugu soo oogay.
Ka
hor intaanu ku dhawaaqin xeer ilaaliyaha go'aankiisi
ku saabsana baaritaanka la xirriira dembiga lugu
oogay Cabdi Qeybdiid ayuu Thomas Olsson oo ah
qareenkiisa u sheegay saxaafadda Sweden oo tan iyo
saakay xaadir ku ahaa xarrunta booliska magaaladatan
Gothenburg in wakiilkiisa la diideynayo oo aan
dembi lugu heyn. Waxa uu sheegay Thomas Olsson in
caddeyn buuxda meesha oolin sidaas aawadeed xeer
Ilaaliyuhu amray in la siidaayo.
Markii la sii daayey
Cabdi Qeybdiid ayuu jaaliyada Soomaalida oo la
yiraahdo Urrurka saaxiibtinimada Sweden iyo
Soomaalida yimid iyadoo uu halkaasi kula hadlay
soomaalida halkaasi timid oo ugu waramay sida ay wax
u dhaceen.
Wareysi aan ka qaaday
ayuu iigu sheegay Qeybdiid iney aheyd mid layaab leh
eedeymaha lugu heysto ee ah inuu lug ku lahaa xasuuq
la sheegay iney ka dhaceen koonfurta Soomaaliya. Mar
aan weydiiyey dareenkiisa sida uu yahay kadib
go'aankii xeer ilaaliyaha ayuu sheegay iney dowlada
Sweden ay cadaalad adeegsatay. Dhinaca kale Col
Qeybdiid waxa uu eeda dusha ka saaray xarigiisa
madaxweynaha dowlada KMG ah oo u sheegay iney ka
dambeysay xarrigiisa iyo siyaasadda uga soo horjeedo.
"Ma jirto cadeeyn
buuxda oo aan aheyn cajalka Vedio-ga la sheegay
taasoo loo arkayo ineysan mid la isku hubo ama lugu
xirri karro" ayuu yiri Tohams Olsson oo ka hadlayey
sida ay wax u dhaceen.
Lama oga waqtiga uu ka
baxi doono dalka Col Cabdi Qeybdiid oo la sheegay
fiiso dal ku galka dalkan Sweden ay ku ekeyd
maalintii shalay aheyd. "Kedis bey igu aheyd markey
booliska i qabteen mana aanan ogeyn sababta la igu
qabtay" ayey kamid ahaayeen hadaladdiisi ugu
horeeyey ee siiyey saxaafadda guud ahaanteed. Isku
soo wada duub haatan Qeybdiid waa xor welina
xarigiisa kama bixin tafaasiil marka laga reebo inuu
hadallo koo kooban siiyayey saxaafada gudaha iyo
dibadda.
Ikraam Cali-kaar
Wararkii Hore ee
Siideynta Qaybdiid::
Cabdi Qaybdiid oo Xabsiga
Laga siidaayey

Abdi
Hassan Awale
(Cabdi Qaybdiid) oo ka sii baxaya Xarunta
Booliska markii la siideysey, Sawirka: AP, Oct
20

Sawirka AP -

Soomalid
ku mudaharaaday Sweden iyagoo kasoo horjeedey
xariga Qaybdiid, Sawirka: AP Oct 20,05

Video ay daabacday Shabak Reer Sweden ah.. |
Tarjumadii
SomaliTalk.com | Oct 20, 2005
Isha:
www.somalitalk.com/newsindex/y.html
Wararka ka imanaya
dalka Sweden ayaa tibaaxay in maanta oo Khamiis ah
xabsiga laga sii daayey Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi
Qaybdiid).
Waxaa wararku intaas ku
dareen in maxkamada degmada
Goteborg ay sheegtay in
aysan hayn cadaymo ku filan oo ay xabsiga ugu sii hayaan
oo ku aadan fal-dembiyeedyada dagaalka (War Crime),
sidaasna xabsiga looga sii daayey maanta oo Khamiis ah
Oct 20, 2005.
Dhanka kale intii aan
Qaybdiid xabsiga laga soo deyn waxaa maanta ay dad
Soomaaliyeed ku mudahaaradaad Booliska Sweden iyagoo
kasoo horjedey xariga Cabdi Qaybdiid.
WARBIXIN AY IKRAAM
CALI KA SOO DIRTAY SWEDEN
Cabdi Qeybdiid oo la
sii daayey 
Lama soo koobi karro
sida uu ahaa dareenkiisa col Cabdi Qeybdiid oo xeer
ilaaliyaha maxkamadu sheegay inaan haba yaraatee
dembiga lugu soo oogay lug ku laheyn. Markii uu
banaanka u soo baxay Cabdi Qeybdiid ayaa la kulmay
saxaafadda Sweden oo aan u kala harin ay hor jeegeen
xarrunta booliska kuwaasoo tan iyo maanta duhurkii
xaadir ku ahaa.
Hadaba Cabdi Qeybdiid
oo haatan ku sugan jaaliyada soomaalida magaaladan
ayaa lugu wadaa inuu qabto shir jaraa'id oo uu kaga
hadli doono dareenkiisa ku aadan xarigii la xiray.
Hadaba wixii arrintan kasoo kordha dib ayaan idiin
kaga soo tebin doonaa.
Ikraam Cali-kaar
WARBIXIN UU MUQDISHO
KASOO DIRAY AMIIN YUUSUF::
Cabdi
Qaybdiid oo Xabsigga laga sii daayey
Waxaa caawa Magaaladda
Gotenbarg laga sii daayay xabsigii uu uga jiray Cabdi
Xasan Cawaale “Qeybdiid” oo hore Wasiirka Amniga Qaranka
uu u magacaabay Taliyaha Ciidanka Police-ka Soomaaliyeed,
kaddib markii lagu waayay dambiyadii lagu soo oogay.
Siideynta
Taliyaha waxaa ka qeyb qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka
Shariif Xasan Sh. Aadan oo Col. uu ka mid ahaa
wafdigiisa iyo sidoo kale Banaan-baxyo ka dhacay halkii
uu ku xirnaa Qeybdiid iyo gudaha Soomaaliya, iyadoo
maalintii shalay aheyd Cabdi Qaybdiid la hor keenay
Maxkamad ku tala wadanka Sweden, waxaana wax laga
weydiiyay waxa uu ka ogyahay eedeymaha loo soo jeediyay,
hase ahaatee waa uu beeniyay eedeymahaas, isagoo ku
tilmaamay mid aan waxa ka jirin.
sababaha
ugu weyn ee loo sii dayay Qaybdiid ayaa waxaa lagu
sheegay iyadoo Sweden ay dooneysay in uusan burburin
mirihii ka soo baxay shirkii dib u heshiisiita ee mudada
labada sano iyo barka ah ka socday dalka Kenya iyo
qoraalo ka soo gaaray Sweden qeybaha kala duwan ee
bulshada oo looga dalbanayay in si shuruud la’aan ah loo
sii daayo taliyaha.
sida
wararku ay sheegayaan dad Soomaaliyeed ayaa Cabdi
Qeybdiid waxay ku soo eedeeyeen in uu xasuuq ka geystay
dalka Soomaaliya markii ay socdeen dagaaladii sokeeye,
hase ahaatee dadkaas ayaa la sheegay in ay keeni waayeen
cadeymo rasmi ah oo la xiriira dacwadiisa.
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Warbixin Ku saabsan Dagaalo dhexmarey Jabhadda Waddaniga
Xoreynta Ogaadeenya iyo Ciidamada Itoobiya.....
warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Jabhadda Waddaniga
Xoreynta Ogaaadeenya ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu
faahfaahiyey dagaalo dhexmarey labada dhinac waxaana
warsaxaafadeedkan soo saarey wakiilka Jabhadda ee
Soomaaliya Cilmi Maxamuud waxayna dagaaladaas u dhaceen
Akhri....
Faafin: SomaliTalk.com
| Oct 20, 2005
Shiikh
Indha-Cadde “Warbixintii Qaramada Midoobey waxay ahayd mid xaqiiqda ka
fog
haddii aan nahay Maamulkana waxaan
dagaal kula jirnaa Beerisa Xashiishka ”, sidaas waxa uu ka sheegay shir
jaraa'id oo uu...
Guji...
Oct 20VIDEO:
Maxkamadii la soo taagey Saddam Xuseen|
CBC
Canada
oo Xabsiga u Taxaabtay nin Reer Rwanda ah
oo Lagu eedeeyey Fal-Dembiyeedyo Dagaal (Xasuq)
uu Ka Geystey Rwanda Sannadkii 1994...
Guji...
Muqdisho: Banaanbax looga soo horjeedey
Xarigga Cabdi Qaybdiid
»Muuse
Suudi “Xariga Qaybdiid waa afduub laga maleegay..
»Qanyare
“Cabdulahi Yuusuf maa la xiro isagaa qirtey..
»Cabdi
Qeybdiid oo qareen cusub loo qabtay...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... GUJI...
Wararka iyo Maqaalada Laga
Qoray Xariga Col. Qaybdiid
- Wasaarada Arrimaha Dibada
Sweden oo la sheegayo iney la wareegeyso arrimaha
Qeybdiid.
-
Qaybdiid
Milosevic Miyaa?
- Haku waana qaateen ragii ku
xadgudbey bulshada Soomaaliyeed
xadhiga cabdi qaybdiid:
- Golaha Badbaadinta
Shacabka J/Hoose Qabashada Qaybdiid...
-
Qaybdiid
oo Jeegada la Qabtay iyo Koneylka oo “Dowladda” Garqaadaya
-
XARIGA INA-QAYBDIID,
WAA GUUL U SOO HOYATAY INTA CADAALADA JECEL,
- Xariga Cabdi
Qaybdiid Yaa ka danbayay?
HALKAN KA DAAWO VIDEO-GA.......
MUQDISHO: warar ku
saabsan Xariga Cabdi Qaybdiid ka akhri halkan... GUJI...
.Imaamka C/llaalhi khaliif Rooble “xariga
Cabd Qaybdiid wuxuu cirka ku shareerayaa dib u heshiisiinta .
.Shaqsiyaad Soomaali-yeed oo u
ololeenaya sidii loo .
.imaan Xasan Jiirow “xariga Cabdi
Qaybdiid Wuxuu dhabar jab ku ..
.Cabdi Qaybdiid oo gaashaanka ku
dhiftay Eedeymihii loo soo j..
.Banaanbax looga soo
horjeedo Xariga Cabdi Qaybdiid ..
.Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay oo ka hadashey..
.Safaarada Sweden ay ku leedahay
Nairobi oo laga dalbadey.
Akhri
Halkan......
Wasaarada Arrimaha Dibada
Sweden oo la sheegayo iney la wareegeyso arrimaha
Qeybdiid.
Ikraam Cali-kaar
Warar kala duwan ayaa
kasoo baxaya arrimaha la xirriira xariga ay booliska
Sweden u geysteen Col. Cabdi Xassan Cawaalle (Cabdi
Qeybdiid) oo haatan ku jira xabsiga magaalada Gothenburg
ee dalkan Sweden oo isagu lugu eedeeyey inuu lug ku
lahaa dad lugu laayey dalka Soomaaliya bilowgii
90-meeyadii.
Galabta saacaddu markey aheyd 3-dii galabnimo xilliga
Sweden ayaan annagoo ka tirsan bahda saxaafada magalada
Gothenburg tagnay xarrunta booliska ee ku xiran yahay
Cabdi Qeybdiid oo halkaas kula balanay sarkaalkii na
balamiyey kadib markii aan maanteydii hore u sheegnay
inaan nahay saxaafada Soomaalida ee magaalada. Xaqiiqdii
sarkaalkaas oo weji fur furnaasho noo muuiyey kadib
markii aan tusnay aqoonsigeenii saxaafadnimo Press
card). Ninka la yiraahdo Mats Glans Berg oo isagu u
qaabilsan xagga warbixinida (police information) ayaa
wax weydiinay arrimaha eedeysanahan oo ku sheegay in loo
xiray sababo laxirriira dawacwad lagu soo oogay kana
timid xeer ilaaliyaha guud ee gobolkan Mats Sällström.
Wuxuu sidoo kale sheegay
markey xirrayeen ay la kaashadeen wasaarada arrimaha
dibada Sweden oo iyadu sheegtay in ninkaas la xirri
karro sababo laxirriiro aqoonsi diblomaasiyadeed uusan
dalkan ku laheyn. Dhinaca kale xirriir aan la sameeyey
Wasiiru-dowlaha Dowlada Fedraalka iyo Baarlamaanka Proff.
C/raxmaan IBBI ayaa sheegay in arrintiisa ay maanta u
tageen wasarada arrimaha dibada walow uusan tafaasiil
dheerad ka bixin wixii ay kala soo kulmeen
mas'uuliyiinta wasaaradaas hadana wuxuu hoosta ka
xaqriiqay in wasaarada arrimaha dibada ay la wareegeyso
arrimhiisa oo intaas ku daray hadalkiisa in wasaaradu
sheegtay in wadankan aysan dhamaan hey'dihiisa dowladeed
aaney wadashaqeyn oo qolo walba ay howsheeda gaar u
leedahay xorna u tahay.
Si kastaaba ha ahaatee
maalinta berito ah oo arbaca ah ama maalinta ayaa lugu
wadaa in xeer ilaaliyaha guud ee gobolkan ku dhawaaqo
go'aanka la xirriirta xariga Col Cabdi Qeybdiid. Taasoo
noqon karta in dembiga lagu soo oogay loo xirro ama la
sii daayo iyadoon aan wax dambi ah lugu helin ama kasoo
bixin baaritaanka ay haatan wadaan qabiirada ku
takhausay dadka lagu soo oogo dagaal dembiyada.
Dhinaca kale wararka la
helayo qareenka Qeybdiid ayaa sheegaya inuu weli Mr
Qeybdiid iska fogeynayo eedeymaha loo heysto."ninka aan
wakiilka ka ahey wuxuu sheegay dadka dacwada ku soo
oogay iney yihiin kuwo doonaya iney isaga meesha ka
saaran, waana wax iska cad in xaalka Soomaaliya ahaa
mid aan caadi aheyn dagaalo lagu hoobtayna ay ka dhaceen
bilowgii 90-meeyaddii oo ay qof waliba qofka kale
dileysay" ayuu yiri Pieter Kjessler oo isagu ah
qareenka hada u doodaya Qeybdiid intaana ku daray inuu
sugayo markale xeer ilaaliyaha sameeyo baaritaan hor leh
oo arrimihiisa la xirriira balse marka hore tarjumanka
qadiyadan ahaado mid Cabdi Qeybdiid ogolaansho siiyo.
Ikraam Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalist.com
Shariif Xasan oo ka
Dhoofi Doona Sweden....
Wararka ka imanaya
dalka Sweden ayaa tibaaxaya in afhayeenka Baarlanaamka
Kumeelgaarka ah ee Soomaaliya, Shariif Xasan, uu ka
dhoofi doono Sweden kaddib markii ay u suurto geli
weydey in uu madaxda Sweden ku qanciyo in la sii daayo
Col. Qaybdiid oo kamid aha waftiga afhayeenka oo ka
koobna lix qof, waxaana Qaybdiid laga xiray hoteel uu
deganaa magaalada Lund, waxaan aloo gudbiyey magaalada
Goterberg.
Col. Qaybdiid oo ah
57-jir weli si rasmi ah looguma soo oogin sababtii lagu
xiray, waxaana wararka ka imanaya Sweden ay sheegayaan
in ilaa khamiista laga yaabo in uu war arrintaas
kusaasan ka soo baxo dawlada Sweden.
Tan iyo markii
ay soo yeertay xariga Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid ee
dalka Sweden ayaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka
gudihiisa iyo dibadiisa waxay isla dhex marayeen warar
fara badan oo la xiriira xariga Cabdi Qaybdiid gaar
ahaan ciddii ka dambeysay xarigiisa, waxayna wararkaa
qaar ay lahaayeen waxaa xariga Cabdi Qaybdiid ka
dambeeyay mas’uuliyiin sarsare oo oo ka tirsan dowladda
oo uu ka mid yahay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed,
kuwo kale ayaa iyana waxay leeyihiin “waxaa ka
dambeeyaba guddoomiyaha Baarlamanka isagoo u adeegaya
shaqsiyaad Soomaaliyeed”, waxayna kuwaan hadalkooda ay
ku lamaaniyeen “Haddii guddoomiyaha baarlamaanka ka
dambeeyo xariga Cabdi Qaybdiid sidii ayuu ku imaan
doonaa Magaalada Muqdisho.
Kuwo kale ayaa
iyagu waxay leeyihiin “waxaa la doonayaa in marka Cabdi
Qaybdiid la xiro in Guddoomiyaha Baarlamaanka uusan
taginba Magaalada Muqdisho, waana mu’aamarad laga soo
maleegay Magaalada Jowhar, lana doonayo in lagu dhabar
jabiyo nabad u sameyn gobalka Banaadir, maadaama Cabdi
Qaybdiid uu ka mid yahay Ragga u ololeynaya maamul u
sameynta Gobalka Banaadir”.
Kuwo kale ayaa
iyagu arrinta u saariyay arrimo qabiil waayo, waxay
yiraahdeen “Cabdi Qaybdiid waxa uu ka qaybgalay
dagaaladii sokeeye, dad u ciilqaba ayaa ka dambeeyay
xariga Cabdi Qaybdiid ama ka xumaa xarig horey loogu
geystey wadankaas kaasoo ahaa marxuum Gen Aadan Gabyow”.
Dadka qaar ayaa
fikrado midaan ka duwan qaba waxayna yiraahdeen
“Cabdi Qaybdiid waxa uu ahaa raggii sida aadka uga hor
yimid ciidamadii Mareykanka ee yimid dalka sanadkii
1992-dii wuxuuna xudun u ahaa bilowgii dagaalkii dhex
maray Mareykanka iyo taageerayaashii Gen, Caydiid
wuxuuna dhiirageliyay in ciidamada Mareykanka lagu jiido
Magaalada Muqdisho dariiqyadeeda.
Kuwo kale ayaa
iyaguna waxa ay ku fadhi dirirayeen “waxaa ka dambeeya
reer Gaalkacyadood iyagoo ka xun dagaaladii halkaas ku
dhex maray beesha Cabdi Qaybdiid uu ka soo jeeda iyo
kuwa ay halkaasi wada deganaayeen.
Xariga Cabdi
Qaybdii ayaa dadka Qaarkii waxay sheegeen in Dowladda
Sweden ay ku saxsanaynd in ay qabato sarkaalkaasi
maadaama ay ku tilmaameen in uu ahaa dambiile dagaal
halka kuwo kale ay sheegeen in dowlada Sweden ay ku
qaldanaynd xariga Cabdi Qaybdiid maadama dhamaan
hoggaamiyiishii Soomaaliyeed ee dirirtu dhex martay ay
ku heshiiyeen in wixii horey u dhacay laga soo qaado
xalay dhalay.
Kuwo kale ayaa
la soo booday “Cabdi Qaybdiid waa in Maxkamad la soo
taagaa sidii loo soo taagay hogaamiyihii hore
Seerbiyiinta Milosevic maadaama labadooduba yihiin
dambiilayal dagaal.
Haddaba aan is
barbar dhigno Cabdi Qaybdiid iyo Milosevic, aan ku
horeyno Milosevic waxa uu ahaa nin aad u naxiir daran oo
xitaa aan badbaadin jirin maxaabiista Dagaalka , halka
Cabid Qaybdiid uu ahaa nin ku jiray dagaal sokeeye isla
markaana xaq dhowri jiray maxaabiista la soo qabto,
Milosevic waxa uu ahaa nin ku dagaalami jiray hub aad u
culus oo ay ku jiraan diyaarado, halka Cabdi Qaybdiid
qoriga ugu weyn ee uu ku dagaalami jiray uu ahaa Hoobiye,
kaasoo waxyeeladiisu ay aad u yareyd marka loo fiiriyo
kan Milosevic.
Milosevic waxa
uu ahaa nin si aad ah ugu tiirsan Dowlad aad u xoogan
halka Cabdi Qaybdiid uu isagu ku tiirsanaa beeshiisa oo
qura, Milosevic waxa uu ahaa nin ay raali ka ahaayeen
dadkiisa, halka Cabdi Qaybdiid mararka qaarkood lagu
canaan jiray in dagaalka uu joojiyo maadaama dadka
Soomaaliyeed ay yihiin dad walaalo ah, balse Milosevic
waxaa laga dhaadhicin waayay in Boosniyiinta iyo
Seerbiyiinta ay yihiin dad hal wadan wada ahaan jiray oo
walaalo ah.
Cabdi Qaybdiid
lama dhihi karo waa Milosevic oo kale waayo Cabdi
Qaybdiid waxa uu ka dhex muuqday dagaal beeleed, dagaal
beeleed mar uu wadanka ka dhacana waxaa ugu dambeyntii
lagu soo gunaanadaa in wixii horey la iska iloobo, hase
yeeshee shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeedd ayaa
wixii horey u dhacay lagu afjaray, hase yeeshee shacabka
Soomaaliyeed waxay leeyihiin waxa is cafiyay waa 275
xubnood ee waxaa habooneyd in shacabka Soomaaliyeed la
weydiisto cafis si ay u timaado kalsooni iyo is aaminaad
aad u balaaran
MUQDISHO:
warar ku saabsan Xariga Cabdi
Qaybdiid ka akhri halkan... GUJI...
Imaamka C/llaalhi
khaliif Rooble “xariga Cabd Qaybdiid wuxuu cirka ku
shareerayaa dib u heshiisiinta .
Shaqsiyaad
Soomaali-yeed oo u ololeenaya sidii loo .
imaan Xasan Jiirow
“xariga Cabdi Qaybdiid Wuxuu dhabar jab ku ..
Cabdi Qaybdiid oo
gaashaanka ku dhiftay Eedeymihii loo soo j..
Banaanbax looga soo horjeedo Xariga Cabdi Qaybdiid ..
Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay oo ka hadashey..
Safaarada
Sweden ay ku leedahay Nairobi oo laga dalbadey.
Akhri Halkan......
.W/D: Amiin Yuusuf
Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
QORAAL KASOO BAXAY:
GOLAHA BADBAADINTA SHACABKA IYO XORAYNTA J/HOOSE
Golaha Badbaadinta
Shacabka iyo Xoraynta J/Hoose Waxay aad u soo
dhaweynayaan qabashada laqabtay Gacan kudhiigle LABA
XIDIGLE Cabdi Qeybdiid oo xasuuq ba'an ka geystey
dacadiilkii lagu sameyey soomaali aad u farobadan oo ka
dhacay muqdisho ilaa kismaayo oo waliba lahayo cadaymo
rasmiah.
Hadaba Golaha Badbaadinta Shacbka iyo
Xoraynta J/Hoose Waxay dawlada Swedhash ka codsanayaan
in talaabo adag laga qaado Gacan ku dhiigle Cabdi
Qeybdiid oo asgu ugu cadcadaa ragii hogaanka xasuuqa
kacanta kula jirey kana mid ahaa ragii dagaalka cululus
ku qaaday Ciidamadii uu hogaaminayey Americanka oo lagu
laayey Muqdisho.
Wuxuu ka mid ahaa ninkii ugu horeyey
oo dadka aan waxba galabsan marka loo keeno oran jirey
maxaad igu keenteen maad soo kharajisaan ka dibna asagu
intu istaago musbaarka madaxa kaga daloolin jirey
astaantaasna asagaa bilaabay wuxuu kale oo ka mid ahaa
Ragii xasuqa ba'an ka geystey Gobolka bay
Baydhabo,Golaha Badbaadinta Shacabka J/Hoose wuxuu soo
dhaweynayaa ciid allae iyo cidii gashay xadgudub lagula
kacay shacab aan waxba galabsan aad iyo aad ayey u soo
dhaweynaynaa,waxaana balan ku qaadeynaa in aan Taas lagu
sameyey Cabdi Qeybdiid aanu ku soo ogno Laba Xarigle
Barre Aden Shiire Hiiraale asagu ka mid ah raga hada ka
wada xasuuqa Goboolka J.Hoose Kismaayo,Hadaba Haddii
aanahay Golaha Badbaadinta Shacabka J/Hoose waxaanu
hanbalyo iyo Bogaadiin u Diraynaa Dawlada Swedash oo
Maanta Meel ka soo baxday.
Cidiii u bahan Fahfahiin Dheeraad ah hakal soo xirireen
Gudoomiyaha Golaha Badbaadinta Shacabka J/Hoose
MPLA-Minneapolis
Dr-Dahir Ali Hassan ( Dahir Hadal xaran)
d_yenka@yahoo.co.org
Waxaa soo tebiyey:
abdibarre ahmed |
jabriil62@hotmail.com
Qaybdiid
oo Jeegada la Qabtay iyo Koneylka oo “Dowladda” Garqaadaya
Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed
korkiisa ha ahaato.
Cabdulwaaxid
Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
Qofkii Ilaah iyo Rasuulkiisa yaqaan dabadeedna soo joogay
ama maqlay dambiyadii laga galay Soomaaliya iyo Soomaalida;
ineysan meelna u diireyn xiridda iyo dulleynta Cabdi
Qeybdiid iyo dagaaloogayaasha kale ee la halmaala. Sidoo
kale, dadkii dhiig ku leh ama dhib kale ka soo gaartay
dagaaloogayaasha, xaq bey u leeyihiin iney ku dacweynayaan
ciddii ay isleeyihiin wax bay ka qaban kartaa waxay
tabanayaan. Laakiin weli ma fahmin sababta korneyl C/hina
dowladda u horboodayo, dagaaloogayaasha kalana loo xirxirayo.
Miyaan korneylku imaan Ingiriis iyo Maraykan? Mise Sweden
baa ka xaq jecel labadaas waddan? Sida horay loo yiri:
Sweden waxay ku jirtaa dowladdaha qarash badan ku bixiyey in
dagaaloogayaal ay qeybsadaan jagooyinka waddanka ugu
sarreeya! Waxaan shaki lahayni in Sweden wax ku yeelan
doonto dagaalada looga baqayo Soomaaliya ileyn iyagaa wax ka
keenay dowlad lagu kala jabay. Waxay iigu darneyd markaan
maqlay Xuseen Ceydiid iyo kooxdiisa oo madaxtooyada ugu
dabbaaldegaya sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegtay
markii korneylka lagu dhaarshay Kenya!
Dowladdu dhacdhac badanaa! Xuseen Caydiid wuxuu yiri: waa in
Sweden mas’uulkaas ku sii deysaa si sharuud la’aan ah halka
Jeelle ka yiri: ninku waa gaashaanle ciidan ah laakiin ma
jirto dowlad iyo cid uu metelo. Ogoow Xuseen iyo Jeelle hal
(1) ka mid 4.5 bey qeyb ka yihiin. Soomaalidaa tiraahda:
ninna deden buu dhashay; ninna daalacan. Argagixisada
Soomaaliya joogta waa Xasan Daahir iyo Indho-cadde oo keliya!
Dagaaloogayaasha wax soo xasuuqeyna waa Qanyare iyo
Qeybdiid!
Annaga dagaaloogahayaga yaa noo dacweeya. Waxaan arkayey
website qortay in dad badan oo Soomaaliyeed oo Sweden
jooga ay isu diiwaangasheen iney dacwo kusoo oogaan
korneylka. Miyaan dadka shabakada Websiteku sheegeyo ahayn
kuwa sanadguurada madaxweynaha ugu dabbaaldegay Jowhar iyo
madaxtooyada ku taal Xamar? Ururro magac qabiil la baxay oo
leh haddaan arrintan ka dhiidhiyeynaana meelahaas bey ku
qoranyihiin. Ciyaarta siyaasaddu qaab loo dheelo bey
leedahay. Haddaad fursadda iska lumiso waxay qaadaneysaa
muddo inaad khadka kusoo noqoto. Hala siidaayo Cabdi
Qeybdiid ama hala heysto laakiin waxaa jirta in rag badan oo
halkaas (1) ka socda loo socdo sida Qanyare, Xasan Daahir
Aweys iyo Indho-cadde. Maxaa yeelay waxaa la arkey
hogaamiyayaal reer tolkood ah oo adduunka u sheegaya iney
nimankaasi argagixiso iyo dagaaloogayaal yihiin marka nin
ninkiisii farta ku fiiqayo miyaa laga filayaa in qabiil kale
wanaajiyo?
Inaan UN iyo cid kale dan kaa lahayn waxaa u daliil ah in
UN-tu ka hadashay daroogo lagu beero Soomaaliya halka aysan
wax ka qorin sunta lagu duugay Soomaaliya amaba ay beenisay.
Marka
daroogada iyo
suntuba waa labo khatar laakiin waxaa
shacabka Soomaaliyeed usii daran sunta oo noole oo dhan
khatar ku ah halka laga yaabo in Soomaalida badankeedu aysan
daroogo isticmaalin. Marka ninkii sunta duugeyna waa
madaxweyne halka kii daroogo beeray uu keligi dambiile yahay.
UN-ku waxay daroogada uga hadleysaa waxay u baqayaan dadka
reer Galbeed ah oo aad u isticmaala.
Maaddaama aynaan ka shacab ahaan ka celin karin ciddii dacwo
u heysata dagaaloogayaasha laakiin weli waxaa naloo ka
baahanyahay in waxa dowladda wadadhisanayaa ay yihiin dadkii
shalay sidaas isu galay; waxaa jira waxyaalo badan oo haddii
wanaag lagu gaarayo u baahan in isha laga qarsado. Anigu
waxaan aammisnahay in dacwada Cabdi Qeybdiid ay bilaabi
doonto in qabiilooyinka kalana bilaabaan iney dacwo ku soo
oogaan dagaaloogayaasha qabiilooyinka kale. Haddii taasi
dhacdo, waxaan sina u shaqeyneyn dowladda Zenawi gadaal ka
wado.
NINKII QEYRKIIS
LOO XIIRAYOW ADNA SOO QOOYSO!!!
Bal
magaca eeg. Waa Qaybdiid! Waa waxba kuuma ogoli! Waa
anigaa wada raba, anigaa iska leh, anigaa ku xukuma,
anigaa ku leh!. Waxaa argagax kugu ridaya cajalad
laga soo duubay Dagaalkii Sokeeye ee lagu
buunbuuninayey Mooryaantii kufsiga, dilka, dhaca iyo
boobka ka soo bilowday Xamar ilaa Gedo iyo Kismaayo.
Waxaa Mooryaantaa hogaaminayey Jenaraal Caydiid,
waxaase inta badan hogaanka hoose hayey niman uu ka
mid ahaa Korneyl Qaybdiid. Waxaa wax laga naxo ah
sida marka ay shirarka isugu yimaadaan Odayaasha
Beelahiisu ay cadaawada, afxumada iyo nacaybka u
muujinayaan. GUJI..... |
Ceebta ugu darran waxay joogtaa markii la arko qolyaha
dacweeyey Qeybdiid iyagoo Xuseen Caydiid ku soo dhoweynaya
Sweden ama meelo kale. Keliya wuxuusan mucaaradin korneylka!
Waxaan kaloo qabiilooyinka kale xasuusinayaa inay heystaan
waxay ka hadli karaan sida dagaaloogayaal kale oo Puntland
jooga oo iibsaday Puntland, ra’iisul wasaarihii oo soo jeeda.
Waxaan maalin dhoweyd akhrineynay jariidad ka soo baxda
Australia oo sheegtay
in shirkadi tiri: ma jirto cid ugu
heysata kheyraadka “Puntland”. Toloow ma Zenawi baa siiyey
shirkaddaas? Jariidaddu waxay soo qortay in Geeddi hoos uga
diray warqad uu ugu sheegayo in shirkaddaasi ka waantowdo
sheekadaas. Laakiin Geeddi ku dhici waa inuu korneylka
hortiisa ka akhriyo warkaas. Maxaa qolyaha Xamar jooga u
diiday iney arrintaas ka hadlaan oo baarlamaanka horgeeyaan?
Waxaan leeyahay: barbarkey ka baxdaa waa bakeylo qaleen.
Marka qoladii aan dagaaloogaha qolada kale maxkamad
horkeenin ma aha qolo jirta.
Cabdulwaaxid
Khaliif |
cabdulwaxid@hotmail.com
XARIGA INA-QAYBDIID, WAA GUUL U SOO HOYATAY INTA CADAALADA
JECEL, WAANA HADIYAD UU EEBE BISHA RAMADAAN UGU TALAGAY
DULMANAYAASHA SOOMAALIYEED!!!
Soomaaliya tan iyo intii maamulka kaligii taliska ahaa ee
Ina Siyad qabsaday talada xukunka, waxaa shacabka
Soomaaliyeed lagu hayay xasuuqyo isdaba joog ah, xasuuqaas
qaar waxaa gaystay askartii ka Amarqaadan jirtay Ina Siyad
iyo saraakiishiisii. Askartaasi waxay lahayd qabiilkasta oo
cid maanta orankarta reer hebel ayay ahaayeen ama reer hebel
baa ka maqnaa majirto, walaw ay u badnaayeen qolooyin
mucayin ah.
Xasuuqyadaasi dowlad kusheegii xiligaasi u gaysatay shacabka
Soomaaliyeed waxay badan koodu ka dhaceen Gobolada waqooyi
bari (Mudug iyo Nugaal) iyo Wagooyi galbeed (Hargeisa, Burco
iyo Berbera). Shacabka labadaas deegaan waxaa lagula kacay
ficilooyin bahdil ah, sida kufsi, dhac, ladagalan dhaqaale,
waxbarasho, xoriyadeed, ceel dumis, xabsi, jidh dil,
toogasho iyo xasuuq aan xad lahayn. Magaalooyin ayaa loo
adeegsaday awoodii dowlada ee loogu talagalay in shacabka
looga difaaco cadowga dibada, sida dabaabado, madaafiic iyo
diyaarado ay wadaan calooshood u shaqaystayaal.
Hadaba
burburkii ku yimid dowlad ku sheegii ina Siyaad bare, kadib
waxaa bilowday dagaalo lagu doonayay in lagu dabargooyo
qabiilo katirsan shacabka Soomaaliyeed. Dagaaladaasi kuwo
leh mabda Islaanimo, siyaasad xisbi ama urur iyo aragti
aadane midna may ahayn marka laga reebo inay ahaayeen
dagaalo ka duulaya ama xambaarsan nacayb qibiil iyo isku day
dabargoyn shacabka aan hubaysnayn ee ku noolaa koonfurta
Soomaaliya. Xasuuqaasi meelihii u darnaa ee uu ka dhacay
ilaa maantana ka socdo waxaa ka mid Muqdisho, Kismaayo,
Baydhabo, Marka, Baraawe, Jilib, Afgooye, Dafeed, Qoryoolay,
salaanbood, Jnaale, Dhnaane, iyo Dhooblay, iwm.
Xasuuqyadaasi waxay sababeen inay ku nafwaayaan 600,000 oo
nafta daahirka ah ee Islaamka ah ee Soomaaliyeed. Ragii
xasuuqaas Islaanimada iyo Ibn aadanimada ka soo horjeeda
gaystayna waa raga maanta shacabka Soomaaliyeed ka hortaagan,
xoriyada, aaya kataliska, dowladnimada, iyo in Soomaaliya ay
dib markale ugu soo biirto beesha caalamka ee nabada jecel.
Waxaa
jira kumanaan dhalinyaro ah oo lagu hordilay waalidkood,
kumanaan hooyooyin Soomaaliyeed oo lagu gablamiyay ifka,
Kunamaan waalid oo owlaadoodii aan qaanka gaarin la gowracay,
kumanaan gabdhoor oo la faraxumeeyay, dhamaan dadkaasi
maanta waxay ku sugan yihiin badankoodu qurbaha, waxayna
iyagoo wakiilka ah malaayiinta Soomaaliyeed ee maanta
deegaamadooda lagu silicdilyeeyo, wacad eebe ku galeen inay
cod u noqdaan sidii cadaalada loo horkeeni lahaa dadka
ficilooyinkaas waxashnimo gaystay ilaa maantana wada ee aan
ka waantoobin. Waxay habeen iyo dharaar sujuuda Salaada
Eebe ku waydiistaan inuu ciribgooyo, oo xididada u siibo ,
aduunkana silic iyo duli , aakhirana xisaab iyo jaxiima iyo
haaweeya geeyo kuwa gaystay xasuuqyadaasi ilaa maantana ku
haya dulmiga shacabka laga tirade badan yahay ee koonfur
Soomaaliya. Allahna , sida uu nabigu inoo sheegay degdeg
ayuu ducooyinka madluumka u ajiibaa.
Hadaba,
waxa Ina Qaybdiid ku haysta dalka Sweden waa cadaaladii Eebe
oo shaqaynaysa, jawaabtii Alle ee ducada kuwa dulman oo ifka
ku soo degdegtay, waa xukunkii Xaakimka wayne, waa qadartii
oo bisha Ramadaan la idmay.
Soomaalidu waxay tiraahdaa, nin asaagiis loo xiirow adna soo
qoysa, ama nin qayrkii loo xiiroow maxaad sugi.
Ula
jeedada Maqaalkayku maahaa mid ku aadan cid gaar ah, laakiin
waa mid ku socda qofkasta oo Shacabka Soomaaliyeed dulmi ku
sameeyay oo ku gabood falay, shacabkaasi ciduu doono ha
noqdee, ama gabood faluhu cidii doono haka soo jeedee,
midabkuu koono halahaadee: Qabiilkii iyo beeshii ay doonaan
ha ahadeene... Iwm…..
Qofkii u
barooranaya ina Qaybdiid, qofkii jaahiliyada iyo anaaniyada
qabyaaladu weli haysoow, daawada Cajilada Fiidiyooga ah,
taas oo uu waraysanayo laba wiil oo aan qaan gaarin, kuwaas
oo deegaamadooda, qabiilkooda, iyo qoysaskoodaba weerar aan
geed loogu soo gaban, xaq daro ah, xeerka iyo Islaanimadana
ka fog ku hogaaminayay ina-qaybdiid iyo mooryaanta aan
maskaxdooda adeegsan maandooriyaha mooyaane, wiilashaas oo
uu hayb qabiil iyo waraysi dhow suàalood kadib amyray in
latoogto. Taasi waa haldhacdo oo markhaanti madoonta ah,
waxa intaa ka sii daran inta dhacdo oo markhaantiyadoodii
maanta qurbaha ku kala firiqsan yihiin, kuwaas oo u heelan
sida cadaalada Eebe ku ogyahay inay ugu markhaanti furaaan
gacan ku dhiigle, ina Qaybdiid.
Yaa
maanta filayay in dal yurub ku yaal uu cadaalada Eeba
Raxmaan u adeegi, laakiin waa sida uu eebe Quraankiisa ku
sheegaye (laa yaclamu junuudu rabika ilaa Huwa) askarta eebe
cidina ma taqaan isaga mooyaane!!!!
Hargaisa
iyo Burco, Garoowe iyo Galkacayo, Baladwayne iyo Jalalaqsi,
Muqdhisho iyo Marka, Shalaanbood iyo Qoryoolay, Baraawe iyo
Buulo Xaaji, Dhooblay iyo Dhanaane, Baydhabo iyo Baardheere,
Kismaayo iyo Kunturwaaray, Afgooye iyo Daafeed, Jilib iyo
Jamaame, Luuq iyo Baladxaawo, intii xasuuqa ka gaysatay,
intii ku faraxday, intii dhaqaalaha ku bixisay, iyo intii
niyada kala jirtayba, Ifkana Xusuus aan Ilowsho lahayn, iyo
dadkii ka soo haray xasuuqyadaas iyo Eheladooda iyo inta
Cadaalada jecel oo cagta cagta idiin saari, fursad kasta oo
ay helaan oo cadaalada la idinku horkeenina adeegsan doona,
Aakhirana, Raxmaanka waynee macbuudka ah, iyo xisaabtiisa
aan la inkiri Karin,markhaanti beenaale iyo dhaar been ah
agtiisa ka socon Karin, iyo ciribtiisa oo xisaab dhakhso ah
iyo cadaab kulul.
Wabilaahi Towfiiq,
Jabarti
Osman
jabarti2020@hotmail.com
Waxaan
xubin ka ahayn malaayiinta maatada ah ee Soomaaliyeed ee uu
Allah kasoo badbaadshay xasuuqyadii Ina Siyaad iyo Ina
Qaybdiid iyo inta la midka ah. Walow Eheladaydii inbadani
ay ku nafwayday. Inaa Lilaahi wa inaa Ilayhi Raajicuun.
Xariga
Cabdi Qaybdiid Yaa ka danbayay?
Abdalle Ibrahim
Osman(saajinka) Political analyst.
Abdallei@yahoo.com
Waxaa taariikhdu
markii ay ahayd 17th/oct/2005 ciidanka Policeka ee
wadanka Sweden xabsiga dhigeen Col Cabdi Qaybdiid oo
ka mid ah qabqablayaasha Shacabka Somaliyeed xasuuqay
kuwa ugu cadcad, Hadaba waxaa lays weydiinayaa cida
kadamaysay Xariga Loo gaystay Cornelka, Iyo cida kusoo
oogtay dacwada loo haysto una gudbisay Case kan
Policeka Wadanka Sweden?.
Col Cabdi Qaybdiid waxaa
uu ka mid ahaa Warlords kii Xasuuqa ka gaystay Somalia
15 sano Gaar ahaan meelaha la leeyahay waxa uu ka
qaybqaata
gumadkii ka dhacay waxaa
ka mid ahaa Muqdisho, Baydhabo, Barawe, Kismayo iyo
Kalkacyo, Marka halkaan waxaanu ka dareemaynaa inaanay
cid gaara ah aan farta lagu fiiqi Karin oo aan la
orankarin cidaas ayaa falkaas soo maleegay, waana dacwad
ay si wada jir ah u gudbiyeen dhamaan dadkii eheladooda lagu
laayay ama ay wax ku gaareen,
Waxaana laga yaaba in
Cabdi qaybdiid "Case kiisa" loo gudbiyo maxkamada
dambiiyada caalamiga ee Hague(International criminal court)
Hadii danbigaas lagu helona uu mutaysankaro Xabsi daaim.
Waxaa jira Ururo Sheeganaya
inay udoodaan xuquuqda aadanaha Kuwaasoo magacya beeleed
wata, isla markaana Cabdi qaybdiid difaacaya iyaga oo iska
indha tiraya dambiga uu ka galay dadka iyo dalkaba,
Marka mexey ururadaani u xasuusan waayeen boqolaalkii qof
ee Rajidka ahaa (innocent people) kuwaasoo si bareere ah ay
u xasuuqeen Cabdi Qaybdiid iyo ragiisu, Marka run
ahaantii talaabadaan ay qaday Sweden oo ay xabsiga ku
dhigtay Cornelka waa talaaba muhiim ah marka loo eego
waqtigaan iyo daruufaha jira awgood maaha Cabdi qaybdiid
keliya laakiin waa in daba gal lagu samayaa dhaman
qabqablayaasha dagaalka waana in laqaadaa olole ka dhan
ah xadgudubka(Anti-aggression campaign).
Ololahaas oo cunaqabatayn lagu
saarayo qabqablayaasha dagaalka Somaliyeed dadka
badanaana waxay aaminsanyihiin hadii aan layska qaban
hogaamiyaasha hubaysan in aan wax horumar ah laga gaari
Karin Somalia sidaas daraadeen waa in cunaqabatayn lasaara
hogaamiyayaasha hubaysabn gaar ahaan waa in Report yadooda
loo gudbiyaa maxkamadaha Denbiyada, Hadii aan taas lagu dhaqaaqin
oo dadka Criminals ka ah lagu difaaco hanaan beeleed Wax
harumar ah oo laga gaari karo majiraaniin khilaafka dheeraaday
ee Somalia.
Ugu danbayntii waxaan usoo
jeedinayaa shacabka somaliyeed meel walba ay joogaan
inay si wada jir ah isaga qabtaan waxmagaratada calooshood
u shaqaystayaasha ah caqabadna ku ah nabad ku wada
noolaanshaha umada walaalaha ah ee Somaliyeed iyo cid
walba oo lidi ku ah horumarkooda.
Abdalle Ibrahim
Osman(saajinka) Political analyst.
Abdallei@yahoo.com
Haku waana qaateen ragii ku
xadgudbey bulshada Soomaaliyeed
xadhiga cabdi qaybdiid:
waxaan salaan guud u soo
tebinayaa dhamaan bahda wargeyska ku soo dedaaley iney
bulshada somaliyeed meeley kala joogaanba u soo tebiyaan
wararka kala duwan ee ka dhacaya aduunka baalihiisa salaan
kadib.
waxaan halkan ku soo cabiri
doonaa fekrad ahaan waxaan ka ogahey iyo waxaan ka tilmaami
karo tulaase gaaban xadhiga cabdi xasan cawaale qaybdiid
inuu yahay mid sharci ah iyo inuusan aheyn mid sharci daro
ah.
1:ma runbaa dembiga lagu
soo xidhey cabdi? waxaa muhiim ah in hadii cabdi qaybdiid
lagu hayo dilkaas lagu soo oogey inuu dhacey wax cadeynaya
lagu hayo hala soo taago maxkamad hadii aan waxba cadeyn
dhab ah lagu heyn yaan la sharaf dilin ninkaas.
waxaase dad badan isl adhex
marayan inu yahay ragii bur burka ka qayb qaadey dagaalo
badan haduu ruux dagaalo ka soo qayb qaatana wuu soo gelayaa
kiiska jira waxase iyana mudan cabdi qaybdiid inuu 7 sanee
ugu dambeeyey xarunta muqdisho ka soo qayb qaatey amaanka
caasimada iyo maxakamadaha in badan uguna hurey dedaal
badan amaanka xamar marka taasna yaan la dhaafin ruuxa wuxuu
soo qaybtey haloo tix geliyo ee uma ku soo liibantey iyo
wuxuu dhib geysteyba.
xasuus muhiim ah khuseysa rag badan hadii dambiga lagu
cadeeyo cabdi qaybdiid
2: in kuli maxkamad deg deg
ah la soo wada taago ragan halkan ku qoran (Liiska magacyada
oo ah 27 waxaa lagala xiriiri karaa qoraaga emailkiisa hoos
ku qoran).
haku waana qaato xadhiga iyo jeelka loo taxaabey cabdi xasan
cawaale qaybdiid qab qable kastoo umadda somaliyeed u laaya
si bilaa sharci ah kuli waxaa idin wada sugaya ragaas
xadhigaas iyo inaad kuligiinba ku waartaan xabsi halis
naftiina ku keena hadii rag badan moodeen inla moog yahay
ama la hilmaamey: ku quuso qudhaanjo. weysha gowrac dibigu
haku quustee.
hadii nin kastoo umadda dhiba la soo taago maxkamad la hor
keeno sharciga waxaa bad baadaya umadda inta hadhey hadaanse
waxba laga qaban waxaa sii dhiman doona bulshadda inta ka
hadhsan intey hore u laayeen ragaasu ama jeel u dhigeen.
by c/casiis
cabdicasiis1971@yahoo.co.uk
Afeef: Aragtida maqaalada
waxaa leh qorayaasha ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Oct 19, 2005
MUQDISHO:
warar ku saabsan Xariga Cabdi
Qaybdiid ka akhri halkan... GUJI...
.Imaamka C/llaalhi
khaliif Rooble “xariga Cabd Qaybdiid wuxuu cirka ku
shareerayaa dib u heshiisiinta .
.Shaqsiyaad
Soomaali-yeed oo u ololeenaya sidii loo .
.imaan Xasan Jiirow
“xariga Cabdi Qaybdiid Wuxuu dhabar jab ku ..
.Cabdi Qaybdiid oo
gaashaanka ku dhiftay Eedeymihii loo soo j..
.Banaanbax
looga soo horjeedo Xariga Cabdi Qaybdiid ..
.Dowladda Federaalka ee fadhigeedu yahay oo ka hadashey..
.Safaarada
Sweden ay ku leedahay Nairobi oo laga dalbadey.
Akhri Halkan......
Col. Cabdi Qeybdiid oo ay Gacanta ku Dhigeen Ciidamada
Booliiska Sweden
Xalay habeenimadii waqti-dambe
ayaa Booliiska Dalka Sweden waxay qabteen Cabdi-Qeybdiid
iyagoo amar ka helay Xeer-ilaaliyaasha Caalamiga ee
Magaalada Gothenberg. Qeybdiid ayaa booqasho ku joogay
Sweden...
Guji... Oct 17
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
|