Canada oo Xabsiga u
Taxaabtay nin Reer Rwanda ah oo Lagu eedeeyey
Fal-Dembiyeedyo Dagaal (Xasuq) uu Ka Geystey Rwanda
Sannadkii 1994...
- Tarjumadii
SomaliTalk.com | Oct 20, 2005
Baaritaan socdey
shan-sano kaddib, Ciidanka Booliska Canada ee loo yaqaan
RCMP (Royal Canadian Mounted Police) iyagoo
cuskanaya xeerka Canada ee "War Crime Act" waxay xabsiga
u taxaabeen nin reer dalka Rwanda oo Qaxotinimo kujoogey
Canada, waxaana lagu soo oogey dacwad ku saabsan
fal-dembiyada dagaalka (War Crime).
Ninkan oo magaciisa la
yiraahdo Desire Munyaneza oo 39-jir ah waxaa lagu xiray
caasimada gobolka Ontario ee Toronto maalinadii Arbacada
(Oct 19, 2005), kaddib markii waraysiyo dheer lala
yeeshay dad goob joogayaal ahaa oo ku sugan Rwanda,
Yurub iyo Canada.
Munyaneza waxaa lagu
soo oogey toddoba dacwadood oo ay kamid yihiin: Labo
dacwadood oo ah xasuuq, laba dacwadood oo ah dembi uu
kagalaya aadaminamada iyo saddex dacwaddoo oo ah
fal-dembiyeedyo dagaal.
Booliisku faahfaahin
dheeraad ah kama bixin dacwadaas, aan ka ahayn in ay
sheegeen in ninkan lagu xiriiriyey dil dhacay intii uu
ku noola Rwanda.

Wasiirka
caddaalada Canada, Irwin Cotler, oo ka
jawaabayey su'aalo laga weydiiyey xariga ninka
reer Rwanda. |
Munyaneza waa qofkii
ugu horeeyey oo ay Canada kusoo oogto dacwad noocaan ah
iyadoo la cuskanayo qaanuun ay Canada dejisatay bishii
October ee sannadkii 2000 kaas oo ku saabsan dacwadaha
fal dembiyada laga galo bini'aadamka iyo fal
dembiyeedyada dagaalka.
Qaramada midoobey
laanteeda u qaabilsan xuquuqda aadamigu waxa ay
Canada ku ammaantay xarigaas ay ninkaas xabsiga u
taxaabeen. Nin u hadlayey Qaramada Midoobey ayaana yiri
waa in dal kasta oo albaabada u fura qaxootiga ama
laajiyiinta uu feejignaadaa si aysan ugu soo dhuuman
kuwa ay tahay in aan magan gelyo lasiin.
Wasiirka Caddaalada
Canada, Irwin Cotler, oo isagoo Arbacadii Joogey
Caasimada Canada ee Ottawa, ka jawaabayey su'aalo laga
weydiiyey xariga ninkan, ayaa waxa uu warfidiyeenada u
sheegay in Munyaneza dacwad lagu saari doono maxamad ku
taal Canada. Waxaana wararku tibaxeen in Munyaneza
Khamiista (Oct 20) la hor keeni doono maxkamad kutaal
Montreal, Canada.
"Sharcigu wuxuu
ogolaanayaa in dacwada lagu saaro dalka gudihiisa
dembiyada la xiriira fal-dembiyeedyada dagaalka - iyadoo
aan loo eegay meeshii uu fal-dembiyeedkaasi ka dhacay."
ayuu yiri wasiirka caddaalada Canada.
Waxaa jira fikrado kale
oo tibaaxaya in ay haboon tahay in la geeyo maxkamada
Caalamiga ah ee la saaro dadka gala fa-dembiyedyada
dagaalka ee ku taal Hague (Netherlands).
Tiro ka badan 800,000
oo qof, oo badankoodu ahaa Tutsi laga tirada badan yahay
ayaa lagu diley Rwanda,waxaan adilkaasi dhacay 100
maalmood oo ay ku fuliyeen olole xasuuq ah oo ay
geysteen Hutus, sannadii 1994.
VIDEO:
Halkan ka daawo war kusaabxan Xariga Ninka Reer Rwanda
AKHIRS:
Warsaxaafadeedkii Boliska Canada ay kasoo saareen Xariga
ninka reer Rwanda
AKHIRS:
WARBIXINTII HAY'ADDA XUQUUQUL INSAANKU KAQORTAY XASUUQII
RWANDA
Tarjumadii
SomaliTalk.com | Oct 20, 2005
Muqdisho: Banaanbax looga
soo horjeedey Xarigga Cabdi Qaybdiid
»Muuse
Suudi “Xariga Qaybdiid waa afduub laga maleegay..
»Qanyare
“Cabdulahi Yuusuf maa la xiro isagaa qirtey..
»Cabdi
Qeybdiid oo qareen cusub loo qabtay...
Wararka oo dhan ka akhri
halkan... GUJI...
Wararka iyo
Maqaallada Laga Qoray Xariga Qaybdiid
»Imaamka
C/llaalhi Rooble “xariga Cabdi Qaybdiid..
»Shaqsiyaad
Soomaali-yeed oo u ololeenaya sidii loo..
»imaan
Xasan Jiirow “xariga Cabdi Qaybdiid Wuxuu..
»Cabdi
Qaybdiid oo gaashaanka ku dhiftay Eedeymihii
»Banaanbax
looga soo horjeedo Xariga Qaybdiid
»Dowladda
Federaalka oo ka hadashey Xariga Qaybdiid..
»Safaarada
Sweden ay ku leedahay Nairobi oo laga dalbadey.
»Video
ay soo bandhigtay shabakada aftonbladet..
»Warbixin
kusaabsan xarigga Cabdi Qaybdiid...
»Haku
waana qaateen ragii ku xadgudbey bulshada
»Qoraal:
Golaha Badbaadinta Shacabka J/Hoose..
»Qaybdiid
oo Jeegada la Qabtay iyo Koneylka oo..
iyo qoraalo
kale ka oo la xiriira ... akhri halkan. GUJI Oct 19
Col. Cabdi Qeybdiid oo ay Gacanta ku Dhigeen Ciidamada
Booliiska Sweden
Xalay habeenimadii waqti-dambe
ayaa Booliiska Dalka Sweden waxay qabteen Cabdi-Qeybdiid
iyagoo amar ka helay Xeer-ilaaliyaasha Caalamiga ee
Magaalada Gothenberg. Qeybdiid ayaa booqasho ku joogay
Sweden...
Guji... Oct 17
Terry
oo Xusuusan Waayey Heshiiskii Shiidaalka ee "Consort" iyo
Puntland
Ra'iisul wasaaraha DFKMG oo warqad u
diray suuqa Ganacsiga Australiya ayaa si weyn uga digey
cawaaqibka ka dhalan kara heshiiska Puntland iyo shirkadaha
Shisheeye, waxaana arrintaas qoraal dher ka qortay jariidada
'The AGE'
Guji...
Oct 17
|